Ra’iisulwasaaraha XFS oo Axmed Xasan u magacaabay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Caddaaladda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Agaasimaha Guud ee Arrimaha Caddaaladda ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka u magacaabay Mudane Axmed Xasan Yuusuf.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mudane Axmed kula dardaarmay hufnaan, daacadnimo, iyo xil-gudasho.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii saddexaad

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Waxaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad ee Culimada, oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 300 oo culimo Soomaaliyeed, oo ka kala yimid gobollada dalka, dalalka Afrika, Yurub iyo Mareykanka.

Maalinta saddexaad ee shirweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa amniga,midnimada bulshadda,dowlad wanaaga iyo guulaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka gaareen Khawaariijta.

Shirka maanta ayaa waxa lagu soo bandhigayaa doodo culus oo taabanaya dowlad wanaaga iyo la dagaalanka fikradaha gurracan ee Khawaarijta.

Wasiirka Warfaafinta oo gaaray Qaahira oo uu uga qaybgalayo shir muhiim ah

Qaahira: Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirka 55-aad ee golaha wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta.

Wasiirka iyo wafdiga la socday ayaa maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u jooga dalkaas, mudane Cali Cabdi Awaare.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray shirka 2-aad ee hay’adda aqoonsiga Qaranka ee NIRA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo laba maalmood ah ka socday Caasimadda Muqdisho, isaga oo ammaanay shaqada Hay’adda Aqoonsiga Qaran ee NIRA, muwaadiniinta Soomaaliyeed ee isdiiwaan-geliyey, talo-soojeedinta khubarada iyo horumarinta Aqoonsiga Dijitaalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in shirkan qaran uu muujinayo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay dhammaystirka hirgelinta nidaam Aqoonsi Qaran oo mideysan, casri ah, ammaan ah, kaas oo tiir muhiima u ah dowladnimada, amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada, waxa uuna adkeeyay in go’aannada shirkan lagu xoojiyo qorshaha qaran ee dhismaha adeegyo dowladeed oo ku saleysan tiknoolojiyadda casriga ah.

“Dalkaan Soomaaliya ayaa la dhahaa waxaana leh Muwaadiniinta Soomaaliyeed, Muwaadin qaado Kaarka aqoonsiga NIRA, maanta waa fudud yahay, waxaa imaan doonta xilli la’aantiisa noloshu istaagi doonto, aan la jaan qaadno dunidan casriga ah, Dalkaan 35 ka hor halkuu joogay ma sii joogayo, dastuur, doorasho qof iyo cod, waa inaan ku dhaqannaa qawaaniinta caalamiga ah, una noolaanaa sida adduunyada kale looga nool yahay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku booriyey dhammaan hay’adaha dowladda in ay si wadajir ah u fulinayaan qorshayaasha iyo tallooyinka wax ku oolka ah ee laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka, si loo dhammeystiro in shacabka Soomaaliyeed oo idil ay helaan Aqoonsiga Qaranka, lana xoojiyo kalsoonida ay ku qabaan dowladnimada iyo dalka.

       

Wasiirka amniga oo Marroco uga qaybgalay shirka 93-aad ee INTERPOL

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa magaalada Marrakech ee dalka Morocco kaga qaybgalay Shirka 93-aad ee INTERPOL, kaas oo looga hadlayo amniga caalamiga ah, ka hortagga dambiyada xudduudaha, la dagaallanka scam centers-ka, ballaarinta awoodaha booliiska caalamiga ah, kor u qaadista wadaagista xogaha, iyo hirgelinta habraacyada casriga ah ee INTERPOL.

Inta uu shirka socdo, Wasiir Fartaag waxa uu soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay xoojiso doorkeeda ku aaddan INTERPOL, hormarinta iskaashiga amni ee caalamiga ah, iyo kasbashada taageero farsamo, tababarro iyo qalabeyn casri ah oo loogu talagalay hay’adaha amniga dalka.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo uu weheliyo Taliyaha INTERPOL ee Soomaaliya, General Maxamed Cali Dhoorre ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiir ku-xigeenka Amniga Dadweynaha ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Mr. Xu Datong. Kulankaasi waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, kobcinta iskaashiga amniga, tababarrada, qalabaynta hay’adaha amniga, wada-shaqaynta, iyo la dagaallanka argagixisada.

  

Wasiirka Qoyska oo daahfurtay ololaha 16-ka Maalmood ee la dagaallanka tacadiyada loo geysto Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha “16-ka Maalmood ee la Dagaallanka Tacadiyada loo geysto Haweenka, Ololahan ayaa 16-ka cisho ee soo socota si xooggan uga socon doona guud ahaan dalka.

Munaasabadda daah-furka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Bashiir Cumar, wakiilo ka socda Ururrada Haweenka, Bulshada Rayidka ah, iyo Saaxiibada Caalamka.

Wasiir Khadiija ayaa khudbaddeeda furitaanka kula wadaagtay kasoo qeyb-galayaasha dadaallada joogtada ah ee ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS ugu jirto sidii loola dagaallami lahaa tacadiyada loo geysto Haweenka Soomaaliyeed.

Wasiir Khadiija ayaa si gaar ah u xustay in dadaallada Wasaaradda ay ugu muhiimsan yihiin diyaarinta iyo meel-marinta shuruucda lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, kuwaas oo ay kamid yihiin:

1. Hindise-Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada.

2. Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga (FGM).

Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka waxay ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inay ka qeyb qaataan ololahan qaran, si loo xaqiijiyo badqabka iyo sharafka haweenka Soomaaliyeed.

     

NISA oo hawlgal ku dishay horjoogihii khawaarijta u qaabilsanaa Qaraxyada Shabeellaha hoose

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan, ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa xalay howlgal si qorsheysan loo fuliyay ka sameeyay deegaanka Cumar Beerre ee gobolka Shabeellaha Hoose. Halkaas oo lagu bartilmaameedsaday Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa diyaarinta qaraxyada iyo falalka amni darro ee argagixisadu ka fulin jireen gobolkaas.

Horjoogaha la beegsaday oo lagu magacaabi jiray Xasan Siidoow Xuseen, ayaa ahaa maskaxdii abaabulka qaraxyada dhulka lagu aaso ee lagu dhibaateyn jiray dadka shacabka ah iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka gobolka Shabeellaha Hoose, dhagar-qabahan ayaana door muuqda ku lahaa qorsheynta iyo hagista weerarada Khawaarijta ee halkaas ka dhici jiray.

Ciidanka Gaashaan oo muddo dheer ku raad joogay horjoogahan, ayaa ugu dambeyn xalay ku guuleystay in ay soo afjaraan Horjooge Xasan Siidoow Xuseen iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa, kuwaas oo la socday xilligii hawlgalku dhacayey.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa kordhiyay dadaalka lagu xaqiijinayo nabadgelyada shacabka isla markaana lagu cirib-tirayo haraadiga Khawaarijta.

Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

Wasiirka Maaliyadda oo Daah-furay Mashruuca SPRING ee Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay mashruuca Soomaaliya” Productive, Resilient, and Inclusive Growth” oo uu Bangiga Adduunka ku maalgelinayo lacag dhan $105 milyan.

Mashruucan, oo dhaqangalay 6-dii Agoosto 2025, wuxuu diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha dalka, taageeridda ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo abuurista fursado shaqo, isaga oo wax ka qabanaya caqabadaha hor taagan horumarka dhaqaale.

SPRING waxaa hoggaaminaya Wasaaradda Maaliyadda iyada oo loo marayo Qaybta Hirgelinta Mashruuca (PIU), waxaana la shaqaynaya hay’adaha muhiimka ah ee dhaqaalaha, oo ay ka mid yihiin:

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya – dib-u-habeynta nidaamka maaliyadeed,

FRC – xoojin nidaamyada AML/CFT,

Barnaamijka Gargaara – kor u qaadista maalgelinta MSMEs,

NIRA – hirgelinta Aqoonsiga Dijitaalka ah ee Qaranka,

Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha – tayaynta nidaamyada diiwaangelinta ganacsiga.

Iskaashigan hay’adaha badan wuxuu dhisayaa saldhig dhaqaale oo casri ah, hufan oo u fudud ganacsatada Soomaaliyeed.

Mashruuca SPRING ayaa lagu qiimeeyay inuu si dhab ah uga qayb qaadanayo horumarinta deegaanka ganacsi, xoojinta nidaamka maaliyadeed, iyo kordhinta fursadaha maalgelin ee dalka, isaga oo dhisaya mustaqbal dhaqaale oo waara oo u furan bulshada Soomaaliyeed.

    

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad ee Culimada, oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 300 oo culimo Soomaaliyeed, oo ka kala yimid gobollada dalka, dalalka Afrika, Yurub iyo Mareykanka.

Maalinta labaad ee shirweynaha waxaa diiradda lagu saarayaa horumarka dalka, amniga Caasimadda, guulaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka gaareen Khawaariijta iyo fidnada ka dhalan karta colaadaha Qabaa’ilka.

       

Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

Inta lagu guda jiray shirka, waxaa lagu soo bandhigay guulaha la taaban karo ee ay NIRA gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan dhismaha iyo hormarinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka. Sidoo kale, waxaa la soo jeediyay doodo iyo cilmi-baarisyo muhiim u ah horumarinta adeegyada aqoonsiga iyo casriyeynta nidaamka maamulka xogta muwaadiniinta.

Shirka waxaa ka qeyb galaya hay’adaha dowladda federaalka, kuwa dowlad-goboleedyada, madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay, wakiillo caalami ah iyo marti sharaf kale.
Maanta ayaa lagu wadaa in shirku si rasmi ah u soo gabagaboobo, waxaana soo xiraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.