Ra’iisulwasaaraha XFS oo safar ugu baxay dalka Marooko

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saakay u amba-baxay dalka Marooko, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Madasha sanadlaha ah ee MEdays.

Madasha oo sanadkan ay ka soo qeybgalayaan 120 waddan, isla markaana uu martigelinayo Boqorka Marooko, ayaa Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka, dadaallada dowladdu ku xoojinayso amniga iyo dowladnimada.

MEdays oo sanadkan la qabanayo Shirkiisii 17-aad, ayaa waxa uu diiradda saaraya isbeddellada xawliga ku socda ee siyaasadda caalamka, mustaqbalka amniga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka dalalka adduunka.

 

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, Ambasador Alper Aktas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha horumarinta, socdaalka, iyo sare u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed, iyadoo sidoo kale la xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo 60 sano jirsaday.

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka Qaranka (Lr. 26/2024) iyo Xeerka Ururrada Siyaasadda iyo Xisbiyada (Lt. 27/2024), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/11/2025 kulan ku yeeshay xarunta dhaxe ee Guddigu uu shir-gudoomiyey Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga waxaa ay soo saareen go’an ku saabsan muddada soo gudbinta liisaska murashaxiinta Golayaasha
Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii uu tixgeliyay:-

1. Guddigu oo ka jawaabaya codsiyo rasmi ah oo kaga yimid qaar ka mid ah Ururrada Siyaasadda oo dalbaday in la siiyo waqti dheeri ah oo ay ku soo gudbiyaan liisaskooda murashaxiinta.

2. In la hubiyo in liisaska murashaxiintu nogdaan kuwo dhammaystiran oo shuruudaha sharciga waafaqsan.

Guddigu waxaa uu go’aamiyay in lagu daro muddo laba todobaad ah oo ka bilaabaneyso 26-Nofeember oo ku eg 10-Diseember. Guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan Ururrada Siyaasadda in liisaska Murashaxiinta kama dambaysta ah lagu soo gudbiyo ugu dambeyn mudada loo gabtay.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo Angola uga qaybgalay Shirka midowga Afrika iyo midowga Yurub

Luanda: Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka qeyb galay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo ka furmay magaalada Luanda ee dalka Angola.

Shirka ayaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo Yurub, iyada oo ay Soomaaliya halkaas ku soo bandhigtay guulaha laga gaaray dhinacyada nabadda, ammaanka, dowlad-dhiska, iyo dib-u-habeynta maaliyadda dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo madasha khudbad ka jeediyey, ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii waddo tayeynta hey’adaha dowliga, dib-u-habeynta amniga, iyo la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah, isaga oo xusay kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.

Dhanka horumarinta dhaqaalaha, Mudane Saalax ayaa xusay in Soomaaliya ay gaartay guulo taariikhi ah oo ay kamid tahay ka bixitaanka HIPC iyo ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo u horseedday fursado ganacsi iyo maalgashi.

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaare ku xigeenka, waxa uu ugu baaqay labada dhinac — Afrika iyo Yurub — in ay sii xoojiyaan iskaashiga ku saleysan kalsooni, wadajir iyo mas’uuliyad wadaag, si loo dhiso mustaqbal, horumar, barwaaqo caddaalad ku dhisan.

    

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo shir caalami ah uga qaybgalay Sucuudiga

Riyaad: Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb-galay Kalfadhiga 21-aad ee Shirweynaha guud ee UNIDO oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta warshadaha.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa ka qayb-galay Kalfadhiga 21-aad ee Shirweynaha guud ee UNIDO oo ka socda magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Mudane Jibriil ayaa sheegay in shirku xambaarsan yahay hal-ku-dhig dhiirrigelin leh oo ku saabsan awoodda maalgelinta caalamiga ah, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay taagan tahay meel taariikhi ah oo go’aan qaadasho leh, isla markaana ay ka soo gudubtay caqabado badan iyo tobannaan sano oo adkaa, halka maanta dalka uu ka jiro isbeddel muuqda oo ka socda guud ahaan Soomaaliya.

“Annagoo leh mid ka mid ah xeebta ugu dhaadheer Afrika, waxaan dardargelin doonnaa shaqooyin xoojinaya badqabka cuntooyinka kala duwan. Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay noqoto xarun goboleedka kalluumeysiga ee waara. Waxaan xoojin doonnaa ilaalinta badda, warshadaha ku shaqeeya dhaqaalaha buluugga ah iyo maalgelinta wax-soo-saarka kalluunka, laga bilaabo farsamaynta ilaa suuq-geynta caalamiga ah,” ayuu yiri Mudane Jibriil.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale adkeeyey in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin hantida ugu weyn ee dalka, isaga oo sheegay in dowladda ay ku howlan tahay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ku saabsan tababarka farsamada iyo hal-abuurka dijitaalka ah, taas oo u suurtagelinaysa in ay noqdaan mishiin dhaqaajiya horumarka dalka.

  

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo Galgaduud lagu dilay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Deegaanka ayaa xalay fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Hawlgalka oo loo diyaariyay loona fuliyay si qorshaysan ayaa lagu qaarijiyey horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta laguna magacaabi jiray Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kana mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo door ku lahaa isku-duwidda dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadka iyo qaraxyada ay Khawaarijtu ka fulin jireen gobollada Shabeellaha dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka waxay bogaadinayaan geesinimada iyo naf-hurnimada ciidanka, waxayna mar kale caddeynayaan in howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ay si joogto ah u socon doonaan illa laga ciribtiro haraadiga cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Xiddigaha xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda oo ay isaga hor yimaadeen kulan ka tirsan Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka socda dalka Itoobiya.

Soomaaliya kulankan wuxuu u ahaa kii afaraad oo ay ciyaarto, waxaana wiilasha Ocean Stars ay muujinayeen awood ciyaareed iyo isku xirnaan taas oo u suurtagelisay inay ugu dambeyn 3–0 kaga adkaadaan dhiggooda Rwanda.

Guushan ayaa ka dhigan in xulka Soomaaliya aysan weli wax guuldarro ah la kulmin afartii kulan ee ay ciyaareen. Waxay heleen 1 guul iyo 3 barbaro, iyagoo urursaday 6 dhibcood.

Rajada Soomaaliya ee usoo bixitaanka wareega afar-dhamaadka tartanka ayaa ku xiran kulan goor dhow dhex mari doona xulalka Kenya iyo South Sudan. Haddii ciyaarta laga adkaado Kenya, rajada Soomaaliya waxay noqon doontaa mid wanaagsan; balse haddii ay Kenya guuleysato, wiilasha Ocean Stars ayaa tartanka isaga hari doona.

       

Madaxweynaha JFS oo furay shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay mas’uul ka tahay ilaalinta arrimaha tiir dhexaadka u ah jiritaanka bulshada oo ay ugu horreeyaan diinta, dhaqanka, afka, amniga iyo kobcinta nolasha shacabka.

Madaxweynaha oo bogaadiyey waxbadka wanaagsan ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay in qabashada Shirweynihii 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, dhismaha xurunta wasaaradda iyo dib u habaynta arrimaha Xajka ay muujinayaan mudnaanta koowaad ee dowladdu ay siinayso culimada iyo diinteenna suubban ee Islaamka.

“Waxaan bogaadinaya wax-qabadka wanaagsan ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo hirgelisay Machadka Sare ee Shareecada oo ay ka qalinjabiyeen dufcadii ugu horreysa oo 197 arday, haddana ay socoto daraasadda dufcadii labaad, Waxaa kale oo guul weyn ah in la dhagax-dhigay Majliska Daarul-Iftaa oo aan rajeynayo in mustaqbalka dhow lagu qaban doono shirarka waaweyn ee culimada, dhammaan waa tusaale muuqda oo dadka dhaxal reeb u noqon doona, waxa ayna ku timid daddaal iyo hufnaan shaqo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culimada Soomaaliyeed ugu baaqay inay mideeyaan awooddoda, si ay hormuud ugu noqdaan shacabka Soomaaliyeed uguna hagaan midnimo iyo wadajir, taas oo door muuqda ka qaadan karta dowladnimo sal adag leh, bulsho toosan oo wacyigeedu sarreeyo, lana jaan qaada umadaha kale ee caalamka.                   

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Amb. Wang Yu.

Kulanka maanta oo Isniin ah dhacay, ayay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga dhanka waxbarashada.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa bisha soo socota ee December u dabaal-degaya sanad-guuradii 65-aad ee ka soo wareegatay aasaaska xiriirkooda diblomaasiyadeed ee taariikhiga ah.

 

 

    

Wasiirka Dekaddaha oo qeybgalay shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada London uga qeybgalay shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka (IMO) oo goordhaw furmay.

Shirkaan waxaa qeyb ka ah oo wasiirka wehliya Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska Cabdulqaadir Cabdi Xaashi iyo masuuliyiin kale.