Wasiirka Dekaddaha oo qeybgalay shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada London uga qeybgalay shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka (IMO) oo goordhaw furmay.

Shirkaan waxaa qeyb ka ah oo wasiirka wehliya Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska Cabdulqaadir Cabdi Xaashi iyo masuuliyiin kale.

 

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay furitaanka Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka)Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay Culimadu u leeyihiin bulshada, gaar ahaan ilaalinta qiyamka diinta, midnimada iyo wacyigelinta bulshada. Waxa uu tilmaamay in maamulka Gobolka Banaadir uu ka go’an yahay garab istaagga Culimada, si ay u gutaan doorkooda ku aaddan hagidda bulshada.

Dr. Muungaab ayaa sheegay in horumarka ka socda Muqdisho uu ka dhashay isku-xirnaanta hoggaanka dowladda iyo dadaallada culimada, isaga oo ammaanay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee mideynta Culimaa’uddiinka iyo la dagaallanka marin-habaabinta Khawaarijta.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in maamulka Gobolka Banaadir uu diyaar u yahay xoojinta wada-shaqaynta culimada, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka sanadkan uu ka soo bixi doono talooyin muhiim u ah dowladnimada iyo mustaqbalka dalka.

 

      

Madaxweynaha JFS oo daah-furaya shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta daah-furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay ahmiyadda ay culimada u leeyihiin dowlad-dhiska, baraarujinta bulshada iyo ka hortagga dhibaatooyinka maandooriyaha ee dalka ka jira.

“Dadkeenna waxaan dhibaato ku haya Maan-dooriye,Dowladda dagaal adag ayey la gashay kuwa ka ganacsada,culumida waxaa looga fadhiyaa inay ku soo baxaan.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka hadlay qorshaha dowladda ee horumarinta iyo karaamaynta macallimiinta iyo dugsiyada Qur’aanka, ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay kor u qaadista adeegyada iyo taageerada lagu dhiirrigelinayo macallimiinta.

“Horumarinta iyo karaamaynta macallimiinta iyo dugsiyada Qur’aanka qorshe ballaaran ayay dowladeydu ka leedahay,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay culimada doorka ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, isagoo ku boorriyay in si gaar ah bulshada loogu baraarujiyo ahmiyadda soonka, salaadda iyo gaar ahaan Zakada, maadaama ay tahay tiir muhiim u ah isku-duubnida bulshada.

Shirkan oo sanadkii 3aad la qabanayo, ayaa sanadkan diiradda lagu saarayo midnimada shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka qeybgalaya ku dhawaad saddex boqol oo ah culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha caalamka, madax ka tirsan dowladda iyo marti-sharaf kale oo muhiim ah.

 

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Gaalkacyo ka daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha

Gaalkacyo(Wargeyska Dalka);-Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan iyo Soohdimaha Qaranka (GDMSQ), Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daah-furay Diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka qof iyo codka ah.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa Guddoomiyaha ku wehelinayay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Mudug, saraakiil amni iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in diiwaangelinta codbixiyayaasha ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo ka qeybgalka shacabka ee go’aaminta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, isaga oo tilmaamay in Guddigu ku howlan yahay in hab-raaca diiwaangelintu noqdo mid hufan, daah-furan oo loo siman yahay.

Xildhibaanadii ka qaybgalay furitaanka ayaa uga mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka dadaallada ay wadaan, iyaga oo ku boorriyay shacabka Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug in ay ka faa’iideystaan fursadda diiwaangelinta si ay u helaan kaarka codbixinta.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga (NIRA)

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).

Shirkan sanadkan waxaa lagu soo bandhigayaa guulaha ay dowladda ka gaartay bixinta adeegyo dadweyne oo bilaash ah, kuwaas oo si hufan, habeen iyo maalin loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaana shirweynahan ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo marti-sharaf kale.

Maareeyaha NIRA, Mudane Abdiwali Timacadde, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa sheegay in muddadii ay hay’addu shaqaynaysay ay diiwaangelisay in ka badan hal milyan oo qof, isagoo xusay in saddexda sano ee soo socda ay qorsheynayaan inay diiwaangeliyaan 15 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Sidoo kale, shirkan oo soconaya laba maalin, waxaa lagu soo bandhigayaa doodo iyo cilmi-baarisyo lagu kobcinayo nidaamka Aqoonsiga Qaranka. Sanadkan, halku-dhigga shirku waa:
“Taabagelinta Kaabayaasha Aasaasiga ah ee Adeegsiga Aqoonsiga Qaranka.”

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goordhow ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Wargeyska Dalka);-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wafuud ka badan 300 oo qof,waxaana ka mid ah culimo Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha caalamka, madax ka socota dowladda iyo marti-sharaf kale.

Inta uu socdo shirka, waxaa lagu falanqeyn doonaa qodobo ay ka mid yihiin midnimada shacabka Soomaaliyeed,Sida bulshada loogu baraarujin lahaa muhiimadda iyo faa’iidada ay leedahay midnimadu

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Ibraahim Aadan Nadaara oo faahfaahin ka bixiyay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayàa sheegay in shirkaan uu yahay mid sanadkii mar ay isugu yimadaan culimada soomaaliyeed loogana hadli doono midnimada ummadda Soomaliyeed.

Qaar ka mid ah culimada ka qeybgalaysa shirka oo sidoo kale la hadlay warbaahinta qaranka ayaa yiri:-

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Shakuul: “Marna ma bannaana in dad walaalo ahi ay si macno-darrro ah isku dilaan.”

Sheekh Mustafa iyo Sheekh Maxamed Dulmidiid: “Culimada ha yimaadaan baraha bulshada oo ha ka wacyigeliyaan dadka fitnada qabaa’ilka.”

Sheekh Usuuli: “Shirweynahan sanadkan waxa uu ku soo aaday xilligii ugu habboonaa, si aysan u kala dhantaalmin midnimada bulshada.”

 

 

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

 

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergayga gaarka ah ee la dagaalanka Fikradda Xagjirka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Xildhibaan Aweys Mohamed Omar oo noqday:

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Ka-Hortagga & La-Dagaallanka Fikradda Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata (P/CVE).

Madaxweynaha ayaa Ergeyga cusub kula dardaarmay inuu si hufan, daacadnimo iyo mas’uuliyad qaran leh ugu adeego dalka, isagoo ka shaqeyn doona:
• Xoojinta amniga iyo adkeynta dowladnimada
• Ka-hortagga xagjirka iyo dagaalka ka dhanka ah fikradaha rabshadaha wata
• Horumarinta iskaashiga bulshada & hay’adaha amniga
• Dhisidda iyo hirgelinta siyaasadaha qaranka ee P/CVE

Xildhibaan Aweys Mohamed Omar wuxuu leeyahay qibrad iyo waaya-aragnimo ballaaran oo uu ka soo shaqeeyay hay’adaha amniga, siyaasadda dadweynaha, iyo dadaallada ka-hortagga xagjirka, taas oo u suurtagelinaysa inuu guto waajibaadka uu Madaxweynaha u igmaday.

Wasiirka Caafimaad XFS oo gaaray Dalka Turkiga

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkey, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Inta uu Ankara ku suganyahay, Wasiirku wuxuu ka qeyb-geli doonaa shirar muhiim ah, kulammo heer caalami ah iyo wada-hadallo lagu xoojinayo iskaashiga caafimaad ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkey.

Wasiir Xoosh oo horkacay Dhireynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ku horkacay hoggaanka iyo howlwadeennada kala duwan ee Wasaarada dhireynta xaruntii dhexe ee Wasaaradda ee degmada Boondheere.

Tallaabadan dhireynta ayaa qeyb Ka ah aragtida hoggaanka Wasaaradda ee qurxinta iyo xoojinta bilicda dhismaha cusub ee Wasaaradda oo dhowaan loo guuri doono, laguna shaqeyn doono 35 sano kadib.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Xoosh oo ka hadlay munaasabadda dhir-beerista Wasaaradda ayaa sheegay sida ay muhiim u tahay kushaqeynta deegaan cagaaran, nadiif ah, qurxan oo caafimaad qaba, isaga oo intaa raaciyey in tallaabadani ay tahay mid qofka shaqaalaha ah ku qabanayo waxtar u haraya jiilasha soo socda.