Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray shirweynaha 1-aad ee Cadaaladda Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya oo lagu soo bandhigay qorsheyaasha qaran ee ku saleysan istiraatijiyada dib-u-habeynta garsoorka dalka, daadejinta adeegga caddaaladda, guulaha la gaaray, caqabadaha ka jira iyo ahmiyadda ay leedahay ilaalinta sareynta sharciga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in garsoor hufan oo madax-bannaan uu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee dowlad-dhiska, amniga, horumarka iyo xoojinta kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada, isagoo xusay in Dowladda Federaalka oo ka duuleyso arrintaas ay qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo federaaleynta nidaamka garsoorka, dhismaha hay’adaha muhiimka u ah cadaaladda, taas oo muujineyso xoojinta hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

“Garsoorkeenna inuu hormarsan yahay waxaan tusaale muuqda u ah in muwaadiin Soomaaliyeed oo fal dambiyeed lagu eedeeyey oo dalka ka baxsaday ay dowladda FederaalkaSoomaaliya ay ku guuleysto in dalka dibaddiisa ka soo qabato, iyada oo kaashanayso booliska Caalamiga ah ee Interpol, kiis dacwadeedkiisana uu ka furan yahay dowlad goboleedkii uu fal dambiyeedka uu ka dhacay”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dhammeystirka dib-u-eegista Dastuurka uu yahay hawl qaran oo fure u ah xasiloonida siyaasadeed, qeexidda awoodaha hay’adaha, hirgelinta nidaam federal iyo dib u habeynta sharciyada baahida weyn loo qabo si ay ula jaanqaadan nidaamyada casriga ah ee dowlad dhiska, maalgashiga, waxa uuna faray xukuumadda in ay dardargeliso howlaha hortebinta u leh tayeynta adeegga Garsoorka dalka.

“Dastuurku isaga ayaa saldhig u ah dhammaan xeerarka dalkeenna, oo ilaalinaya afka, dhaqanka, diinta iyo xuquuq kasta oo muwaadinku leeyahay, sidaas awgeed waa inaan fulinna ballantii aan qaadnay oo uu ka baxaa kumeel-gaarnimada dastruurka lana dhameystira, waxaan bogaadinayaa Baarlamaanka 11-aad oo ah kan ugu shaqada badan jamhuuriyadda 3-aad muddo xileedkan.”

“Guulaha aan gaarnay waxaa ka mid ah xaqiijinta amniga caasimadda si ay ula tartanto caalamka, maalgelinta mashaariicda waaweyn oo ay ugu horreyan dhismayaasha, taas oo shaqo abuur u ah dhallinyaro Soomaaliyeed, dhismaha garoomo ciyaaro iyo diyaaradeed, kor dhinta tiraae Ciidameenna oo labo jibaar ka badan markii aan xilka la wareegayey, tayeynta waxbaarashada dalka oo aan lix kun oo macallimiin la shaqaaleysiyey, qorshuhuna uu yahay ilaa 10kun in la gaarsiiyo, waxbrashada sare oo aan Jamacadda umaadda ballaarinay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo adkeeyey doorka garsoorka ee dimuqraadiyadda ayaa sheegay in dalka oo u diyaar garoobaya doorashada qof iyo cod ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo hay’ado sharci iyo garsoor oo awood u leh ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, xaqiijinta hufnaanta geeddi-socodka doorashada iyo hubinta in cod kasta lagu dhiibto si xor ah oo ammaan ah.                

Wasiirka Gaashaandhigga oo xarigga ka jaray Xarunta Luqadaha iyo Tarjumaadda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Luqadaha iyo Tarjumaadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qayb-galay Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto Maadey Nuur Sheekh Ufurow, Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim, xildhibaanno, mas’uuliyiin iyo howlwadeeno ka tirsan Wasaaradda iyo Taliska Ciidanka.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in xaruntan cusub ay muhiimad weyn u leedahay kor u qaadista awoodda luqadeed ee shaqaalaha iyo ciidamada loo diraayo tababarrada caalamiga ah, isagoo ku tilmaamay buundo muhiim ah oo Soomaaliya ku xireysa bulshada caalamka.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in xarunta loo aas-aasay si loo hormariyo xirfadaha luqadaha iyo adeegyada tarjumaadda ee howlwadeenada Wasaaradda iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, si ay u daboolaan baahiyaha luqadeed ee Wasaaradda, Ciidanka, iyo howlgallada amniga ee dalka.

Ugu dambayntii, Wasiir Fiqi wuxuu kula dardaarmay shaqaalaha inay ka faa’iidaystaan fursaddan, ayna kor u qaadaan aqoonta iyo xirfadaha luqadeed, si ay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee horyaalla.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro. Safiirka ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha uga warbixisay howlaha uu Xafiiska Midowga Yurub ka wado gudaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ammaan u jeedisay Golaha Shacabka dadaalka ay ku bixiyeen samaynta shuruucda aas-aaska u ah dowladnimada dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta wada-shaqeynta u dhexeysa Golaha Shacabka iyo Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha shuruucda taageera horumarka dowladnimo ee dalka, arrimaha ku saabsan dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurka, iyo sida Midowga Yurub uu u kordhin karo taageeradiisa Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada muuqata ee ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya. Waxa uu xusay in Golaha Shacabka uu xoogga saarayo, isla markaana uu ka shaqeynayo, dhameystirka Dastuurka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed dib loogu siin lahaa awoodda ay ugu soo dooran lahaayeen hoggaanka dalka.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum C/raxmaan Yacquub

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha waaxyaha iyo hawlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Ustaad C/raxmaan Yacquub, oo ka mid ahaa wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, kuna geeriyooday maanta magaalada Muqdisho.

Wariye C/raxmaan Yacquub waxa uu muddo dhowr iyo toban sano ah ka tirsanaa wariyeyaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u qaabilsanaa wararka Arrimaha Dibadda, sidoo kalena caan ku ahaa Barnaamijka Muuqaalka Dunida.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii, carruurtii iyo guud ahaan bahda Warbaahinta Qaranka ee uu marxuumku ka baxay, isaga oo Allah uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka iyo asxaabta. Aamiin… Aamiin… Aamiin.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo Maalintii labaad ka socda Muqdisho

Muqdisho (Wargeyska Dalka); – Waxaa maalintii labaad Magaalada Muqdisho ka socda Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, kaasoo shalay ay si rasmi ah u daah-furay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shirweynahan oo ah mid muhiim u ah dib-u-habeynta garsoorka dalka ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, madax ka socota maamul-goboleedyada, bulshada rayidka, jaamacadaha, iyo qaybaha kala duwan ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed.

Maanta shirka waxa diiradda lagu saaraya horumarinta sharciga, isla-xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hay’adaha garsoorka, iyadoo lagu falanqeynayo caqabadaha jira iyo fursadaha lagu dardargelin karo adeegyada cadaaladda.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu maanta soo xiro shirweynaha, isagoo ka jeedin doona khudbad ku saabsan jiheynta guud ee dib-u-habeynta cadaaladda ee dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Pakistan

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Abdi Ali, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, xilli uu socday Shirka 4-aad ee Madasha Wasiirrada EU Indo-Pacific oo ka furmay magaalada Brussels.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo ballaarinta xiriirka laba geesoodka ah ee soo kobcaya ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen in labada dal ay ka dhaxeeyaan xiriir walaaltinimo, iskaashi taariikhi ah iyo dano wadaag ah.

Wasiirrada ayaa sidoo kale isla gartay in la dardargeliyo iskaashiga dhinacyada kala duwan oo ay ka mid yihiin diblomaasiyadda, amniga, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo dhismaha awoodda hay’adaha dowladda, si loo gaaro horumar waara oo labada dal dan u ah.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la sii joogteeyo wadahadallada iyo iskaashiga joogtada ah, lana abuuro fursado cusub oo kor u qaada xiriirka labada dal.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY GORSOORE CUMAR CARTAN

Muqdisho(Wargeyska Dalka)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sumcadda iyo maamuuska uu dadka Soomaaliyeed u soo hoyey ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF.

Madaxweymaha ayaa mar kale ugu hambalyeeyey Garsoore Cumar Cartan guusha taariikhiga ah ee uu xaqiijiyey, waxa uuna tilmaamay in abaal-marintan ay muujineyso kartida iyo daddaalka uu geliyey kor u qaadidda xirfaddiisa, isaga oo u rajeeyey meel halkaa ka sareysa oo heer caalamiya inuu gaarsiiyo magaca Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Garsoore Cumar Cartan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan, waxa uuna xusay in maamuuskan uu ku dhiirrigelinaayo in sii wado dadaalkiisa ku aadan matalaadda Caalamka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamiga ah.

 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuumad Maryan Naasir Cali

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxday Allah ha u naxariistee marxuumad Maryan Naasir Cali oo kamid ahayd fanaaniinta Qaranka.

Allaha u naxariistee Marxuumad Maryan Naasir Cali ayaa ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii, carruurtii iyo guud ahaan bahda fanka, isagoo Allah uga baryey in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumadda, samir iyo iimaanna Allah inaga wada siiyo. Aamiin .. Aamiin.. Aamiin.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo gaaray London

Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray magaalada London ee Dalka Ingiriiska si uu uga qeybgalo shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka (IMO).

Wafdiga wasiirka waxaa qeyb ka ah Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameriko) iyo masuuliyiin kale.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya UK Danjire Cabdulqaadir Cabdi Xaashi iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa garoonka diyaaradaha ee Heathrow si weyn ugu soo dhaweeyay.

 

Mudanayaasha labada aqal ee BJFS oo ansixiyey xisaab xirka miisaaniyadda 2024

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa lixaad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenada labada aqal ee Baarlamaanka dalka.

Ajendaha kulanka ee maanta waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024 oo ay soo gubbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu horreyn guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) ayaa mudanayaasha labada aqal la wadaagay warbixinta akhrinta sedaxaad ee xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024 oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay si wadajir ah uga shaqeynayeen guddiyadda maaliyadda ee labada aqal.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo u codeeyay xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024 ayaa waxaa ogolaatay 167-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday sidoo kalena hal xildhibaan ayaa ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay howlo muhiim ah u yaalaan kalfadhiga todobaad, wuxuuna sheegay in baarlamaanka labadiisa aqal ay kalfadhiga todobaad ka shaqeyn doonaan dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.