Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo gaaray London

Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray magaalada London ee Dalka Ingiriiska si uu uga qeybgalo shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka (IMO).

Wafdiga wasiirka waxaa qeyb ka ah Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameriko) iyo masuuliyiin kale.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya UK Danjire Cabdulqaadir Cabdi Xaashi iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa garoonka diyaaradaha ee Heathrow si weyn ugu soo dhaweeyay.

 

Mudanayaasha labada aqal ee BJFS oo ansixiyey xisaab xirka miisaaniyadda 2024

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa lixaad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenada labada aqal ee Baarlamaanka dalka.

Ajendaha kulanka ee maanta waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024 oo ay soo gubbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu horreyn guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) ayaa mudanayaasha labada aqal la wadaagay warbixinta akhrinta sedaxaad ee xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024 oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay si wadajir ah uga shaqeynayeen guddiyadda maaliyadda ee labada aqal.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo u codeeyay xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024 ayaa waxaa ogolaatay 167-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday sidoo kalena hal xildhibaan ayaa ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay howlo muhiim ah u yaalaan kalfadhiga todobaad, wuxuuna sheegay in baarlamaanka labadiisa aqal ay kalfadhiga todobaad ka shaqeyn doonaan dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey munaasabadda xuska maalinta Macallinka Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Muqdisho, taas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo tilmaamaya kaalinta macalinka Soomaaliyeed ayaa xusay taariikhda muhiimka ah ee macallimiintu ay ku leeyihiin horumarinta waxbarashada dalka, barbaarinta jiilal karti leh oo dhisa mustaqbalka Soomaaliya, isaga oo faray Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare in ay dhameystirto tirada ka dhiman 10,000 ee Macallin.

“Dalkaan waxaa ugu qiima badan Macallinka iyo Askariga Soomaaliyeed, Sidaas awgeed, waxaa waajib innagu ah in la maamuuso Macallinka, lana taageero, madaama yahay laf-dhabarta horumarka bulshada, waxaan farayaa Madaxda Wasaaradda in la dhameystiro tiradii tobanka kun ee macallin, taasoo ilaa hadda dowladdu ay shaqaaleysiisay lix kun, kuwaasoo si buuxda uga howlgala goobaha waxbarashada ee kala duwan, waxaan rajeynaya inta dhimaanna in si deg deg loo diyaariyo dugsiyadii ay ku shaqeyn lahaayeen, lana siiyo tababar”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey sida ay dowladda uu hoggaamiyo uga go’an tahay in la xoojiyo aqoonta, tababarrada iyo dhiirrigelinta macallimiinta, si loo xaqiijiyo in jiilashan ay helaan waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah, waxa uuna ku baraarujiyey dhallinyarada in ay yihiin hogaamiyeyaasha maanta iyo beriba ee dalkeenna.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, hay’adaha waxbarashada, macallimiinta iyo ardayda qaar ka mid ah dugsiyada Caasimadda oo soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo lagu xusayo maalinta macallinka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gudoomey billad sharaf uga timi Bahda Waxbarashada intii ay socotay munaasabadda,wuxuuna bogaadiyey macallimiinta Soomaaliyeed dadaalkooda joogtada ah iyo adkeysiga ay muujiyeen xilliydii dalka uu soo marayey duruufaha adag, isagoo sheegay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelka macallinka iyo tayeynta waxbarashada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Nidaam garsoor oo la isku hallayn karo waxa uu dalkeenna u abuurayaa maalgashi iyo mustaqbal wanaagsan” Muqdisho(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Koowaad ee Bahda Caddaalladda dalka, oo looga hadlayo horumarinta sharciga, isla xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hey’adaha garsoorka. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dowlad-dhis ah, isla markaana loo baahan yahay garsoor madax-bannaan, hufan, oo daboolaya baahida shacabka, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo sarreynta sharciga, lana tayeeyo hey’adaha caddaaladda, si loo helo garsoor lagu kalsoon yahay oo horseeda nabad waarta, iyo dowladnimo sal-adag leh. “Haddii aysan jirin caddaalad la isku halayn karo, ma jiri karo amni waara, kalsooni shacab, maalgashi, iyo dowladnimada casriga ah ee ay Soomaaliya mudan tahay, dib-u-habeynta garsoorku waa arrin Qaran oo mudnaanta koowaad leh, waana jidka keliya ee lagu gaari karo Soomaaliya xasilloon.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Waxa uu intaas raaciyey in garsoorka uu muhiim u yahay doorasho xor ah caddaalad ah iyo xoojinta dimuqraadiyadda iyo kalsoonida shacabka, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta siinayso dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurku ay yihiin aas-aaska hirgelinta nidaamka sharciga iyo federaalka ee dalka, waxa uu xusay in dastuur dhammeystiran uu dalkeenna u keenayo, xasillooni siyaasadeed, hannaan shaqo oo mideysan, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo garsoor caaddil ah. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey bahda garsoorka qaban-qaabada shirka sanadlaha ah, waxa uuna ugu baaqay dhammaan ka qeyb-galayaasha in ay si dhab uga doodaan dib-u-habeynta garsoorka, isla markaana ay keenaan talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo caddaaladda dalka.

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Koowaad ee Bahda Caddaalladda dalka, oo looga hadlayo horumarinta sharciga, isla xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hey’adaha garsoorka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dowlad-dhis ah, isla markaana loo baahan yahay garsoor madax-bannaan, hufan, oo daboolaya baahida shacabka, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo sarreynta sharciga, lana tayeeyo hey’adaha caddaaladda, si loo helo garsoor lagu kalsoon yahay oo horseeda nabad waarta, iyo dowladnimo sal-adag leh.

“Haddii aysan jirin caddaalad la isku halayn karo, ma jiri karo amni waara, kalsooni shacab, maalgashi, iyo dowladnimada casriga ah ee ay Soomaaliya mudan tahay, dib-u-habeynta garsoorku waa arrin Qaran oo mudnaanta koowaad leh, waana jidka keliya ee lagu gaari karo Soomaaliya xasilloon.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu intaas raaciyey in garsoorka uu muhiim u yahay doorasho xor ah caddaalad ah iyo xoojinta dimuqraadiyadda iyo kalsoonida shacabka, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta siinayso dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurku ay yihiin aas-aaska hirgelinta nidaamka sharciga iyo federaalka ee dalka, waxa uu xusay in dastuur dhammeystiran uu dalkeenna u keenayo, xasillooni siyaasadeed, hannaan shaqo oo mideysan, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo garsoor caaddil ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey bahda garsoorka qaban-qaabada shirka sanadlaha ah, waxa uuna ugu baaqay dhammaan ka qeyb-galayaasha in ay si dhab uga doodaan dib-u-habeynta garsoorka, isla markaana ay keenaan talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo caddaaladda dalka.

Shirweynaha bahda Cadaaladda oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha 1aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed 2025 oo ah madal qaran oo lagu xoojinaayo tayada iyo hufnaanta cadaaladdeed ee dalka.

Shirweynahan ayaa waxaa ka soo qeyb galaya madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul Gobaleedyada, Bulshada Rayidka ,jaamacadaha iyo Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed.

Sawirro: Munaasabad weyn oo loogu dabaal-degayo Maalinta Macallinka

Muqdisho(SONNA):-Sawirro: Munaasabad weyn oo loogu dabaal-degayo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa ka socota Tuulada Ciyaaraha Dalka ee Stadium Muqdisho.

             

Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada

Xuska maalinta macallinka Soomaaliya waxaa sanad kasta lagu qabtaa gudaha Dalka Soomaaliya,waana maalin ku wayn quluubta umadda soomaaliyeed oo loo dabbaaldego 21-ka Nofembar.

1974-tii ayaa 21ka Nofember loo asteeyay maalinta macallinka Soomaaliyeed waxayna ahayd maalin si wayn ay u maamuusi jireen shacab iyo dowladba, waxaana la samayn jiray munaasabado lagu weyneynayo xurmada macallinka iyo doorkiisa qiimaha badan.

Waxaa xusid mudan Haldoorkii kaalinta wayn ka soo qaatay horumarinta waxbarashada dalka waxaana ka mid ahaa:

1-Shiikh Yuusf Al-Kownayn oo ahaa macaliinkii hingaadda xuruufta carabiga u rogay af -Soomaali,arintaasi oo ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka baranaysa u fududaysay qoraalka farta carabiga,    ( أَ   إِ  أٌ ),  ALIF LA KORDHABEY, ALIF LA HOOS DHABEY, ALIF LAA GODAY. 

2-Macallin Jaamac Bilaal, oo ahaa aabihii bud-dhigaha u ahaa waxbarashada gobollada koonfureed,wuxuu dhexda u xirtay lana dagaalamay afkaarihii haraadiga ahaa ee bulshadu ka aaminsanaayeen waxbarashada, wuxuuna ka furay magaalada muqdisho School yar oo arday kooban uu wax ku bari jiray.

3-Macallin Max’uud Axmed Cali wuxuu ahaa aasaasihii waxbarashada gobollada waqooyi,wuxuu dadaal u galay sidii bulshada gobollada waqooyi ay u heli lahaayeen wabarasho horumarsan, dadaalkiisii nafhurnimada ahaa waxaa ka horyimid gumaysigii ingiriiska oo diidanaa in shacbiga ay waxbartaan,kadibna ay fahmaan waxa ka maqan iyo qiimaha xoriyadda, sidoo kale macallin Max’uud Axmed Cali waxaa u suurtagasahay inuu fikir ahaan kaga adkaado Soomaalidii aragtida qaldan ka aaminsanaa waxbarashada maadiga ah.

21ka Nofember Waa maalin ka mid ah maalmaha ku xardhan quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhammaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin bulshada.

Mid kamid ah macallimiinta wax ka dhiga Dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macalinka wanaagsan uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay maalin qadarin leh oo loo baahan yahay in si wayn loogu dabaal dago, si Macallimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.

Barayaasha Soomaaliyeed ayaa si dulqaad leh mudadii uu dalka burbursanaa u adkeystay,iyagoo ku shaqeeyay xaaladihii adkaa ee la soo maray ,gaar ahaan xilligii dowlad la’aanta. Haddii macallinka Soomaaliyeed uusan naftiisa u huri lahayn waxbaridda ardayda,waxaa maanta mugdiga jahliga dhex muquuran lahaa arday badan oo waxbartay, kaalin hormuud ahna kaga jira horumarinta dalka.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxbarashada ayaa ah tan isku xirtay iskuna soo dhawaysay qaybaha kala duwan ee Caalamka, waana taas midda uu u  taagan yahay Macallinka Soomaaliyeed.

Macallinku waa barbaariyaha iyo hagaha Ummadda wuxuu ka saara jahliga iyo mugdiga aqoon darrida.

Macalinku waa waalidka labaad ee ardayda wuxuuna ka waraabiyaa durdurka aqoonta iyo ilayska cilmiga, taasina waxaad ka garan kartaa abaalka Macallinka in aan la gudi Karin Xikmaddii macnaheedu ahaa (Qofkii hal xaraf I bara waxaan u noqon lahaa adoon).

Tan iyo intii sooyaalka dunida ay jiray markasta macallimiin iyo dad aqoon leh ayaa bulshada kala dagaalami jiray jahliga & dib u dhaca, isla markaasna soo saari jiray dad ummadooda anfaca.

Macallinku wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo kaadir aqoon leh iyo hogaamiyaha mustaqbalka iyo aayaha bulshadiisa. Waa tusaale fiican iftiin ku dayasho mudan,laguna tilmaami karo tiir dhexaadka bulshada,iyadoo diinta islaamkuna ay gaarsiisay macallimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin badan.

Dabbaaldegga sanadkaan waxa uu ku beegan yahay sanadguuradii 51-aad ee ka soo wareegatay Maalinta Macallinka Soomaaliyeed .

Abuukar Gobdoon

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda Maalinta Macallinka ee 21-ka November awgeed hambalyo u diray macalimiinta Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Caalimka weyn ee diinta Islaamka Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa (CAF) u aqoonsadey garsoorihii ugu fiicnaa qaaradda Afrika ee sannadkan 2025-ka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Dr Yaxya Ibraahim Macalin inuu noqdo La-Taliyaha Sare ee Siyaasadda ee Xafiiska Madaxweynaha.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay shir lagu dardargelinayo diyaar-garowga doorashooyinka Dowladaha Hoose, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hawlaha lagu soo gabagabeeyo waqtigooda.
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu xusayay dhalashada Boqor Charles-ka 3aad ee Boqortooyada Britain.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley munaasabad lagu xusayey 10-guuradii ka soo wareegtay markii Somalia ay saxiixday Axdiga Xuquuqda Carruurta ee Qaramada Midoobay.

8- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin iskaashi Soomaaliya iyo Rwanda, hindisaha ka hortagga naafeynta xubinta taranka dhedigga, iyo istaratiijiyadda haweenka, nabadda iyo amniga iyo qodobo kale oo muhiim ah.

9- Ra’iisul Wasaare,Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-Baarista Beeraha Qaranka.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, halkaas oo ay ka bilaabatay bixinta kaararka codbixinta doorashooyinka.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatey caalimka Diinta Islaamka Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran, si loo xoojiyo qorsheynta iyo kormeerka mideysan ee hay’adaha dowladda.

13- Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya, Moses M. Wetang’ula.

14- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

15- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, ayaa Muqdisho ka furay Shirka Madasha Garsooreyaasha Soomaaliya, oo socday muddo laba maalmood ah. Waxaa shirkan diiradda lagu saarey hawlaha adeegga garsoorka, horumarka la sameeyay iyo caqabadaha jira.

16- Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Maaliyadda ayaa la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, Kulanka waxaa looga hadlay iskaashiga labada dal, dadaalada lagu xoojinayo dowlad-dhiska, iyo maalgelinta Dowladda Soomaaliya ee lagu taageerayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

17- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa shir guddoomiyay kulan-hawleedka dhaqan-galinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2026-ka, kaas oo ay yeesheen saraakiisha Tiirka Siyaasadda Loo Dhan Yahay ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo masuuliyiin ka socda Wasaaradda Warfaafinta.

18- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa furay tababar ku saabsan Habraaca Diyaarinta Tilmaamaha Shaqada, kaas oo ay bixinayaan khubaro ka socda barnaamijka SJGAP.

19- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa xarigga ka jartay xarunta Caawinta Degdegga ah ee Carruurta, oo loogu talagalay in carruurta ay si degdeg ah ula soo xiriiraan marka ay tacadi la kulmaan.

20- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xilka u kale wareejisay Wasiir Ku-Xigeenka cusub ee Wasaaradda Maryan Cali Abuukar iyo Wasiir ku xigeenkii Hore.

21- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, gudoonsiiyey hadiyad uu soo diray Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Madxafka Nabadda Gobolka ee Carta ee Djibouti.

22- Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdiqaadir, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Maalinta Macallimiinta Soomaaliyeed oo ku beegen 21ka November.

23- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Maxamed Aadan Macallin ayaa shir gudoomiyey kulanka mideynta hawlaha dowladnimada danabeysan, dardar-gelinta habraacyada maamulka casriga ah, iyo kordhinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda wasaaradaha ay khusayso nidaamka dowladnimada.

24- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir ayaa kormeer ku tagay xarunta shirkadda Gaalooge, oo soo dejisa cagafyada iyo qalabka casriga ah ee beeraha.

25- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Prof Saalim Caliyow Ibrow ayaa la kulmey Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Danjire Alper Aktaş.

26- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Prof. Saalim Caliyow Ibrow ayaa kulan ku saabsan kor u qaadista ganacsiga iyo shaqo abuurka la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Soomaaliya Maxamuud CabdiKariim Gabeyre.

27- Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa Nairobi kula kulmay Wasiiradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Qorsheynta ee Kenya, Marwo Alice Wahome.

28- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka hadlay madasha UNFCCC COP30 ee Belém, ee dalka Brazil. isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ilaalinta nolosha, dhaqaalaha, iyo deegaanka.

29- Hantidhowraha Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale, ayaa shir-guddoomiyey Kulanka Daneeyeyaasha Caalamiga ah ee Xafiiska Hantidhowrka Guud, kaas oo lagu soo bandhigay horumarka xafiiska ee sannadka 2025 iyo qorshaha 2026.

30- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Caddikariim Axmed Xasan, ayaa tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo la baray ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta xilliyada doorashooyinka.

31- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Switzerland Development Cooperation (SDC), oo uu hoggaaminayay Ku-Xigeenka Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Geeska Afrika, Mr. Julien Peissard.

32- Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa magaalada Djibouti kaga qayb-galay shir looga hadlayay Sanduuqa Dhaqaalaha Muhaajiriinta Gobolka.

33- Agaasimaha cusub ee Waaxda Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ahna Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdinaasir Axmed Bashiir ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka.

34- Garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa loo aqoonsadey garsooraha ugu fiican qaaradda ee sannadka 2025.

35- Ciidamada Macaawisleyda ee Xarardheere ayaa dilay ilaa 6 xubnood oo ka tirsan argagixisada Al Shabab, gacantana ku dhigay hub iyo saanad kadib hawlgal ay ka fuliyeen tuulada Dumaaye,ee gobolka Mudug.

==========DHAMMAAD============

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha Afaraad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub

Brussels:- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kaga gaybgalay magaalada Brussels Madasha Afaraad (4-aad) ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig (EU Indo-Pacific).

Wasiirka oo ka mid ah madaxda iyo mas’uuliyiinta Yurub iyo dalalka labadaasi badweyn ku laala ee lagu casuumay shirka ayaa waxa ay uga wada hadleen amniga caalamiga, iskaashiga dhinacyada badan iyo xasiloonida gobolka.

Madashani waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda in ka badan 60 dal oo ka dooday xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya, hanjabaadaha amni ee soo ifbaxaya, iyo saameynta isbeddelka cimilada ee nidaamka caalamiga.

Wasiir Cabdisalaan oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa muujiyay taageeriddiisa iskaashiga dhinacyada badan, xal u helidda khilaafaadka si nabad ah, iyo xoojinta hay’adaha caalamiga. Waxa uu adkeeyay muhiimadda wadahadalka, xasiloonida gobolka, iyo horumarka sinnaanta ku dhisan ee wax looga qabanayo caqabadaha caalamiga.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga xilli ay jiraan hubanti la’aan siyaasadeed oo weyn. Wuxuu xusay in marka tartanka awoodaha waaweyn uu sii xoogeysto, silsiladaha sahayda caalamiga ah ay wajahaan cadaadis cusub, iyo in baduhu ay noqdaan kuwo si weyn loogu loolamo, isaga oo xusay baahida loo qabo iskaashi wadajir ah.

Wasiirku wuxuu iftiimiyay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig, isaga oo tilmaamay in ay yihiin xudunta xasilloonida caalamiga. Waxa uu sheegay in marinnada labada bad ay xoojiyaan ganacsiga caalamiga iyo shabakadaha dhijitaalka, weyninka bedka ay ku fadhiyaanna ay taageero u tahay nolosha malaayiin qof. Waxa uu intaa ku daray in caqabadaha ka jira gobolka, oo ay ka mid yihiin dhaq-dhaqaayada badeed ee sharci-darrada ah, nuglaanta cimilada, iyo horumarka degdega ah ee hanjabaadaha internet-ka, ay weli yihiin kuwo isku xiran oo adag.

Wasiir Cabdisalaan ayaa caddeeyay in aan dal keli ahi waxba ka qaban karin caqabadahani. Waxa uu sheegay in amnigu uu isku xiran yahay, barwaaqaduna la wadaago, isaga oo ku baaqay in la sameeyo fal-celin iswaafaqsan oo ku dhisan xushmad-is-dhaafsi, mas’uuliyad wadaag, iyo iskaashi wax ku ool ah.

Wuxuu ku booriyay in wadahadalka loo beddelo tallaabooyin waxtar leh iyada oo la xoojinayo amniga badda, lana horumarinayo qaab-dhismeedyo dhaqaale oo la saadaalin karo, iyada oo la kordhinayo adkeysiga dhijitaalka iyo teknoolojiyadda, iyo in la horumariyo habab iskaashi oo wax looga qabanayo hanjabaadaha soo ban-baxaya.

Wasiirka oo ka hadlay arrinka Soomaaliya, ayaa waxa uu sharaxay in xeebaha dalka ay ka mid yihiin xuduudaha badda ee ugu istiraatiijiyadda badan gobolka, isaga oo yiri “Soomaaliya waxa ay dib u dhisaysaa awooddeeda badeed, xoojineysaa maamulidda biyaheeda, qoto-dheeraynaysaa iskaashiga ay la leedahay gobolka si loo ilaaliyo waddooyinka ganacsi ee muhiimka ah.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo xiray muhiimadda ah in la hubiyo in wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig midkoodba kan kale uu xurmeeyo madax-bannaanidiis, qarannimadiisa iyo midnimadiisa, lana qiimeeyo iskaashiga, dal kastaba yeesho cod la siman kan kale oo qaabaynaya mustaqbal wadaagga . Waxa uu mar kale xaqiijiyay diyaar-garowga Soomaaliya ee la shaqeynta dhammaan bah-wadaagta si loo gaaro hiigsiga wadajirka ah.

Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay

Addis ababa:- Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17-jirrada oo ka qeybgalaya Tartanka CECAFA ee ka socda magaalada Addis Ababa ayaa barbar dhac 3-3 ah la galay martigeliyeyaasha tartanka, Itoobiya.

Ciyaartoyda Qaranka ayaa soo bandhigay ciyaar aad loo jecleystay, iyadoo laba ka mid ah saddexda gool uu dhaliyay ciyaaryahan Sheekha, halka goolka saddexaad uu dhaliyay Anas, kaas oo aan hal kulan oo tartankan ah gool la’aan ka bixin garoonka.

Soomaaliya ayaa haatan leh saddex dhibcood, saddexdii kulan ee ay ciyaartay, iyadoo weli aan wax guuldarro aysan la kulmin xidigaha Qaranka.