Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay

Addis ababa:- Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17-jirrada oo ka qeybgalaya Tartanka CECAFA ee ka socda magaalada Addis Ababa ayaa barbar dhac 3-3 ah la galay martigeliyeyaasha tartanka, Itoobiya.

Ciyaartoyda Qaranka ayaa soo bandhigay ciyaar aad loo jecleystay, iyadoo laba ka mid ah saddexda gool uu dhaliyay ciyaaryahan Sheekha, halka goolka saddexaad uu dhaliyay Anas, kaas oo aan hal kulan oo tartankan ah gool la’aan ka bixin garoonka.

Soomaaliya ayaa haatan leh saddex dhibcood, saddexdii kulan ee ay ciyaartay, iyadoo weli aan wax guuldarro aysan la kulmin xidigaha Qaranka.

     

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray macalimiinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed munaasabadda 21-ka November awgeed oo ah maalin ku wayn ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ku asteenysan maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel walba oo ay Soomaali joogta laga xuso.

Sanadkii 1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka, waxaana Shacabka iyo Dowladda ay si wadajir ah u muujiyaan muhiimadda maalintaan. Waa maalin ka mid ah maalmaha ku wayn Qaranka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasaxaa dugsiyada iyo dhammaan goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u ahaa bare ka mid ah macalimiinta Soomaaliyeed ee ku soo tabcay Arday badan wakhtigii adkaa ee dagaalada Sokeeye ka socdeen dalka isagoo kaalin weyn kaga suntanaa halgankii dib u aasaaska goobaha waxbarashadda dalka.

Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada

Shirka 12-aad ee Hal-abuurka dunida ee xagga Waxbarashada (WISE),ayaa lagu wadaa 24-25 Noofambar lagu qabto Xarunta Shirarka Qaranka ee Magaalada Doha oo caasimad u ah Dalka Qatar .

In ka badan 200 oo qof oo ka hadlaya waxbarashada, tacliinta sare, tignoolajiyada, siyaasadda iyo arrimaha bulshada ayaa la filayaa inay ka soo qayb galaan shirkaasi.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa mowduuca ka hadlaya qiimaha Waxbarashada ay u leedahay aadanaha.

Shirka sanadkan waxaa lagu baari doonaa sida nidaamyada waxbarashada loogu habeyn karo hab ku saleysan aadanaha, iyadoo sirdoonka macmalka ah iyo teknoolojiyadaha kale ay si degdeg ah u sii fidayaan ana u horumarayaan.

Dadka ka hadlaya shirkaan waxaa ka mid ah xubno ka socda WISE oo ah madal caalami ah oo la aasaasay 2009, waxayna u adeegtaa sida lagu horumarin karo qaababka waxbarasho ee hal-abuurka leh.

Wasiirka deegaanka XFS oo kulamo la qaatay wafdiyada Soomaaliyeed ee ka qayb galay shirka isbedelka cimilada

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Sareeye Guud Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta shirar muhiim ah kula yeeshay magaalada Belém wafdiyada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya baahiyaha gaarka ah iyo sinnaanta bulshada, kuwaas oo door muuqda ku leh doodaha ka socda Shirka Isbeddelka Cimilada ee COP30.

Wasiir Bashiir ayaa la kulmay Fardhiya Maxamuud Maxamed, oo ka socota Somali Women Disability Empowerment. Fardhiya waxay hormuud u tahay u-doodista ka mid noqoshada dadka baahiyaha gaarka ah ee howlaha cimilada, iyadoo si joogto ah u difaacda xuquuqda iyo ka-qaybgalka haweenka naafada ah ee Soomaaliya. Waxay xustay in ay ka mid noqoshada dadka baahiyaha gaarka ah ay muhiim u tahay dhismaha mustaqbal cadaalad iyo adkeysi leh.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa kulan gaar ah la yeeshay Cabdiraxmaan Maxamuud Kulane, oo ah Aas-aasaha UDHAN isla markaana ah Agaasimaha Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed (SAP). Cabdiraxmaan wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka si wayn ugu ololeeya xalal cimiladeed oo la heli karo, la wada isticmaali karo, islamarkaana horseeda sinnaanta bulshada. Doorkiisa hoggaamineed ayaa kor u qaadaya wacyiga ku aaddan ka mid noqoshada bulshada aan haysan awoodda buuxda.

Wasaaradda Deegaanka ayaa muujisay qadarin iyo bogaadin ay u hayso dhammaan wafdiyada Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya COP30, gaar ahaan kuwa hawsha adag u haya ka mid noqoshada dadka baahiyaha gaarka ah ee siyaasadaha cimilada ee heer qaran iyo heer caalami ah.

     

Shirka madasha-7aad ee garsoorayaasha oo maanta la soo xiray

waxa goordhowed la soo gaba gabeeyey shirka madasha garsoorayaasha dalka oo ka socday Muqdisho,shirkan ayaa intii uu socday waxa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee garsoorka,madaxda dowladda federaalka iyo bulshadda qaybaheeda kala duwan.

Madasha waxaa isugu yimid garsoorayaasha heerarka kala duwan ee Dalka, sharci-yaqaanno iyo masuuliyiin ka kala socday hay’adaha Garsoorka. Intii ay socotay Madasha waxaa lagu gorfeeyay caqabadaha haysta shaqada garsoorka iyo fursadaha dib-u-habeynta nidaamka garsoorka.

Ugu dambeyn madasha waxaa soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed isagoo bogaadiyay guddigii soo qabanqaabiyay Madasha iyo guud ahaan Garsoorayaashii ka soo qeyb galay shirkan.

    

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka oo shirguddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horreyn xubnaha guddiga joogtada ayaa guddi walba waxa uu ka warbixiyey shuruucda hortaala kuwooda horutebinta leh, habraacyada u dhiman iyo sidoo kale xiliga uu horgeynayo kulanka guud ee golaha golaha.

Sidoo kale kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa looga dooday la xisaabtanka iyo
Korjoogeynta laanta fulinta iyo sidii guddi walba uu ula xisaabtami lahaa qeybaha uu korjoogteynta ku leeyahay.

Ugu dambeyn xubnaha guddiga ayaa jadwaleyn ku sameeyey Ajendayaasha kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda, waxaana guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu xubnaha guddiga joogtada kula dardaarmay dardargelinta shuruucda golaha hortaala kalfadhiga todobaad.

Soomaaliya oo si weyn u Xustay 10-Sano Guuradii ka soo Wareegtay markii Soomaaliya ay Saxiixday Heshiiska Xuquuqda Carruurta (CRC)

Soomaaliya ayaa maanta si heer sare ah u xustay sanad-guurada 10-aad ee ka soo wareegtay markii ay dowladda Soomaaliya si rasmi ah u saxiixday Heshiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta (CRC).

​Munaasabaddan ballaaran oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, waxaa kasoo qayb-galay Golaha Wasiirrada oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyadoo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen arday, macallimiin, bulshada rayidka ah iyo saaxiibada caalamka.

​Shirka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista guulaha la gaaray tobankii sano ee la soo dhaafay, xaqiijinta badqabka ubadka, iyo xoojinta wadashaqaynta hay’adaha dowladda iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah si loo horumariyo daryeelka carruurta Soomaaliyeed.
​Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay jiritaanka qaranka:

​”Waxaa noo muuqatay haddii ilmuhu waxbarasho la’aan yahay, in ay la mid tahay dalka oo aan mustaqbal lahayn. Si dalkeennu mustaqbal u yeesho, waxaa fure u ah in ilmaha Soomaaliyeed mustaqbal loo abuuro oo ay helaan waxbarasho iyo barbaarin wanaagsan.”

​Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, dadaalka hagar la’aanta ah ee ay ugu jirto horumarinta iyo difaacidda xuquuqda carruurta. Wuxuuna ku boorriyay dhammaan hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo hay’adaha caalamiga ah in ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan ilaalinta iyo horumarinta mustaqbalka ubadka.

​Ugu dambayntii, Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay dardar-gelinta siyaasadaha iyo barnaamijyada lagu horumarinayo daryeelka carruurta, iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa xuquuqdooda aasaasiga ah ee nolosha, waxbarashada, caafimaadka, iyo nabadgelyada.

               

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Si dalkeennu mustaqbal u yeesho, waxaa fure u ah in ilmaha Soomaaliyeed mustaqbal wanaagsan loo abuuro”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 10-aad ee ka soo wareegtay ku biiristii Soomaaliya ee Heshiiska Xuquuqda Carruurta (CRC) ee Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaaruhu, waxa uu xusay xaaladda carruurta Soomaaliyeed, halista ay wajahaan, iyo duruufaha adag ee weli caqabad ku ah korriinkooda, badqabkooda iyo helitaanka xuquuqdooda aasaasiga ah.

“Dhibaatooyinka haysta ilmaha Soomaaliyeed waxaa kamid ah tahriibka oo ay dhibaatooyin badan ku haystaan badaha iyo saxaraha; marin-habaabinta argagixisada; qabyaaladda; daroogada; iyo ku shaqaysashada carruur aan qaan-gaarin oo la rabo in mustaqbalka looga dilo”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa, ayaa sheegay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, iyada oo la sameeyey shuruuc iyo siyaasado muhiim ah oo dhowraya xaqa ay leeyihiin, isaga oo xusay mudnaanta ay leedahay in la xaqiijiyo in dhammaan ubadka Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayo leh iyo adeeg caafimaad oo habboon.

“Waxaa noo muuqatay haddii ilmuhu waxbarasho la’aan yahay, in ay la mid tahay dalka oo aan mustaqbal lahayn, si dalkeennu mustaqbal u yeesho, waxaa fure u ah in ilmaha Soomaaliyeed mustaqbal loo abuuro oo ay helaan waxbarasho iyo barbaarin wanaagsan,” ayuu Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda iyo Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Aadanaha Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi , dadaalka ay ugu jirto horumarinta iyo difaacidda xuquuqda carruurta Soomaaliyeed. Isaga oo ku boorriyay dhammaan hey’adaha dowliga ah, bulshada rayidka ah iyo hey’adaha caalamiga ah in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta iyo horumarinta ubadka Soomaaliyeed.

          

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Istiraatiijiyadda Qaran ee Dekadaha (2025) iyo Ku-biirista Soomaaliya ee IMSO

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxay u mahadcelinaysaa Golaha Wasiirrada oo maanta meel-mariyeen Istiraatiijiyadda Qaran ee Dekadaha (2025) iyo Xeerka ku Biirista Ururka Caalamiga ee Dayax-gacmeedka Guur-guura (IMSO Convention). Wasaaraddu waxay si gaar ah uga mahadcelinaysaa taageerada Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan horumarinta kaabayaasha badda ee dalka.

Istiraatiijiyadda Qaran ee Dekaduhu waxay dejinaysaa jihada horumarinta dekadaha dalka, iyadoo xoogga lagu saarayo casriyeynta adeegyada, soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo dibadda, xoojinta ganacsiga, abuurista fursadaha shaqo, ilaalinta deegaanka badda, iyo horumarinta dekedaha cagaaran ee waafaqsan heerarka iyo halbeegyada caalamiga ah.

Sidoo kale, istiraatiijiyaddan waxay kor u qaadaysaa iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay (PPP) si loo dhiso kaabayaal waara oo la isku halayn karo.

Dhanka kale, ku biirista Soomaaliya ee IMSO waxay suuragelinaysaa helidda xog isgaarsiineed oo casri ah lana xiriirta gaadiidka badda, la socodka iyo ka jawaabista musiibooyinka badda, iyo ka qaybgalka go’aannada caalamiga ah ee nidaaminta isgaarsiinta badaha — taas oo muhiim u ah maraakiibta adduunka, maadaama in ka badan 80% ganacsiga caalamiga ahi uu maro badda. Arrintan ayaa sidoo kale Soomaaliya u fureysa tababaro, taageero farsamo, iyo kor u qaadista kalsoonida maalgashiga adeegyada badda.

Wasaaraddu waxay mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay fulinta Qorshaha Isbeddelka Qaran, hirgelinta mudnaanta Xukuumadda Dan-Qaran, iyo dhisidda dekado casri ah oo door muuqda ka qaata kobaca dhaqaalaha dalka.

Shirkii golaha wasiiradda XFS oo lagu ansixiyey heshiisyo muhiim u ah dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey shuruuc iyo hehsiisyo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey;

1.⁠ ⁠Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku saabsan iskaashiga guud ee labada dal.

2.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga, oo ilaalinaya xuquuqda haweenka, loogana hortagayo tacaddiyada loo geysto.

3.⁠ ⁠Istaratiijiyadda Qaran ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga, oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee horumarinta ka qeybgalka haweenka ee hormarka dalka.

4.⁠ ⁠Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura, si Soomaaliya uga mid noqoto wadammada ka faa’iideysta adeegyada iyo cilmi-baarista dayax-gacmeedyada.

5.Istaratiijiyadda Qaranka ee Dekedaha

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira ammaanka guud ee dalka, Shirweynihii Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed iyo Arrimaha Abaaraha.

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa golaha u soo bandhigay warbixin la xiriirta dadaallada gurmadka ee socda iyo qorshaha looga jawaabayo wax ka qabashada abaaraha , iyada oo dad dhan 4.4 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa faray hey’adaha dowladda ee ku shaqada leh arrintan in ay si deg-deg ah uga jawaabaan oo gurmad lala gaaro shacabka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeelatay abaarta.