Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Istiraatiijiyadda Qaran ee Dekadaha (2025) iyo Ku-biirista Soomaaliya ee IMSO

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxay u mahadcelinaysaa Golaha Wasiirrada oo maanta meel-mariyeen Istiraatiijiyadda Qaran ee Dekadaha (2025) iyo Xeerka ku Biirista Ururka Caalamiga ee Dayax-gacmeedka Guur-guura (IMSO Convention). Wasaaraddu waxay si gaar ah uga mahadcelinaysaa taageerada Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan horumarinta kaabayaasha badda ee dalka.

Istiraatiijiyadda Qaran ee Dekaduhu waxay dejinaysaa jihada horumarinta dekadaha dalka, iyadoo xoogga lagu saarayo casriyeynta adeegyada, soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo dibadda, xoojinta ganacsiga, abuurista fursadaha shaqo, ilaalinta deegaanka badda, iyo horumarinta dekedaha cagaaran ee waafaqsan heerarka iyo halbeegyada caalamiga ah.

Sidoo kale, istiraatiijiyaddan waxay kor u qaadaysaa iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay (PPP) si loo dhiso kaabayaal waara oo la isku halayn karo.

Dhanka kale, ku biirista Soomaaliya ee IMSO waxay suuragelinaysaa helidda xog isgaarsiineed oo casri ah lana xiriirta gaadiidka badda, la socodka iyo ka jawaabista musiibooyinka badda, iyo ka qaybgalka go’aannada caalamiga ah ee nidaaminta isgaarsiinta badaha — taas oo muhiim u ah maraakiibta adduunka, maadaama in ka badan 80% ganacsiga caalamiga ahi uu maro badda. Arrintan ayaa sidoo kale Soomaaliya u fureysa tababaro, taageero farsamo, iyo kor u qaadista kalsoonida maalgashiga adeegyada badda.

Wasaaraddu waxay mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay fulinta Qorshaha Isbeddelka Qaran, hirgelinta mudnaanta Xukuumadda Dan-Qaran, iyo dhisidda dekado casri ah oo door muuqda ka qaata kobaca dhaqaalaha dalka.

Shirkii golaha wasiiradda XFS oo lagu ansixiyey heshiisyo muhiim u ah dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey shuruuc iyo hehsiisyo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey;

1.⁠ ⁠Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku saabsan iskaashiga guud ee labada dal.

2.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga, oo ilaalinaya xuquuqda haweenka, loogana hortagayo tacaddiyada loo geysto.

3.⁠ ⁠Istaratiijiyadda Qaran ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga, oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee horumarinta ka qeybgalka haweenka ee hormarka dalka.

4.⁠ ⁠Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura, si Soomaaliya uga mid noqoto wadammada ka faa’iideysta adeegyada iyo cilmi-baarista dayax-gacmeedyada.

5.Istaratiijiyadda Qaranka ee Dekedaha

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira ammaanka guud ee dalka, Shirweynihii Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed iyo Arrimaha Abaaraha.

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa golaha u soo bandhigay warbixin la xiriirta dadaallada gurmadka ee socda iyo qorshaha looga jawaabayo wax ka qabashada abaaraha , iyada oo dad dhan 4.4 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa faray hey’adaha dowladda ee ku shaqada leh arrintan in ay si deg-deg ah uga jawaabaan oo gurmad lala gaaro shacabka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeelatay abaarta.

      

Natiijada shidaal qodista Soomaaliya oo lagu dhawaaqayo horaanta sanadka soo socda

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta  ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Shire ayaa ku dhawaaqay in horaanta sanadka soo socda ama sadexda bilood ee ugu horeysa sanadka 2026 lagu dhawaaqi doono natiijada shidaal qodista ee Soomaaliya.

Wasiirka oo ka qeybgalay barnaamijka kulanka toddobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa sheegay in lagu jiro gabagabada baaris iyo sahan lagu sameeyay xeebaha Soomaaliya,gaar ahaan goobaha lagu tuhunsan yahay kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta  ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu caddeeyay in ay si dhow ula socdaan macdan baris sharci darro ah  oo uu tilmaamay in ay ka jiraan deeganno kamid ah W/Galbeed,W/Bari iyo Sanaag.

Daahir Shire,waxa uu dhinaca kale xaqiijiyay  in cid kasta oo Soomaali ah ay xaq u leedahay in gacan lagu siiyo wixii macdan ah ee la doonayo in laga soo saaro gudaha dalka,balse loo baahan yahay in lagu wargaliyo dowladda Soomaaliya.

Gabagabadii Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS  waxa uu qiray in ay kalsooni fiican ku qabaan shidaal qodista Somaalia,isla markaana horaanta sanadkaan lagu dhawaaqi doono natiijada sahanka ee shidaal qodista.

Cumar C/Qaadir oo loo aqoonsaday garsooraha sanadka ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika

Cumar Cabdul-Qaadir oo ah garsoore caalami ah oo Soomaaliyeed ayaa sanadkaan loo doortay garsooraha ugu Fiican ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika .

Guddiga abaalmarinta ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa ku dhawaaqay in guuleystaha sanadkaan ee 2025 uu noqday Garsoore Cumar Cabdulqadir Cartan,kadib markii xaflad lagu maamuusaayeyey magacaabistaasi lagu qabtay Magaalada Rabaat ee Dalka Moroko.

Guushan weyn ee uu gaaray garsoorahaan waxay Soomaaliya u horseedeysaa ama u soo hooyneysaa magac iyo maqaam aan ku yeelanno gudaha xiriirka kubadda cagta ee qaaradda Afrika.

Garsoore Cumar ayaa  waxaa uu la tartamay  laba garsoore oo kale oo u dhashay dalalka South Africa iyo Mauritius.

Wasiirka Qoyska oo xarigga ka jartay xarunta caawinta deg degga ah ee Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xarigga ka jartay xarunta Caawinta deg degga ah ee Carruurta taasi oo Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ay ugu talagashay iney Carruurta Soomaaliyeed deg deg ula soo xiriiraan marka ay tacadi la kulmaan ama ay qatar dareemaan.

Munaasabadda xarig jarka xarunta Wicitaannada deg deg ah ee Carruurta ee nambarka gaaban 116 waxaa Wasiiradda ku wehliyey Wasiirudowlaha Wasaaradda Maxamed Cismaan Naastaro iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maryan Cali Abuukar.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo khudbad dardaaran ah u jeedisay kaadiriinta loo tababaray iney u adeegaan Carruurta Soomaaliyeed ayaa xasuusisay mas’uuliyadda iyo waajibaadka loo igmaday waxaana ay kula dardaarantay iney xil gaar ah iska saaraan la socodka xaaladda Carruurta Soomaaliyeed ee xaruntaan loo sameeyey.

Tallaabadan lagu hurgeliyey xarunta wicitaannada deg degga ah ee Carruurta ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ugu jirto wax ka qabashada tacadiyada ay la kulmaan Carruurta Soomaaliyeed ayadoo ay kusoo aadeyso xili ay Soomaaliya u dabaal degeyso 10 sano guurradii kasoo wareegatay markii ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay heshiiska QM ee Xuquuqda Carruurta.

   

Guddoomiyaha aqalka sare oo hadyad ka helay guddiga dhismaha madxafka nabadda gobolka Carta

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka guddoomay haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Madxafka Nabadda Gobolka ee Carta.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay munaasabadda lagu daahfurayay 25-guuradii ka soo wareegtay Shirweynihii Nabadda Soomaalida ee Carta iyo marxaladaha uu soo maray Madxafka Nabadda.

Dhankiisa, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka mahadceliyay haddiyadda uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Madxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta, isagoo walaalaha Jabuuti ku bogaadiyay doorkooda wax ku oolka ah ee dhisidda Madxafkan Taariikhiga ah.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socda Switzerland

Guddoomiyaha Hay’adda maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Switzerland Development Cooperation (SDC), oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Geeska Afrika, Mr. Julien Peissard.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya SoDMA iyo SDC, gaar ahaan kor u qaadidda adeegyada diyaar-garowga degdegga ah, wax ka qabashada musiibooyinka soo noqnoqda, iyo taageerada bulshooyinka nugul. Si gaar ah ayaa xoogga loo saaray xaaladda abaarta ka jirta dalka, taasoo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed.

  

Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga oo shir uga qaybgalay Djibouti

Djibouti: Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Axmed Xuseen Cilmi oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta ka qayb-galay shir looga hadlayay Sanduuqa Dhaqaalaha Muhaajiriinta Gobolka.

Shirka waxaa ka qayb-galay madaxda hay’adaha qaxootiga ee dalalka ku mideysan Urur-Goboleedka IGAD, wadamada deeq-bixiyeyaasha, hay’ado caalami ah, diblomaasiyiin iyo madaxda IGAD, waxaana lagu lafaguray dadaallada lagu xoojinayo ka-hortagga tahriibka iyo taageerada muhaajiriinta.

Intii uu shirka socday, Guddoomiye Axmed wuxuu kulamo gaar ah la yeeshay Xoghayaha Guud ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Cabdi Waare. Mas’uuliyiintu waxay Dowladda Soomaaliya ku amaaneen ansixinta Hindise-Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha iyo hirgelinta Sharciga Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka, kuwaas oo gacan ka geysan doona xallinta caqabadaha heysta bulshada nugul ee dalka ku nool.

 

Ciidanka Xoogga oo hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidamada Gaarka ah ee CXD ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Buula Madiina ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Intii uu howlgalka socday, Ciidamadu waxay ku guuleysteen inay dib ugu soo celiyaan xorriyadooda 30 qof oo ay ku jiraan laba dumar ah, kuwaas oo argagixisadu ay ku haysteen afduub. Sidoo kale, waxaa la burburiyay xabsigii iyo maxkamad beenaadkii ay Khawaarijtu ku dhibaatayn jirtay dadka rayidka ah.

Howlgalkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku baacsanayaan kooxaha Khawaarijta ah, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

Aqalka Sare oo Ansixiyay Xubnaha Guddigga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul aadanaha

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka soomaaliya ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, kadib markii ay u codeeyeen 28 xubnood oo ka mid ah 55-ta xildhibaan ee Golaha aqalka sare.
Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha, Marwo Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa ansixinta ka hor faahfaahin ka bixisay muhiimadda guddiga iyo doorkiisa ilaalinta xuquuqda iyo la xisaabintanka hay’adaha dawladda, iyadoo muujisay kalsooni ku aadan in guddigu “si buuxda u fulin doono waajibaadkiisa la xisaabintanka hay’adaha dowladda.”

Ansixinta guddiga oo maanta la dhaariyay ayaa yimid ,ka dib markii go’aan taariikhi ah oo ay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ku ansixiyay 7 Oktoobar 2025, kaas oo siinaya Soomaaliya awood buuxda oo madaxbannaan oo ku saabsan xuquuqda aadanaha.

Bishii la soo dhaafay ee 11 Oktoobar 2025, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ansixiyay dhismaha Guddiga Qaranka ee Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha.
Guddigu wuxuu ka kooban yahay sagaal xubnood, kuwaasoo u dooran doona guddoomiye ka mid ah xubnaha:
Farxaam Maxamed Jimcaale
Axmed Sheekh Xamsa Abshir
Cali Maxamed Cilmi
Dr Cumar Cabdullaahi Calasoow
Drs Maryam Qaasim Axmed
Fadumo Cabdiqani Yuusuf
Maxamed Cusmaan Maxamuud
Maxamed Haaruun Maxamuud
Maymuun Sheekh Cumar

Guulaha isdaba-jooga ah ayaa muujinaya horumarka Soomaaliya ku samaynayso dhismaha dowladnimo ,gaar ahaan nidaamka xuquuq aadanaha ee madax-bannaan iyo xoojinta doorkiisa caalamiga ah.