Madaxweynaha koonfur galbeed oo shirguddoomiyey shirka golaha wasiiradda

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalay shirkii ugu horreeyay ee ” Italophony”

Rome(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeybgalay shirkii ugu horeeyay ee heer caalami ah ee ” Italophony” oo lagu qabtay Villa Madama ee magaalada Rome.

Shirkani ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo kaalinta heer caalami ee Afka Talyaaniga, iyadoo la kulminayo dalal iyo hay’ado si loo dhiirrigeliyo iskaashiga, dhaqanka, iyo horumar wadaagga.

Shirka oo abaabulkiisu leeyahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Mudane Antonio Tajani, oo kaashanaya Marwo Anna Maria Bernini, Wasiirka Jaamacadaha iyo Cilmi-baarista, Mudane Andrea Riccardi, Guddoomiyaha Ururka (Società Dante Alighieri), iyo Marwo Paola Frassinetti, Kaaliyaha Wasiirka Waxbarashada, ayaa waxa ay madashani ka dhiggan tahay mid heer caalami ah oo ujeedkeedu daaranyahay wadahadalka, is-dhaafsiga dhaqanka, iyo xoojinta iskaashiga.

Intii uu shirku socday, ayaa waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay yagleelidda ururka (Italophony) si kor loogu qaado iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqan iyo dhaqaale , loona horumariyo Afka Talyaaniga.

Wasiir Cabdisalaan ayaa kulan doceed kula yeeshay madasha, dhiggiisa Talyaaniga, Mudane Antonio Tajani, oo diiradda lagu saarray xoojinta iskaashiga laba-geesoodka, horumarinta hindiseyaasha waxbarasho iyo dhaqan, iyo soo banbixinta fursadaha iskaashi ee maamulka iyo horumarinta.

Shirka Madasha Garsoorayaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

 

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa Dalka Kenya

 

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya.

Nairobi: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku sugan magaalada Nairobi, caasimadda Kenya, ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Kenya, Moses M. Wetang’ula.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya ayaa hambalyo u diray Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur xilka uu ka hayo shir guddoonka guddoomiyeyaasha baarlamaanadda ururka Bulshada Bariga Afrika, doorashada xubnaha Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, iyo kaalinta firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay ururka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dhigiisa Kenya uga tacsiyeeyey geerida ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaasi, Raila Odinga. Sidoo kale, wuxuu dhigiisa ku casuumay shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Ururka Bulshada Bariga Afrika oo Soomaaliya martigelin doonto bisha May sanadka 2026.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray:

• Dhisida guddiga saaxiibtinimada baarlamaanada labada wadan.

• Qibrad is-weydaarsiga xildhibaanada labada baarlamaan.

• Xoojinta wada-shaqeynta guud ee labada baarlamaan.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Xasan.

 

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay guddiga dhaqangelinta qorshaha isbadalka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa shir guddoomiyay kulan-howleedka dhaqan-galinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2026-ka, kaas oo ay yeesheen saraakiisha Tiirka Siyaasadda Loo Dhan Yahay ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo masuuliyiin ka socda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha sanadka 2026-ka, gaar ahaan dhinacyada Warfaafinta, Dhaqanka, Dalxiiska iyo Wacyigelinta Bulshada, kuwaas oo muhiim u ah doorashooyinka dalka ee foodda nagu soo haya.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa ku boorriyay saraakiisha Wasaaradda in ay xaqiijiyaan dhaqan-galinta howlaha iyo qorsheyaasha ku xusan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), si loo gaaro yoolalka loo dejiyay sanadka cusub ee 2026, iyo guud ahaan himilooyinka waaweyn ee NTP.

Gabagabadii, Wasiirka Warfaafinta ayaa uga mahadceliyay guddiga iyo madaxda ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dadaalka iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee ay ku wadaan hirgelinta qorsheyaasha Wasaaradda.

 

Wasiirka cadaaladda oo furay aqoon’isweydaarsiga hindise-sharciyeedka Iskaashiga garsoorka caalamiga ah

Nairobi: Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta furay aqoon-is-weydaarsi looga hadlayo dhameystirka hindise-sharciyeedka Iskaashiga garsoorka Caalamiga ah, kaas oo maanta ka bilowday magaalada Nairobi.

Aqoon-iswaydaarsigan oo soconaya labo maalmood kaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caddaaladda oo kaashanaysa Machadka Caalamiga ah ee Cadaaladda iyo Sarreynta Sharciga (IIJ) ayaa waxaa qeyb ka ahaa guddoonka iyo xubno ka tirsan Guddiyada Caddaaladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee labada Aqal ee baarlamaanka JFS ,Xeer-ilaalinta iyo hawlwadeennada baarlammaanka iyo howl-wadeenno sharci oo ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda.

Hindisahaan ayaa xoojinaya wada-shaqeynta Soomaaliya ay la leedahay dalalka gobolka iyo beesha caalamka, gaar ahaan la-dagaallanka dembiyada ka gudba xuduudaha, is-weydaarsiga caddaymaha iyo horumarinta nidaamka caddaaladda dalka.

        

Ra’iisul wasaare Xamsa oo guddoomiyey shir ku saabsan dhammaystirka hawlaha doorashooyinka dowladaha hoose

R’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir lagu gorfeynayey dhammaystirka hawlaha doorashooyinka dowladaha hoose ee dhawaan dalka ka qabsoomi doona.

Shirka oo ay ka qeyb galeen wasiirrada wasaaradaha sida tooska ah ula falgala hawsha doorashooyinka, ayaa waxaa lagu dhageystay warbixin ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Guddoomiyaha guddiga, Mudane Cabdixakiim Axmed Xasan, ayaa sheegay in hawshu ay meel wanaagsan marayso, isla markaana la diyaariyey dhammaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda doorashada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey guddiga iyo wasaaradaha ka qeyb qaadanaya fulinta barnaamijkan, isaga oo xusay in Xukuumadda #DanQaran ay ka go’an tahay hirgelinta doorashada Qof iyo Cod, iyadoo ugu horrayn la bilaabayo doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

    

Wasiirka deegaanka oo khudbad ka jeediyey madasha sare ee dalalka Hay’adda cimilada QM (UNFCCC COP30),

Belém: Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta khudbad dhamaystiran ka jeediyay madasha heerka sare ee dalalka Hay’adda Cimilada QM (UNFCCC COP30), oo ka dhacaysa magaalada Belém, dalka Brazil.

Wasiirka ayaa ku adkeeyay go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan dardargelinta ficilka cimilada, horumarinta qorshayaal cad oo lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Mudane Bashiir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Brazil iyo Xoghayaha Fulinta UNFCCC martigelinta shirkan muhiimka ah, isagoo xusay in Soomaaliya ay tallaabooyin muuqda ka qaaday hirgelinta NDC 3.0, oo si buuxda ula jaanqaadaysa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Qorshaha Qaran ee La-qabsiga Cimilada (NAP). Sidoo kale, Soomaaliya waxay si rasmi ah u daahfurtay NAP, Qorshaha Maalgashiga NDC 3.0, iyo LT-LEDS, kuwaas oo qeexaya mustaqbal adkaysi leh, kaarboon-yar, iyo horumar waara.

Wasiirku wuxuu sidoo kale ka hadlay khasaaraha iyo waxyeellada, isagoo hoosta ka xarriiqay sida Soomaaliya uga go’antahay la tacaalidda saameynta tooska ah ee cimilada, taas oo khatar ku ah nolosha, dhaqaalaha, iyo deegaanka.

Wasiirka ayaa Khudbadiisa diiradda ku saaray saddex farriimood oo muhiim ah:
1. Baahida loo qabo sinnaanta iyo cadaaladda cimilada
2. Xoojinta taageerada ku wajahan la-qabsiga
3. In ballan-qaadyada heer caalami loo beddelo ficil muuqda oo wax ka beddela nolosha dadka

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada waxay sii wadi doontaa iskaashiga dhow, hufnaan, iyo hoggaan lagu xaqiijinayo ficil cimiladeed oo wax ka taraya badbaadada dadka iyo ilaalinta mustaqbalka dalka.

   

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran, oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa nidaamka qorsheynta, si loo dardargeliyo hannaanka howl-fulinta iyo horumarinta hey’adaha dowliga ah, loona helo nidaam qorsheyn iyo kormeer mideysan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in ujeeddada shirka ay tahay adkeynta awoodda hey’adaha dowladda, dhisidda nidaamyo shaqo oo xooggan, iyo kor u qaadista siyaasadaha horumarinta qaranka. Wuxuu xusay in iyada oo la soo gabagabeeyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka, ay haddana lama huraan tahay in la hirgeliyo kormeer qaran oo hufan, si loo hubiyo natiijooyin muuqda oo la taaban karo.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday hey’adaha dowladda iyo wakiillo ka socday Beesha Caalamka, kuwaas oo bogaadiyey guulaha siyaasadeed iyo horumarineed ee ay dowladda Soomaaliya gaartay, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay taageerada iyo garab istaagga hey’adaha dawliga ah.