Wasiirka deegaanka oo khudbad ka jeediyey madasha sare ee dalalka Hay’adda cimilada QM (UNFCCC COP30),

Belém: Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta khudbad dhamaystiran ka jeediyay madasha heerka sare ee dalalka Hay’adda Cimilada QM (UNFCCC COP30), oo ka dhacaysa magaalada Belém, dalka Brazil.

Wasiirka ayaa ku adkeeyay go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan dardargelinta ficilka cimilada, horumarinta qorshayaal cad oo lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Mudane Bashiir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Brazil iyo Xoghayaha Fulinta UNFCCC martigelinta shirkan muhiimka ah, isagoo xusay in Soomaaliya ay tallaabooyin muuqda ka qaaday hirgelinta NDC 3.0, oo si buuxda ula jaanqaadaysa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Qorshaha Qaran ee La-qabsiga Cimilada (NAP). Sidoo kale, Soomaaliya waxay si rasmi ah u daahfurtay NAP, Qorshaha Maalgashiga NDC 3.0, iyo LT-LEDS, kuwaas oo qeexaya mustaqbal adkaysi leh, kaarboon-yar, iyo horumar waara.

Wasiirku wuxuu sidoo kale ka hadlay khasaaraha iyo waxyeellada, isagoo hoosta ka xarriiqay sida Soomaaliya uga go’antahay la tacaalidda saameynta tooska ah ee cimilada, taas oo khatar ku ah nolosha, dhaqaalaha, iyo deegaanka.

Wasiirka ayaa Khudbadiisa diiradda ku saaray saddex farriimood oo muhiim ah:
1. Baahida loo qabo sinnaanta iyo cadaaladda cimilada
2. Xoojinta taageerada ku wajahan la-qabsiga
3. In ballan-qaadyada heer caalami loo beddelo ficil muuqda oo wax ka beddela nolosha dadka

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada waxay sii wadi doontaa iskaashiga dhow, hufnaan, iyo hoggaan lagu xaqiijinayo ficil cimiladeed oo wax ka taraya badbaadada dadka iyo ilaalinta mustaqbalka dalka.

   

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran, oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa nidaamka qorsheynta, si loo dardargeliyo hannaanka howl-fulinta iyo horumarinta hey’adaha dowliga ah, loona helo nidaam qorsheyn iyo kormeer mideysan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in ujeeddada shirka ay tahay adkeynta awoodda hey’adaha dowladda, dhisidda nidaamyo shaqo oo xooggan, iyo kor u qaadista siyaasadaha horumarinta qaranka. Wuxuu xusay in iyada oo la soo gabagabeeyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka, ay haddana lama huraan tahay in la hirgeliyo kormeer qaran oo hufan, si loo hubiyo natiijooyin muuqda oo la taaban karo.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday hey’adaha dowladda iyo wakiillo ka socday Beesha Caalamka, kuwaas oo bogaadiyey guulaha siyaasadeed iyo horumarineed ee ay dowladda Soomaaliya gaartay, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay taageerada iyo garab istaagga hey’adaha dawliga ah.

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha Peace Framework ee u dhexeeya Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo iyo Isbahaysiga Webiga Kongo “23 Maarso Movement”, iyadoo tallaabadan u tixgelineysa horumar dhisme iyo hiigsi leh dadaallada ballaaran ee lagu gaarayo xasillooni waarta.

Soomaaliya waxay bogaadisay dadaalka hagar la’aanta ah ee Dowladda Qatar ee fududeynta jidkan, maadaama diblomaasiyadeed ee joogtada ah ay ka qayb qaadanayso samaynta cimilo wax-qabad leh oo wax-dhis ah, bixinta baaxadda leh ee mabaadi’da ay dejisay Baaqa Doha.

Waxay sidoo kale ku amaanan tahay kaalintii qiimaha iyo hagar la’aanta ahayd ee ay ka ciyaareen Maraykanka, Jamhuuriyadda Togo iyo Guddiga Midowga Afrika, taageeradooda iyo wada shaqayntoodu waxay dib u soo celiyeen waqtigii loo baahnaa in la isugu keeno aragtida dhinacyada.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale muujinaysaa mahadnaq mas’uuliyadda leh iyo aragtida mustaqbalka ee labada dhinac ay bixiyeen guud ahaan geedi socodka, iyadoo ku adkaynaysa sida ay uga go’an tahay wax ka qabashada khilaafka iyada oo loo marayo wadahadal abaabulan, tallaabooyin kalsooni dhis ah iyo dariiq wajahsan oo mudnaan siinaya dhimista badbaadinta, ilaalinta shacabka, Fududeynta helitaanka gargaarka bani’aadamnimo iyo diyaarinta xaaladaha nabadgalyada iyo soo noqoshada barakacayaasha.

Soomaaliya waxay rajaynaysaa in hab-maamuusyada farsamada iyo farsamada mustaqbalka ay ku lug yeeshaan isku tashi horumarkan iyo dhigista waddo joogteyn ah la gaari karo oo loo jihaysto nabad waarta.

Lix khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay nawaaxiga Xarardheere

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay fuliyay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, kaasi oo si toos ah loogu beegsaday malleeshiyaad Khawaarijta ka tirsan oo ku dhuumaaleysanayay tuulada Dumaaye ee gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa lagu dilay 6 malleeshiyaad ah, waxaana gacanta lagu soo dhigay hub iyo saanad ay argagixisadu ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah. Hubka laga soo furtay cadawga, waxaa ka mid ahaa afar qori oo nooca AK-47 ah iyo agab ciidan oo kale, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fashiliyey weerar naf-la-caari ah oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qaadeen deegaanka Dabagalo, oo qiyaastii 35 KM dhanka Waqooyi-Galbeed ka xiga Xarardheere. Ciidanku waxay ka hortageen qorshaha cadowgu soo maleegay ee lagu doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada deegaanka.

Dhanka kale, howlgal kale oo ka dhacay wadada isku xirta Garasweyne iyo Moragaabey oo 37 km dhanka galbeed uga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa lagu beegsaday koox kale oo Khawaarij ah.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay 5 dhagar-qabe oo tirsanaa malleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah, waxayna ciidamada ay gacanta ku dhigeen 2 qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale.

Magacyada horjoogayaasha la dilay waxaa ka mid ah:
Ibraahim Caliyow Maxamed Macalin
Aadan Maxamed Same
Cabdullaahi Aadan Dheere

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan dadaallada joogtada ah ee CXD iyo ciidamada Macaawisleyda ee lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha argagixisada, waxayna mar kale caddeynayaan inay sii socon doonaan howlgallada lagula dagaallamayo Khawaarijta illaa CXD ay xaqiijiyaan in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan ammaan buuxa iyo xasillooni waarta.

Soomaaliya oo ku baaqday in tallaabo degdeg ah loo qaado joojinta gaajada la xiriirta colaadaha

New York-USA-(Wargeyska Dalka)-Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Mudane, Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xiriirka ka dhexeeya dagaalka iyo gaajada.

Danjire, Abuukar Baalle oo ka hadlayay shalay 17-kii November shir furan oo Golaha Ammaanka uu ka yeeshay cunno-yarida la xiriirta colaadaha ayaa intaa ku daray in colaaduhu ay gaajo ka dhaliyaan dalal badan, halka gaajaduna ay sidoo kale dalalka ka dhigto kuwo jilicsan oo u nugul fowdada.

Mudane, Abuukar Baalle ayaa xusay Qaraarka 2417 ee QM uu ka digayo in gaajada loo adeegsado hub ahaan, taas oo khatar ku ah nabadda.

Wuxuu tilmaamay in warbixinta caalamiga ah ee 2025 oo ku saabsan dhibaatooyinka cunnada ay muujisay in dadka la ildaran gaajada ba’an ay sii kordhayaan, arrintaasina ay u baahan tahay iskaashi caalami ah oo ballaaran.

Wuxuu iftiimiyay dadaallada iyo horumarka ka socda Afrika, wuxuuna tusaale u soo qaatay Bayaankii Kampala ee Midowga Afrika, kaas oo diiradda saarayay dhisidda nidaamka beeraha iyo xasillooni dhaqaale.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Mudane, Abuukar Daahir ayaa sheegay in dadaalladan ay ku saleysan yihiin mudnaanta Afrika, taas oo ay ujeeddadoodu tahay in bulshada la taageero, dhaqaalaha maxalliga ah la xoojiyo, lana hubiyo in dalalka ay awood ugu yeeshaan in ay ka hortagaan musiibooyinka mustaqbalka.

Wuxuu sheegay in bulshooyinka ay horumar sameeyaan marka ay awood u yeeshaan in ay maamulaan khayraadkooda, wuxuuna intaas ku daray in haweenku door dhexe ku leeyihiin wax soo-saarka cuntada iyo daryeelka qoyska, ayna tahay in codkooda lagu hago siyaasadaha.

Danjire Baalle ayaa yiri ,”Waa in Golaha Ammaanku uu xoojiyo nidaamyada digniinta hore ee Qaraarka 2417, lana xisaabtamo kuwa gaajada u adeegsada hub ahaan”.

Mudane Abuukar Baalle ayaa ku baaqay iskaashi adag oo isku daraya gargaarka bani’aadannimo, horumarinta iyo dhisidda nabadda.

Wuxuu dalalka caalamka ku boorriyay in ay bixiyaan maalgelin joogto ah oo wax-ku-ool ah, si loo fuliyo qorshayaasha qaran ee sugnaanta cuntada, isagoo sheegay in maalgelinta wax-soosaarka maxalliga ah, suuqyada cadaaladda ku dhisan iyo kaabayaasha miyiga ay keeni doonaan faa’iido waarta.

Danjiruhu wuxuu sheegay in aan waligood cuntada loo adeegsan karin sidii dhaawac loogu geysan lahaa dadka ama loogu kala fogeyn lahaa bulshooyinka, wuxuuna xusay in la dagaallanka gaajada ay tahay furaha nabadda iyo xasilloonida.

Ugu dambayn, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto in ay la shaqeyso saaxiibbadeeda caalamka si loo dhiso nidaamyo siiya dadka cunto, fursad iyo rajo.

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ah kusoo xiray Muqdisho

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray shir heer Qaran ah oo looga tashanayay dhismaha Istaraatijiyadda Qaranka ee Anticipatory Action, taas oo hagaysa diyaar-garowga iyo jawaab celinta masiibooyinka dalka.

Shirka oo socday muddo saddex maalin ah ayaa laga soo saaray qodobo wax-ku-ool ah oo kor u qaadaya awoodda dalka ee maareynta masiibooyinka.

Daahfurka Istaraatijiyaddan Qaranka ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee saadaalinta aafooyinka iyo qaadashada tallaabooyin degdeg ah oo badbaadin kara nolosha iyo hantida bulshada.

Mas’uuliyiin sare oo ka socday DRC, FAO, WFP, iyo IGAD ayaa jeediyay hadallo hambalyo ah, iyagoo bogaadiyay ruuxa iskaashiga ah isla markaana xaqiijiyay taageeradooda sii socota ee lagu xoojinayo hawlgelinta hore ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA ayaa si rasmi ah usoo xiray shirka, isaga oo sheegay in khariiddadan ay tahay natiijada shaqo farsamo oo qoto dheer, wadatashi Qaran iyo iskaashi xooggan oo dhexmaray Hay’adaha dowladda, IGAD, iyo bah-wadaagta. Khariiddada waxaa lagu taageeray mashruuca SCALAA oo ay maalgelisay DG ECHO, waxaana fulinaya WFP, FAO, IFRC, DRC iyo ICPAC.

Geeddi-socodkan wuxuu muujinayaa ballanqaadkeena wadajirka ah ee ku aaddan diyaar-garow la saadaalin karo, la isku waafaqsan yahay, kana fog xasaradaha.

Bilihii lasoo dhaafay, waxaa la qabtay wadatashiyo heer Qaran ah, falanqeyn farsamo, iyo kulamo dib-u-eegis ah oo ay ka qayb galeen Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Wasaaradaha kala duwan ee dowladda iyo khubaro ka kala socday hay’adaha bani’aadamnimo iyo kuwa horumarinta. Kulamadan waxay xaqiijiyeen in khariiddadu ku saleysan tahay caddeyn ay la jaanqaadaysay xaaladda dalka, isla markaana ay si buuxda ugu habboon tahay baahiyaha jira.

Xukuumadda oo xoogga saaraysa in adeegga dowaldda laga dhigo mid casri ah oo Teknolojiyadda la socda

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyey, ayaa ka hadlay mideynta dowladnimada danabeysan ee lagu sameynayo hey’adaha dowladda, dardar-gelinta habraacyada maamulka casriga ah iyo dhammaystirka wada-shaqeynta iyo isku-duwidda wasaaradaha ay khusayso nidaamka dowladnimada.

Guddigan oo uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qayb ka ah qorshaha lagu mideynayo nidaamka maamulka iyo horumarinta dowladnimada casriga ah.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane Maxamed Aadan Macalin, ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan wasaaradaha xubnaha ka ah gudiga, iyo mas’uuliyiinta kale, kuwaas oo kala ah;

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda mudane Biixi Iimaan Cige.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha mudane Maxamuud Axmed Aadan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada mudane Cali Xaaji Aadan.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Saalim Caliyow Ibroow.

Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil .

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali.

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS ,Mudane Kamaal Daahir Guutaale.

Iyo masuuliyiin ka socday Xafiiska Madaxwynaha JFS.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu lafaguray, xoojinta dadaallada mideynta nidaamyada dowladeed, hirgeliyo hannaan mideysan oo lagu maamulo xogaha iyo adeegyada dowladda iyo xoojinta daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka hey’adaha dowladda, taas oo ah bilow cusub oo lagu dardargelinayo dowladnimo casri ah, mideysan, hufan oo si fudud u gaarta bulshada Soomaaliyeed.

Hawshan ayaa sees-dhig u ah qorshaha ballaaran ee xukuumadda uu hoggaamiyo Raisulwasaare Xamsa Cabdi Bare ay ku casriyaynayso dowladnimadda, laguna fududeynayo adeegyada.

      

Wasiirka shaqada oo qaabilay danjiraha Turkiga

Safiirka dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ambassador Alper Aktaş ayaa booqasho ugu yimid Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Saalim Caliyow Ibrow, iyagoo xarunta wasaaradda ku yeeshay kulan u dhexeeya labada dhinac.

Kulan ayaa looga hadlay sii wadidda heshiisyo waxqabad oo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya kala dhexeeya dhigeeda Jamhuuriyada Turkiga.

Safiirka dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ambassador Alper Aktaş ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta isla markaasna sheegay in uu diyaar u yahay in uu sii wado xiriirka labada dhinac oo ku dhisan wax wada qabsi iyo taageero.

Wasiirka wasaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Saalim Caliyow Ibrow ayaa uga mahadceliyey safiirka booqashadiisa, waxaana uu soo jeediyey in bandhigay in safiirku gacan ka geysto sidii shaqaalaha Soomaaliyeed u heli lahaayeen tababaro kor loogu qaadaayo aqoontooda iyo xirfadaha farsmada, maadaama uu Turkigu u yahay saaxiib weyn oo ay leeyiin shaqacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Muqdisho(Wargeyska Dalka);- Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo ka qaybgalay kalfadhiga 7-aad kulankiisa shanaad. Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo uu wehelinayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Ajendaha kulanka wuxuu ahaa akhrinta labaad ee xisaab-xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024. Warbixinta xisaab-xirka ayaa mudanayaasha uga soo bandhigay Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan).

Kulanka kadib, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ayaa cabbiray aragtiyadooda ku aaddan warbixinta xisaab-xirka, halka wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, oo goobta ku sugnaa, ay su’aalo iyo faahfaahin kala hureen.

Ugu dambayntii, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo kulanka soo xiray, ayaa faray guddiyada maaliyadda ee labada Aqal inay ku daraan doodaha iyo talooyinka Xildhibaanada, ayna soo diyaariyaan akhrinta saddexaad, si mar kale loogu soo celiyo golaha loona marsiiyo akhrinta kama dambaysta ah.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa xarunta Madaxtooyada Baydhabo kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Francesca Di Mauro.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Koonfur Galbeed iyo Midowga Yurub, gaar ahaan Amniga,Horumarinta adeegyada bulshada,Taageerada dhaqaalaha iyo Mashaariicda dib-u-dhiska.

Laftagareen ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan shacabka Koonfur Galbeed, halka safiirkuna uu bogaadiyay dadaallada maamulka ee xasillinta iyo horumarinta adeega bulshada.

labada dhinac waxay isku afgarteen in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehliyay wasiirrada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Gargaarka, Haweenka iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.