Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa ka qeybgalay Shirka Sannadlaha ah ee looga hadlayo “Ilaalinta iyo Xalka Waara” ee dadka Barakaca uu saameeyey, kaasi oo ka dhacay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Shirkan waxaa kasoo qeybgalay wakiillo ka socday dalalka ku mideysan Urur Goboleedka IGAD, hay’ado caalami ah iyo diblomaasiyiin ka socday safaaradaha. Waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ka dhashay qiimeyn iyo dabagal muddo bilooyin ah socday, kuwaas oo diiradda lagu saarayey guulaha laga gaaray mashaariicda sannadkan soo dhammaanaya ee “Ilaalinta iyo Xalka Waara”, iyo caqabadaha weli ka jira dalalka IGAD.

Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi ayaa khudbaddiisa ku adkeeyey dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hormuudka ka tahay, gaar ahaan:

Saameynta ka dhalatay hoos u dhaca kaalmada bini’aadannimo.

Dhibaatada sii kordheysa ee isbeddelka cimilada iyo tirada barakacayaasha oo sii badanaysa.

Horumarka muhiimka ah ee laga gaaray meelmarinta Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha Gudaha.

Wufuudda ka qeyb gashay shirka ayaa si gaar ah u bogaadiyey tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku amaanay dadaalka joogtada ah ee lagu doonayo in lagu xalliyo caqabadaha haysta barakacayaasha gudaha dalka.

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Bakool (Wargeyska Dalka):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo laga sameeyay na-waaxiga deegaanka Moora-Gaabeey, oo 37 KM u jirta degmada Xuddur ee gobolka Bakool.

Howlgalka oo si xeeladeysan loo abaabulay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan saddex dhagarqabe, waxaana lagu dhaawacay in ka badan toban xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa sidoo kale ku soo furtay agab ciidan oo ay ku jiraan hub iyo saanad ay isticmaalayeen kooxaha nabad-diidka ah.

Taliyaha Qeybta 60-aad ee CXDS, Gaashaanle Sare Maxamed Yariis Aadan, oo la hadlay Warbaahinta Ciidamada, ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo dhagarta Khawaarijta, ayna Ciidanku ka go’an tahay inay sugaan amniga deegaanka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka)-Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Faysal Aadan Xasan, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, kaas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

Xoghayaha ayaa sheegay in shirkan, oo diiradda lagu saari doono dib-u-habeynta hay’adaha caddaaladda, xoojinta iyo awood-siinta laamaha garsoorka, uu si rasmi ah u furmi doono 22–23 November 2025.

Shirweynahan ayaa noqonaya madal qaran oo sanadle ah, waxaana isugu imaan doona bahda garsoorka iyo caddaaladda dalka, si ay uga wada hadlaan hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta nidaamka caddaaladda Soomaaliya. Waxaa ka qayb geli doona ergo kala duwan oo ka socda dowladda federaalka, wasaaradaha caddaaladda ee dowlad-goboleedyada, ururada bulshada rayidka, iyo marti sharaf kale.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka oo maalintii 3aad ku gudajira soo bandhigidda soojeedinta wax-kabeddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.

Kulankan ayaa diirradda lagu saaray cutubka lixaad ee dastuurka oo cinwaankiisu yahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo cutubka 7aad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo war muhiim ah soo saaray

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha(GMDQS) isaga oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, fulinayana awoodihiisa uu sharcigu tilmaamayo si waafaqsan Qod. 18-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo ah Cayimidda muddooyinka Doorashooyinka Qaranka.

Guddiga ayaa ku wargeliyay dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka in guddigu ku talagalkiisu yahay inuu ku dhammeystiro dhammaan heerarka kala duwan ee doorashooyinka muddo xilleedkooda dastuuriga ah ee goleyaasha Qaranka.

Halkaan Hoose ka akhrisowaraaxaafadeedka.

Arday Soomaaliyeed oo Bandhig dhaqameed kaga qeyb galay Shiinaha

Changsha:-  Magaalada  Changsha ee caasimadda gobolka Hunan ee dalka Shiinaha toddobaadkan waxay martigelisay Bandhig dhaqameed, kaas oo ay ka qeyb galeen arday badan oo Ajaaniib ah oo ay ku jiraan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas.

Bandhig dhaqameedkan ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Central South University (CSU) ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta jaamacadda, marti sharaf iyo arday badan oo badan oo ka kala socda in ka badan 40-Dowladood oo Soomaaliya ay ku jirto.

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Shiinaha ayaa madasha ku soo bandhigay ciyaar dhaqameed cajiib ah iyo cunto dhaqameedkeenna oo noocyo kala duwan leh, taas oo si weyn u soo jiidatay dhammaan dadkii munaasabadda ka soo qeyb galay.

Dhallinyaro ku lebbisan dharka hiddaha iyo dhaqanka, isla markaan lulaya Calankeenna Soomaaliyeed ayaa goobta wacdaro ka muujiyay, iyadoo qiimeeyn la sameeyayna ay Soomaalidu ka gashay kaalimaha ugu horreeya bandhig dhaqameedka ka dhacay magaalada Changsha ee caasimadda gobolka Hunan ee dalka Shiinaha.

Axmed Cabdiraxmaan Ibraahim oo ah Guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Changsha oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in sanadkan si weyn u diyaargarowbeen,islamarkaana goobta ay la tageen bandhig cajiib ah oo kor u qaaday sumcadda dalkeenna, wuxuuna si gaar ah ammaan ugu jeediyay gabdhaha Soomaaliyeed doorka wanaagsan ay ka qaateen bandhigga.

Madaxdii iyo Ajaaniibtii kale ee Bandhigga ka soo qeyb galay ayaa u riyaaqay bandhiga cajiibka ah ee ardayda Soomaaliyeed soo bandhigeen, iyagoo ku tilmaamay mid kaalin muhiim ah ka qaatay habsami u socodka munaasabadka.

         

Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Xukuumadda FS oo xilka la wareegay

Muqdisho, Axad, 16 Nofeembar 2025 : Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kamaal Daahir Guutaale ayaa xilka u kala Wareejiyey Agaasimaha cusub ee Waaxda Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ahna Afhayeenka Xukuumadda Cabdinaasir Axmed Bashiir iyo Agaasimihii hore.

Xafladda xil wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay Shaqaalaha Waaxda iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada Xafiiska.

Xoghayaha joogtada ah Mudane Kamaal ayaa agaasimaha cusub iyo shaqaalahaba kula dardaarmay xilgudasho hufan.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo xaqiijisay xadgudub sharci-daro ah oo lagu beegsaday e-TAS

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- War-saxaafadeed ka soo baxay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu xaqiijiyay inay ogaatay xadgudub sharci-darro ah oo lagu beegsaday qeybo kamid ah xogta rakaabka ku socdaalaya Soomaaliya ee (e-TAS).

Hay’adda Socdaalka ayaa sheegtay inay qaaday talaabo deg deg ah oo lagu baarayo arrintaas.

Halkaan hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka:- 

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS oo ka digtay Macdaneysiga Sharcidarada ah

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta XFS ayey kaga hadashay Macdaneysiga Sharcidarada ah, kaas oo ay ku lug leeyihiin shaqsiyaad iyo shirkado isugu jira muwaadiniin iyo shisheeye.

Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka:-

Guddiga Arrimaha Gudah ee Golaha Shacabka oo kulan su’aalo-weydiin ah kula yeeshay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa kulan su’aalo-weydiin ah kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi.

Kulanka oo ay guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh, ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey), iyo Xoghayaha Guddiga, Xildhibaan Maxamed Ibraahin Xasan.

Intii kulanku socday, xubnaha Guddiga ayaa ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyaha Booliiska warbixin guud oo ku saabsan xaaladda amniga dalka, hawlaha shaqo ee Wasaaradda Amniga, iyo qorsheyaasha Taliska Booliiska ee horumarinta amniga.

Kadib warbixinta, xubnaha Guddiga ayaa su’aalo muhiim ah weydiiyay Wasiirka iyo Taliyaha, kuwaasoo si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii la xiriiray amniga guud ee dalka, qorshaha sugidda amniga, iyo howlaha ciidamada booliska.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la joogteeyo kulamada noocaan ah, si loo xoojiyo wada-shaqeynta loona dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee qaranka.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Xildhibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh, oo kulanka soo xirtay, ayaa u mahadcelisay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi, iyadoo ku bogaadisay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan qaranka.