Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa maanta qaabilay mas’uuliyiinta Hay’adda SoDMA oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulankan ayaa looga hadlay heerka xaaladda Banii’aadnimada dalka iyada oo mas’uuliyiinta SoDMA ay soo bandhigeen warbixinno la xiriira dhibaatooyinka ka dhashay roob la’aanta, biyo iyo baad yarida iyo xalalka ugu haboon.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa Bogaadiyey shaqada SoDMA, isaga oo xaqiijiyey sida Wasaaradda iyo dowladdu uga go’antahay garab istaagga dadka nugul iyo sidii xalwaara loogu heli lahaa abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-Baarista Beeraha Qaranka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka, ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo machadkani in uu soo saari doono khubaro Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaata horumarinta wax soo saarka beeraha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in beeruhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidoo kalena muhiimad weyn u leeyihiin horumarinta bulshooyinka dunida oo dhan. Isaga oo carrabka ku adkeeyey in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta koowaad siinayso kordhinta wax soo saarka gudaha, maadaama uu caalamku wajahayo cabsi ku saabsan cunno yaraan, taasoo waddamo badan ku qasabtay in ay joojiyaan dhoofinta dalagyadooda.

“Dhulkeennu waa mid aad ugu habboon beerista oo leh biyo ku filan, waxaan nahay dal isku filnaan kara haddii la horumariyo wax soo saarka beeraha. Xukuumaddana waxaa ka go’an in ay xoogga saarto kobcinta dhaqaale ku saleysan beeraha iyo xoolaha. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dadaalka ay ugu jirto abaabulka beeraleyda iyo iskaashatooyinka, ayaa adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo wacyigelinta iyo aqoontooda, isaga oo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay dib u eegaan maalgashiyadooda, isla markaana ku dhiirradan in ay maal geliyaan wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beeraha oo uu sheegay in ay leeyihiin fursado dhaqaale oo ballaaran.

“Soomaaliya waxa ay ku taallaa goob istaraatiji ah oo dunida oo idil muhiim u ah, waxaana jira dalal badan oo diyaar u ah in ay dalkeenna maalgashadaan, gaar ahaan beeraha iyo xoolaha”. Ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka);- Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo si rasmi ah looga bilaabay bixinta kaararka codbixinta degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. Tani waxay astaan u tahay bilowga marxalad cusub oo siyaasadeed oo ku dhisan hufnaan, ka-qaybgal bulsho iyo dimuqraadiyad dhab ah.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMBDQ) ayaa shaaciyay in bixinta kaararka codbixinta laga bilaabay toddobo degmo oo ka mid ah caasimadda. Ku dhawaad hal milyan oo qof oo horey isaga diiwaangeliyay magaalada Muqdisho ayaa hadda fursad u helaya inay qaataan kaararkooda si ay u gutaan waajibaadkooda muwaadinimo ee codbixinta.

Golayaasha deegaanka—ee doorashadoodu tahay tiir-dhexaadka nidaamka dowlad-dhiska heer hoose—ayaa mas’uul ka ah adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, qorsheynta horumarinta degmooyinka, ilaalinta nadaafadda, amniga deegaanka iyo daryeelka xuquuqda muwaadiniinta. Doorashada ay shacabka si toos ah ugu codeynayaan mas’uuliyiintooda waxaa loo arkaa tallaabo lagu xoojinayo isla xisaabtanka iyo in maamulka loo soo dhoweeyo bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xamse Cabdi Barre, oo booqday xarunta Guddiga Doorashooyinka, ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay xukuumaddu uga go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Wuxuu yiri:
“Waxaan ku kalsoonahay shacabkeenna oo ay gacantooda ku jirto codbixinta. Qofka rumeysan Allaah kadibna ku kalsoon shacabkiisa, ma aaminsani in meel xun ay dhigayaan.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waxaan shacabka ka codsaneynaa inay fursaddan ka faa’iideystaan oo ay qaataan kaararkooda, si ay doorashadooda u gutaan, maadaama uu dastuurku sidaas farayo.”

Dhankiisa, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa shacabka gobolka Banaadir ugu baaqay inay si firfircoon uga qaybqaataan geedi-socodka doorashada, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay qaadashada kaarka codbixinta.

Diyaar garowga Doorashada golaha deegaanka ee ka socota caasimadda waxaa lagu tilmaamay tallaabo dhabbaha u xaareysa nidaam dowladnimo oo hufan, oo ka bilaabma heer hoose kuna dhisan xasillooni, maamul wanaag iyo horumar waara. Hirgelinta nidaamkan cusub ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay u socoto jihada ay bulshadeedu muddo dheer sugaysay—doorasho toos ah oo codka shacabku saldhig u yahay.

Wasiirka Caafimaadka oo xilka u kala warejiyay Agaasimaha cusub ee isbitaal Banaadir iyo Agaasimihii hore

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir, Dr. Cabdirisaaq Shariif Cali, iyo agaasimihii hore, Dr. Fartuun Shariif Maxamed.

Agaasimaha cusub ee Isbitaalka Banaadir, Dr. Cabdirisaaq Shariif Cali, oo ka hadlay munaasabadda xilwareejinta ayaa yiri:

“Waxaan ballan qaadayaa in aan labo jibbaari doono shaqooyinka Isbitaalka Banaadir, annagoo si gaar ah u daryeeli doona hooyada iyo dhallaanka.”

Dhankeeda, agaasimihii hore ee Isbitaalka, Dr. Fartuun Shariif Maxamed, ayaa sheegtay in muddadii ay xilka haysay wax badan ka qabatay hormarinta adeegyada kala duwan ee isbitaalka Banaadir.

“Muddo 7 sano ah oo aan hayay xilka Agaasimaha Isbitaalka Banaadir, waxaan qabanay wax badan oo muuqda, waxaana adeeg caafimaad u fidinay bukaano badan oo ka kala yimid qeybo badan oo dalka ka mid ah.”

Wasiirka Caafimaadka XFS, Dr. Cali Xaaji, ayaa isna ku ammaanay Dr. Fartuun shaqadii wanaagsaneyd ee ay ka qabatay Isbitaalka Banaadir. Sidoo kale wuxuu agaasimaha cusub kula dardaarmay inuu sii labo-jibaarayo dadaalka lagu horumarinayo adeegyada caafimaad ee isbitaalku uu bixiyo.

“Agaasime Fartuun Shariif waxaan ku amaanayaa shaqadii wanaagsaneed ee ay ka qabatay Isbitaalka Banaadir oo maalin kasta u adeega boqollaal bukaan.”ayuu yiri wasiir Cali xaji

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Isbitaalka Banaadir waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, takhaatiir iyo shaqaalaha isbitaalka, kuwaas oo dhammaantood ammaanay shaqada muuqata ee  agaasimihii hore ay ka qabtay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska Danab ayaa howlgallo qorsheysan ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo halkaas jab culus lagu gaarsiiyay cadowga.

Howlgallada ayaa laga fuliyay deegaannada Muuse Xaaji, Araare, Koban, Bangeeni, Maleyleey, Baladu-raxma iyo Degeyga Maam-bile, kuwaas oo dhammaantood hoos taga degmada Jamaame. Ciidamada ayaa Khawaarijta ka saaray deegaannadii ay ku dhuumaaleysanayeen, iyagoo u geystay khasaare culus.

Howlgalka dhulka ka socday waxaa barbar socday duqeymo ay fuliyeen Ciidamada Qaranka, kuwaas oo lagu burburiyay goobihii ay Khawaarijtu ka samaysteen meelo ay isku qarinin jireen. Saraakiisha Xoogga Dalka ayaa sheegay inay weli sii baacsanayaan firxadkii Khawaarijta, ayna socdaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga aagga degmada Jamaame.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka MaqaasidGuddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

(Wargeyska Dalka):-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid. Waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha xarunta, Xildhibaan Maxamed Sheekh Axmed (Maxamed Xaaji), iyo howlwadeenada xarunta.

Intii ay kulanka ku jiraan, Guddoomiye ku-xigeenka iyo maamulka xarunta waxa ay ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta, doorka cilmi-baaristu ku leedahay dhismaha dowlad-wanaagga, iyo sidii loo horumarin lahaa barnaamijyada aqooneed ee xaruntu bulshada u fuliso.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee xarunta, isagoo bogaadiyey shaqada muuqata ee ay qabtaan. Sidoo kale, waxa uu ka guddoomay madaxda xarunta hadiyado buugaag ah iyo warbixinaha ay soo saareen.

 

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr ay caawa ka fuliyeen aagga deegaanka Ceelahelay ee gobolka Galgaduud ayaa lagu weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in meydadka ugu yaraan toddobo Khawaarij ah ay yaallaan goobtii lagu weeraray cadowga, isla markaana ay weli sii baacsanayaan firxadkooda, iyagoo ka saaray goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen.

Xiliga oo habeen ah darteed waxay saraakiishu noo sheegeen in khasaaraha rasmiga ah ee cadowga gaaray aan la ogaa karin, balse ay filayaan in tiro inta goobta dagaalka lagu arkay ka badan ay Khawaarijta dhinasho iyo dhaawac uga noqdeen howlgalka, iyagoo balan qaaday in warbixin rasmi ah ay bulshada lasoo wadaagi doonaan.

Wixii ka soo kordha howlgalkaas la soco.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka qeyb galay shirka Cimilada ee COP30

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka qeybgalay shirka heerka sare ee Wasiirrada Maaliyadda Cimilada ee COP30, isaga oo adkeeyay muhiimadda maalgelin cimilo oo la kordhiyo, la saadaalin karo, lagana heli karo si waafaqsan Qodobka 9-aad ee Heshiiska Paris, COP30.

Wasiirka wuxuu hoosta ka xariiqay baaxadda saamaynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan barakaca ballaaran iyo cadaadiska saaran nidaamyada biyaha iyo cuntada, Wuxuu xusay in la-qabsigu (adaptation) uu yahay baahi degdeg ah oo maalinle ah oo ay la tacaalayaan bulshooyinka nugul.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay taageerada Soomaaliya ee NCQG ku saleysan baahiyaha dalalka, iyadoo la kordhinayo saamiga la-qabsiga, la fududeynayo helitaanka maaliyadda dalalka aadka u saboolka ah (LDCs), lana xoojinayo hirgelinta Baku–Belém Roadmap.

Ugu dambeyn, wasiir Bashiir wuxuu xaqiijiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay NAP, NDC-ga la cusboonaysiiyay, dib-u-habeynta maaliyadda cimilada iyo yoolka dhimista qiiqa ee 2035, isaga oo ugu baaqay beesha caalamka in ay si waqti ku habboon u gutaan ballanqaadyada Qodobka 9-aad si loo taageero dalalka nugul.

    

Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka iyo la socodka oo kulamo ka wada Muqdisho

Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga la socod Dastuurka ee Baarlamaanka oo maalintii 2-aad soo bandhigaya soojeedinta Wax-kabeddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka.

Kulanka labada guddi waxaa diirradda lagu saaray Cutubka 5-aad oo cinwaankiisu yahay Nidaamka Federaaka iyo Baahsannaanta Awoodaha Jamhuuriyadda iyo cutubka 6-aad ee Baarlamaanka.

Kulamadan oo maalmo socon doona, ka dib marka ay soo idlaadaanna, waxaa soo jeedimaha wax-kabeddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad iyo warbixinta la socota loo gudbin doonnaa Baarlamaanka Federalka si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan.

          

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kormeer shaqo ku tegay xarunta Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), halkaas oo ay ka bilaabatay bixinta kaararka codbixinta doorashooyinka.

Ra’iisul Wasare Xamsa, ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee nasiibka u yeeshay in ay is diiwaangeliyaan, in ay qaataan kaararkooda oo ay codeeyaan, isla markana ay muujiyaan awooddooda muddada dheer ka maqnayd.

“Waxaan ugu baaqayaa, ku adkeynayaa, kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed ee u suurtagashay nasiibkana u yeeshay in ay is diiwaangeliyaan, in ay qaataan kaararkooda, si ay u codeeyaan, oo si dhab ah u muujiyaan awooddooda muwaadin ee dastuuriga ah ee muddada dheer laga xayuubiyey.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ammaan u jeediyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo hey’adaha amniga shaqada adag ee ay qabteen, isaga oo xusay in ay howshan ka soo bilaabeen meel fog ayna muujiyeen hufnaan iyo karti.

“Maanta waa maalin taariikhi ah oo qiimo gaar ah u leh shacabka ku nool Gobolka Banaadir, maadaama ay si rasmi ah u bilaabatay qaadashada kaararka cod-bixinta ee dadka horey isu diiwaan-geliyay, si ay uga qeybgalaan doorashada ka dhaceysa caasimadda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar ula tahay wax kasta oo u fududeynaya shaqada looga baahan yahay, si loo xaqiijiyo hirgelinta doorashada.