Mudanayaasha labada aqal ee BJFS oo akhrinta koowaad marsiiyey miisaaniyadda qaranka ee 2026

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa wadajirka ah ee afaraad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 139-xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 28-Senator oo Aqalka sare ah, waxa uu Ajendihiisu ahaa Akhrinta koowaad xeerka qoondada miisaaniyadda ee sanadka 2025, oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda.

Wasiiru ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Xasan Xaange ayaa mudanayaasha labada ee aqal ee Dalka la wadaagay Akhrinta koowaad ee warbixinta miisaaniyadda Qaranka 2026 iyo qeybaha ay ka kooban tahay.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa amray guddiyadda maaliyadda ee labada Aqal in ay soo diyaariyaan Akhrinta labaad ee miisaaniyadda si ay uga doodaan mudanayaasha labada aqal.

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Daka):-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xassan Aadan, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, ayaa waxaa ay yeesheen kulan miro-dhal ah oo lagu xoojinayay iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga iyo ilaha dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray, Xoojinta iskaashiga labada dowladood ee ku saabsan horumarinta kalluumeysiga iyo ilaalinta kheyraadka badda, Dardargelinta iyo fulinta heshiisyada iskaashi ee horey u dhexmaray Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dowladda Turkiga, Kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha kalluumeysatada Soomaaliyeed, iyadoo Dowladda Turkiga ay ballan-qaadday tababaro heer sare ah oo lagu horumarinayo adeegsiga farsamooyinka casriga ah ee dhinaca Kalluumeysiga, Waxbarasho heer jaamacadeed (Master’s Degree) oo Dowladda Turkiga ay si gaar ah uga taageeri doonto Wasaaradda, si loo helo khubaro Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh dhaqaalaha buluugga ah iyo maareynta kheyraadka Badda.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya uga mahadceliyey sida ay dowlad ahaan diyaar ka ugu yihiin taageerada farsamo iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siinayaan dowladda Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka kalluun ee dalka. Waxa uu intaa ku daray “in kulanku uu ahaa mid guul leh, isla markaana muhiim u ah xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhanka horumarinta kalluumeysiga oo ka mid ah tiirarka muhiimka u ah dhaqaalaha dalka”.

Dhinaciisa, Safiir Alper Aktaş ayaa adkeeyay sida ay Dowladda Turkiga uga go’antahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarrada, waxbarashada iyo barnaamijyada kobcinta kheyraadka Badda, isagoo xusay in dowladdiisu diyaar u tahay inay sii ballaariso iskaashiga labada dal.

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u soo dhaweeyey in ay markii u horaysay helaan kaarkooda codbixinta kaasoo ay ku dooran doonaan metelaadooda Siyaasaddeed oo ay ugu horayso doorashada golaha deegaanka caasimadda.

Warbaahinta qaranka oo tagtay xarumaha shacabku saaka ka qaadanayaan kaarka codbixinta ayaa waydiisay dareenkooda ku saabsan in ay heleen kaarkii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda doorasho.

Ugu horayn Cusmaan Goodax Barre oo aragtidiisa dhiibanayey ayaa yiri “Waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo 55 sano jir, saaka waxaan halkan u taaganahy in aan qaato kaarkeyga cod-bixinta si aan codkeyga ugu ciil baxo.”

Muwaadinad Safiya Shire Daahir ayaa iyana tiri “ Si aan codkeyga ugu ciil baxo ayaan kaarkeyga u soo doontay.”

Guddoomiyaha Ururka Naafada Degmada Shibis Saalax Maxamed “Waxaan ku faraxsanahay hadii aan nahay dadka baahiyaha gaarka ah qaba in aan codkeenna ku ciil baxno.”

Maxamuud Xaaji Goobe oo ka mid ah waayeelka saaka qaadanayey kaarka cod bixinta ayaa yiri “Anigoo cimrigaan jiro saaka waxaan u soo baxay inaan qaato kaarkeyga codbixinta.”

Guddoomiyaha Haweenka degmada Shibis Safiya Maxamed Cali ayaa Haweenka ugu baaqday in ay kaarka qaataan sidoo kalena ku ciil baxaan codkooda “Way soo dhamaatay qoondadii Haweenka ee la xaqiri jiray, gabareey codkaaga ku ciil bax.”

Guud ahaan jawiga kaar qaybinta ayaa ah mid ku bilowday jawi degan oo shacabka Soomaaliyeed si weyn uga qayb qaadanayaan muuniyeen na doonista ay u hayaan in ay soo doortaan metelaadooda siyaasaddeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ah si rasmi ah u dhagax-dhigay dib-u-dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad oo casri ah, kuwaas oo lagu qalabeyn doono agab caafimaad oo dhamaystiran, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka ee bulshada Muqdisho.

Munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca caafimaad ayaa lagu qabtay Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee Waaberi, iyadoo ay goob-joog ahaayeen xubno ka tirsan bahda caafimaadka.

Mashruuca maanta la dhagax-dhigay waxa uu ka kooban yahay 4 isbitaallo waaweyn iyo 14 rugo MCH, kuwaas oo laga dhisayo 11 degmo oo ka tirsan Muqdisho. Ujeeddadiisu waa in la xoojiyo kaabayaasha caafimaadka, gaar ahaan adeegyada hooyada iyo dhallaanka, si loo hubiyo in dhammaan hooyooyinka iyo caruurta ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Dr. Muungaab ayaa carrabka ku adkeeyey in dhammaan xarumaha caafimaad ee la dhisayo ay bixin doonaan adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, taas oo ka dhigaysa mashruucan mid muhiim u ah bulshada danyarta ah, si looga baaqsado ku-tiirsanaanta adeegyada caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee qaaliga ah. Mashruucan ayaa sidoo kale ka tarjumaya ballanqaadka maamulka ee ilaalinta xuquuqda caafimaad ee bulshada iyo hubinta u sinnaanta helitaanka adeegyada caafimaad.

Inta lagu guda jiray munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca, Dr. Muungaab ayaa sidoo kale ka hadlay doorashooyinka soo socda, isaga oo ku boorriyey muwaadiniinta in ay tagaan xarumaha laga qaadanayo kaararka codeynta, maadaama qaybinta kaararku si rasmi ah u bilaabatay.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xusuusiyay in ka qaybgalka doorashooyinku yahay waajib muwaadinnimo iyo tallaabo muhiim ah oo dhisaysa dimuqraadiyadda iyo xasilloonida gobolka, taas oo ka tarjumaysa sida maamulka uu u dhiirrigelinayo ka qaybgalka bulshada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Muqdisho(Wargeyska dalka):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa saaka magaalada Muqdisho ka bilaabay qaybinta kaarka codbixiyaha muwaadiniinta Soomaaliyeed. Guddida ayaa saaka subaxnimadii hore ka daahfuray kaar qaybinta ilaa 7 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Degmooyinka Shibis,Boondheere, Xamar jajab,Shangaani,Waaberi,Xamarweyne iyo degmada Cabdi casiis ee gobolka Banaadir ayaa si toos ah looga bilaabay qaybinta Kaarka cod bixinta.

Qeybinta kaarka codbixiyaha muwaadinka soomaaliyeed ayaa shacabka uga dhigan waa cusub oo u baryay bulshada Soomaaliyeed taas oo shacabku si toos ah ugu soo dooran doonaan metelaadooda Siyaasaddeed.

Doorashada golaha deegaanka ayaa noqon doonta doorashada ugu horreysa ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ku soo dooran doonaan metelaadooda siyaasaddeed,iyadoo isla Caasimadda muqdisho ugu horeyn doonto qabashada doorashada golaha deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada qaranka ku qaabilay Sheekh Cabdirashiid Sh Cali Suufi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xogwaraysi iyo wadatashi ah la yeeshay qaariga Soomaaliyeed Sheekh Cabdirishiid Sheekh Cali Suufi oo booqasho sharafeed ku yimi Madaxtooyadda Qaranka.

Madaxweynaha iyo Sheekha ayaa iska xog wareystay xoojinta xaalada guud ee Dalka, kor u qaadidda wacyigelinta bulshada, doorka culimada ee dhismaha nabadda, adkeynta midnimada ummadda iyo ilaalinta qiyamka diinta.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin bulshada, gaar ahaan faafinta aqoonta diinta, la-dagaalanka xagjirnimada iyo xoojinta nabadgelyada.

Dhankiisa, Sheekh Cabdirishiid Cali Suufi ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha qaabilaadda wanaagsan, isagoo ugu duceeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed horumar iyo nabad.

       

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

Kampala:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan Magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa halkaasi uga qeyb galay shirweynaha 20-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo sanadkan looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u eegista go’aanadii kasoo baxay kulankii kan ka horreeyey iyo natiijadii kasoo baxday shirkii xoghayaasha baarlamaanada urur goboleedka, dib u eegista iyo ansixinta qawaaniinta mashruuc ee guddiga baarlamaanadda ururka iyo sidoo kale qodobo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey shirka ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika, Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda, iyo sidoo kale xoghayaha Baarlamaanka Bulshada bariga Afrika, dadaalkooda ku aadan qabsoomida shirka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in shirka uu kusoo aaday xilli muhiim ah oo ay dalalka Bulshada Bariga Afrika ay dadaal badan ku bixinayaan inay xoojiyaan nabadda iyo is-dhexgalka, iyagoo raacaya himilada mideysan ee bulshada, sidoo kalena Soomaaliya ay ku taagantahay ballanqaadkeeda ahaa inay si firfircoon uga qaybqaadato, isla markaana door wax ku ool ah ka cayaarto Bulshada Bariga Afrika oo ay ka tirsan tahay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa guddoomiyaasha baarlamaanadda urur goboleedka la wadaagay in Soomaaliya, ka dib muddo dheer oo la sugayey, ay si guul leh u dooratay xubnaha sagaalka xildhibaan ah oo ku matalaya Golaha Sharci-dejinta Baarlamaanka urur goboleedka, taasina ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay si dhab ah ugu soo laabatay ka qaybgalka iyo iskaashiga gobolka, iyadoo xoogga saaraysa diblomaasiyadda baarlamaaniga ah iyo horumarinta wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegay in Soomaaliya sanadkan dhammaadkiisa, markii ugu horreysay muddo 56-sano ah ka dib ay isu diyaarinayso qabashada doorashooyin toos ah oo dowladaha hoose ah islamarkaana la filayo in shacabka Soomaaliyeed ay toos u doortaan hogaankooda, taasoo ka mid ah horumarada ay hiigsaneyso dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale inta shirka uu socday waxaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Sharcidejinta ee Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee 2025-2026.

Inta shirka uu socday ayaa la isku raacay in Soomaaliya ay marti galin doonto kulanka kan xiga ee gudoomiyayaasha baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo dhici doona Bisha May sanadka 2026, waxaana guud ahaan shirweynaha 20-aad ee guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ku uu saabsanaa horumarinta iskaashiga, maamulka, iyo hagaajinta habraacyada baarlamaannada gobolka iyadoo la kaashanayo madaxda baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah.

        

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Algiers kulan miradhal ah kula yeeshay Madaxweynaha Algeria Cabdulmajiid Tabuun.

  1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Algeria, waxaana uu warbixin ka dhegeystay diblumaasiyiinta ka howlgala safaaradda.
  2. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday masaajidka ugu weyn Africa, Warshadda Daawooyinka dalka Algeria iyo Xarunta Garaadka Macmalka,isagoo warbaxinno ka dhageystay maamulka xarumahaas.
  3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ubax dhigay Taallada Shuhadada dalka Algeria oo lagu xasuusto halyeeyadii u naftooda u huray halgankii xornimada iyo difaaca dalkaas.
  4. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo shacabka reer Algeria soo dhoweynta diirran iyo walaaltinimada ay muujiyeen, isaga oo xusay kaalinta ay Algeria kaga jirto difaaca danaha Afrika iyo garab istaagga dowladaha saaxiibka ah.
  5. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Algeria Cabdulmajiid Tabbuun ayaa goobjoog ka ahaa heshiisyo ay kala saxiixdeen labada dal oo isugu jira xiriirka labada dal, Waxbarashadda, Xanaanada Xoolaha iyo Batroolka,
  6. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Sebastian Groth, iyadoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha
  7. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdinaasir Axmed Bashiir u magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ahna Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
  8. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Marwo Maryan Cali Abuukar u magacaabey xilka Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.
  9. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay kulan lagu xusayay 10 sano guurada Heshiiska Paris, oo diiradda lagu saaray la dagaallanka isbeddelka cimilada (NDCs) iyo maalgelinta la xiriirta,oo ka dhacay magaalada Belem ee dalka Brazil.
  10. Ra’iisul Wasaare-Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ka qay- galay munaasabadda saxiixa mashruuca Dardargelinta Horumarka Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Soomaaliya, oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, UNDP, iyo qaar ka mid ah shirkadaha ganacsi ee dalka .
  11. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ku saabsan iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka iyo Dalxiiska ee labada dal.
  12. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga qeyb galay shir ay isugu yimaaddeen Wasiirrada Dalxiiska ee Waddamada Afrika, iyadoo halkaas uu ka socday shirweynihii 26-aad ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Dalxiiska (UN Tourism General Assembly).
  13. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabi Cali ayaa qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) Soomaaliya, Mudane Elkhidir Daloum
  14. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux ayaa Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Wang Yu, iyadoo looga hadlay dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada
  15. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulamo gaar ah la qaatay dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha dhawaan ku dagaallamay degmada Wanlaweyn ee Shabeellaha Hoose.
  16. Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Cilmi Maxamuud Nuur ayaa si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Dhismaha Guryo Qiimo Jaban, oo loogu talagalay qoysaska Soomaaliyeed ee ku barakacay abaaraha, daadadka iyo colaadaha.
  17. Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Beirut ee dalka Lebanon uga qeybgaley Madasha Dhaqaalaha iyo Horumarinta Qoondada Arrimaha Bulshada ee dalalka Carabta
  18. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ayaa baaq nabadeed ka soo saartay, dilalka iyo beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacay qeybo ka mid a dalka.
  19. Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka qeybgalay fadhiga heerka sare ee shirweynaha cimilada COP30 ee ka furmay magaalada Belém ee dalka Brazil.
  20. Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala aya qaabilay Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Af-Sawaaxiliga ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika, Dr. Caroline Asiimwe.
  21. Madaxweynaha maamul goballedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, oo looga hadlay xaaladda bani’aadamnimo ee dalka ,abaaraha iyo sidoo loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha samafalka iyo dowladda.
  22. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta Dowladda hoose ee Muqdisho ku qaabilay wefdi uu hoggaaminayay Taliyaha Hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Jen. Marco Manzone.
  23. Xafiiska Amniga Qaranka ayaa Muqdisho ku qabtay Shirka Isku-duwidda Maareynta Hubka iyo Rasaasta, kaas oo la qabto labo jeer sannadkii,oo diiradda lagu saaray ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Maareynta hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo  Puntland iyo xubno kale oo ka socday ururada bulshada ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey xiritaanka bandhig loogu magac daray Todobaadka nabadda.

Bandhiggaan waxaa mudadii uu socday looga hadlay doorka dhallinyaradu ay ka qaadan karaan,sugidda  nabadgelyada,isdhegalka bulshada iyo guud ahaan horumarka gobolka.

Sidoo kale, Waxaa kaloo looga hadlay ka hortagga tahriibka iyo sida loo heli karo fursado shaqo oo lagama maarmaanka u ah dhallinyarada.

Munaasabadda bandhigga todobaadka nabadda waxaa soo xiray Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cismaan Xaaji ,iyadoo xubnihii kale ee ka hadlay halkasi uu kamid ahaa Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xirsi Yuusuf Barre.

Soomaaliya iyo Congo oo ka wadahadlay qodobbo ku saabsan xiriirka 2-da dal

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa magaalada Kinshasa ee caasimadda Dalka Congo kula kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Congo ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Jacquemain Shabani.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, fursadaha iskaashi, doorka jaaliyadda  Soomaalida ,gaar ahaan sida loo xallin karo caqabadaha ay la kulmaan.

Kulanka ayaa mudadii uu socday waxaa lagu heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC).