Madaxweynaha JFS oo kulan muhiim ah la qaatay maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo uu kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha ayaa dhageystay warbixin ay soo jeediyeen diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Safaaradda ,gaar  ahaan Danjire Yuusuf Axmed Xasan, kaas oo xusay guulaha dublumaasiyadeed iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Aljeria.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Safiirka iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Aljeeriya ku ammaanay shaqada ay u hayaan muwaadiniinta,isagoo dhinaca kale amray in ay labo jibbaaraan shaqooyinka baaxada leh ee ay u qabataan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  waxa uu kula dardaarmay maamulka safaaradda in ay  door wanaagsan ka qaataan dhaqan gelinta heshiisyada iskaashi ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha XFS oo maanta dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Magaalada Muqdisho, kaas oo qeyb ka qaadan doona fududeynta isku socodka iyo bilicda Dekedda.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), Maareeye ku-xigeennada Dekedda, iyo Madaxa Shirkadda Muqdisho Alport, iyadoo dhismaha waddooyinkan uu qeyb ka yahay mashaariicda horumarineed ee ka socda Dekedda Caasimadda JFS.

Tan iyo markii ay Dekedda Muqdisho kasoo muuqatay fagaaraha dekedaha ugu adeega wanaagsan uguna horumarsan Afrika, waxaa sii laba jibaarnay howlaha shaqo ee habeen iyo maalin ka socda Dekedda Caasimadda.

   

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo shir-guddoomiyey kulan looga hadlayey Amniga Doorashooyinka

Taliyah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabullaahi oo uu wehliyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa shir Gudoomiyey kullan looga hadlayey Sugidda Amniga Doorashooyinka ee dhawaan ka qabsoomaya Caasimadda dalka iyo u diyaar garowga xuska Sanad guuradii 82-aad ee ka soo wareegatay Asaaska Ciidanka Booliiska .

Taliye Asad ayaa saraakiisha faray in la dardargeliyo howlaha sugidda Amniga si gaar ahna la isaga xil saaro Ilaalinta Goobaha ay tagayaan dadweynaha Cod bixiyaasha ah, sidoo kale taliyaha ayaa saraakiisha kala dardaarmay in waayeelka , Haweenka iyo dadka Naafada caawin gaara loo sameeyo.

        

Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kampala

Kampala:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaaladda Kampala ee caasimadda wadanka Uganda, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u joogta dalkaasi Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare iyo Diplomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mudada uu halkaasi joogo waxa uu ka qeyb geli doonaa shirka guddoomiyaasha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

  

Golaha Shacabka oo xilka u dhaariyay Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qoyska

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horreyn, Xildhihaan Cali Xaaji Daahir oo ah Guddoomiyaha Guddiyada Garsoorka Caddaaladda Awqaafta iyo Arimaha Diiinta ee Golaha Shacabka ayaa kulanka guddiga joogtada ku dhaariyay Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Maryan Cali Abuukar oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay.

Intaasi ka dib, xubnaha guddiga joogtada ayaa ka dooday Ajendayaasha kulamada guud ee golaha shacabka todobaadka soo socda iyo guud ahaan shuruucda golaha horutebinta u leh kalfadhiga todobaad, waxanay xubnaha guddiga hab gacantaag ah ku ansixiyeen Ajendayaasha gole weynaha looga doodi doono todobaadka soo socda.

Ugu dambeyn, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane, Cabdullaahi Cumar Abshiroow oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay dardargelinta howlaha horyaalla golaha kalfadhiga todobaad.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabbilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Hans Lundquist,

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Heshiisyo Is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey Heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo ku saabsan iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka ee labada dal.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno la xiriira ammaanka caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxaa looga dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu weheliyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Warbixinnadaas ayaa lagu soo bandhigay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ee dhawaan la qaban doono.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay guulaha ay Ciidanka Qalabka Sida ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii ka baxsanaa dhaqanka iyo diinta suubban ee Islaamka ee lagu dhibaateeyay shacab birma-geydo ah, iyada oo Xukuumaddu ay fartay hey’adaha amniga in sharciga la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelatay falalkaas xadgudubka ah.

Soomaaliya oo yeelanaysa xarun cusub oo lagu uruuriyo xogaha badda

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya Sarreeye Guuto, Admiral Cabdiwahaab Cabdullaahi iyo khubaro ka socota Italian Hydrographic Institute (IIM) ayaa si rasmi ah u daah furay qorshe lagu dhisayo laguna horumarinayo xarunta “Somali Oceano-Hydrographic Office (SOHO).

SOHO, oo noqonaysa xarunta cusub ee xog uruurinta badda, jaantusyada khariiradaha socdaalka, badbaadada maraakiibta, xogaha cimillada badda, tides-ka Soomaaliya iyo sugidda amniga xeebaha.

SOHO waxay sidoo kale noqon doontaa xarunta ugu weyn ee xog uruurinta badda ee Somaliya , qaybna ka qaadan doonta ilaalinta xeebaha iyo kheyraadka badda Soomaaliya.

Kulankan oo ah qorsho qaran waxaa lagu dhisay iskaashi farsamo, iyadoo la qorsheynayo tababar sare iyo qalab casri ah, si loo xoojiyo badbaadada maraakiibta, amniga xeebaha, awoodda badda iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badaha Soomaaliya.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xarumo iyo warshado ku yaalla dalka Aljeeriya

Aljeris- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali , ayaa ubax dhigay Taallada Shuhaddada ee dalka Aljeeriya, oo lagu xusuusto halyeeyadii nafahooda u huray halgankii xornimada iyo difaaca dalkooda.

Madaxweynaha oo maalinti labaad ku sugan dalka Aljeeriya ayaa booqday Masaajidka weyn ee Jaamaca Aljeeriya, halkaas oo uu kula kulmay culimada dalkaas oo guddoonsiiyey xasuus reeb ku aaddan booqashada Madaxweynaha, iyagoo la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan fikirka argagixisadu ay ku bannaysanayaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale,Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Warshadda Daawooyinka dalka Aljeeriya iyo Xarunta Garaadka Macmalka ah ayaa warbixino ku saabsan waxsoosaarka iyo adeegyada xarummahan waxa uu ka dhegeystay Maamulka iyo Agaasinkooda.

  

Shir ku saabsan maaraynta hubka oo Muqdisho lagu qabtay

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta Muqdisho ku qabtay Shirka Isku-duwidda maareynta hubka iyo Rasaasta, kaas oo la qabto labo jeer sannadkii, Kulankan ayaa diiradda lagu saaray ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Maareynta hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Shirka waxaa guddoominayey La-taliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys Xaaji Yuusuf , waxaana goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca, wakiillo ka socday Wasaaradaha Amniga Gudaha, Caddaaladda, iyo hay’adaha amniga qaranka sida Booliska Soomaaliyeed, Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Ciidanka Asluubta, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka qeyb galay wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, safaaradaha dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ee taageera dadaallada ku aaddan maareynta hubka iyo rasaasta dalkeenna.

Ugu dambeyntii, kulanka ayaa ku soo dhammaaday heshiis guud oo lagu xaqiijinayo hirgelinta istaraatiijiyadda cusub, iyadoo la isku raacay in Wasaaradda Gaashaandhigga Qaranka ay u gudbiso Istaraatiijiyaddan Golaha Wasiirrada si loo ansixiyo loona bilaabo fulinteeda oo rasmi ah.

  1.