Wasiirka duulista hawada oo qaabilay danjiraha Shiinaha

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada dowladda FS Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Shiinaha, wafdigaas oo uu hoggaaminayey Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Wang Yu.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dal ee dhinacyada gaadiidka, duulista hawada, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Wasiirka iyo wafdiga Shiinaha ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira garoomada diyaaradaha dalka iyo sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga taariikhiga ah ee labada dowladood. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in wasaaraddu ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada farsamo iyo horumarinta adeegyada duulista.

  

Hantidhowraha Qaranka oo qaabilay madax ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay

Hantidhowraha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay masuuliyiin ka socday hay’adaha UNODC iyo UNDP. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo taageeridda dadaallada la xiriira Maareynta Halista Musuqmaasuqa (Corruption Risk Management), si loo horumariyo daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Hantidhowraha Guud, Kuxigeenkiisa, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xafiiska, kuwaas oo muujiyay sida ay Hantidhowrka Guud ee JFS uga go’an tahay adkeynta iskaashiga hay’adaha Qaramada Midoobay ee la dagaallama musuqmaasuqa iyo dadaallada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ee la xiriira baarista iyo la socodka khataraha iyo Maareynta halista Musuqa.

  

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫r𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝𝐲𝐚𝐝𝐚

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirrada Dastuurka Dowlad Gobolleedyada.

Kulanka ayaa looga gol laaha guulaha laga gaadhay Dastuurka oo ay ka midyihiin in la dhammaystiray warbixintii cutubyada 5-9aad ee dastuurka iyo in loo gudbiyay Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka, iyada oo baarlamaanku horay u ansixiyay cutubbada 1-4aad.

Dhinacyada ayaa isla soo qaaday sidii loo dardargelin lahaa latashiyada cutubyada harsan ee 10-15aad ee Dastuurka.

Wasiir Xasan Macallin ayaa sheegay in xukuumadda ay ka go’antahay dhammaystirka dastuurka islamarkaana ay ka shaqaynayaan sidii loo dardargelin lahaa diyaarinta farsamo ee cutubyada harsan si Baarlamaanka loogu gudbiyo.

Dhanka kale, Wasiirrada dastuurka dowlad-goboleedyada ayaa ka warbixyay guulaha ay ka gaareen latashiyada dastuurka iyo qorshayaasha hortabinta u leh, iyaga oo ballan qaaday in si dhow ay ula shaqayn doonaan Wasaaradda iyo Gudiyadda Dastuurka si loo dhamaystiro Dastuurka.

Dekedda Muqdisho oo uu ka socdo mashruuca dhismaha casriga ah

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay injineerrada fulinaya mashruuca dhismaha casriga ah ee laga hirgelinayo qeyb ka mid ah Dekadda Magaalada Muqdisho.

Maareeyaha ayaa kula dardaarmay in ay dadajiyaan dhismahan cusub, kaas oo ka koobnaan doono xafiisyo iyo qeyb kale oo loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed.

Mashruucan, oo ah mid ballaaran, ayaa qeyb ka ah mashaariicda lagu horumarinayo bilicda iyo tayada Dekadda Magaalada Muqdisho, si ay ula jaanqaaddo dekedaha horumarsan ee caalamka.

Wasiir Al-caddaala oo qaabilay Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Af-Sawaaxiliga Bariga Afrika

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ku-simaha Wasiirka, ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Af-Sawaaxiliga ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika, Dr. Caroline Asiimwe.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dadaallada lagu hirgelinayo Af-Sawaaxiliga, iyadoo xoogga la saarayo dhinacyada Warbaahinta, Waxbarashada iyo Dhaqanka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ku biiristii Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kadib, ay dowladdu bilowday dardar-gelinta horumarinta luqadda Sawaaxiliga, oo kamid ah luqadaha rasmiga ah ee Bariga Afrika.

Dhankeeda, Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Af-Sawaaxiliga Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, Dr. Caroline Asiimwe, oo Wasiir Ku-xigeenka uga mahadcelisay soo dhoweyntiisa, ayaa sheegtay in horumarinta luqadda Sawaaxiliga ay mas’uuliyad ka saaran tahay dalalka ku midoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa xoojinaysa is-dhexgalka iyo kaalinteeda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika, iyadoo Madaxweynaha JFS uu horay u sheegay in Soomaaliya ay xoogga saarayso barashada luqadda Sawaaxiliga.

Wasiir Xoosh oo la kulmay odayaasha dhaqanka ee beelihii dhawaan ku dagaallamay Wanlaweyn

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulamo gaar ah la qaatay dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha dhawaan ku dagaallamay Wanlaweyn.

Kulankan ayaa looga hadlay xaaladda deegaannada ay colaaddu ka socoto, dadaallada dib-u-heshiisiinta ee socda iyo sidii loo xallin lahaa arrimaha khilaafka keenaya iyo sidii looga gaari lahaa xal waara.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS, Mudane Cali Xoosh, oo madasha ka hadlay, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay khasaaraha ka dhashay colaadda, isaga oo soo qaatay qiimaha ay diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed siiyeen ilaalinta nafta, hantida iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo nabadda, walaaltinimada iyo wada-noolaanshaha.

Mudane Wasiir Cali Xoosh ayaa hadalkiisa ku soo gebogebeeyay in cid kasta gaar ahaan odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ay mas’uuliyad ka saaran tahay koryeelidda qiimaha wadahadalka, nabadaynta iyo is-cafinta.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal oo kulan la qaatay guddoonka Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa kulan la qaatay guddoonka Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd sidii loo guda geli lahaa dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka ee cutubyada haray.

Guddoomiyaha Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal, Xildhibaan Xuseen Iidow iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Avv. Burhaan Aadan Cumar, ayaa guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya uga warbixiyay hannaanka dib-u-eegista dastuurka iyo qorshayaasha uga degsan ka howlgelidda cutubyada harsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa guddiyada arrimaha dastuurka ee shaqadan wada ku bogaadiyay howlaha ay Qaranka u hayaan, waxayna kula dardaarmeen dardargelinta shaqada dib-u-eegista cutubyada harsan.

Billowga Ololaha Doorashooyinka ee Gobolka Banaadir: Talaabo Taariikhi ah oo lagu xoojinayo Maamulka hoose

Faallo ;Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u billaabay ololaha doorashooyinka deegaanka, iyadoo la diyaarinayo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee lagu wado in la qabto 30-ka bisha November ee sanadkan.

Tallaabbadani waa mid taariikhi ah oo aan hore loo arag ku dhawaad nus Qarni, taas oo muujinaysa isbeddel weyn oo ku saabsan ka-qayb galka shacabka iyo xoojinta nidaamka maamulka hoose ee caasimadda Muqdisho iyo degmooyinka hoos yimaadda.

Doorashadan ayaa imaneysa kadib muddo dheer oo uu dalka ka jiray nidaam maamul dhexe ah, waxayna fursad cusub siisay shacabka Muqdisho in ay si toos ah u doortaan wakiilladooda golayaasha deegaanka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, taasoo calaamad u ah bisaylka iyo koboca nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Maalmahan la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday olole xooggan oo ay wadaan xisbiyada siyaasadeed, kuwaas oo si tartan ah ugu diyaar garoobaya doorashada, iyadoo sidoo kale la diiwaangeliyey kumannaan qof oo muwaaddiniin ah, kuwaas oo hore isugu qoray liiska codbixiyayaasha si ay uga qaybqaataan doorashada soo socota.

Dhinaca kale, Xisbiga Caddaaladda iyo Wada jirka (JSP) ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu u doortay Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Guddoomiyaha hadda ee Gobolka Banaadir in uu noqdo musharraxa rasmiga ah ee xisbiga u tartamaya xilka Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa Muqdish

Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka oo Guddoomiye Muungaab u doortay musharraxooda Gobolka Banaadir

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer sare ah u qabtay munaasabad ballaaran oo lagu hawlgelinayay Hawlwadeennada Ololaha Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Munaasabaddan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay hawlwadeenno iyo taageerayaal badan, kuwaas oo muujiyay firfircoonida iyo diyaar-garowga ay u leeyihiin hirgelinta qorshaha ololaha doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Waxaa munaasabadda kasoo qeybgalay Wasiirro, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka,Xoghayayaal, Garabyada kala duwan ee Ururka, Guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Ugu dambeyn, Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka, Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu yahay Murrashaxa rasmiga ah ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee u taagan xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka oo ka qaybgashay shirweynaha Baarlamaanka Adduunka

Islamabad- Shirweynaha todobaad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Adduunka ayaa si rasmi ah uga furmay Magaaladda Islamabad ee Dalka Pakistan, waxaana Soomaaliya ku meteleysa Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka ayaa sanadkan waxaa looga hadlayaa Nabadda, degganaanshaha iyo horumarka, waxaana ka qeyb galaya wafuud heer caalami ah oo ka socda Baarlamaanada Adduunka.

Guddoomiye Sacdiya Yaasiin ayaa ka qeyb galayaasha shirka la wadaagtay fariinta Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan sida shirkaasi uu muhiim ugu yahay dalalka adduunka, gaar ahaan mowduuca shirka ee sanadka oo ah nabadda, degganaanshaha iyo horumarka.

Sidoo kale, Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa inta ay ku sugantahay dalkaasi waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doontaa madaxda Baarlamaanka Adduunka ka socota ee shirka ka qeyb galeysa.