Soomaaliya iyo Aljeeriya oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah

Aljeris: Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun ayaa goobjoog ka ahaa heshiisyo ay kala saxiixdeen Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashadda, Xanaanada Xoolaha iyo Batroolka, waxaana heshiiska ka mid ah iskaashi ballaaran oo ay ka mid yihiin dhoofinta xoolaha, horumarinta beeraha, waxbarashada, shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah iyo fududeynta socdaalka ee baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga oo lagu siin doono fiisaha dal-ku-gal ah marka ay gaaraan Aljeeriya.

Heshiisyadan ayaa dhidibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo walaaltinimada ay muujiyeen, isaga oo xusay kaalinta ay Aljeeriya kaga jirto difaaca danaha Afrika iyo garab istaagga dowladaha saaxiibka ah.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu uga mahadceliyay dhiggiisa Aljeeriya yabooha deeq waxbarasho oo gaareysa 500 oo arday oo ay ka faa’ideysan doonaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan takhasusyada muhiimka u ah Soomaaliya, sida Beeraha, kalluumeysiga iyo shidaalka.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amaanay hoggaanka Madaxweyne Tabbuun ee hirgelinta “Sanduuqa Iskaashiga iyo Midnimada Afrika,” isagoo sheegay inuu yahay hindise aragti fog leh oo xoojinaya wadajirka iyo horumarka qaaradda, islamarkaana Soomaaliya ay rajaynayso inay noqoto dal ka faa’iideysta sanduuqan.

          

Wasaaradda hawlaha guud oo dhisaysa guryo qiima jaban

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Dhismaha Guryo Qiimo Jaban, oo loogu talagalay qoysaska Soomaaliyeed ee ku barakacay abaaraha, daadadka iyo colaadaha.

Barnaamijkan waxaa soo abaabushay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta, iyadoo kaashaneysa Hay’adda IOM, waxaana diyaarintiisa iyo isku-duwidda lagu soo waday muddo lix bilood ah.

Inta lagu guda jiray muddadaas, waxaa si weyn uga qeyb qaatay ardayda jaamacadaha SIMAD, SNU iyo Jaamacadda Banaadir, iyo sidoo kale shirkado dhisme iyo maalgeliyayaal dhanka guryaha ah, kuwaas oo door muuqda ka qaatay naqshadeynta iyo qiimeynta qorshayaasha dhismaha.

Munaasabadda daah-furka waxaa si wadajir ah uga qeyb galay Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru Dowlaha Hawlaha Guud, wasiirro ka socda dowlad-goboleedyada dalka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Intii lagu jiray bandhigga, waxaa la soo bandhigay naqshado iyo qorshayaal dhismeed oo si gaar ah loogu talagalay qoyska Soomaaliyeed, iyadoo la tixgelinayo dhaqanka, adkeysiga dhismayaasha, iyo badqabka qoyska.

Ujeeddada barnaamijku waa in la dhiso 20,000 guri oo waara, kuwaas oo lagu dhisi doono qalab iyo agab laga soo saaray gudaha dalka, si loo dhiirrigeliyo isticmaalka wax-soosaarka gudaha iyo horumarinta xirfadaha dhismaha ee maxalliga ah.

Tartanka naqshadeynta ayaa ka koobnaa sagaal naqshadood, waxaana ugu dambeyntii la doortay saddex naqshadood oo ugu habboonaa, iyadoo lagu saleynayo cimilada, dhaqanka, dhowrsanaanta qoyska, iyo qiimaha dhismaha.

Gabagabadii, ardayda iyo injineeradii guuleystay ayaa lagu guddoonsiiyay abaalmarino iyo shahaadooyin, halka khubarada caalamiga ah ee ka qeyb qaatay naqshadeynta iyo horumarinta barnaamijkan lagu ammaanay kaalintooda muhiimka ah ee tayeynta mashruuca.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa Aljeeriya

Aljeris: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii Labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Aljeeriya ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay Qasriga Almuradiya, halkaas oo uu ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tabbuun.

Munaasabadda soo dhoweynta ah ayaa lagu maamuusay calammada labada dal, iyadoo cutubyo ka tirsan Ciidamada dalkaas ay salaan sharaf siiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo intaas kaddib kulan gaar ah la qaatay Dhiggiisa Mudane Cabdulmajiid Altabbuun.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa wadajir u guddoomiyey wada-hadallo ballaaran oo ay ka qayb galeen xubnaha labada dal oo ku qotomay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Cabdulmajiid Tabbuun iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo qaabilaadda wanaagsan, waxa uuna xusay in booqashadani ay astaan u tahay kobaca xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulmajiid Tabbuun ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka iyo dadaalka joogtada ah ee ay ku xaqiijinayso xasillinta iyo dib u dhiska Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda Aljeeriya uga go’an tahay in ay xoojiso iskaashiga iyo xiriirka kala dhexeeya walaalahooda Soomaaliya.

 

          

Ra’iisal wasaare ku xigeenka 2-aad oo ka qaybgalay munaasabadda saxiixa mashruuca dardargelinta iyo horumarka dhaqaalaha

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qayb galay munaasabadda saxiixa mashruuca Dardargelinta Horumarka Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Soomaaliya, oo lagu hirgelinayo iskaashi ballaaran oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, UNDP, iyo Qaar ka mid ah Shirkadaha ganacsi ee dalka .

Mudane Jibriil, ayaa sheegay in mashruucan uu yahay tusaale muuqda oo muujinaya sida ay isku kaashan karaan, dhinacyada kala duwan ee dawladda, ganacsatada iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo gaaro hal ujeeddo oo ah horumar waara iyo fursado loo abuuro shacabka Soomaaliyeed.

“Mashruucan ma aha oo keliya barnaamij horumarineed; waa tusaale cad oo muujinaya sida hey’adaha dawliga ah, ganacsatada, iyo saaxiibbada caalamiga ah ay isu garab taagi karaan hal hadaf,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka.

Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka, ayaa carrabka ku adkeeyay in Xukuumadda DanQaran ay si buuxda uga go’an tahay abuurista deegaan ganacsi oo furan, iyada oo dib-u-habeyn lagu samaynayo shuruucda, canshuuraha, iyo nidaamyada ganacsiga, si loo fududeeyo maalgashiga iyo hal-abuurka gudaha.

Mashruucan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya xoojinta deegaanka ganacsiga, shaqo-abuurka dhallinyarada, iyo horumarinta dhijitaalka. In ka badan 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa heli doona tababaro xirfadeed iyo dhijitaal ah, si ay u helaan shaqooyin ama u abuuraan ganacsiyo madax-bannaan, halka 500 ganacsi Soomaaliyeed – oo intooda badan ay hoggaaminayaan haween iyo dhallinyaro – ay si toos ah uga faa’iidaysan doonaan barnaamijka.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo dhiirigelisay ganacsatada ka qeybgashay Bandhigga 25aad ee EA

Nairobi-(Wargeyska Dalka)-Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dhiirigelin u samaysay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeybgashay Bandhigga ganacsiga 25-aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika oo ka soconaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

U qaabilsanaha Safaaradda Soomaaliya dalka Kenya ee Arrinaha Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane, Guulleed Cismaan ayaa ganacsatada Safaaradda uga iibiyay badeecooyinka dalkeenna laga keenay iyo agabyada kale ee dhaqanka ka turjumaya, kuwaasi oo loogu talagalay in la geeyo Safaaradda, si diblomaasiyiinta iyo madaxda kale ee soo booqaneysa haddiyado looga dhigo.

Guulleed Cismaan ayaa ku bogaadiyey ganacsatada in ay xoojiyaan fikradaha hal abuurka leh, si loo gaarsiiyo guud ahaan Gobalka, taasoo  Safaaradduna gacan ka geysaneyso u fududeynta waxyaabaha ay u baahanyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay Safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Sebastian Groth.

Kulanka, ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, maal¬gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Jarmalka, taageerada ay siiso Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire, Groth ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jarmalka ay ka dhaxeyso xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer, isla markaana ay ka go’an tahay dhankooda in ay sii xoojiyaan, si loo gaaro yoolasha la hiigsanayo.

Wasiirka Maaliyadda oo ka qayb galaya shirka dhaqaalaha iyo horumarinta Bulshada ee dalalka Carabta

Beirut-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa gaaray magaalada Beirut ee dalka Lebanon.

Wasiirka ayaa halkaas uga qaybgalaya Madasha dhaqaalaha iyo horumarinta Qoondada Arrimaha Bulshada ee dalalka Carabta.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Kinshasa-(Wargeyska)-Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan, ayaa si rasmi ah uga guddoomay Waraaqihiisa Aqoonsiga Madaxweynaha dalka Congo DRC, Mudane Félix Antoine Tshisekedi Tshilombo, kadib munaasabad ka dhacday qasriga Qaranka ee Kinshasa.

Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada ay dowladda iyo shacabka Congo siiyaan bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.

Safiirku waxa uu sidoo kale hambalyo u diray Madaxweyne Tshisekedi guusha ay DRC ku gaartay ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo xusay in Soomaaliya oo xubin ka ah golahaasi ay diyaar u tahay in la iska kaashado arrimaha gobolka iyo caalamkaba.

Danjiraha ayaa mar kale adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal.

Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in la aasaaso Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Congo si kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga ee labada dal.

Ugu dambeyn, Danjire Ilyaas ayaa Madaxweynaha ku dhiirrigeliyay in la fududeeyo helista rukhsadaha ganacsiga iyo fiisayaasha si loo xoojiyo isu socodka ganacsatada labada dal, maadaama ay xubin ka wada yihiin Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga ah, kadib booqasho rasmi ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Aljeeriya, isagoo ka jawaabaya martiqaad uu ka helay dhiggiisa, Madaxweyne Cabdul-Majiid Tebbuun.

Booqashadan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, ganacsiga, waxbarashada iyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, kuwaas oo wadaaga taariikh halgan ah oo ka dhanka ahaa gumeystihii iyo xiriir qotodheer oo ku saleysan aqoonsiga Carbeed iyo Afrikaannimo.

Sanadihii u dambeeyay, Soomaaliya waxay dib u soo ceshatay kaalinteedii siyaasadeed ee gobolka, halka Aljeeriya ay xoojisay doorkeeda diblomaasiyadeed ee Qaaradda Afrika, taas oo horseedday in xiriirka labada dal uu yeesho jihada cusub ee is-faham iyo wada-shaqeyn.

Dhinaca amniga, labada dhinac waxay ka wada hadli doonaan iskaashi ku aaddan la-dagaallanka argagixisada, xagjirnimada iyo kor u qaadidda awoodda hay’adaha amniga.

Aljeeriya oo caan ku ah waayo-aragnimadeeda dhinaca amniga iyo heshiisiinta Qaran ayaa la filayaa in ay la wadaagto Soomaaliya khibraddeeda, si loo xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka Saaxil.

Dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxaa la filayaa in booqashadu ay horseeddo fursado cusub oo la xiriira maalgelinta, is-weydaarsiga badeecooyinka, adeegyada kale iyo in la dhiirrigeliyo xiriirka u dhexeeya ganacsatada labada dal.

Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa sidii loo furi lahaa waddooyin cusub oo duulimaad iyo dekedaha ah oo fududeyn doona safarka iyo ganacsiga u dhexeeya Muqdisho iyo Aljeers.

Dhinaca waxbarashada iyo dhaqanka, Soomaaliya waxay doonaysaa in ay xoojiso iskaashiga Jaamacadaha Aljeeriya, si ardayda Soomaaliyeed ay ugu helaan fursado waxbarasho oo tayo leh, gaar ahaan culuumta caafimaadka, injineerinka iyo cilmiga siyaasadda.

Aljeeriya ayaa sidoo kale lagu xusaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda in ay tahay dal gacan weyn ka geysta horumarinta waxbarashada Carabiga iyo Islaamka ee Afrika.

Booqashada Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ee Aljeeriya ma aha oo kaliya munaasabad diblomaasiyadeed, balse waa tallaabo cusub oo lagu dhisayo xiriir istiraatiiji ah oo ku saleysan dano wadaag iyo iskaashi dhanka amniga, horumarka iyo waxbarashada, taas oo kor u qaadaysa danaha labada shacab iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Shirka carbiska Hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada Bulshada Bariga Afrika oo ka furmay Nairobo

Nairobi-(Wargeyska Dalka)-Shirka qorshaynta carbiska Hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada Bulshada Bariga Afrika oo ka furmay Xarunta Tababarka Nabadda iyo Gargaarka Bani’aadamka (Humanitarian Peace Support Training Centre), Nairobi, Kenya.

Waftiga Soomaaliya ugu qaybgalaya shirka oo uu hoggaaminayo Gaashaanle sare Axmed Ciise Axmed, Taliyaha Taliska tababarka iyo Doktorinka XDS (oo ah madaxa waftiga), ayaa ka kooban saraakiil ka socda Taliska Ciidanka XDS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

Shirkan ayaa lagu qorshayn doonaa wajiga koowaad ee carbiska howlgallada wadajirka ah, wuxuuna socon doona muddo saddex maalmood ah.