Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay kulan wadatashi iyo is-xogwaraysi ah la yeeshay Culimada Soomaaliyeed, si uu ula lafaguro doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin xoojinta dowladnimada iyo wacyigelinta bulshada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Culimada ay u sii wadi lahaayeen dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo nabadda bulshada, loona sii laba-jibbaari lahaa halganka ka dhanka ah afkaaraha khaldan ee lagu marin habaabiyo dhallinyarada iyo bulshada.

Guddoomiye Dr. Muungaab, ayaa tilmaamay in wadashaqeynta Maamulka Gobolka iyo Culimada ay tahay tiir udub-dhexaad ah oo lagu dhisayo bulsho nabdoon iyo dowlad sal adag.

Culimada iyo Duqa Muqdisho ayaa isku raacay in la dardar-geliyo wacyigelinta bulshada iyo iskaashiga ka dhanka ah afkaaraha xun ee lidka ku ah Diinta xaniifka ah ee Islaamka, Nabadda iyo Dowladnimada Soomaaliya.

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada

Addis Ababa-(Wargeyska Dalka)- Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo lagu qabtay Caasimada Dalka Itoobiya ee Addis Ababa, kaas oo uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD.

Shirka oo uu Soomaaliya ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng. Maxamed Xasan Cabdulle, ayuu ujeedkiisu ahaa daahfurka mashruuc cusub oo diiradda lagu saaraya maamulka dhulka, u adkaysiga cimillada iyo cunto soosaarka waara ee gobolka.

Mashruucan oo socon doona shan sano, ayaa ujeeddadiisu tahay in dalalka IGAD ay iska kaashadaan xoojinta maamulka dhulka, nabadda iyo horumarinta nolosha beeraleyda iyo reer guuraaga.

Eng. Maxamed Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay door muuqda ka qaadan doonto hirgelinta mashruucan, maadaama uu muhiim u yahay maamulka dhulka, sugnaanta cuntada iyo iskaashiga gobolka.

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay kulan wadatashi iyo is-xogwaraysi ah la yeeshay Culimada Soomaaliyeed, si uu ula lafaguro doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin xoojinta dowladnimada iyo wacyigelinta bulshada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Culimada ay u sii wadi lahaayeen dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo nabadda bulshada, loona sii laba-jibbaari lahaa halganka ka dhanka ah afkaaraha khaldan ee lagu marin habaabiyo dhallinyarada iyo bulshada.

Guddoomiye Dr. Muungaab, ayaa tilmaamay in wadashaqeynta Maamulka Gobolka iyo Culimada ay tahay tiir udub-dhexaad ah oo lagu dhisayo bulsho nabdoon iyo dowlad sal adag.

Culimada iyo Duqa Muqdisho ayaa isku raacay in la dardar-geliyo wacyigelinta bulshada iyo iskaashiga ka dhanka ah afkaaraha xun ee lidka ku ah Diinta xaniifka ah ee Islaamka, Nabadda iyo Dowladnimada Soomaaliya.

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada iyo cunto soosaarka waara ee gobolka

Addis Ababa- Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo lagu qabtay Caasimada Dalka Itoobiya ee Addis Ababa, kaas oo uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD.

Shirka oo uu Soomaaliya ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng. Maxamed Xasan Cabdulle, ayuu ujeedkiisu ahaa daahfurka mashruuc cusub oo diiradda lagu saaraya maamulka dhulka, u adkaysiga cimillada iyo cunto soosaarka waara ee gobolka.

Mashruucan oo socon doona shan sano, ayaa ujeeddadiisu tahay in dalalka IGAD ay iska kaashadaan xoojinta maamulka dhulka, nabadda iyo horumarinta nolosha beeraleyda iyo reer guuraaga.

Eng. Maxamed Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay door muuqda ka qaadan doonto hirgelinta mashruucan, maadaama uu muhiim u yahay maamulka dhulka, sugnaanta cuntada iyo iskaashiga gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si maamuus sare leh loogu soo dhaweeyey Aljeeriya

Aljeris: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa galabta gaaray Caasimadda dalka Aljeeriya ee Aljeris, halkaas oo uu ku tegay marti-qaad rasmi ah oo uu u soo diray Dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Cabdulmajiid Tabuun.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan gaar ah la qaadanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Aljeeriya Mudane Abdelmadjid Tebboune iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladdiisa, si ay uga wada hadlaan iskaashiga amniga, ganacsiga, waxbarashada, iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Aljeeriya soo-dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay in la kobciyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

 

        

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka oo kormeertay safaaradda Soomaaliya ee Pakistaan

Islamapad: Guddomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin  Samatar iyo Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga dalka Pakistan ayaa maanta kormeeray safaarada dalkeena 🇸🇴 ee ku taala magaalada Islamabad.

Wafdiga waxaa halkaas ku soo dhaweeyay danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo masuuliyiinta safaarada, waxaana uu warbixin ka siiyey xaalada guud ee dadka Soomaliyeed ee ku nool dalka Pakistan gaar ahaan ardayda.

Ugu danbayn Gudoomiye Sacdiyo ayaa uga mahad celisay soo dhawayntaaa kuna amaantay shaqada fiican ee ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, waxaana ay ku dhiiiri gelisay in la sii xoojiyo adeegga safaaraddu u hayso dalka.

  

Duqa Muqdisho oo qaabilay taliyaha hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Jen Marco Manzone

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta xarunta Dowladda hoose ee Muqdisho ku qaabilay wefdi uu hoggaaminayay taliyaha hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Jen. Marco Manzone.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray barnaamijyada uu Midowga Yurub ka taageero Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga, dib-u-dhiska iyo adeegyada bulshada. Waxaa sidoo kale la isla meel dhigay in la xoojiyo is-waafajinta mashaariicdaas iyo qorshayaasha horumarineed ee maamulka gobolka.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageeradooda joogtada ah, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la laba-jibbaaro taageeradaas si loo xaqiijiyo barnaamijyada muhiimka ah ee heer qaran, oo ay ka mid yihiin doorashooyinka Golaha Deegaanka ee soo socda.

Dhankiisa, Taliyaha Hawlgalka Midowga Yurub, Jen. Marco Manzone, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin wada-shaqaynta dhow ee kala dhaxaysa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho, isla markaana ay sii wadi doonaan taageerada dhanka amniga, dib-u-dhiska iyo dadaallada dawlad-dhiska ee caasimadda.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan xoojinta iskaashiga labada dhinac si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar muuqda oo ka hana qaada caasimadda Muqdisho. Labada mas’uul ayaa isku raacay in la sii dardar-geliyo wada-shaqaynta barnaamijyada horumarineed iyo taageerada farsamo ee kor u qaadaysa adeegyada bulshada, si shacabka reer Muqdisho ay uga faa’iideystaan fursadaha wax-ku-oolka ah.

    

Golaha Shacabka oo ansixiyay qaraar ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado Maalin Qaran

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa guddoomiyey kalfadhiga 7-aad kulankiisa 13-aad, kaasoo ku furmay kooram dhan 140 xildhibaan.

Ugu horreyn, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Saddexaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaalanka burcad-badeedka iyo ka hortagga afduubka ee Sharciga Lr.36, kaas oo markii hore soo baxay 30-kii April 1975. Xildhibaanadu marka ay cod u qaadeen Hindise Sharciyeedkan waxa oggolaaday 140 xildhibaan, mana jirin cid diiday ama ka aamustay, sida uu ku dhowaaqay Guddoomiye ku-xigeenka labaad.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa guda galay ajendaha ku saabsan qaraarka Golaha ee la doonayey in 14-ka October loo aqoonsado Maalinta Xasuuqa Qaran  loo geystay dhibbanayaasha  Soomaaliyeed oo ay u geysteen argagixisada . Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi, oo ka mid ah mudanayaashii soo diyaariyey mooshinka, ayaa Golaha horgeeyay warbixintii doodaha iyo aragtiyihii horey ay xildhibaanadu uga dhiibteen arrintan.

Ugu dambayn, xildhibaanada cod u qaaday qaraarkan ayaa u codeeyey in 14-ka October loo aqoonsado Maalin Qaran. Waxaa oggolaaday 137 xildhibaan, laba xildhibaan ayaa diiday, halka hal xildhibaan uu ka aamusay.

 

Cabdinaasir Axmed Bashiir oo loo magacaabay Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdinaasir Axmed Bashiir u magacaabay Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ahna Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga bilaabo maanta.

Cabdinaasir Axmed Bashiir ayaa kamid ah bahda saxaafadda,isagoona kasoo shaqeeyay hay’ado warbaahineed oo gudaha  dalka iyo dibadda ah.

 

BFS oo ansixiyey Hindse Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcad badeedda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindse Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcad badeedda iyo ka hortagga afduubka ee sharci Lr.36 oo soo baxay 30-kii Bishii April sanadkii 1975-tii, waxaana ogolaaday 140 Xildhibaan, mana jiro Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay intaba.