Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Jowhar(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, oo meertadan lagu qabtay magaalada Jowhar, caasimadda Hirshabelle.

Shirka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Hirshabelle, Marwo Caasha Khaliif, wasiirrada gargaarka ee dowlad-goboleedyada dalka, maamulka Gobolka Banaadir, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, ururrada samafalka, bulshada rayidka, hoggaamiyeyaal maxalli ah, iyo xubno ka socda hay’adaha caalamiga ah.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), ayaa ah madal muhiim ah oo ay ku kulmaan hey’adaha dowladda, dowlad-goboleedyada, ururrada maxalliga ah, iyo kuwa caalamiga ah, si ay uga wada hadlaan dardar-gelinta jawaabaha bani’aadannimo iyo qorsheyaasha looga hortagayo xaaladaha musiibooyinka ee dalka.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustaf Duxulow ayaa soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES (Personnel Identification Secure Comparison and Evaluation System) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo socday muddo dhowr maalmood ah ayaa lagu kobcinayay aqoonta iyo xirfadda saraakiisha HSJ ee ku aadan adeegsiga nidaamka casriga ah ee PISCES, kaasoo muhiim u ah ilaalinta amniga xuduudaha iyo horumarinta adeegyada socdaalka.

Munaasabadda xiritaanka ayaa lagu guddoonsiiyay shahaadooyin ka qeybgalayaasha, waxaana Agaasimaha Guud uu bogaadiyay dadaalka iyo ka go’naanshaha saraakiisha HSJ ee horumarinta xirfadooda shaqo iyo ilaalinta amniga xuduudaha.

Mudane Mustaf Duxulow ayaa sidoo kale xusay in tababarkan uu qeyb ka yahay qorshaha lagu casriyeynayo nidaamka socdaalka iyo isku xirka xarumaha muhiimka ah ee xuduudaha dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay tababarada joogtada ah ee lagu horumarinayo shaqaalaha.

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Jowhar(Wargeyaka Dalka):-Magaalada Jowhar waxaa maanta laga furayaa Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada, kaasoo ay ka qeyb-gali doonaan wasaaradaha arrimaha gargaarka ee dowlad-goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), isla markaana ah kii 9-aad, ayaa inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa xaaladaha bani’aadannimo, gaar ahaan barakaca, abaaraha, iyo sidii loo mideyn lahaa jawaabaha degdegga ah ee laga bixiyo musiibooyinka.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe, uu si rasmi ah u daah-furo shirka.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada Jowhar kusoo dhoweeyay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa magaalada Jowhar u tegay ka qaybgalka Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada ee Soomaaliya (CHF) oo la filayo inuu si rasmi ah u furmo berri.

Kulanka labada mas’uul waxaa lagu gorfeeyay xoojinta iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, ka jawaabista masiibooyinka, iyo hormarinta howlaha bini’aadannimo ee dalka.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Hirshabelle soo dhoweynta diirran, isagoo xusay in Madasha CHF ay muhiim u tahay mideynta dadaallada gurmadka iyo iskaashiga hay’adaha samafalka ee Soomaaliya.
       

Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq nabadeed kasoo saartay, Dilalka iyo Beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka.

Hoos ka Akhriso warsaxafadeedka

 

Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Bakool (Wargeyska Dalka):-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen gobolka Bakool ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta.

Horjoogahan oo Khawaarijta u qaabilsanaa saldhigga Abal ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Maxamed (Gofow),waxaana sidoo kale lagu yaqiinay xarig iyo dhibaateynta dadka shacabka ah.

Taliyaha Guutada 9aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gashaanle Dhexe Yuunis Aadan Xasan, oo howlgalka kadib la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay horjooge Maxamed Cabdi (Gofow),asigoo tilmaamay in ciidanka Xoogga ee ku sugan gobolka Bakool ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee weli ku sugan deegannada gobolka.

Ciidamada Guutada 9aad ee Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka ee ka howl gala gobolka Bakool ayaa maalmihii la soo dhaafay waday howlgallo ballaaran oo ka socda deegaanno hoos yimaada gobolka, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Riyadh(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga kulan kula yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee UNWTO,halkaas oo uu ka socdo Shirweynaha Dalxiiska ee Qaramada Midoobay.

Madaxda uu Wasiirku la kulmay waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Afrika ee UNWTO, Elcia Grandcourt, iyo Agaasimaha Xiriirka Caalamiga, Beka Jakeli.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta dalxiiska Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee dhinaca dalxiiska. Wasiirka ayaa madaxda UNWTO uga warbixiyay koboca adeegyada dalxiiska ee dalka iyo siyaasadda Dowladda Federaalka ee ku wajahan horumarinta dalxiiska, taas oo ku dhisan casriyeynta adeegyada iyo hirgelinta barnaamijyo kor u qaadaya aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada.

Sidoo kale Wasiir Daa’uud Aweys ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay dhawaan hirgelin doonto machadyo heerar kala duwan leh oo lagu baran doono dalxiiska iyo martisoorka.

Madaxda UNWTO ayaa soo dhoweeyay dadaalka ay Soomaaliya ku waddo dib u soo nooleynta dalxiiska, waxayna ballanqaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Dowladda Federaalka si kor loogu qaado horumarinta iyo maalgelinta dalxiiska dalka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa haatan ku sugan magaalada Riyadh, halkaas oo uu uga qeybgalayo Shirweynaha Guud ee 26-aad ee Ururka Dalxiiska Qaramada Midoobay, oo sanadkan ay martigelineyso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taas oo noqoneysa markii ugu horreysay ee dalalka Khaliijka ay martigeliyaan shirkan.

 

 

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, ayaa kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan.

Inta lagu guda jiray kulanka, guddiga waxay wasiirka ka dhageysteen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan:

Dhacdadii dhawaan ka dhacday iridda hore ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, oo ay hooyo Soomaaliyeed ku hor umushay; dhacdo taabatay shucuurta shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dalka.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in isla xisaabtanka iyo baaritaannada la xiriira arrintaasi ay socdaan.Adeegyada kala duwan ee Isbitaalka, oo ay ka mid yihiin:

Daryeelka hooyada iyo dhallaanka,Cudurrada guud ahaan Qaybta gargaarka degdegga ah

Nafaqo darrida carruurtaLa–tacaalida cudurrada HIV iyo Cancerka
Qayb kasta waxaa ka howlgala dhaqaatiir takhasus gaar ah leh, sida uu wasiirku xusay.

Caqabadaha jira, oo uu wasiirku ku sheegay kuwa ugu waaweyn: shaqaale yaraanta marka loo eego tirada bukaannada badan, taas oo mararka qaarkood keenta in adeegyadu ku dheeraadaan.

Kadib kulanka, guddigu waxay kormeer shaqo ku tageen Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, iyagoo booqday qeybaha kala duwan, islamarkaana si toos ah ula hadlay qaar ka mid ah bukaannada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa u mahadcelisay guud ahaan howl-wadeenada caafimaadka, kuna dhiirrigelisay shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale ballanqaadday in guddigu door muuqda ka qaadan doono horumarinta adeegyada iyo daboolista baahiyaha ka jira isbitaalka.

 

R/wasaare ku-xigeenka “Maalgelinta Cimilladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”

Belem:- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad ka jeediyay kulan lagu xusayay 10 sano guurada Heshiiska Paris, kaas oo diiradda lagu saaray la dagaallanka isbeddelka cimilada (NDCs) iyo maalgelinta la xiriirta.

Kulanka oo qeyb ka ahaa Shirka Madaxda Adduunka ee COP30, kaas oo ka socda magaalada Belem ee dalka Brazil, ayaa waxaa uu halkaas ka sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Soomaaliya ay hormuud u noqotay dadaallada isbeddelka cimilada, iyada oo sanadkan gudbisay NDC 3.0 oo ah mid heer caalami ah oo la jaanqaadaya yoolalka heshiiska Paris.Mudane Saalax, ayaa xusay sida ay uga go’an tahay hirgelinta Qorshaha Maaligalinta NDC 2025–2035, si loo mideeyo cududda maalgashiga dowladda, midka gaarka loo leeyahay iyo deeqaha caalamiga ah, isaga oo ugu baaqay saaxiibbada caalamka in ay ka taageeraan Soomaaliya wax ka qabashada isbeddelka cimilada adduunka.


Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Horumarinta Beeraha Afrika

Kigali-Rwanda-(Wargeyska Dalka)-Waxaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda ka furmay shirka  21-aad ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika oo Dhammaystiran (CAADP).

Shirkan muhiimka ah waxaa Soomaaliya ku matalaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Maxamed Xassan Cabdulle.

Kulanka ayaa sanadkan diirada lagu saarayaa u diyaarinta Qaaradda Afrika ee ku aaddan dhaqan-gelinta CAADP Kampala Declaration ee dhawaan la ansixiyay iyo Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee la socda (2026–2035).

Shirka ayaa fursad u noqday dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, hay’adaha caalamiga iyo daneeyayaasha horumarinta si ay uga wada hadlaan xoojinta siyaasadaha iyo istaraatiijiyadaha lagu horumarinayo wax soosaarka beeraha, Sugnaanta cuntada iyo Adkeysiga cimillada ee Qaaradda Afrika.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa mar walba u taagan in ay door firfircoon ka qaadato dadaalada lagu horumarinaayo nidaamka cunto soosaarka, Maareynta dhulka, biyaha iyo Xoojinta iskaashiga gobolka ee hoos yimaadda barnaamijyada CAADP.