Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad, oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 156 Xildhibaan ayaa ajendihiisu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka, akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale iyo qeybinta warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka dib u eegista Sharciga Ladagaallanka Burcad-badeedda iyo ka hortaga Afduubka ee Sharci LR.36 ee 30-ka Abriil, 1975.

Ugu horreyn, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda, waxaana ogolaatay 154 Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo natiijadda codeynta ku dhowaaqay.

Sidoo kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha u akhriyay Wasiiru Dowlaha wasaaradaasi Mudane Maxamed Cusmaan Naastaro.

Xildhibaanno Golaha ka tirsan ayaa dhowr su’aalood oo ku saabsan mabaadii’da guud ee hindise sharciyeedkan, inuu waafaqsanyahay shareecada Islaamka iyo dastuurka, saameynta miisaaniyadeed ee uu leeyahay iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay weydiiyay wasiiru dowlaha.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Dib U eegista Sharciga la dagaallanka Burcad-badeedka iyo ka hortaga Afduubka Sharci LR.36 ee soo baxay 30-kii April, sanadkii 1975-kii.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka iyo dadka islamarkaana uu ka mid yahay shuruucda bulshada Soomaaliyeed waxtarka u leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa amray in hindise sharciyeedkan in lagu wareejiyo Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka, si uu usoo diyaariyo akhrintiisa labaad loogana doodo, wuxuuna sheegay in Baarlamaanka 11-aad, isagoo kaashanaya culimaa’udiinka Soomaaliyeed uu soo saari doono shuruuc looga hortagayo dembiyada iyo tacadiyada ka dhanka haweenka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Wakiilka ahna Agaasimaha Hay’adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) Soomaaliya, Mudane Elkhidir Daloum.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, iyadoo loo eegayo waxyaabaha mudnaanta qaran u leh Soomaaliya, gaar ahaan ka jawaab-celinta xaaladaha bini’aadantinimo, amniga cuntada iyo horumarka waara.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa dadaallada wadajirka ah ee lagu dabooli lahaa baahiyaha bulshooyinka nugul iyo taageeridda barnaamijyada dhisidda adkeysiga ee dalka oo dhan.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Riyadh-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga qeyb galay shir ay isugu yimaaddeen Wasiirrada Dalxiiska ee Waddamada Afrika, iyadoo halkaas uu ka socdo shirweynihii 26-aad ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Dalxiiska (UN Tourism General Assembly).

Wasiirka oo shirkaasi khudbad ka jeediyay ayaa xusay in adeegga dalxiiska ee Soomaaliya uu sameeyay dib usoo kabasho ballaaran, isagoo sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qeyb ka noqoto hadafka Afrika ee hirgelinta adeeg dalxiis oo baraare leh oo qaaraddu ay gaarto, iyadoo diiradda la saarayo dhowrista deegaanka, xoojinta aqoonta dalxiiska iyo horumarinta dhaqaalaha bulshooyinka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la fududeeyo shuruudaha isku socodka Qaaradda dhexdeeda, sida fududeynta dal ku galka, xoojinta adeegyada duullimaadka iyo is-dhexgalka bulshooyinka isaga tallaabaya xudduudaha si loo abuuro suuqyo cusub oo uu ku kobco adeegga dalxiiska ee Qaaradda.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay maalgashiga dalxiiska, iyadoo taasi ka duuleysa ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya hirgelisay cilmi-baaris heer Qaran ah oo la xiriirta arrimaha dalxiiska, taasoo salka ku haysa dib u soo nooleynta adeegga dalxiiska casriga ah, xoojinta adeegyada aqoonta iyo xirfadaha dalxiiska, dib usoo nooleynta iyo casriyeynta goobaha dalxiiska ee dalka.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh uga qeybgelaya Shirweynaha 26-aad ee Ururka Dalxiiska Qaramada Midoobay oo sannadkan ay martigelineyso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taas oo noqoneysa markii ugu horreysay ee dalalka Khaliijka ay martigeliyaan shirkan.

Shirweynahan oo labadii sanaba mar la qabto, ayaa ku soo beegmaya sanad-guuradii 50-aad tan iyo markii la aasaasay Ururka Dalxiiska ee Qaramada Midoobay, iyadoo ajandaha laga doodi doono ay ka mid yihiin qorshaha iyo hiigsiga 50-ka sano ee soo socda ee horumarinta dalxiiska caalamka.

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Kampala-(Wargeyska Dalka)-Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo xiray 48 Saraakiil Soomaaliyeed ah oo ka tirsan Ciidamada Qaranka.

Askartan ayaa qayb ka ahayd 498 Sarkaal oo tababar heerkiisu sarreeya ku qaadanayay muddo Sanad ah dalka Yugaandha.

Munaasabadda lagu soo xirayay tababarka waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Yugaandha, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Yugaandha ayaa horay tababarro kala dwuan ugu fidisay dalkeeda cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka, iyadoo door muhiim ah ka ciyaaraysa howlgallada xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Belem:-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka COP30 ee isbeddelka cimilada, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Belem ee dalka Brazil, isagoo khudbaddiisa ku adkeeyay baahida loo qabo in tallaabo degdeg ah oo caalami ah la qaado si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada.

Mudane Saalax ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu nugul isbeddelka cimilada, islamarkaana ay abaaro soo laab-laabtay ka dhaceen, iyada oo aan qeyb ka ahayn wasakhowga hawada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa carrabaabay qorshaha Soomaaliya ee NDC iyo Qorshaha La-qabsiga Cimilada, oo qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), kaas oo diiradda saaraya afar qodob: la-qabsiga, maalgelinta cimilada, khasaaraha iyo magdhowga, iyo isbeddelka tamarta nadiifta ah.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa la wadaagay shirka sida ay muhiim u tahay in la iska kaashado la tacaalidda iyo wax ka qabashada khasaaraha isbeddelka cimilada.

   

Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Dekadda

Maareeyaha Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ku guda jira howl maalmeedkiisa ayaa isla xisaabtan shaqo, ku tagay qeybaha kala duwan ee Dekadda Muqdisho oo ay ka socdeen howla baaxad leh oo loogu adeegayay ummada Soomaaliyeed.

Saddex markab oo siday Badeecooyin kala duwan ayaa kusoo xirtay Dekadda Muqdisho, iyadoo howlaha dajinta badeecooyinkaasi ay ka howlgalayeen Gaadiidka kala duwan, Shaqaalaha Dekadda iyo boqolaal kamid ah Muruqmaalatada Soomaaliyeed.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo) oo kormeerkan ka hadlayay ayaa sheegay in ay Ahmiyad gaar ah uleedahay la joogitaanka iyo waqti la qaadashada Muruq-maalka iyo Shaqaalaha ka howlgala Dekedda Muqdisho, isaga oo tilmaamay in ay laf dhabar u yihiin shaqooyinka maalinlaha ah ee dekedda Caasimadda, Koboca adeegyada iyo Horumarka muuqda ee maanta jira.

     

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 07, November 2025.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa tilmaamay in isu-soobaxa kumannaanka kun ee daawanayey ciyaarta ay muujinayso nabadda iyo xasilloonida amni ee caasimadda.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalay furitaanka Matxafka Qaran ee Dhaqanka iyo Taariikhda Masar.

3- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dodoma uga qeybgaley caleema-saarka Madaxwaynaha la doortay ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabayay cabasho ka timid bulshada ayaa Kormeer degdeg ah ku tagay mid ka mid ah xarumaha laga bixiyo kaarka aqoonsiga qaranka ee NIRA, isagoo faray madaxda hay’adda in dadka loo fududeeyo bixinta adeegga.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay wafdi ka socday Dowladda Ciraaq, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada,maalgashiga ,kaluumeysiga, tamarta, beeraha, xoolaha iyo adeegyo kale.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay laamiga dheer ee degmada Wadajir ee xaafadda Buulo-xuubeey .

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka (Somali Internet Governance Forum), waxaana uu sheegay in loo baahanyahay nidaam iyo sharciyo cad oo loo dejiyey isticmaalka Internet-ka, si looga hortago xadgudubyada, dembiyada iyo falalka ka baxsan anshaxa dijitaalka ah.

8- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare guddoonsiiyey haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Matxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta oo ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya qeyb ka aheyd.

9- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe) guddoonsiiyey haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Matxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta oo ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya qeyb ka aheyd.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Dawladda Britain (UK) iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya oo xoojinayo adeegyada daryeelka bulshada iyo taageerada qoysaska nugul.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb-galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha Isbahaysiga Caalamiga ah ee La-dagaallanka Gaajada iyo Saboolnimada oo lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalim Caliyow Ibrow iyo Wasiirkii hore Mudane Yuusuf Maxamed Aaden.

13- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Cali Xaaji Aadan ayaa daahfuray mashruuc cusub oo loogu talagalay taageerada hooyooyinka iyo carruurta nugul ee ku nool deegaanada ay abaaruhu saameeyeen ee u baahan gargaar caafimaad iyo nafaqo degdeg ah.

14- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa xafiiskiisa kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirennimo Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Masar, Danjire Mohamed Salah Hassan Keshtah.

15- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro,iyagoo ka wada hadlay xiriirka u dhaxeeye Midowga Yurub iyo Hay’adaha ee qaabilsan arrimaha garsoorka iyo nidaamka cadaaladda.

16- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Sanduuqa Dawliga ee Shuhaddada dalka Ciraaq, Sarreeye Guud Amjad Al Awadi oo isugu jiray ganacsato iyo maalgashadayaal.

17- Wasiirrada Cadaaladda, Gaashaandhigga, iyo Amniga Gudaha ayaa Muqdisho uga qay- galay shir lagu gorfeeynayey xoojinta hay’adaha amniga iyo cadaaladda Soomaaliya,oo looga dooday iskaashiga hay’adaha amniga , garsoorka , nabadda iyo cadaaladda waarta.

18- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cali Maxamed Cumar ayaa la kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abakr Afandi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo adkaynta iskaashiga labada dal .

19- Wasiiru-Dawlaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa magaaladda Samarkand dalka Uzbekistan kaga qeyb-gashay Shirweynaha Guud ee 43-aad ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Cilmiga iyo Dhaqanka (UNESCO).

20- Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen Danjire Cabdixakiin Xaaji Maxamed ayaa ka hadlay xiriirka saaxiibtinimada qotada dheer ee ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Yemen.

21- Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka Cabdiwali Maxamed Timacadde ayaa dadweynaha ku wargaliyay inay kordhinayaan waqtiga shaqada, iyo xarumaha.

22- Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa kulan doceed la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada iyo socdaalka Masar inta uu socday furitaanka Madxafka Masar, iyagoo kawada hadlay arrimaha ciidamada Masar ee ka mid noqonaya Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

23- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa daahfuray kulan lagu soo bandhigay mashruuca Catastrophe Deferred Drawdown Option (Cat DDO), oo loogu talagalay maareynta musiibooyinka iyo ka hortagga aafooyinka degdega ah.

24- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ololaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha gaarsiiyay deegaanka Warane oo hoos yimaada degmada Xarardheere ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

25- Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay ciidanka.

Tababar la xiriiray sugidda xudduudaha dalka oo maanta ka furmay Muqdisho

Qeybtii 2aad tababar aqoonkororsi ah oo ku saabsan Isbarbardhigga qiimeynta sugan ee aqoonsiga rakaabka ayaa maanta Magaalada Muqdisho loogu qabtay qaar kamid ah saraakiisha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Tababarkaan oo ay iska kaashanayaan Mareykanka iyo Soomaaliya waxaa mudada uu socdo looga hadlayaa awood siinta saraakiisha ee dhinaca sugidda xuduudaha dalka

Tababarkaan waxaa xubnaha saraakiisha ee ka qeybgaaya aqoon kororsihaan uu ka saacidayaa in lala socdo dhaq-dhaqaaqa socodka dadka ee dhinaca xuduudaha

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa maanta si rasmi ah u furay wajigii labaad tababarkaan aqoon kororsiga ah,isagoo kula dardaarmay saraakiisha in casharada ay qaadan doonaan ay ku dabbaqaan shaqadooda.

Tababarkaan waxaa sidoo kale lagu baranayaa kahortagga dukumiintiyada been abuurka ah ,halka macaslimiinta wax ka dhigaya uu kamid yahay  Agaasimaha PISCES ee Soomaaliya Redny Paris.

Bishii Juun ee la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisgo lagu qabtay qeybtii koowaad ee tababarkaan,kadib markii Soomaaliya ay qeyb ka noqotay nidaamka PISCES ee dalalka sugaya xuduudahooda.

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha Suuriya Axmed Shara iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Enes Hattab .

“Waxaan soo dhaweynayaa Qaraarka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee Lambar 2799 (2025), kaas oo ka saaraya Madaxweynaha Suuriya Axmed Shara iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Enes Hattab, liiska cunaqabataynta ee khuseeyay,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oncu Keceli.

Afhayeenka ayaa xusay in tallaabada ay ku dhaqaaqeen Qaramada Midoobay ay fududeyneyso isdhexgalka Suuriya ee bulshada caalamka iyo in la hubiyo xasillooni iyo horumar waara oo ka dhaca gobolka.

“Waxaan sii wadi doonnaa taageerada tallaabooyinkaan iyo kuwa la midka ah ee loogu talagalay in lagu saxo waxyaabihii horay uga dhacay Suuriya iyo in gacan la siiyo maamulka cusub,si ay uga sgaqeeyaan horumarka dadkooda iyo dalkooda”ayuu yiri afhayeenka.

Khamiistii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar qabyo ah oo Madaxweynaha Suuriya Ahmad al-Sharaa iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Anas Khattab looga bixinaayo liiska cunaqabataynta.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis Bin Turki Al-Feysal oo ah Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Kulanka labadaasi dhinac oo ka dhacay Dalka Sacuudi Carabiya,waxaa lagu kala saxiixday heshiis is af-garad ah oo ku saabsan dib u dhiska garoomada ciyaaraha  , horumarinta xirfadaha Dhallinyarada iyo sidii loogu sameyn lahaa shaqo abuur.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada XFS ayaa ku sugan Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya ,isagoo kulamo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la yeelan doona qaar ka mid ah wasiirada dhigiisa ah ee ku jira dalalka Jaamacadda Carabta.