Madaxweyne Xasan Sheekh”Dhalinyaro sida aad ciyaaraha koobkan ugu soo baxdeen uga qayb qaata doorashada tooska ah”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qeybgalay Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa tilmaamay in isu-soobaxa kumannaanka kun ee daawanayey ciyaarta ay muujinayso nabadda iyo xasilloonida amni ee caasimadda,

Madaxweynaha oo hambalyo u diray labada degmo ee Howlwadaag iyo War-Sheekh ee isugu soo haray dhammaadka Koobkan ayaa sheegay in la xaqiijiyey yoolkii isdhexgalka bulsho iyo adkaynta midnimada shacabka Soomaaliyeed ee ay salka ku hayaan qabashada tartannada ciyaaraha, waxa uuna soo bandhigay sida isu-soobaxa kumannaanka kun ee Caasimadda ku daawanayey ciyaarta ay caddayn u tahay in si nabdoon ay codkooda u dhiiban karaan, markii la gaaro doorashada Goleyaasha deegaanka ee Caasimadda.

“Dhallinyaro sidaad ugu soo baxdeen ciyaarta kubadda cagta ugu soo baxa doorashooyinka dhawaan ka bilaaban doona degmooyinka Gobolka Banaadir, si aad u soo doorataan dadka idiin matali kara danahiinna iyo deegaankiinaba, waxaad haysataan fursad, go’aanka gacantiina ayuu ku jiraa ee doorta hoggaankiinna”.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu hambaleeyey ciyaartooyda, macallimiinta, maamulka iyo taagereyaasha degmada Howlwadaag ee ku guulaystay Koobka, isaga oo bogaadiyey anshax wanaagga iyo hufnaanta tartan ee ay muujiyeen dhammaan ciyaartooyda, macallimiinta iyo taagerayaasha kooxaha oo idil.

          

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Rajo Kaaba waa mashruuc Qaran”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cali Barre, ayaa daahfuray Mashruuca “Rajo Kaaba”, oo ah barnaamij deeq waxbarasho oo loogu talagalay haweenka Soomaaliyeed ee doonaya in ay sii wataan waxbarashada heerka labaad (Master’s Degree), si kor loogu qaado ka-qaybgalka haweenka ee tacliinta sare, horumarinta xirfadaha iyo awooddooda hoggaamineed.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in mashruuca Rajo Kaaba uu qayb ka yahay qorshaha Xukuumadda DanQaran, ee lagu taageerayo laguna horumarinayo haweenka, si loo helo fursado siman oo waxbarasho, shaqo iyo hoggaan.

“Waxbarashadu waa furaha nolosha adduun iyo aakhiro, waa jidka lagu gaari karo horumar iyo dowladnimo ku taagan tiir adag. Dadkii aan waxbaran waxaa kala gooya colaad, abaar, cudur iyo gaajo, sidaas awgeed ‘Rajo Kaaba’ waa mashruuc qaran oo daliil u ah sida ay Xukuumadda DanQaran xoogga u saarayso kobcinta aqoonta iyo karaanka gabdhaha Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed maanta ay haystaan fursaddii ay dalka ku hoggaamin lahaayeen, isla markaana looga baahan yahay in ay door muuqda ka qaataan doorashooyinka dowladaha hoose ee dhowaan dalka laga qaban doono.

“Xukuumadda DanQaran waxay dejisay Barnaamijka Isbeddelka Qaran, kaas oo mudnaanta siinaya kor u qaadista karaanka aadanaha. Taas oo keentay in la xoojiyo waxbarashada iyo xirfadaha lagu horumarinayo shaqada iyo shaqaalaha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, dadaalkooda ku aaddan horumarinta iyo tayeynta aqoonta dadka Soomaaliyeed, si waafaqsan dhaqankeenna iyo diinteenna suubban.

        

Kooxda degmada Howlwadaag oo ku guulaysatay tartanka degmooyinka gobolka Banaadir

Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee dhex martay kooxaha degmooyinka Howlwadaag iyo Warsheekh. Kooxda degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleysatay koobka tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir, kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay dhiggeeda Warsheekh.

     

Madaxweynaha JFS oo ku sugan Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa haatan ku sugan Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, halkaas oo uu ka socdo final-ka tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana weli garoonka ku loollamaya kooxaha degmooyinka Howlwadaag iyo Warsheekh.

Ciyaartan Finalka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxa garoonka soo buux dhaafiyey kumanaan shacab ah oo kala taageersan labada degmo sidoo kale waxa ka soo qayb galay daawashada finalka ciyaartan madaxda Dowladda Federaalka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Banaadir.

       

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo kulan kula yeeshay xafiiskiisa mas’uuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aways Jaamac, ayaa kulan kula yeeshay xafiiskiisa mas’uuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdullaahi Xayir Ducaale, Maareeyaha Guud ee Golaha Murtida iyo Madaddaalada Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure, Maareeye Ku-Xigeenka Tiyaatarka, Abwaan Maki Xaaji Banaadir, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Ismaaciil Cumar Muqtaar, Agaasimaha SNTV Maxamedkaafi Abuukar Maxamed, iyo Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdifatah Daahir Jayte.

Wasiirka ayaa mas’uuliyiintan ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay intii lagu guda jiray munaasabaddii xuska sanad-guuradii 25-aad ee shirkii Carta.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa ammaanay fannaaniinta Qaranka ee kooxda Waaberi iyo qaybaha kale ee bahda fanka bandhigyadii ay ku muujiyeen shirkii Carta iyo Munaasabadii ka dhacay magaalada Jabuuti.

Sidoo kale, wuxuu Wasiirku tilmaamay in Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay ba ay muujiyeen dadaal muuqda oo lagu xusuusan doono intii lagu guda jiray xuska shirkii Carta.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys ayaa ku booriyay qeybaha fanka iyo warbaahinta inay sii laban laabaan dadaalkooda, ayna door muuqda ka qaataan hawlaha qaran ee ay ka mid yihiin dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta, doorashooyinka iyo hannaanka dowlad dhiska dalka.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa door muhiim ah ka qaadatay qabanqaabada iyo hirgelinta xuska sanad-guuradii 25-aad ee shirkii Carta, oo ahaa aasaaska dhismaha Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya.

    

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ee Guddiga joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyey howlaha Golaha ee la xiriira meelmarinta shuruucda kaabeysa dowladnimada dalka, gaar ahaan dhaqangelinta shuruucda dalka u horseedeysa doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna Guddoomiyaha bogaadiyey dadaalada Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku aadan diiwangelinta dadweynaha.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ee Golaha shacabka ayaa ka dooday Ajendayaasha horutebinta u leh golaha kalfadhiga todobaad, waxaana xubnaha guddiga si gaar ah Ajendeyn ugu sameeyeen ajendayaasha Golaha ee todobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa bogaadiyey howsha guddiyada Golaha ee ku aadan kor joogteynta wasaaradaha iyo hay’adaha ay u xilsaaranyihiin.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Hoggaannada, Fadhiyada Madaxa-banaan iyo Qeybaha Boliiska Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa looga hadlay Amniga Guud , u diyaar garowga xuska 82-guuradii kasoo wareegatay Asaaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed , Derdergelinta dhismayaasha iyo Dayactirada lagu wado xarumaha shaqada ee Ciidanka oo meel wanaagsan maraya.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan xasilinta oo la kulmay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjire El-Hadji Ibrahima Diene, wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay xaaladda xasilinta ee deegaannada dhawaan la xoreeyay iyo heerka uu marayo qorshaha Qaranka ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka, kaas oo haatan maraya meel gabagabo ah.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo AUSSOM, si loo sii adkeeyo dadaallada lagu adkeenayo nabad waarta iyo amni joogto ah. Danjire Diene ayaa sheegay in AUSSOM ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso qorshaha xasilinta, ilaalinta shacabka iyo dib u dhiska deegaannada la xoreeyay.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulmay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth.

Kulanka waxaa lagu gorfeeyay xaaladda bini’aadannimo ee dalka, saameynta roobka dayrta oo yaraaday iyo mashaariicda taageerada ah ee Jarmalku ka fuliyo Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira gargaarka iyo ka hortagga musiibooyinka.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in hay’addu ay xoogga saarayso horumarinta nidaamyada looga hortago khataraha musiibooyinka, isagoo xusay muhiimadda tallaabooyin horey loo qaado si loo yareeyo khasaaraha musiibooyinka dabiiciga ah.

Dhankiisa, Safiirka Jarmalka ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhanka maareynta musiibooyinka iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda Jarmalka garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiso Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya ee Ukraine oo la kulmay Madaxweynaha dalkaas

Kiev: Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doono dalka Ukraine mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine mudane Volodymyr Zelenskyy.

Madaxweynaha dalka Ukraine ayaa safiirka ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo, isagoo si weyn ugu mahadceliyay Soomaaliya, waxana uu bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal.