Ra’iisul Wasaare Xamse oo guddoomay haddiyad ka timid Matxafka nabadda Soomaaliya ee Carta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Bare guddoonsiiyey haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Matxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta oo ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya qeyb ka aheyd.

Wasiir Daauud Aweys Jaamac ayaa ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre warbixin ka siiyey marxaladii uu soo maray Matxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta ee ay 30kii bishii October wadajir u daah fureen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Walaalkiis Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti , Mudane Ismaaciil Cumar Geele, iyadoo Wasiirku uu si gaar ah Ra’iisul Wasaaraha warbixin uga siiyey doorkii qalabeynta iyo qabanqaabada munaasabadda ay Wasaaraddu ku laheyd.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey hirgelinta Matxafka taariikhiga ah ee Carta oo bilowgii booqashadiisa ay ka dhalatay aragtida ah in taallo laga dhiso, waxaana uu si gaar ah ugu bogaadiyey doorkii Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ay ku laheyd qalabeynta iyo furitaanka Matxafka oo lagu daah furay 25- guurrradii ka soo wareegtay Shirweynihii Nabadda Soomaalida ee Carta oo sanadkii 2000 lagu qabtay gobolka Carta ee Dalka Jabuuti.

Gebagebadii, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa guddoonsiiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre haddiyadaha ay ugu talagaleen guddigii dhismaha iyo qalabeynta Matxafka ama Taalada Nabadda Carta ee uu Guddoomiyaha u ahaa Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Jamhuuriyadda Djibouti mudane Yoonis Cali Guedi .

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socda dalka Ciraaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Ciraaq, kuwaas oo dalka u yimid sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyo sidoo kale horumarinta maalgashiga gaar ahaan meelaha muhiimka ah sida kalluumeysiga, tamarta, beeraha iyo xoolaha.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga Ciraaq ayaa isla gartey in labada dowladood ay xoojiyaan wadashaqeyntooda, si loo helo fursado ganacsi iyo horumarineed oo dheeraad ah, loona ballaariyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

 

Wasiirka Caafimaadka oo daahfuray mashruuc lagu taageeraya hooyooyinka iyo carruurta

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali li Xaaji Aadam ayaa maanta daah furay mashruuc cusub oo loogu talagalay taageerada hooyooyinka iyo carruurta nugul ee ku nool deegaanada ay abaaruhu saameeyeen, gaar ahaan kuwa u baahan gargaar caafimaad iyo nafaqo degdeg ah.

Mashruucan waxaa maalgelinaya King Salman Humanitarian Aid and Relief Centre (KSRelief), waxaana fulinaya Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), iyadoo uu qorshuhu yahay in ay ka faa’iideystaan qoysas Soomaaliyeed oo u baahan gargaar caafimaad iyo nafaqo si loo yareeyo saamaynta nafaqo-xumada iyo cudurrada la xiriira.

Munaasabadda daah furka mashruuca oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka, WFP, KSRelief, iyo bah-wadaagta caafimaadka ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid muhiim ah oo wax ka taraya badbaadinta nolosha bulshada nugul, isagoo uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

“Mashruucani wuxuu gacan ka geysanayaa yareynta dhibaatooyinka nafaqo-xumada ee ka jira deegaanada ay abaaruhu saameeyeen, wuxuuna ka tarjumayaa xiriirka iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya,” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka hadlay shirka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada

Doxa-(Wargeyska Dalka)-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka hadlay kulan looga hadlayay Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Dawladda Ingiriiska iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Meertada labaad ee shirkan oo lagu qabtay magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa waxaa uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo adeegyada daryeelka bulshada iyo taageerada qoysaska nugul, si loo dhiso bulsho adkaysi leh oo ka jawaabi karta caqabadaha dhaqaale iyo bulsho.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, ayaa xusay in barnaamijkan uu door muhiim ah ka ciyaari doono yareynta saboolnimada iyo kobcinta isku-filnaanshaha qoysaska.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo warqadaha aqoonsiga danjirennimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Masar

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirennimo, Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Masar, Mudane Mohamed Salah Hassan Keshtah.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay Safiirka Cusub, una rajeeyay in uu guulo ka gaaro howlaha diblomaasiyadeed ee loo igmaday, isaga oo caddeeyay muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaliya iyo Masar.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ay la diyaar tahay fududaynta howlaha looga baahdo si ay u suurtagasho in Safiirku ku guulaysto waajibaadkiisa, lana xoojiyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Wasiiru-Dawlaha Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43-aad ee UNESCO

Samarkand-Uzbekistan-(Wargeyska Dalka)-Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar, iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Guud ee 43-aad ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Cilmiga iyo Dhaqanka (UNESCO), kaas oo ka socda magaalada taariikhiga ah ee Samarkand, dalka Uzbekistan.

Wasiir Nuura ayaa madasha shirweynaha ka jeedisay khudbad dhinacyo badan taabanaysay, iyadoo faahfaahin ka bixisay xaaladda waxbarashada dalka iyo dadaallada dowladdu ugu jirto tayeynta iyo baahinta waxbarasho loo heli karo dhammaan ubadka Soomaaliyeed.

Waxay si gaar ah u xustay kumannaan macallin oo la qaatay sannadihii ugu dambeeyay, iyo kuwo kale oo dhowaan la qaadan doono, si wax looga qabto baahida waxbarashada. Waxa ay sidoo kale ka hadashay dib-u-habeynta lagu sameeyay maamulka tacliinta sare, oo ay ugu horreyso ansixinta sharciga tacliinta sare iyo dhismaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka.

Ugu dambeyn, Wasiir Nuura ayaa bogaadisay iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo UNESCO, iyadoo amaantay mabaadii’da hay’adda oo ku dhisan wada-shaqeyn, aqoon kororsi iyo isqaddarin dowladeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo soo bandhigtay warbixin ku saabsan guulihii laga gaaray daglaaka Khawaarijta

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyadoo lagu tilmaamay in sanadkan ay ciidamadu fuliyeen howlgallo iyo duqeymo lagu naafeeyay kooxaha argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo warbixinta ka horjeediyay Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in tan iyo billowgii sanadkan la fuliyay 220 duqeyn lagu dilayna 868 xubnood oo Khawaarij ah, oo ay ku jiraan 52 horjooge.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada ay si buuxda u sugeen amniga inta u dhaxaysa Xarardheere iyo Muqdisho, taas oo muujinaysa horumar ballaaran oo lagu xoojiyay la-dagaallanka cadowga.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyneyso saaxiibada caalamka si loo helo taageero buuxda oo ku saabsan tababarka, duqeymaha istaraatiijiga ah iyo qalabka lagu xoojiyo ciidamada qaranka.

“Waxaan wada-shaqeyn wanaagsan la yeelanay saaxiibada caalamka, si ay garab buuxa nooga siiyaan ciribtirka Khawaarijta, kuwaas oo u badan ajaanib dalkeena kusoo duulay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in dib loo billaabay dib-u-habeynta ciidamada, si loo helo ciidan awood u leh difaaca dalka.

Wuxuu xusay in intii u dhaxaysay 2022–2025 la fuliyay howlgallada “Kaaha Waaberi” iyo “Ileys”, kuwaas oo lagu daciifiyay awoodda Khawaarijta.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale tilmaamay in Gobolka Shabeellada hoose ay ciidamada qaranku ku dileen boqolaal ka tirsan Khawaarijta, oo ay ku jireen horjoogayaal iyo malleeshiyaad, intii lagu jiray howlgalladii ugu dambeeyay.

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay dib u dhiska xabsiyada dalka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo dib-u-dhiska xabsiyada dalka iyadoo laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Caddaaladda iyo Midowga Yurub ee dhinaca hagaajinta nidaamka xabsiyada iyo ilaalinta xuquuqda maxaabiista.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada lagu horumarinayo adeegyada cadaaladeed ee dalka.

Guddiga Xuquuqul Insaanka BFS oo yeeshay kulan ku saabsan Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka, Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, islamarkaana kaashanaya Hay’adda Badbaadada Carruurta ee Save The Children ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay kulan aqoon isweydaarsi ah oo ku saabsan Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen wakiillo ka socday Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Cadaaladda iyo Ururrada Bulshada Rayidka, ayaa waxaa lagu soo bandhigay qodobada Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta iyo meelaha uu Soomaaliya ka khuseeya.

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Golaha Shacabka Xaawo Sokor Cali oo kulanka furtay ayaa sheegtay in labada maalmood ee uu kulanka socdo laga doodi doono qodobbada Axdiga iyo muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay.

Wasiirka beeraha oo qaabilay maalgashadayaal ka socota dalka Ciraaq

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka JFS, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Sanduuqa dawliga ee Shuhaddada dalka Ciraaq, Sarreeye Guud, Amjad Al awadi, kuwaas oo isugu jira ganacsato iyo maalgashadayaal.

Wasiirka ayaa wafdiga uga warbixiyay khayraadka iyo fursadaha maalgashi ee dalka, isagoo xusay in Soomaaliya ay leedahay dhul barwaaqo ah, bad, wabiyo iyo xoolo badan.

Wasiir Maareeye ayaa ku booriyay ganacsatadda reer Ciraaq in ay ka faa’iideystaan fursadahaan dihan, wuxuuna xusay xiriirka taariikhiga ah iyo midka walaaltinimadda ee ka dhaxaysa labada dal.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay dhoofiso Sisin iyo Liin tayo sare leh, isla markaana ay diyaar u tahay iskaashi ballaaran oo dhinaca Maalgashigga beeraha ah.

Xubnaha ganacsatada ah ka socda dalka Ciraaq ayaa dhankooda sheegay in ay ujeedoodu ahayd in ay sahamiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka jira gaar ahaan qaybta beeraha.