Wasiirka beeraha oo qaabilay maalgashadayaal ka socota dalka Ciraaq

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka JFS, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Sanduuqa dawliga ee Shuhaddada dalka Ciraaq, Sarreeye Guud, Amjad Al awadi, kuwaas oo isugu jira ganacsato iyo maalgashadayaal.

Wasiirka ayaa wafdiga uga warbixiyay khayraadka iyo fursadaha maalgashi ee dalka, isagoo xusay in Soomaaliya ay leedahay dhul barwaaqo ah, bad, wabiyo iyo xoolo badan.

Wasiir Maareeye ayaa ku booriyay ganacsatadda reer Ciraaq in ay ka faa’iideystaan fursadahaan dihan, wuxuuna xusay xiriirka taariikhiga ah iyo midka walaaltinimadda ee ka dhaxaysa labada dal.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay dhoofiso Sisin iyo Liin tayo sare leh, isla markaana ay diyaar u tahay iskaashi ballaaran oo dhinaca Maalgashigga beeraha ah.

Xubnaha ganacsatada ah ka socda dalka Ciraaq ayaa dhankooda sheegay in ay ujeedoodu ahayd in ay sahamiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka jira gaar ahaan qaybta beeraha.

Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed oo Muqdisho kusoo dhaweeyay Madaxa Sanduuqa shuhaddada ee dalka Ciraaq

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto, Asad Cismaan Cabdullahi ayaa Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Sanduuqa Shuhaddada dalka Ciraaq, Sarreeye Guud, Amjad Al awadi .

Wafdiga ayaa waxay kulamo qorshaysan la qaadan doonaan Ha’adaha kala duwan ee Dawladda, si kor loogu qaado xiriirka wada shaqeyn iyo midka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dowladood.

Soo dhawaynta wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Yuusuf Cali Maxamed iyo u qeybsanaha xiriirka Carabta Wasaaradda Amniga gudaha ee XFS Ismaaciil Macallin Cabdulle.

 

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay ciidanka Qaranka

uqdisho-(Wargeyska Dalka)-Waxaa Ciidanka Hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed isu soo dhiibay Ibraahim Muumin oo katirsanaa Khawaarijta.

Ibraahim Muumin ayaa sanaddo ka hor kaga biiray khawaarijta degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe, wuxuuna tababar 3 bil ah kusoo qaatay degaanka Dhasheeg Waamo oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose, isagoo kasoo dagaallamay degaanno ay ka mid tahay Harboole ee isla Gobolkaas.

Ibraahim ayaa sheegay in Khawaarijta ay diinta ku been abuurtaan islamarkaana ay shacabka ku hayaan dhac iyo boob joogta ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Doha-(Wargeyska Dalka)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha Isbahaysiga Caalamiga ah ee La-dagaallanka Gaajada iyo Saboolnimada oo lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Khudbad ka jeediyey Shirka ayaa tilmaamay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato dadaallada caalamiga ah ee lagu ciribtirayo gaajada iyo saboolnimada, isagoo adkeeyay muhiimadda iskaashiga iyo dedaalka dalalka xubnaha ka ah dalladdaan.

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Sulaymaan Sheekh Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka, ayaa daahfuray shir muhiim ah oo lagu soo bandhigay mashruuca Catastrophe Deferred Drawdown Option (Cat DDO), oo ay dowladda Soomaaliya leedahay kana taageerayo Bangiga Adduunka.

Mashruucan waxaa lagu xoojinayaa awoodda dowladda iyo hay’adaha la xiriira maareynta masiibooyinka si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha aafada dabiiciga ah, kahor inta aysan keeni barakac iyo khasaare naf iyo maal leh.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in mashruucan uu muhiim u yahay dowladda, maadaama uu imaanayo xilli hoos u dhac ku yimid maalgelinta arrimaha bani’aadannimada, isla markaana uu gacan ka geysanayo dhisidda awoodda dalka ee u adkeysiga iyo la qabsiga masiibooyinka.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa xaqiijiyay ka go’naanta dowladda ee hirgelinta mashaariicda la xiriira maalgelinta masiibooyinka iyo sii xoojinta iskaashiga lala leeyahay Bangiga Adduunka iyo maalgeliyeyaasha kale si loo ilaaliyo badqabka bulshada iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay laamiga dheer ee degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafadda Buulo-xuubeey oo gaaraya ku dhawaad 2-KM.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dhismaha wadddadani ay abuuri doonto fursado shaqo iyo ganacsi, isla markaana ay kor u qaadayso bilicda iyo horumarka ka jira caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in dhismaha waddooyinka caasimadda ay door weyn ka qaadanayaan, amniga, isku socodka dadka, gaadiidka iyo guud ahaan adeegyada kala duwan.

Jidka Buulo-xuubeey oo leh taariikh dheer, waxa uu kamid yahay waddooyinka ugu mudan caasimadda, waxaanna ku yaalla xarumo fara-badan oo muhiim u ah isku-socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey maamulka gobolka Banaadir dhismaha waddooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo faray in la dardargeliyo qorshayaasha kor loogu qaadayo bilicda, nadaafadda iyo faya-dhowrka caasimadda.

Dhankiisa, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo goob joog ka ahaa munaasabadda dhagax dhigga ayaa ka hadlay howlaha dib u dhiska waddooyinka Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in ay si xowli ah ku socdaan, dhawaanna kuwo cusub xarigjar lagu samayn doono.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025 (SIGF 2025), oo sanadkan la qabtay markii saddexaad.

Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025 ayaa noqotay meel ay ku kulmaan dowladda, shirkadaha tiknoolojiyadda, khubaro iyo daneeyayaal kale, si loo mideeyo aragtida Soomaaliya ee maamulka internet-ka iyo ka faa’iidaysiga fursadaha dhijitaalka ah ee mustaqbalka.

Furitaanka madashan ayaa muujinaysa sida dowladda Federaalka ay mudnaanta u siinayso dhisidda kaabayaasha dhijitaalka ah, kor u qaadista helitaanka internet ammaan ah oo la isku halleyn karo iyo dhiirrigelinta adeegyo casri ah oo ku dhisan hal-abuur iyo hufnaan dowladeed.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Dodoma: Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzaniya uga qaybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee dalkaasi marwo Samia Suluhu Hassan.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo qayb ka ahaa Madax kala duwan oo heer gobol ah, kuwaasi oo lagu casuumay ka qayb galka Munaasabadda ayaa muujiyay ahmiyadda xiriirka iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada dal, isaga oo u rajeeyay Madaxweynaha dib loo doortay in ay xoogga saarto ka miro-dhalinta ajendeyaasha heer Qaran, heer gobol iyo heer qaaradeed ee hor yaala.

       

Wasaaradda gaashaandhigga oo qalab kala wareegtay xafiiksa UNOPS

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan hawlaha Mashaariicda (UNOPS) ugu wareejiyay agab casri ah Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha iyo Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, si loo xoojiyo awoodda iyo hufnaanta shaqo ee Wasaaradahan.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in qalabkan ICT-ga uu qeyb muhiim ah ka yahay dadaallada lagu casriyeynayo Wasaaradda Gaashaandhigga iyo dhismaha nidaamka danabaynta si kor loogu qaado daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo fududeynta shaqo.

Wasiir Fiqi ayaa mahadceliyay Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay taageerada ay si joogto ah u siiyaan Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay wareejintan tallaabo muujineysa kalsooni iyo iskaashi lagu dhisayo Wasaarad Gaashaandhig oo casri ah, hufan, kana jawaabta baahiyaha qaranka.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goob jooga ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro Agaasimaha Guude ee UNOPS iyo saraakiil sare oo ka socday Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

       

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo la kulmay wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya mudane Hideki Matsunaga.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya SoDMA iyo Bangiga Adduunka, gaar ahaan dhanka maareynta musiibooyinka, ka hortagga khataraha dabiiciga ah, iyo kor u qaadidda dadaallada horumarinta bulshada ee ay dowladda Soomaaliya wado.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Mudane Hideki Matsunaga, ayaa bogaadiyay horumarka iyo dadaalka joogtada ah ee SoDMA iyo guud ahaan hay’adaha dowladda, waxuuna ballanqaaday in Bangiga Adduunka uu sii wadi doono taageerada farsamo iyo tan maaliyadeed ee Soomaaliya u baahan tahay, si loo gaaro yoolka ah dhisidda bulsho adkaysi leh oo la tacaali karta musiibooyinka iyo isbeddelka cimilada.

Ugu danbeyn , Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono xoojinta awoodda dalka ee ka jawaabista iyo ka hortagga musiibooyinka.