Salaad roob doon ah oo lagu tukaday Baydhabo

Baydhabo(Wargeyska Dalka);-Boqolaal ka mid ah Shacabka iyo Culimada magaalada Baydhabo ayaa maanta goob fagaara ah ku tukaday Salaad Roob doon ah.Salaadda kadib Culimada iyo Bulshada ayaa Alle ka baryay Roob, naxariis iyo barwaaqo.Abaar daran ayaa ku dhufatay qeybo ka mid ah Gobolada Koofurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya,taas oo sababtay in dadka intooda badan ay u soo hayaamaan Magaalooyinka, kadib markii ay abaarta ku waayeen xoolihii ay dhaqan jireen.

 

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka macaamilka Danabeysan

Muqdisho-Soomaaliy 03, October, 2025: Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa Tobanaad, waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Xildhibaanadda ayaa ugu horreyn Akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka macaamilka Danabeysan oo ay soo gubdisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada.

maadaama hindise sharciyeedka uu marayey Akhrintiisa koowaad kama furneyn wax dood ah, sidaas daraadeedna Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa su’aalo ku saabsan saameynta miisaaniyadeed ee Hindise Sharciyeedka iyo muhiimada uu dalka u leeyahay weydiiyey mas’uuliyiinta wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa fartay Guddiga Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka inuu la wareego Hindise Sharciyeedka uuna soo diyaariyo Akhrintiisa labaad si uu golaha uga doodo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabayay Cabasho ka timid Bulshada ayaa Kormeer degdeg ah ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka {NIRA} oo ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa faray madaxda hay’adda in dadka loo fududeeyo bixinta adeegga.

“ Muuqaalka aan ka aragnay baraha bulshada ma ahan wax la aqbali karo, gabdhaha yaan lagu qasbin in habeenkii ay yimaadaan ama seexdaan banaanka, amnigooda ayay qatar ku tahay mana qurxoona, jadwalada shaqada badiya si culeysku u yaraado, in adeegga loo fududeeyo bulshada ayaa muhiim ah”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray maamulka hay’adda in si loo fududeeyo adeegga la kala leexiyo kaar doonashada iyo qaadashada, oo qofka kaarka qaadanaya uusan u galin saf la mid ah midka marka uu doonanayo ee uu is diiwaan galinayo.

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho(Wargeyska Dalka)-: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa shalay howlgal qorshaysan ka fuliyay tuulada Ceel-weyne, oo hoos tagta deegaanka Ceel-baraf, degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaa halkaas lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta, iyadoo la dilay 23 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad.

Howlgalkan ayaa la qaaday kaddib markii la xaqiijiyay in argagixisadu ay Maleeshiyaadkooda isugu keentay goob ay maalmihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen, si ay halkaas uga dhigtaan gambaad ay ka soo abaabulaan falal lagu carqaladeynayo amniga. 30-kii October 2025, waxaa sidoo kale goobtan ka dhacay hawlgal midkaan lamid ah kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Intii uu socday howlgalkan lagu naafeeyay cadowga ma jirin wax khasaare ah oo gaaray shacabka. Haddaba si loo ciribtiro Khawaarijta fadlan muwaadin, haddii aad aragto wax khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha, kaasi oo ay Golaha u soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Hindise-sharciyeedkan ayaa ah mid muhiim u ah ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka dadka Soomaaliyeed ee ku barakaca dagaannada, abaaraha, amni-darrada iyo masiibooyinka dabiiciga ah. Waxa uu dejinayaa nidaam qaran oo lagu maareeyo arrimaha barakaca, laguna xaqiijinayo.

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya ayaa ka hadlay tabasho ay muujiyeen qaar ka mid ah muwaadiniinta, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay sawirro iyo muuqaallo muujinaya dad Soomaaliyeed oo xilli dambe saf ugu jira xarumaha hay’adda si ay u helaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Maareeyaha, oo qoraal ku daabacay bartiisa rasmiga ah ee Facebook, ayaa shacabka ku xusuusiyay habraacyada rasmiga ah ee lagu helo kaarka aqoonsiga, isaga oo faahfaahiyay tallaabooyinka ay hay’addu qaaday si loo yareeyo culayska iyo safafka dhaadheer ee ka jira xarumaha NIRA.

“Waxaan arkay muuqaal muujinaya hooyooyin Soomaaliyeed oo xilli habeennimo ah hor fadhiya mid ka mid ah xarumaha NIRA ee gobolka Banaadir. Sidaasi awgeed, waxaan rabaa inaan bayaamiyo dhowr qodob,” ayuu yiri Maareeyaha.

Ugu horrayn, waxa uu sheegay inay ka xun yihiin in muwaadiniintu xilli aan habboonayn saf ugu jiraan xarumaha NIRA, isagoo tilmaamay in hay’addu ay dadaalka laba-jibbaartay si kor loogu qaado adeeg-bixinta. Wuxuu xusay in hadda maalintii loo adeego ku dhowaad 20,000 oo qof, taas oo muujinaysa horumar ballaaran oo la gaaray.

Isagoo ka jawaabaya cabashada shacabka, Maareeyaha ayaa sheegay in hay’addu go’aansatay in xarumo gaar ah laga dhigo kuwo habeen iyo maalinba shaqeeya, si muwaadiniintu si fudud u helaan adeegga diiwaangelinta. “Xarumaha hadda shaqeeya laga bilaabo 5:00 galabnimo ilaa 12:00 habeenimo waxaa ka mid ah xarumaha NIRA ee Hodan iyo Boondheere,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Maareeyaha ayaa shacabka xusuusiyay in xarumaha NIRA ay subax kasta furmaan 7:00da aroornimo, sidaas darteedna aanay jirin faa’iido laga helo in xarunta la yimaado ka hor waqtigaas.

Ugu dambayn, wuxuu sheegay in hay’addu ay si buuxda uga go’an tahay diiwaangelinta dhammaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la tixgelinayo duruufahooda kala duwan. Wuxuu ku adkeeyay in adeegga Aqoonsiga Qaranka uu weli yahay mid lacag la’aan ah, islamarkaana uu shacabka ugu baaqay dulqaad, nidaam-raac iyo ixtiraamka habraacyada rasmiga ah ee NIRA.

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Al-Atty, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf,iyagoo kawada hadlay diyaarinta iyo dirista ciidamo Masri ah oo ka qeyb noqonaya Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM). Kulanka ayaa dhacay inta lagu guda jiray munaasabadda furitaanka Matxafka Weyn ee Masar.

Wasiir Dr. Badr Al-Atty ayaa xaqiijiyey sida ay Masar uga go’an tahay inay taageerto guusha howlgalka AUSSOM iyo xoojinta kaalintiisa ku aaddan ilaalinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la helo maalgelin ku filan oo waarta, si howlgalka uu si hufan u fuliyo waajibaadkiisa, iyadoo lala kaashanayo saaxiibbada caalamiga ah.

Go’aankan ayaa ka tarjumaya mowqifka joogtada ah ee Masar ee ku aaddan taageerada dadaallada wadajirka ah ee Afrika ee lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2026

Hirshabeelle(Wargeyska Dalka):-Shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa lagu ansixiyay filashada miisaaniyadda sannadka 2026, taas oo dhan $44,355,094.12.

Shirka ayaa marka hore lagu dhaariyey dhammaan wasiirradii iyo wasiiru-dowlayashii cusub ee loo magacaabay Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose, Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyo Maaliyadda.

Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixisay weerar ay macawiisleydu ka fuliyeen degmada Mahadaay, kaas oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay xeerka qoondeynta miisaaniyadda 2026, halka Wasaaradda Warfaafintu ay soo gudbisay warbixin la xiriirta warbaahinta iyo dalxiiska ee Hirshabeelle.

Madaxweynuhu waxa uu kulanka ka jeediyay su’aallo isla xisaabtan ah, isaga oo dul istaagay shaqooyin hortebin leh oo gaabis ku yimid.

Aqoon-isweydaarsiga isbeddelka Cimilada iyo Xaalka Teknolojiyadda

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Diiriye, ayaa si rasmi ah u furay aqoon-isweydaarsi ku saabsan isbedelka cimilada iyo xalalka teknoolojiyadda, kaas oo lagu talagalay in lagu xoojiyo awoodda hay’adaha dowladda ee ka jawaabista caqabadaha cimilada iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyad casri ah.

Kulankan waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyadda iyo Wasaaradda Isbedelka Cimilada, waxaana goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, agaasima waaxeedyo, lataliyayaal, iyo howl-wadeeno ka socda labada wasaaradood.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa si qoto dheer diiradda u saaray xeeladaha casriga ah ee teknoolojiyadda loo adeegsan karo si wax looga qabto saameynta isbedelka cimilada, gaar ahaan dhinacyada saadaalinta cimilada, maaraynta khayraadka dabiiciga ah, iyo dhisidda nidaamyo waara oo ka hortaga fatahaadaha, abaaraha, iyo khataraha kale ee cimilada.

Ka qaybgalayaasha ayaa sameeyey dood cilmiyeed iyo falanqeyn qoto dheer, iyaga oo soo bandhigay fursadaha iyo caqabadaha hortaagan hay’adaha dowladda, iyo sidoo kale talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarin karo adeegyada teknoolojiyadda ee la xiriira maaraynta isbedelka cimilada.

Mudane Axmed Diiriye wasiiru-dowlaha wasaaradda ayaa khudbad ka jeediyey kulanka, isagoo muujiyey muhiimadda ay leedahay in la horumariyo xeeladaha isbedelka cimilada iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda casriga ah, si loo yareeyo saameynta dhibaatooyinka cimilada, loona gaaro horumar waara oo dalka ka dhaca. Wasiirku wuxuu xusay in wadashaqaynta hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ay muhiim u tahay guulaha laga gaari karo la dagaalanka isbedelka cimilada.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dadaallada lagu dhisayo awooda aqooneed ee shaqaalaha labada wasaaradood, kobcinta xirfadaha maamulka cimilada, iyo dhiirrigelinta hal-abuurka iyo teknoolojiyadda deegaanka ku habboon. Waxaa la filayaa in talooyinka iyo qorshayaasha laga soo saaray aqoon-isweydaarsigan ay qeyb ka noqdaan siyaasadaha qaranka ee mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa adkaysay in hormarinta teknoolojiyadda iyo adeegyada casriga ah ee la xiriira isbedelka cimilada ay qayb muhiim ah ka yihiin himilooyinka horumar waara ee dalka, iyadoo xooga la saarayo in hay’adaha qaranku ay yeeshaan awood buuxda oo ay ku maareeyaan caqabadaha cimilada si hufan, isla markaana bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’iidaysato adeegyada iyo barnaamijyada cusub ee farsamada.
             

Wasiir-Dowladaha Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Danjire Al-Shamari

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cawaad Al-Shamari.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga, tababarka ciidamada iyo taageerada Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Inta lagu guda jiray kulanka, labada masuul ayaa sidoo kale laga wada hadlay guulaha ay CXDS ka gaareen dagaalka lagula jiro cadowga ummadda Soomaaliyeed, iyagoo muujiyay sida ay muhiim u tahay in la sii adkeeyo wada-shaqaynta iyo taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay Soomaaliya.