Wasiir-Dowladaha Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Danjire Al-Shamari

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cawaad Al-Shamari.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga, tababarka ciidamada iyo taageerada Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Inta lagu guda jiray kulanka, labada masuul ayaa sidoo kale laga wada hadlay guulaha ay CXDS ka gaareen dagaalka lagula jiro cadowga ummadda Soomaaliyeed, iyagoo muujiyay sida ay muhiim u tahay in la sii adkeeyo wada-shaqaynta iyo taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay Soomaaliya.
    

Wasiirada Hirshabeelle oo Ansixiyay filashada Misaaniyadda 2026

Jowhar,(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Hirshabeelle.

Ugu horeyn waxaa shirka Golaha lagu dhaariyey Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladdaha Hoose, Wasiiru-dowlaha Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaallaha.

Wasaaradda Amniga, ayaa Golaha la wadaagtay weerar ay fuliyeen macawiisleeyda degmada Mahadaay oo lagu khaarijiyey horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaallaha ayaa Golaha Wasiirrada u soo gudbisay xeerka qoondeynta miisaaniyadda 2026-ka.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa su’aallo isla xisaabtan ah shirka ku weydiiyey qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirrada kuwaas oo u badnaa shaqooyin hor-tebin leh oo qaarkood gaabis ku yimid.

Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa u soo bandhigtay Golaha Wasiirrada warbixin ku saabsan warbaahinta iyo dalxiiska.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirrada Hirshabeelle ayaa ansixiyey filashada miisaaniyadda sannadka 2026-ka taas oo ah $44,355,094.12

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay ciidanka.

Xubnahan isa soo dhiibay ayaa kooxda Khawaarijta u qaabbilsanaa dhinaca jabhadaha, waxaana ay ka sheekeeyeen sida ay nabadiidku u caadeysteen boobka hantida shacabka, carruurta yar yar ee ay xoogga kaga hayaan waalidiintooda, iyo beenta ay ka faafiyaan diinteena suuban.

 

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abakr Afandi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo adkaynta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka inta uu socday waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda Suudaan, gaar ahaan colaadaha iyo rabshadaha ka socda magaalada El Fasher oo gargaarka bani’aadannimo si weyn looga xaddiday, iyo sidoo kale walaacyada la xiriira xuquuqda aadanaha. Labada mas’uul waxay sidoo kale isdhaafsadeen warbixinno ku saabsan xaaladaha bani’aadannimo, amniga iyo siyaasadda ee dalkaas, iyaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ilaalinta shacabka iyo hubinta in gargaarku gaaro dadka u baahan.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa muujiyay taageerada Soomaaliya ee midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Suudaan, isaga oo xusay in xal nabadeed oo siyaasadeed uu muhiim u yahay xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta oo dalkaasi ka hirgasha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Muqdisho(Wargeyska Dalka), Nofeembar 02, 2025 — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Isbitaal cusub oo ballaaran, kaas oo laga hirgelinayo degmada Garasbaaleey.

Isbitaalkan oo noqonaya mid adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah bixiya, waxaa iska kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adda Qatar Charity. Qorshuhu wuxuu yahay in isbitaalku u adeego bulshada deegaanka iyo dadka barakacayaasha ah ee halkaas ku nool.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in isbitaalka lagu qalabeyn doono dhammaan adeegyada lagama maarmaanka u ah caafimaadka, oo ay ku jiraan qalab casri ah, daawooyin, iyo dhaqaatiir tayo leh, si bulshada loogu helo adeeg caafimaad oo dhammeystiran.

Sidoo kale, wuxuu shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan ka qaybgalka doorashooyinka bishan lagu wado inay dhacaan, isagoo ku adkeeyay muhiimadda sugidda amniga, bixinta canshuuraha, iyo ka qaybqaadashada howlaha bulshada si doorashadu u qabsoonto si nabad ah oo hufan.

Guddiga Doorashooyinka oo ololaha is-diiwaangelinta ka bilaabay deegaanka Warane oo hoostaga degmada Xarardheere

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gaarsiiyay deegaanka Warane oo hoos yimaada degmada Xarardheere ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ololahaan ayaa qeyb ka ah dadaallada dalka looga hirgelinayo diiwaangelin guud oo ku wajahan doorashada qof iyo cod, waxaana Guddigu sheegay in ujeeddadu tahay in bulshada deegaanka Warane iyo nawaaxigiisa ay helaan fursad ay isku diiwaangeliyaan si ay uga qeybqaataan doorashooyinka soo socda.

Bulshada deegaanka Warane ayaa soo dhoweysay gaarsiinta adeeggan, iyagoo tilmaamay in ay muhiim u tahay ka-qaybgalka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah, ayaa ugu baaqay Maamullada Degmooyinka Caasimadda inay dardargeliyaan ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada, ka qaybqaadashada dadaallada lagu xoojinayo amniga, iyo u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka ee dhawaan ka dhici doonta Muqdisho.

Dr. Muungaab oo shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamullada Degmooyinka, ayaa si gaar ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah xal loogu helo caqabadaha ka jira dhanka bullaacadaha, biyo-mareennada iyo boosaneerrada si sharci-darro ah looga dhisay waddooyinka. Waxa uu sheegay in arrintaasi ay kordhinayso khatarta fatahaadaha xilliyada roobabka, maadaama biyo-mareennada magaalada ay xirmaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay abaabulka iyo isku-duwidda bulshada si ay uga qaybqaataan u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka. Waxa uu ku boorriyay shacabka iyo hay’adaha amniga inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda nabadgelyada iyo ka hortagga kooxaha amni-darrada sameeya.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Yabooh, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, Agaasimayaal, iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Caasimadda.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha

Jowhar:- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta u magacaabay Dr. Xasan Cadaay Cali Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle.

Dr. Xasan Cadaay ayaa hore uga soo shaqeeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Danqaran, halkaas oo uu door muhiim ah ka qaatay howlaha caafimaadka iyo xiriirka hay’adaha dowladda. Sidoo kale, waxa uu sanadkii 2021 u tartamay kursiga Senatorka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Magacaabistiisa ayaa lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo hannaanka maamul iyo wada-shaqeynta dowladaha hoose, iyadoo lagu wado inuu hormuud ka noqdo dadaallada lagu dhisayo dowladnimo daahfuran iyo adeegyo bulshada u dhow.

Maamulka Hirshabeelle ayaa hore u sheegtay in ay dardargelin doonto dib-u-habaynta maamulka gudaha iyo xoojinta xiriirka dowladaha hoose, taas oo qeyb ka ah qorshaha guud ee kor u qaadista hufnaanta iyo maamul wanaagga.

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Qaahira

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalayo furitaanka Matxafka Qaran ee Dhaqanka iyo Taariikhda Masar.

Madaxweynaha ayaa ka mid ah Hoggaamiyeyaasha dalalka lagu casuumay munaasabaddan, waxa uuna xoogga saaraya xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo dhiggooda dalka Masar.
     

Wasiir Saalim Caliyow Ibrow oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Saalim Caliyow Ibrow iyo Wasiirkii hore Mudane Yuusuf Maxamed Aaden.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ay kamid tahay Wasaaradaha muhiimka u ah Qaranka isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta arrimaha bulshada. Iyo shaqo abuurka dhallinyarada oo qeyb weyn ka qaadan doona, hormarinta Dhaqaalaha,amniga iyo dib u dhiska.

Mudane Saalax ayaa u mahad celiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.