Ciidanka xaq u dirirka deegaanka oo dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa deegaanka Ciid Ciidka jeembilow

Mahadaay(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Xaq u dirirka deegaanka ee ka hawlgala degmada Mahadaay ayaa saakay hawlgal qorsheysan ku dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa deegaanka Ciid Ciidka Jeembilow ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidanka deegaanka ee weerarka ku beegsaday goobta ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda Khawaarijta ah, waxay ku dileen horjooge Muxudiin Xasan, oo khawaarijta ugu magacownaa deegaanka Ciid Ciidka Jeembilow iyo saddex dhagarqabe oo ilaalo u ahaa.

Sidoo kale Ciidanka Xaq u dirirka deegaanka ayaa Khawaarijta kasoo furtay laba qori oo AK-47 ah iyo saanad kale oo ciidan oo ay wateen nabadiidku.

Dhinaca kale Ciidanka xaq u dirirka deegaanka degmada Mahadaay ayaa sheegay inay sii wadayaan hawlgallada ay ku naafeynayaan khawaarijta ku silicsan dhulka hawdka ah ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen oo ka warbixiyey xaallada ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Yemen

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen, Danjire Cabdixakiin Xaaji Maxamed oo marti ku ahaa Barnaamujka ka baxa warbaahinta qaranka ee kulanka toddobaadka ayaa ka hadlay xiriirka saaxiibtinimada qotada dheer ee ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Yemen.

Safiirka ayaa xusay in xiriir qota dheer leeyihiin labadda dowladdood xiriirkaas oo ku dhisan iskaashiga dhinacyada ganacsiga,Amniga iyo diblomaasiyadda,safiirka ayaa ka waramay xaallada ay ku sugan yihiin qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen.

Safiirka ayaa xusay in dalka Yemen ku nool yihiin qaxooti Soomaaliyeed iyo Jaaliyad Soomaaliyeed xaalladooduna tahay mid wanaagsan ka safiir ahaan na uu booqday xeryaha qaxoontiga sidoo kalena la kulmay guddiyadda ay leeyihiin isagoo ka dhegaystay cabashooyinka ay qabaan.

Safiirka ayaa sheegay in dowladda Yemen u balan qaaday in ay wax qabanayso cabashada qaxootiga Soomaaliyeed “Cabashada qaxootiga Soomaaliyeed waxaan kala hadlay mas’uuliyiinta dowladda Yaman, oo ugu horreyn Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaas.”ayuu yiri safiirka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

Nairobi(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo xiray shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray bixinta digniinaha halista musiibooyinka iyo ka hortagga halis wadareedka.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha ku shaqada leh maareynta musiibooyinka iyo horumarinta magaalooyinka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wasiirrada howlaha guud ee dowlad-goboleedyada, xubno ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, iyo maayarada magaalooyinka caasimadaha dowlad-goboleedyada ee uu ka shaqeeyo mashruuca NAGAAD, oo ah mashruuc lagu horumarinayo magaalooyinka, iyo mashruuca SCRP oo uu maalgeliyo Bankiga Adduunka.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahayd digniino horudhac ah oo ka hortag ah musiibooyinka dabiiciga ah, ka hor inta aanay dhicin. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo adeegsankaro teknoolojiyadda casriga ah ee fududeysa helitaanka iyo gudbinta macluumaadka la xiriira halis wadareedyada.

Intii uu socday shirka, Hay’adda SoDMA waxay soo bandhigtay hanaanka ay u maareyso helitaanka iyo gudbinta xogta digniinaha musiibooyinka, iyadoo la xoojiyay muhiimadda iskaashiga iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in hay’adaha dowladda ay yeeshaan wada shaqeyn joogto ah si loo yareeyo halista musiibooyinka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xusay in hay’addu ay mar walba ka go’an tahay inay hubiso in bulshada Soomaaliyeed ay hesho digniino horudhac ah, si loo badbaadiyo naf iyo maal ka hor inta aan musiibooyinka dhicin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado sharaf ah ku maamusay Madaxdii hore ee Dalka

Jabuuti:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan qado sharaf ah ku maamusay Madaxdii hore ee Dalka, kaddib ka qayb galkii Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliya ee Carta ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan qorshaha Qaran ee dowlad dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhamaystirka Dastuurka, dardar galinta nidaamka axsaabta badan, amniga iyo ciribtirka argagixisada.

Dhankooda, Madaxdii hore ee Qaranka ayaa bogaadiyey guulaha la gaaray, iyaga oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay talooyin wax ku ool, waxayna hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay hirgelinta doorasho dadweyne iyo adkeynta tiirarka dowladnimada dalkeenna.

       

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 31-ka October, 2025

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalka Djibouti kaga qeybgaley xuska sannad-guurada 25-aad ee Shirkii Nabadeynta Soomaaliya ee lagu qabtey magaalada Carta sannadkii 2000.

2. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey munaasabadda xuska Shirkii Carta ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka guuleysan doonto ururrada argagixisada, isla markaana sii wadi doonto dadaallada xoojinta dowladnimada oo ku dhisan wadatashi iyo dib u heshiisiin.

3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billad sharaf ku maamuusay Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, doorkii uu ka qaatey taageerada iyo dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya.

4. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ah uga furay magaalada Carta ee Djibouti Taallada Nabadda Soomaaliya.

5. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqday xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, si uu ugu kuur galo adeegyada muhiimka ah ee hay’addu u qabato shacabka Soomaaliyeed.

6. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay xuska 102-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga ee lagu qabtay safaaradda Turkiga ee Muqdisho, isla markaana xusay in xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga uu astaan u yahay lixdan sano oo saaxiibtinimo iyo iskaashi ah.

7. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Prof. Saalim Caliyow Ibrow u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

8. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, oo ay weheliyaan madaxda Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

9. Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyey Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2025-2026 iyo laba heshiis is-afgarad oo lala galay Uganda iyo Qatar, kuwaas oo ku saabsan iskaashiga socdaalka, amniga, iyo la-dagaallanka dambiyada.

10. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay kulan looga hadlaayey Mashruuca Kaydka Biyaha ee Jowhar, kaas oo ka faa’iideysan doonaan in ka badan 300,000 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

11. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ayaa Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi horumarineed oo ka badan €75 milyan oo Euro .

12. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Muqdisho, Alper Aktas,iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal, iyo kobcinta fursadaha maalgashi.

13. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa kulan booqasho ah ugu tagey magaalada Djibouti, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

14. Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Bashiir Maxamed Jaamac ayaa kulan la yeeshay Dr. Géza Andreas von Geyr, Xoghayaha Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Jarmalka.

15. Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa dhigiisa Rwanda la saxiixday heshiis iskaashi oo diirrada saaraya dhaqaalaha, amniga, dhaqanka, iyo horumarinta bulshada.

16. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux ayaa sheegay in dhammaadka sanadkan 2025-ka ay diyaaradii qaranka ee Soomaali Airlines ay dib u bilaabi doonta duulimadyada.

17. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulamo wadatashi iyo wacyigelin ah oo ku saabsan doorashooyinka iyo dhiirigelinta shacabka ka bilaabay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

18. Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Maxamed Aadan Macallin ayaa kulan la yeeshay madaxda sare ee shirkadaha isgaarsiinta dalka, isagoo kala hadley horumarinta tayada adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya.

19. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegay gaadiid dab-damis ah oo lagu xoojinayo adeegyada gurmadka iyo badbaadinta shacabka .

20. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qalab casri ah oo warbaahineed ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper AKTAŞ.

21. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa furay kulanka wadatashiga ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Taxkiimka iyo Xeerka Caddeymaha (Evidence Law) oo looga dooday casriyeynta nidaamka garsoorka iyo sharciga ee dalka.

22. Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) ayaa magaalada The Hague ee dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards.

23. Danjiraha Dowladda Soomaaliya u qaabilsan dalalka Tanzania iyo DRC Congo Ilyaas Cali Xasan ayaa la kulmay Guddoomiyaha gobolka Haut Katanga, isagoo kala hadley xaaladda Soomaalida ku dhaqan gobolkaas.

24. Hantidhowraha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa ka qaybgalay Madasha 3aad ee Horumarinta Daahfurnaanta iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa Dowladaha Carabta, oo ka qabsoomay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

25. Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe ka daahfuray ololaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee nidaamka doorashooyinka tooska ah.

26. Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka daahfuray ololaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

27. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa guddoomiyay shirka Amniga oo lagu gorfeeyay xaaladda caasimadda iyo guud ahaan gobolka Banaadir.

28. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibbada caalamka ayaa duqeyn ka fuliyay magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo halkaasi ku dilay horjooge Maxamuud Cabdi Xaamud, kuna magac dheeraa Jacfar Gurey,oo ka mid ahaa aasaasyaashii kooxda Khawaarijta argagixisada.

29. Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda kulan kula yeeshay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Nigeria, Major General Usman Abdulmumin Yusuf.

   

===========DHAMMAAD==========

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

Inta badan dalalka dunida ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta caalamiga ah ee caasimadaha ,si kor logu qaado danaha bulshooyinka caalamka,iyadoo la riixayo iskaashiga ka dhexeeya dalalka ,isla markaana wax laga qabanayo caqabadaha ka jira magaalooyinka.

Xuska maalintaan oo lagu saleeyay qaraar tirsigiisu tahay 68/239 oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxa uu  ka dhigan yahay in magaalooyinka ay yihiin kuwo suurtaalin kara qaabab cusub oo is dhexgal bulsho ah,taas oo ay ku jiraan  helitaanka adeegyada lagama maarmaanka ah,abuuritaank fursado cusub iyo ka-qaybgalka maalgashiga caasimadaha.

Ujeedada loo asteeyay maalinta caasimadaha ayaa ah in la muujiyo horumarka caasimadaha iyo in magaalooyinka iyo degmooyinka ay yihiin kuwo dadku ay u  dhan yihiin, badbaado leh oo suurtagalin kara nolol waarta.

Qaramada Midoobay waxay sanadkii 2015-kii go’aamisay in labaatanka sano ee soo socda la dejiyo ajeendo ah sidii loola tacaali lahaa caqabadaha soo wajaha magaalooyinka,ka dib markii 193 dal oo caalamka ah ay isku raaceen tallaabadaasi.

Haddaba,caasimadda dalka Soomaaliya,waxa ay ka mid tahay kuwa lagu tiriyo in sanadihii u dambeeyay ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh oo ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ku yimid  hiigsiga mustaqbal wanaagsan oo ifaya.

Si loo helo caasimad habboon oo ku wanaagsan dalxiiska waa in xil la iska saaraa soo celinta bilicda magaalada iyo in dib u dejin loo sameeyo dadka barakacayaashha ah ee soo buux dhaafiyay caasdimadda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo billad Sharaf Qaran guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay xuska sanadguurada 25 ee shirkii Carta ayaa billad sharaf qaran ku maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyey dadaalka, taageerada iyo garab istaagga ay shacabka iyo dowladda Jabuuti ee aan walaalaha nahay ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya,gaar ahaan mudada uu xilka hayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qiray in Billaddan ay tahay mid astaan u ah walaaltinimada, iskaashiga iyo ixtiraamka ka dhexeeya labada shacab, wuxuuna intaa ku daray  in shacabka Soomaaliyeed ay xusayaan miro-dhalkii Shirweynihii Nabadda ee Carta.

 

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed oo matalayay ururrada bulshada, haweenka hoggaanka iyo hay’adaha amniga ku jira, Waxaana kulanka looga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga, dowlad-dhiska iyo ka qeyb-galka doorashooyinka soo socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay haweenka kaalinta ay ka qaateen nabadeynta, dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo xusay in aan la gaari karin dowladnimo waarta iyo nabad joogto ah haddii aan haweenka la siin door muuqda oo go’aan-qaadasho ah.

Haweenkii kulanka ka qaybgalay ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha taageerada joogtada ah ee uu siiyo xuquuqda haweenka, waxayna ballanqaadeen inay sii xoojin doonaan doorkooda dhanka nabadda, midnimada iyo horumarka qaranka.

       

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay kaalintii Jamhuuriyadda Jabuuti ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya

Carta:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee dowladda iyo shacabka Jabuuti ay ka qaateen nabadaynta iyo dib u dhiska dowladnimada.

Madaxweyne Xasan oo dib u milicsanaya xasuustiisa shirkii nabadda ee Carta ayaa tilmaamay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti aysan ku ekaan oo keliya hindisihii iyo martigelinta shirkii Carta ee ay garab istaageen walaalahooda Soomaaliyeed oo ay u hureen dhiigooda, gaar ahaan Ciidamada geesiyaasha ah ee Hiil Walaal.

“Nasiib wanaag, si fiican ayaan u xusuustaa maadaama aan ka mid ahaa dadkii ka soo qaybgalay shirkii Carta, sida walaalkey Madaxweyne Ismaaciil uu u muujiyey adkaysi iyo dulqaad markasta oo ay xaaladdu adkaato, isaga oo ay u dheereyd in uu dunida u sheego in Soomaaliya ay dib u heshay dowladnimadeedii, Erayadaas oo noqday kuwa can baxay oo abuuray rajo cusub iyo guusha aan maanta heysanno.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dalkeenna uu dagaal adag kula jiro Daacish iyo Al-shabaab oo ah labo urur oo argagixiso Caalami ah, isaga oo sheegay in dowladda iyo shacabka Sooaamliyeed ay ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro Khawaarijta, taas oo ay barbar socoto horumarinta dowlad dhiska, dajinta iyo hirgelinta hannaan dimuquraadiyadeed, hay’ado dowladeed oo sal adag leh iyo xoojinta iskaashiga Gobolka Geeska afrika.

“Magaalada Carta waa xarunta aasaaska, dhisidda iyo dhaqangelinta Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sameeysay horumar weyn muddadii ay jirtay, waxayna ku jirtaa halgan adag oo ay ku xaqiijinayso ballantii la qaaday ee ahayd in dastuurka kumeel-gaar ka ah laga baxo oo dadka soomaaliyeed la gaarsiiyo doorasho Qof iyo Cod ah, dadaalladaas oo ah kuwa marxalado kala duwan soo maray.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo maamuusaya halyeeyadii soomaaliyeed ee dadaalka geliyey in ay Soomaaliya dib u hesho dowladnimadeeda ayaa adkeeyey ahmiyadda ay leedahay siyaasad degan oo wadar oggol ah, si loo gaaro hay’ado dowliya oo dhisan, awood buuxdana u leh in ay si joogta ah u gutaan waajibaadka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo dhoweeyey madaxda iyo martida ka soo qayb gashay xuska ayaa sheegay in dalkiisu uu mar walba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana Jabuuti ay mar walba dooneyso in ay sii waddo kaalinta ay ku leedahay nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

       

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha Taaladda Nabadda

Jabuuti:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta si wadajir ah uga qeyb galay munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta oo horseeday dib u dhiska dowladdnimada dalkeenna.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha Taaladda Nabadda Soomaalida oo ah Madxaf qaab casri ah loo dhisay, lagana hirgaliyay magaalada Carta, kaasi oo lagu keydiyay Taariikhda Shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida, waxaan Munaasabadda ka qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka socday labada dowladood, madaxdii hore ee dalkeenna, siyaasiyiin, dhaqanka iyo bulshada Soomaaliyeed.