Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday xarunta Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday xarunta Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaana uu halkaasi kulan kula qaatay xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariim Axmed Xasan ayaa Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyey howlaha guddiga, waxyaabaha u qabsoomay, halka ay maraayaan howlaha diiwaangelinta codbixiyaasha iyo sidoo kale qorshaha qabashada doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu horreyn guddiga uga mahadceliyey shaqada ay Qaranka u haayaan, waxaana uu bogaadiyey howlaha diiwaangelinta cod-bixiyaasha ee ka socda Gobolada Dalka.

Kusimaha madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u sheegay xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha in Shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay dalka ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana ay tahay rajo ay in badan sugayeen oo ah in ay codkooda ku doortaan hogaanka dalka.

kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha islamarkaana ay ku garab istaagaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

Ugu dambeyn kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo ay wehliyaan xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay xarunta guddiga.

Wasiirka Beeraha oo magacaabay guddi dabagal ku sameeya halka laga keeno cuntooyinka tayadoodu liidato

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Xil.Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magacaabay hawl-wadeeno dabagal shaqo ah oo lagu amray in ay muddo kooban ku soo diyaariyaan xog dhameystiran oo ku saabsan suuqyada soo dhoofiya khudaarta iyo cuntooyinka dalka.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaalka lagu xoojinayo wax-soosaarka gudaha iyo joojinta soo gelista qudaarta iyo cuntooyinka tayadoodu liidato ee si sharci darro ah ku soo gala suuqyada Dalka Soomaaliya.

Hawl-wadeenada la magacaabay waxaa lagu amray in ay soo gudbiyaan warbixin faahfaahsan oo ku saabsan sida suuqyada dalka ay ku soo galaan qudaarta iyo cuntooyinka dibadda laga keeno, si loo diyaariyo qorshe lagu joojiyo soo dejinta aan loo baahnayn, isla markaana loo dhiirrigeliyo wax-soosaarka gudaha iyo beeralayda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti

Jabuuti:-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu uga qeybgalayo munaasabadda sannad-guurada 25-aad ee ka soo wareegtay dib u yagleeliddii Jamhuuriyadda 3-aad ee dalkeenna Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo martigelinaya munaasabadda xuska sannad-guurada 25-aad ee Shirkii Nabadda Soomaaliya ayaa ku maamuustay Madaxda Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed daahfurka Xarunta cusub ee dib u heshiisiinta Geeska Afrika ee loogu magac daray Taallada Nabadda ee Carta, taas oo taariikh mugweyn ku leh xasuus qorka dadkeena.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad dhinacyo badan tabaneyso oo ku saabsan guulaha mira dhalka ah ee ay Soomaaliya ka dhaxashay shirkii dib u heshiisiinta ee dadka Soomaaliyeed loogu qabtay Jabuuti ku soo bandhigi doona munaasabadda daahfurka xarunta dib u heshiisiinta Geeska Afrika.

    

Soomaaliya iyo Finland oo iska kaashanaya amniga socdaalka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa kulamo iyo booqasho saddex maalmood socotay ku martigelisay magaalada Muqdisho wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Finland, waxana hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Adeegga Socdaalka Finland (FIS), iyadoo ay wehliyeen Safiir Kuxigeenka Ahna kusimaha Safiirka Dowlada Finland ee Soomaaliya, Taliye Kuxigeenka Booliiska, iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hay’adaha Amniga Xuduudaha ee dalkaasi.

Wafdiga Dowladda Finland ayaa kormeer lagu geeyay goobaha shaqada ee Terminaalada Socdaalka ee Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay si dhow u kormeereen nidaamyada isku xiran ee PISCES iyo Interpol oo kaalin mug leh ka qaata sugida amniga xuduudaha iyo Socdaalka sharci ah.

Kulamo heer sare ah oo ay yeesheen labada dhinac ayaa sido kale lagu falanqeeyay warbixino la xiriira waxqabadka, caqabadaha jira, iyo meelaha muhiimka ah ee iskaashi dheeraad ah laga samayn karo. Waxa sidoo kale la qabtay kulamo wada shaqayn ah oo u dhaxeeyay Booliiska Soomaaliyeed oo matalayay Taliyaha Booliiska Sarreeye Guuto Gen. Asad Cusman Cabdullaahi iyo Hoggaanada CID iyo Interpol, NCB iyadoo lagu muujiyay muhiimada wada shaqaynta Hay’adaha Dowlada si loo gaaro nidaam maamul iyo xuduudo ammaan ah loona sii xoojiyo iskaashiga dhinaca amniga socdaalka iyo la dagaallanka dambiyada la xiriira socdaalka sharci-darrada ah.

Agaasimaha Guud ee HSJ mudane Mustafa Dhuxulow ayaa uga mahadceliyay wafdiga Dowladda Finland booqashada iyo taageerada joogtada ah oo ay la garab taagan yihiin horumarinta dib-u-habaynta hay’adda, xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyo tayaynta adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

     

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay xuska 102-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qaybgalay xuska 102-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay xarunta Safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maalintan ay tahay maalin farxad wadaag ah oo u dhexeysa labada dal.

“Maalintani waa maalin aan si wadajir ah ula faraxno walaalaheen Turkiga, waa maalin lagu xusayo geesinimadii iyo halgankii uu hormuudka u ahaa Mustafa Kemal Atatürk, kaas oo dhidibbada u taagay Jamhuuriyad casri ah oo dhiirrigelisay dunida oo dhan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer, taariikhi ah oo walaaltinimo ku dhisan, isaga oo dib-u-xusuusiyay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Muqdisho bishii Agoosto 2011 — xilli Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay abaar iyo amni darro.

“Sannadguuradan waxa ay fursad u noqon doontaa in aan sii xoojinno iskaashigeenna dhinacyada ganacsiga, amniga, dhaqanka, waxbarashada iyo xiriirka shacabka labada dal,” ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda Jamhuuriyadda Turkiga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

      

Wasiirka Hawlaha guud oo soo xiray kulan ku saabsan qiimaynta Mashruuca Nagaad oo Nairobi lagu qabtay

Nairobi: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir looga hadlaayay dib-u-eegista waxqabadka Mashruuca Nagaad oo ka mid ah mashaariicda muhiimka ah ee lagu horumarinayo magaalooyinka dalka.

Intii uu shirka socday, waxaa lagu soo bandhigay guulo muuqda iyo waxqabadyo la taaban karo, kuwaas oo ay si weyn u bogaadiyeen dhammaan ka-qaybgalayaashu. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay hay’adaha iyo kooxaha fulinta mashruuca dadaalkooda joogtada ah, isaga oo ballan qaaday in Wasaaraddu si buuxda u garab istaagi doonto dhammaan hay’adaha fulinta, isla markaana kaalin muuqata ka qaadan doonto xalinta caqabadaha ka jira geeddi-socodka horumarinta magaalooyinka.

Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay guddoomiyeyaasha magaalooyinka caasimadaha dowlad-goboleedyada dalka, mas’uuliyiin sare oo ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud ee heer Federaal, heer Dowlad-goboleed, iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

     

Wasiirka Cadaaladda oo furay kulanka Xeerarka Cadaaladda iyo Garsoorka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta furay kulanka wadatashiga ee labada xeer ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Taxkiimka (Arbitration Law) iyo Xeerka Caddeymaha (Evidence Law) kaas oo socon doona muddo labo maalmood ah.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno sare oo ka kala socday Bahda Cadaaladda Khubaro sharci iyo wakiillo ka socday kulliyadaha sharciga ee jaamacadaha dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in kulankan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu casriyeynayo nidaamka garsoorka iyo sharciyada dalka, islamarkaana la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah loona xoojiyo kalsoonida maalgashadayaasha.

Wasiirka oo ka hadlayay muhiimadda labada xeer ayaa sheegay in Xeerka Taxkiimka uu muhiim u yahay xallinta khilaafaadka ganacsi iyo dhiirrigelinta maalgashi ammaan ah, halka Xeerka Caddeymaha uu yahay laf-dhabarka caddaaladda iyo garsoorka dalka.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay sida Wasaaradda uga go’an tahay in la sameeyo sharciyo waafaqsan xeerarka Caalamiga ah oo ku dhisan aqoon, waayo-aragnimo iyo wadatashi dhab ah, si ay u noqdaan kuwa taageera dowlad wanaagga, cadaaladda,horumarka iyo sumcadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis horumarineed

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ayaa Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi horumarineed oo ka badan €75 milyan oo Euro.

Heshiiska waxaa u kala saxiixay labada dowladood Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Madaxa Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee dalka Jarmalka, Julia Hanning.

Heshiiskan, oo socon doona muddo labo sano ah oo ka billaabanaya 2026-ka, ayaa la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), waxaana diiradda lagu saarayaa Beeraha iyo nidaamyada cuntada, Waxbarashada, shaqo-abuurka, xirfadaha farsamada (TVET), Biyaha, maaraynta biyo-gelinta iyo u adkaysiga isbeddelka cimillada.

Heshiiskan cusub ayaa wuxuu ka dhashay wadahadallo laba maalmood socday oo ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo ay yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka socday Dowladda Jarmalka, wuxuuna sidoo kale daba socdaa heshiiskii labada dal ay kala saxiixdeen 2023.

Wasiir Beenebeene ayaa yiri: “Iskaashigan wuxuu xoojinayaa mudnaanta NTP, gaar ahaan shaqo-abuurka, adeegyada aasaasiga ah iyo u adkaysiga cimillada”.

Madaxa Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee dalka Jarmalka,Julia Hanning ayaa caddeysay in Jarmalku ka go’an tahay dhiirigelinta barnaamijyo saameyn leh oo kaabaya adeegyada iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Beenebeene ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Jarmalka taageerada joogtada ah, halka Julia Hanning ay xustay in Soomaaliya iyo Jarmalka uu ka dhexeeyo xiriir iskaashi dhinacyo badan leh iyo mid saaxiibtinimo oo ka badan 60 sano.

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal, kobcinta fursadaha maalgashi iyo ballaarinta iskaashiga warshadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhaqaale oo wax ku ool ah, kaas oo kor u qaadaya horumarinta ganacsiga iyo warshadaha dalka.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Guddiga Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka oo la kulmay Bankiyada iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Golaha Shacabka ayaa xafiiskiisa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay wakiillo ka socday Bankiyada iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan).

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa la tashiga Hindise sharciyeedka lacag bixinta Qaranka oo uu guddiga gacanta ku haayo, waxaana wakiillada ka socday Bankiyada iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay ay Hindise sharciyeedka lacag bixinta Qaranka ku biiriyeen talooyin iyo aragtiyo ay ka qabeen qodobbada Hindise sharciyeedkan.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Golaha Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay wakiillada ka socday Bankiyada iyo xawaaladaha sida gaarka ah loo leeyahay, isagoo tilmaamay in ka guddi ahaan ay joogteyn doonaan kulamada la tashiyada ah ee ay la qaadanayaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khuseeyaan shuruucda uu gacanta ku haayo.