Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal, kobcinta fursadaha maalgashi iyo ballaarinta iskaashiga warshadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhaqaale oo wax ku ool ah, kaas oo kor u qaadaya horumarinta ganacsiga iyo warshadaha dalka.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Guddiga Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka oo la kulmay Bankiyada iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Golaha Shacabka ayaa xafiiskiisa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay wakiillo ka socday Bankiyada iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan).

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa la tashiga Hindise sharciyeedka lacag bixinta Qaranka oo uu guddiga gacanta ku haayo, waxaana wakiillada ka socday Bankiyada iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay ay Hindise sharciyeedka lacag bixinta Qaranka ku biiriyeen talooyin iyo aragtiyo ay ka qabeen qodobbada Hindise sharciyeedkan.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Golaha Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay wakiillada ka socday Bankiyada iyo xawaaladaha sida gaarka ah loo leeyahay, isagoo tilmaamay in ka guddi ahaan ay joogteyn doonaan kulamada la tashiyada ah ee ay la qaadanayaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khuseeyaan shuruucda uu gacanta ku haayo.

Wasaaradda Shaqada oo dhalinyarada u tabaraysa xirfadaha kor u qaadaya shaqo helista

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Marwo Aamina Xuseen Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furtay qeybta koowaad ee Tababarka Adeegyada Shaqo-helidda (Employability Service Training), kaas oo lagu qabtay Xarunta Shaqo-abuurka Qaranka ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda ku xoojinayso aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo-helidda ee Suuqa Shaqada iyo horumarinta awoodda shaqo-abuurka ee dalka. Waxaa tababarkan ka faa’iideysan doona in ka badan 200 dhalinyaro ah, wuxuuna socon doonaa muddo saddex bilood ah, iyadoo isbuuc kasta la tababari doono 25 dhalinyaro oo kala duwan.

Wasiir Ku-xigeenka, Aamina Xuseen Cali, ayaa ugu dambeyntii ku boorrisay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay si firfircoon uga faa’iideystaan tababarkan muhiimka ah, iyadoo xustay in barnaamijyadan ay fure u yihiin helidda shaqooyin waara iyo horumar bulsho oo joogto ah.

     

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka oo Jarmalka kaga qayb galaya shirka Cimilada iyo Amniga 2025

Berlin- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo magaalada Berlin kaga qayb-galaya shirka Cimilada iyo Amniga 2025 ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka.

Danjire Cabdcasiis M. Maxamed, ayaa safaaradda kusoo dhaweeyey Wasiir Bashiir iyo weftiga la socda, wuxuuna uga warbixiyay howlaha hortebinta u leh dalkeenna ee safaaradda ugu xilsaaran tahay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jarmalka.

Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ugu mahadceliyey safiirka iyo hawladeennada Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Jarmalka, wuxuuna ku amaanay sida ay ugu soo dhalaaleen kaalintooda u sare loogu qaadayo wada shaqeynta labada dowladood, gaar ahaan amuuraha cimillada iyo amniga, taas oo u gogol xaari doonta iskaashiga mustaqbalka fog ee labada dowladood.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay munaasabad lagu soo bandhigay dardargelinta Mashruuca Saabuun ee Jowhar (JOSP)

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay munaasabad lagu soo bandhigay dardargelinta Mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme (JOSP) oo in muddo ah lagu howlanaa sidii loo hirgelin lahaa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in mashruucani yahay mid qaran oo tiir-dhexaad u ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (2025–2029), kaas oo kor u qaadi doona maaraynta biyaha iyo horumarinta beeraha.

Mashruuca kaydka biyaha ee Jowhar (JOSP) ayaa horseedi doona in dadkeenna ay si buuxda uga faa’iideystaan kheyraadka dalka, isla markaana uu dalku ka maarmo kaalmo shisheeye, iyadoo hadii uu hirgalo mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 300,000 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Shirkan waxa ka qayb galay mas’uuliyiinta dowladda, bahwadaagta horumarineed, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah,waxaana diiradda lagu saaray dib u eegista horumarka JOSP, xallinta caqabadaha fulinta iyo xoojinta taageerada farsamo, dhaqaale iyo siyaasadeed ee wejiga xiga ee mashruuca.

Wasiirka Caddaaladda XFS oo furay tababar ku saabsan Habka Diyaarinta Miisaaniyadda ee Wasaaradda

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar ku saabsan Habka Diyaarinta Miisaaniyadda oo loo qabtay howlwadeennada Wasaaradda, kaas oo qeyb ka ah Mashruuca Maareynta Ammaanka, Caddaaladda iyo Isla-Xisaabtanka (SJGAP).

Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu xoojiyo fahamka iyo karaanka howlwadeennada hay’adda, si ay si hufan oo waxtar leh u diyaariyaan miisaaniyadda sannadlaha ah, taas oo muhiim u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee waaxyaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiayay kulanka aan caadiga ahayn ee guddiga joogtada ah

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin kooban oo ku saabsan howlaha baaxadda leh ee horyaalla Golaha Shacabka iyo sida ay laga maarmaanka u tahay in goluhu kalfadhiga todobaad xoogga lagu saaro ka shaqeynta shuruucda Golaha hortaalla.

Ugu dambeyn, Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Saalim Caliyow Ibrow.

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta guddoomiyay shirka Amniga oo lagu gorfeeyay xaaladda caasimadda iyo guud ahaan gobolka Banaadir.

Shirka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Liibaan Aadan iyo Taliyeyaasha guutooyinka Militariga ee ka shaqeeya taageerada Booliska ee loo yaqaan Boliisiya Militaaro.

Kulanka ayaa lagu guudmaray dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo degmooyinka gobolka, kordhinta wadashaqeynta iyo isku xirnaanta hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka, ka hortagga falalka amni-darrada iyo abuuridda jawi nabadeed oo shacabka loogu adeego si hufan.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday in la xoojiyo joogteynta is-dhexgalka iyo xog-wadaagga hay’adaha amniga, in la dar-dargeliyo hawlaha ka hortagga falalka nabadgelyo-darrada, iyadoo xoogga la saarayo degmooyinka istaraatiijiga ah ee caasimadda, gaar ahaan xakamaynta kooxaha dambiyada abaabulan gaysta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku nuuxnuuxsaday in nabadgelyada iyo xasilloonida caasimaddu ay saldhig u tahay horumarka guud ee dalka, isla markaana maamulka gobolka ay ka go’an tahay in uu la shaqeeyo dhammaan hay’adaha amniga.

SoDMA oo raashiin ka qaybisay qaybo ka mid ah degmooyinka Hirshabeelle

Wajiga koowaad ee mashruuc cunno qeybin ah oo socon doona muddo saddex bilood ah ayaa laga billaabay degmooyinka Jalalaqsi iyo Balcad, kuwaas oo ka wada tirsan Hirshabelle.

Inta lagu guda jiro wajigan hore, waxaa ka faa’iideystay 5,705 qoys oo ku nool labada degmo.

Mashruucan waxaa si wadajir ah u hirgelinaya Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo African Risk Capacity (ARC), kuwaas oo iska kaashanaya sidii gargaarka bini’aadantinimo loo gaarsiin lahaa dadka u baahan waqtiga ugu habboon.

Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Jubada dhexe

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya saaxiibbada caalamka ayaa duqeyn qorshaysan oo ka dhacday 26-ka Oktoobar 2025 magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Xaamud, kuna magac dheeraa Jacfar Gurey.

Dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Khawaarijta, isagoo saaxiib dhow la ahaa horjoogayaashii isaga ka dambeeyay hoggaanka Khawaarijta, Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye, kuwaas oo uu muddo dheer la soo shaqeeyay. Wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Madaxa Amniga Dibadda, Madaxa Amniga Madaxda Khawaarijta, iyo Madaxa Dabagalka, dhammaan xilalkaas oo la xiriiray hawlaha sirdoonka, qorsheynta weerarrada, iyo dilalka arxan darrada ah ee Khawaarijta.

Dhagarqabahan ayaa door muuqda ku lahaa maalgelintii iyo dhismahii hore ee Khawaarijta, isagoo qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay shirkad Itoobiyaan ah oo uu la socday horjoogihii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane, taas oo lagu maalgeliyay aasaaskii ururka Khawaarijta.

Hawlgalka guuleystay ee lagu khaarijiyay dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka tarjumayaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka ee ku aaddan la dagaallanka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxay mar kale u xaqiijinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Khawaarijta ay sii socon doonaan ilaa dalka laga xoreeyo haraadiga kooxaha argagixisada, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad, xasillooni, iyo horumar waara.