Soomaaliya iyo Rwanda oo gaaray heshiis iskaashi oo dhinaca Diblomaasiyadda ah

Kigali:  Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta magaalada Kigali ku saxiixay heshiis Iskaashi Guud oo uu la galay dhiggiisa Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Rwanda mudane Amb. Olivier Jean Patrick Nduhungirehe.

Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, iyadoo lagu ballaarinayo iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, maalgashiga, iyo dhismaha awoodda hay’adaha dowliga ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay kor u qaadista iskaashiga dhaqan-dhaqaale iyo horumarinta danaha wadajirka ah, kuwaas oo gacan ka geysan doona xoojinta nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada gobolka.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi waara oo ku saleysan ixtiraam iyo dan wadaag.

     

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay howsha baaxadda leh iyo shaqada hortaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu u magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda JFS.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dowladda Imaaraadka kala wareegay Gaadiid Dab-damis ah

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegay gaadiid dab-damis ah oo lagu xoojinayo adeegyada gurmadka iyo badbaadinta shacabka.

Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa dowladda Imaaraadka uga mahadceliyay deeqdan, isagoo sheegay in gaadiidkan dab-damiska ah uu wax weyn ka tari doono howlaha gurmadka degdegga ah iyo ka hortagga dababka ka dhaca caasimadda.

“Dowladda Imaaraadka waan uga mahadcelineynaa gaadiidkan waxtarka u leh bulshada, gaar ahaan marka ay dhacaan masiibooyinka dabiiciga ah,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka ay ka jawaabtay codsi ay u direen maamulka gobolka, si loo helo gaadiid casri ah oo lagu xoojinayo adeegyada dab-damiska, looguna adeegayo badbaadinta hantida iyo nolosha shacabka magaalada Muqdisho.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka oo kormeer ku tagay xarunta iskuul taariikhiga ah ee degmada Waaji

Waajid, Bakool (Wargeyska Dalka) :- Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool, ayaa maanta kormeeray iskuul taariikhi ah oo arday danyar ah si lacag la’aan ah ugu helaan waxbarasho tayo leh.

Iskuulkan, oo la aas aasay sannadkii 1945-kii, ayaa ka mid ah dugsiyada ugu fac weyn ee gobolka Bakool, wuxuuna soo saaray aqoonyahanno iyo masuuliyiin door muuqda ku lahaa adeegga Qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku jiray, Wasiirka ayaa u kuurgalay xaaladda waxbarasho ee carruurta danyarta, isagoo baahiyaha jira ka dhageystay macallimiinta, maamulka iyo ardayda dugsiga.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa lagu ammaanay tabarucaadkii uu ugu deeqay mushaarka 20-ka macallin ee halkaas ka shaqeeya, si loo hubiyo in ardayda danyarta ahi ay si joogto ah u helaan waxbarasho bilaash ah oo tayo leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

Kigali, Rwanda(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda.

Intii uu halkaas joogay, Wasiirku wuxuu booqday Xarunta Xusuusta Kigali iyo Matxafka Ololaha Lagaga Hortagay Xasuuqa, isagoo u muujiyay tixgelin iyo xusuus dhibbanayaasha xasuuqii 1994 ee lagu laayey dadka Tutsiga.

Rwanda oo ka soo kabatay dagaalladii sokeeye ayaa maanta tusaale u ah dib-u-heshiisiin iyo horumar waara.

Booqashada Wasiirka ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo Soomaaliya iyo Rwanda ay ka wada shaqeynayaan nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka.

  

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada :Dhamaadka sanadkan 2025 ayaa dalka ka howlgelaysa diyaaradda Somali Airlines”

muqdisho(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax, ayaa sheegay in dhammaadka sanadkan 2025 ay dalka dib ugu soo laaban doonto diyaaraddii qaranka ee Somali Airlines, taasoo muddo dheer ka maqneyd hawada.

“Waa farxad weyn in dhamaadka sanadkaan 2025 ay dalka ka hawlgali doonto diyaaradda Somali Airline,” ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Qaranka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay gaartay horumar la taaban karo, isla markaana la adkeyn doono ilaalinta sharciga iyo nidaamka duulista. Wuxuu sidoo kale caddeeyay in aan la ogolaan doonin siyaasiyiin ama cid kale oo fowdo ku abuurta garoomada dalka.

Somali Airlines, oo la aasaasay sanadkii 1964, ayaa ahayd diyaaraddii qaranka Soomaaliya oo duulimaadyo ka fulin jirtay gudaha iyo dalal ay ka mid yihiin Kenya, Talyaaniga, Imaaraadka iyo Suudaan, balse way istaagtay kadib dagaalkii sokeeye ee 1991. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda dadaal ugu jirta soo celinta astaantii duulimaadka qaranka.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka oo shir muhiim ah uga qeyb galay Qaahira

Hanti dhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay “Madasha 3aad ee Horumarinta Daahfurnaanta iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa Dowladaha Carabta”, kaas oo ka dhacay magaalada Qahira ee dalka Masar, sidoo kalena ay ka soo qaybgaleen saraakiil sarsare, hay’ado caalami ah iyo quburo ku xeel-dheer dowlad wanaagga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa.

Madasha ayaa bidhaamisay kaalinta teknolojiyadda iyo dhijitaalka ee ku aaddan xoojinta hufnaanta iyo daahfurnaanta la xiriirta dejinta siyaasado/qorshooyin dadweyne oo wax weyn ku kordhiya dowladnimada, iyada oo loo marayo in ay dalalka Carabta iyo hay’adaha caalamiga ah is weydaarsanayaan waaya-aragnimadooda iyo dhaqamada maamul wanaagga.

Hantidhowraha Guud ee JFS oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa sheegay in Soomaaliya ay bilowday dhijitaaleynta isla-xisaabtanka, iyada oo laga faa’iideysanayo teknoloojiyadda. Waxa uu xoojiyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Carabta ay iska kaashadaan horumarinta hufnaanta iyo bobcinta kalsoonida dadweynaha.

Madashan Saddexaad ee Dowladaha Carabta waa fadhi ay Dowladaha Carabtu isku weydaasrsadaan waaya-aragnimadooda, ayna ku horumariyaan hal-abuurka ah in xal dhijitaaleysan loo helo isla-xisaabtanka, si loo adkeeyo dowladnimada.
  

Muxuu Wasiirka Isgaarsiinta XFS Kala hadlay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka?

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda sare ee shirkadaha isgaarsiinta dalka, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta tayada adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqeynta.

Kulanka oo uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo saraakiil sare oo ka kala socday shirkadaha isgaarsiinta, ayaa lagu falanqeeyay heerarka kala duwan ee uu soo maray adeegga isgaarsiinta dalka, caqabadaha taagan, iyo hiigsiga guud ee Soomaaliya ee dhanka horumarinta isgaarsiinta iyo dhijitaalka.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay ka go’an tahay dhijitaaleeynta dalka iyo dhisidda hannaan casri ah oo lagu hormariyo isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, si bulshadu uga faa’iideyso adeegyo isku halayn leh oo casri ah.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay shirkadaha isgaarsiinta doorka muuqda ee ay ku leeyihiin kobcinta adeegyada iyo joogteynta isku xirka bulshada Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta ka socday shirkadaha isgaarsiinta ayaa dhankooda soo dhaweeyay dadaalka iyo hoggaanka Wasaaradda, iyagoo bogaadiyay kaalinta ay wasaaradu ku leedahay hagaajinta iyo tayeynta adeegyada tiknolojiyadda ee dalka.
         

Wasaaradda Warfaafinta oo dowladda Turkiga Ka guddoontay Qalab warbaahin oo Casri ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qalab casri ah oo Warbaahineed ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper AKTAŞ.

Qalabkan oo isugu jira camerooyin casri iyo qalabka sida tooska loogu tebin karo barnaamijyada ayaa qeyb ka ah heshiis hore u dhexmarey Soomaaliya iyo Turkiga ee dhanka horumarinta Warbaahinta qaranka. Hay’adda Turkisha Cooperation and Coordination Agency (TIKA) ayaa heshiiskaasi fulintiisa wakiil uga ahayd Dowladda Turkiga, iyadoo munaasabadda guddoominta oo ka dhacdey magaalada Muqdisho, uu goob joog ka ahaa Madaxa TIKA Soomaaliya, Zafer Eski.
Qalabkan, casriga ah ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo laguna horumariyo qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka, si loo dardar geliyo howlaha Warbaahineed ee dowladda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa;uud Aweys Jaamac ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo Hay’adda TİKA taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Warbaahinta Qaranka. Wasiirka ayaa xusay in deeqdan qalabka ah ay qeyb ka tahay barnaamijyo xiriir iskaashi oo labada dowladood dhexmarey, kaas oo looga golleeyahay horumarinta iyo tayeynta warbaahinta.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay qalabkan uga faa’iideysan doonto fulinta ajendayaasha qaran ee horyaalla, sida dowlad dhiska, isla xisaabtanka hay’adaha dowladda, dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta iyo doorashooyinka taariikhiga ah ee la filayo inay dhowaan ka dhacaan dalka.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, H.E. Alper AKTAŞ, ayaa sheegay in xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer, isla markaana labada dal ay si dhow uga wada shaqeynayaan kor u qaadista warfaafinta iyo is-dhaafsiga aqoonta saxaafadda iyo istaraatiijiyadda warbaahinta.

Madaxa Hay’adda TİKA ee Soomaaliya, Mr. Zafer Eski, ayaa dhankiisa sheegay in qalabkan uu qayb muhiim ah ka qaadan doono tayeynta warbaahinta Soomaaliya, isla markaana Hay’adda TIKA ay kaalin ka qaadn doonto, tababarka, qalabeynta, iyo hawlaha casriyeynta ee Warbaahinta Qaranka.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay qalabka casriga ah ee la guddoonsiiyay Warbaahinta Qaranka, iyadoo masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo hay’adaha Turkiga ay ballanqaadeen inay sii xoojin doonaan iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal.  

Guddiga Doorashooyinka oo degmada Cadale ka bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaash

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Masuuliyiinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan degmada Cadale ayaa si rasmi ah ugu daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sidoo kale daahfurka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Cadale ee Gobolka sh/dhexe

Guddiga iyo maamulka degmada Cadale ayaa ugu baaqay bulshada degmada iyo deegaannada hoos yimaada inay ka qeyb galaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay codkooda u dhiibtaan xilliga doorashada, taas oo ah xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin.