32-kamid ah suxufiyiinta ka howlgala warbaahinta oo tababar loo furay

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan, ayaa tababar ku saabsan ka hortaga been abuurka iyo marin habaabinta bulshada Muqdisho uga furay 32 kamid ah suxufiyiinta ka howlgala warbaahinta dalka.

Tababarkaan oo ay iska kaashanayaan NUSOJ iyo Dowladda Australia ayaa lagu kobcinayaa xirfadaha weriyaasha ka kala yimid Muqdisho iyo gobollada dalka, iyadoo muhiimadda gaar ah la siinayo awoodda saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka hortagga wararka been abuurka ah iyo marin-habaabinta ee loo adeegsado aaladaha warbaahinta.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa goobjoog ahaa furitaanka tababarkaan, halka Safiirka Australia ee Kenya, Marwo Jenny Da Rin, ay qadka fogaan aragga uga qayb gashay furitaanka tababarka.

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Xildhibaanno ka tirsan Labada Gole ee BFS

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay kulan casho sharaf ah ku maamuusay xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Duqa Muqdisho ayaa lagu bogaadiyay waxqabadka maamulka gobolka Banaadir iyo dadaallada dowladda federaalka ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo diiradda saaraya dowlad-dhisidda, nabadeynta, iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, waxaa lagu taageeray hirgelinta doorashada qof iyo cod, iyadoo la adkeeyay muhiimadda midnimada umadda iyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo shacabka.

Guddoomiye Muungaab ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada ka qaybgalay kulanka, isagoo ku booriyay masuuliyiinta in ay sii xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo danta guud ee qaranka Soomaaliyeed.

Wasiir Jaamac oo kulamo wadatashi ah ka wada degmada Waajid

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulamo wadatashi iyo wacyigelin ah ka bilaabay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, kuwaas oo ku saabsan hirgelinta doorashada qof iyo cod iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka shacabka.

Wasiir Jaamac ayaa kulamo la yeeshay Golaha Deegaanka Degmada Waajid, Odayaasha Dhaqanka, iyo Dhalinyarada, isagoo dhegaystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan habka ugu habboon ee lagu gaari karo doorasho daahfuran, caddaalad ah, isla markaana shacabka awood u siinaysa inay si toos ah u soo doortaan wakiilladooda siyaasadeed.

Wasiirka ayaa xusay in doorashada qof iyo cod ay tahay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta dimuqraadiyadda, hufnaanta hoggaanka, iyo horumarinta maamulka dawladeed ee dalka, isagoo ku booriyay bulshada Koonfur-galbeed Soomaaliya inay kaalin muuqata ka qaataan geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

         

Danjire Ilyaas Cali Xasan oo la kulmay Guddoomiyaha gobolka Haut Katanga

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u qaabilsan dalalka Tanzania iyo DRC Congo Mudane Ilyaas Cali Xasan ayaa kulan laqaatey Guddoomiyaha gobolka Haut Katanga ee dalka DRC Kongo Martin Kazembe Shula oo ay Soomaalida ugu badan deganyihiin.

Sidoo kale kula ka, waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka gobolkaas Michel Kabwe Mwamba iyo duqa magaalada Lubumbashi Hon. Patrick Afwimbi Mumamba.

Danjiraha ayaa masuuliyiinta uu lakulmay waxaa uu kala hadlay arrimo muhiim ah oo ay kamid tahay sidii dadka Soomaaliyeed ee degan dalka Kongo u heli lahaayeen adeegyada ay u baahan yihiin kuwaas oo kaga xiran Dowladda.

        

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEERAY HAY’ADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee socda.

Madaxweynaha ayaa warbixin dhammeystiran oo ku saabsan casriyeynta adeegyadaa hay’adda, u daadejinta muwaadininta iyo horumarinta shaqada, waxa uu ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay madaxda iyo howlwadeennada hay’adda ayaa ku adkeeyey hirgelinta shuruucda, xaqiijinta hufnaanta adeegyada muwaadiniinta iyo la dagaallanka tahriibka, argagixisada, socdaalka sharci darrada iyo in si fudud ay ku soogalan danbileyaasha dalkeenna.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxa ay u dub dhexaad u tahay sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, taasna waxay ku xiran tahay sidaad ugu adeegtaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xogta qofka dalka soo gelaya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey guulaha la gaaray, gaar ahaan hannaanka casriyeynta bixinta dal-ku-galka (e-Visa), nidaamka cusub ee PISCES oo ah nidaam casri ah oo lagu maamulo xuduudaha iyo aqoonsiga dadka, kaas oo adeegsanaya xogta biometric-ga sida faraha iyo aqoonsiga wejiga.
                

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEERAY HAY’ADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee socda.

Madaxweynaha ayaa warbixin dhammeystiran oo ku saabsan casriyeynta adeegyadaa hay’adda, u daadejinta muwaadininta iyo horumarinta shaqada, waxa uu ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay madaxda iyo howlwadeennada hay’adda ayaa ku adkeeyey hirgelinta shuruucda, xaqiijinta hufnaanta adeegyada muwaadiniinta iyo la dagaallanka tahriibka, argagixisada, socdaalka sharci darrada iyo in si fudud ay ku soogalan danbileyaasha dalkeenna.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxa ay u dub dhexaad u tahay sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, taasna waxay ku xiran tahay sidaad ugu adeegtaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xogta qofka dalka soo gelaya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey guulaha la gaaray, gaar ahaan hannaanka casriyeynta bixinta dal-ku-galka (e-Visa), nidaamka cusub ee PISCES oo ah nidaam casri ah oo lagu maamulo xuduudaha iyo aqoonsiga dadka, kaas oo adeegsanaya xogta biometric-ga sida faraha iyo aqoonsiga wejiga.

Golaha Shacabka oo ka dooday Sharciga burcad Badeedda iyo sharciyo kale

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Mudanayaasha Golaha Shacabka BFS Baarlamaanka ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa sideedaad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka koowaad Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa soo gudbiyay mooshin ama soo jeedin ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado maalinta xusuusta Qaranka ee dhibanayaasha Argagixisada ee Soomaaliya, waxaana Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka shir guddoominayay uu sheegay in doodda soo jeedinta Xildhibaanadda dib loo dhigay, islamarkaana maalinta Isniinta ah laga doodi doono.

Intaasi ka dib, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka hanaanka lacag bixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka dib u eegista sharciga la dagaalanka urcad Badeedda iyo ka hortagga afduubka sharci LR.36 ee soo baxay 30-kii April sanadkii 1975-kii, waxaana xildhibaanadu ay aragtiyadooda ka dhiibteen qodobbada hindise sharciyeedyadan iyo muhiimadda ay dalka u leeyihiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyadda ku shaqada leh hindise sharciyeedyadan in ay kusoo daraan doodda iyo aragtiyada Xildhibaanada, islamarkaana ay dib ugu soo celiyaan golaha si akhrinta sedaxaad loo marsiiyo.

Dhinaca kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka macdanta Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka macaamilka danabeysan, Hindise Sharciyeedka Dembiyada kufsiga iyo Anshax xumada kale iyo Hindise Sharciyeedka wax-kabeddelka qeybta lixaad ee sharciga iibka Qaranka 2016.

Guddiga Doorashooyinka oo degmada Warshiikh ka bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Warshiikh(Wargeyska Dalka):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta Degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellaha dhexe ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan Degmada Warshiikh ayaa si rasmi ah ugu daahfuray Degmada ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sidoo kale daahfurka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Degmada.

Xubnaha Guddiga iyo masu’uuliyiinta ayaa bulshada ku nool Degmada iyo deegaannada ku xeeran ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay u dhiibtaan codkooda maalinta doorashada taas oo ah xuquuq dastuuri ah ee ay leeyihiin.

Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, oo ay weheliyaan madaxda Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Madaxa Shirkadda Favori ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta garoonka, waxana ay xuseen in isbeddel muuqda lagu sameyn doono qeybaha kala duwan ee adeegyada garoonka, si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey shirkadda Favori dadaalka ay ku bixisay horumarinta Garoonka Aadan Cabdulle, ayaa sheegay in garoonku uu yahay albaabka ugu muhiimsan ee dalka laga soo galo, loona baahan yahay in uu noqdo mid horumarsan oo leh adeegyo casri ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo xusay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aaddan sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

Taliyaha Ciidanka dhulka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Nigeria

Kigali(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Kigali ee dalka Rwanda Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Nigeria, Major General Usman Abdulmumin Yusuf.

Kulanka labada taliye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinaca ciidamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha dagaal, iyo tababarrada ciidamada.

Labada Taliye ayaa isku raacay in la sii ballaariyo iskaashiga labada ciidan, maadaama ay labada dal wajahaan cadow isku dabeecad ah oo argagixiso ah, islamarkaana ay muhiim tahay in la mideeyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku xoojinayaan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.