Taliyaha Ciidanka dhulka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Nigeria

Kigali(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Kigali ee dalka Rwanda Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Nigeria, Major General Usman Abdulmumin Yusuf.

Kulanka labada taliye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinaca ciidamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha dagaal, iyo tababarrada ciidamada.

Labada Taliye ayaa isku raacay in la sii ballaariyo iskaashiga labada ciidan, maadaama ay labada dal wajahaan cadow isku dabeecad ah oo argagixiso ah, islamarkaana ay muhiim tahay in la mideeyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku xoojinayaan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

The hague(Wargeyska Dalka):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa magaalada The Hague ee dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards.

Munaasabaddan waxaa Wasiir Al-Cadaala ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee magaalada Brussels ee dalka Belgium, saxafiyiin rug-caddaa ah, iyo mas’uuliyiin kale oo Soomaaliyeed oo xilal ka haya dalka Netherlands.

Xafladda oo si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu guddoonsiiyay abaalmarinno kala duwan muwaadiniin Soomaaliyeed oo horumar la taaban karo ka sameeyay ganacsiga, iyagoo tusaale u noqday dadaalka iyo kartida qurba-joogta Soomaaliyeed.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuut

Jabuuti:- Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo toddobaadkan booqasho rasmi ah ku joogey Jamhuuriyadda Djibouti ayaa intii uu ku sugnaa Djbouti.
kulan booqasho ah ugu tagey Madaxweynaha Dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka Wasaaradda oo kulanka uu ku wheliieyey dhiggiisa Dalka Djibouti Mudane Muumiin Xasan Barre ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti ee aan walaalaha nahay uga mahadceliyey dadaalada iyo garab istaaga joogtada ah ee uu mar kasta u muujiyo Soomaaliya, wuxuuna ku suntahay badbaadiyaha Soomaaliya, kadib qaran jabkii ku dhacay Soomaaliya 1991, gaar ahaan shirkii nabada ee Carte ee uu qabatey sanadkii 2000, kaasoo ee dib loogu yegleeley Jamhuuriyadda 3aad ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa ugu mahad celiyey Madaxweynaha Djibouti mudane Ismaaciil cumar Geelle iyo dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha islaamka iyo Awqaafta soo dhoweynta diiran ee ay walaaltinimadu ku dheehan tahay ee lagu soo dhoweeyey asaga iyo wefdiigiisa, wuxuuna xusey in waxyaabihii ay ka faaideysteen Wasaaradda Arrimaha Islaamka iyo Awqaafta ee jamhuuriyadda Djibouti ay ka hirgelin doonaan Soomaaliaya, sida dhisidda Awqaafta, Diiwaanka Sekada iyo Machadka Dhexdhexaadnimada iyo ee fidinta dhaqanka nabada ee Dalka DJibouti.

Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la yeeshay Xoghayaha Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Jarmalka

Berlin:- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan doceed la yeeshay Dr. Géza Andreas von Geyr, Xoghayaha Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, intii lagu guda jiray Shirka Cimilada iyo Amniga ee Berlin (#BCSC2025).

Kulanka waxaa lagu gorfeeyay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Jarmalka ee ku saabsan Isbeddalka cimilada, dhisidda adkeysiga bulshooyinka, iyo horumar waara, taas oo muujineysa go’aanka labada dal ee ah in si wadajir ah wax looga qabto saameynta xiriirka ka dhexeeya cimilada iyo amniga.

Taliye ku-xigeenka Guutada 19-aad oo kormeer ku tegay dugsiga qoriloow

Shabeellaha dhexe:-Taliye ku-xigeenka Guutada 19-aad ee Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Dhexe Abuukar Xasan Sheekh Axmed (Galmadoobe) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay dugsiga Qoriloow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Kormeerka Taliyaha ayaa ahaa mid lagu wacyigelinayay ciidamada ku sugan dugsiga, isaga oo ku dhiirrigeliyay in ay sii laba-laabaan dadaalka ay ugu jiraan difaaca qaranka iyo sugidda amniga guud ee dalka.

G/le Dhexe Abuukar Galmadoobe ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay adkeeyaan midnimadooda, isla markaana ay muujiyaan feggenaan iyo xirfad ciidan oo sare, si loo xaqiijiyo guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka ka gaareen dagaalka ka dhanka ah cadawga khawaarijta
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah howlaha joogtada ah ee lagu qiimeeyo xaaladda guud ee ciidanka iyo kor u qaadista niyad-samida saraakiisha iyo askarta ku sugan jiidda hore.

   

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay xubnaha cusub ee Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Dr. Annette Weber,iyagoo kawada hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, taageerada amniga, iyo horumarka siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

4- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay Shirka 5-aad ee Nabadda iyo Horumarka Afrika oo lagu qabtay magaalada Aswan ee dalka Masar,isagoo sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddada horumar waara, kana gudubtay caqabadihii hore u jiray.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Maamulka iyo Amniga Garoonka Muqdisho iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska , isagoo bogaadiyeey kaalinta warbaahinta qaranka ee uga aaddan la dagaalanka afkaarta xag-jirnimada ,wararka been abuurka iyi wacyegelinta bulshada soomaaliyeed.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeeray Wasaaradaha Shaqada, Xanaanada iyo Xoolaha, Batroolka iyo Gudiga Shaqaalaha Rayidka , isagoo u kuurgalay shaqooyinka ay u hayaan bulshada soomaliyeed.

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya, oo looga hadlayey Doorka Bulshada ee la Tacaalidda Masiibooyinka iyo Isbeddelka Cimilada.

9- Golaha Wasiirrada Soomaaliya, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, warbixinno la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka hal qof iyo cod, ee la qorsheynayo in dalka laga qabto.

10- Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb galay furitaanka Kalfadhiga 151-aad ee Shirweynaha Baarlamaanka Aduunka (IPU).

11- Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa magaalada Nairobi ee dalka kenya uga furay aqoon isweydaarsi laamaha cadaaladda, kaas oo ku saabsan dib-u-habeynta nidaamka cadaaladda dalka.

12- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir-guddoomiya kulanka 26-aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika oo ka dhacay magaalada Washington.

13- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kulan kula yeeshay Prof. Dr. Vedat Işikhan, Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga.

14- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa aqoon isweydaarsi u furay howlwadeenada waaxyaha warbaahinta ee hay’adaha Dowladda Federaalka, oo diiradda lagu saaray mideynta farrimaha dowladda xilliyada lagu jiro xaaladaha deg-degga.

15- Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Maxamuud Axmed Aadan oo ka qeybgalay Shirweynaha Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Turkiga iyo Afrika ayaa kulan la la qaatay wasiirka Ganacsiga Turkiga ,Prof. Ömer Bolat.

16- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mukhtaar Roobow Cali ayaa gaaray Dalka Jabuuti, isagoo martiqaad ka helay Wasiirka Diinta, Dhaqanka iyo Awqaafta ee dalka Jabuuti, Mudane Muumin Xasan Barre.

17- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa shir guddoomiyeey shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ,oo diirradda lagu saaray wadashaqaynta hay’adaha amniga ee xudduudaha,samaynta istaraatiijiyadda maareynta iyo kontoroolka xudduudaha ee isku-dhafan.

18- Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda iyo Midowda Yurub ee EUCAP ayaa kala saxiixday iskaashi rasmi ah oo ku sabsan qalabeynta xarunta Samatabixinta Dhibanaayasha Badda ee MRCC iyo mashaariicda lagu xoojinayo horumarinta Dekedda magaalada Muqdisho.

19- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Cilmi Maxamuud Nuur ayaa qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dawladda Vietnam, oo booqosho ku yimid dalka .

20- Wasiiru Dowlaha Beeraha iyo Waraabka Asad Abdirasaq Maxamed ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar uga qayb galay shirka 8-aad ee Toddobaadka Biyaha Qaahira kaas oo looga hadlay ka hortagga biyo yaridda iyo isbeddelka cimilada .

21- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa booqasho shaqo ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose,oo dhawaan laga saaray Khawaarijta.

22- Wasiir Ku-Xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Cabdullahi Axmed ayaa bogaadiyay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).

23- Safiirka Soomaaliya ee dalla Tanzania iyo (EAC) Ilyaas Cali Xasan ayaa booqasho ku tagay magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka DRC Congo.

24- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay tirada rasmiga ah ee iska diiwaan gelisay doorashooyinka tooska ee gobalka Banaadir oo gaaraya 923,220 oo qof, kuwaa oo diyaar u ah in ay codkooda ku doortaan cidda hoggaamineysa.

25- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska Caalamiga ee (INTERPOL ) ayaa dalka Rwanda ka soo qabtay eedeysane Jaamac Cabdi Maxamuud oo ku eedeysan kufsi, duubis muuqaalo anshax xumo ah, iyo tacaddi loo geystay gabdho Soomaaliyeed.

26- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamed Shire ayaa la kulmay Wakiilka Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.

27- Safiirka Soomaaliya ee Tanzania Ilyas Cali Xasan ayaa nuqulka waraaqaha aqoonsiga danjirnimo u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo Marwo Thérése Kayikwamba Wagner.

28- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ka qeybgalay madasha caalamiga ah ee taliyeyaasha ciidamada dhulka ee Afrika, oo lagu qabtay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Soomaaliya iyo Turkiye oo kahadlay xaaladda jaaliyadda ee ku sugan Ankara & deegaanada kale

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiye iyo dalalka kale Mudane Fatxudiin Cali Maxamed (Ospite), ayaa shir muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Ali Yerlikaya.

Kulankaasi waxaa labada dhinac ay diirada ku saareen arrimo la xiriiray sidii jaaliyadda Soomaaliyeed loogu heli lahaa sharci xagga degenaanshaha ah iyo sidi xal waara loogu gaari lahaa cabashooyinka iyo dhibaatooyinka kale ee ay tirsanayaan jaaliyadda Soomaalida.

Sidoo kale, danjiraha wuxuu mahad weyn u celiyay Jamhuuriyadda Turkiga oo mar kasta taageero  iyo garab-istaag joogto ah u fidisa dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda.

Danjire Ospite ayaa mahad gaar u celiyay Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliyeed,kuwaas oo si dhow safaaradda ugala shaqeeyay helidda arrimaha sharciga ee ay u baahan yihiin jaaliyadda Soomaalida.

Maamulka Safaarada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee Ankara ayaa bilihii lasoo dhaafay ku mashquulsaneyd xal u helidda dhanka deganaanshaha ee ay daneynayaan qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Doorashooyinka Qaranka “Siyaasiyiinta banaanka jooga waxii ay qaban lahaayeen ayaan gacanta ku heynaa”

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ka qeybgalay Kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in heer gabagabo ah ay marayaan howlihii ku aadanaa diiwaangalinta dadka ee doorashooyinka loo qorsheeyay qof iyo cod.

“waa in nala aamino oo la tijaabiyo qaabka aan u qabaneyno doorashooyinka golaha deegaanka Gobolka Banaadir”ayuu yiri guddoomiyaha oo sii wata hadaldiisa.

Mudane Cabdikariin Axmed ayaa xusay in la diiwaangaliyay 61 Urur siyaasadeed ,isla markaana la  xaqiijiyay wax ku dhow hal milyan ruux oo dad ah,si ay qeyb uga noqdaan doorashooyinka soo socda.

Guddoomiyaha Guddigga Doorashooyinka Qaranka waxa uu qiray in haatan ay gabagabo marayaan howshii diiwaangalinta,sidaa daraadeedna waqti dhow la qaban doono doorashooyinka golaha deegaanka ee gobolka banaadir.

 

Kulan la xiriiray fahamka & baarista tayada kaabayaasha dhaqaale oo Muqdisho lagu qabtay

Maamulka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa qabtay dood-cilmiyeed ku saabsaneyd fahamka iyo horumarinta baarista kaabayaasha dhaqaalaha ee lagama maarmaanka u ah shacabka iyo dowladda.

Dood cilmiyeedkaan oo ay ka qeybgaleen maamulka iyo xubnaha xafiiska hanta dhowrka,waxaa la isku tuaaleeyay muhiimadda ay leeyihiin hubinta iyo waxtarka mashaariicda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka waddo gudaha dalka.

Sidoo kale dood cilmiyeedkaan waxaa kaloo looga hadlay badqabka mashaariicda horumarineed ee loo sameynayo bulshada ,gaar ahaan dhismaha waddooyinka caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa horay u sameeyey dood ku saabsaneyd baarisyada dhanka mashaariicda ah ee khuseeya horumarinta kaabayaasha dhaqaale,iyadoo loo marayo ilaalinta iyo dhowrista hantida dowladda.

Danjire Ilyas Cali oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Lubumbashi ee dalka kongo DRC

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Tanzania Mudane Ilyas Cali Xasan iyo wafdi uu hoggaaminaayey ayaa gaaray Magalada Lubumbashi ee Dalka Congo DRC,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.

Wafdigaasi waxaa soo dhoweeyay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha baarlamaanka gobolka Haut-Katanga mudane Michel Kabwe Mwamba, duqa magaalada Lubumbashi mudane Patrick Afwimbi Mumamba iyo qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi.

Danjiraha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen dowladda Kongo iyo shacabka Soomaaliyeed ee kudhaqan magaalada Lubumbashi,isagoo horay ula soo kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ku nool Magaalada Kinshasa,si uu u ogaado xaalada dadka iyo heerarkooda nololeed.

Danjire Ilyas Cali oo Socdaal shaqo u jooga dalka DRC Kongo, ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato qeybaha Jaaliyada Soomaalida ee  ku sugan Lubumbashi.