Wasiirka hawlaha guud XFS oo soo xiray shir looga hadlayey u adkaysiga aafooyinka dabiiciga ah

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Meertada 2-aad ee Shirka U Adkaysiga Aafooyinka Soomaaliya, oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho.

Shirkan oo hal-ku-dhiggiisu ahaa maanta “Dhisidda u adkaysiga musiibooyinka iyada oo loo marayo habab bulshadu gundhig u tahay”, ayaa socday muddo laba maalmood ah, waxaana lagu falanqeeyay aragtiyo, cilmi-baarisyo iyo talooyin ku saabsan sidii si waara loogu maareyn lahaa musiibooyinka soo noqnoqda ee dalka.

Intii lagu guda jiray munaasabadda xiritaanka, Wasiir Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa tilmaamay muhiimadda uu shirkan u leeyahay xoojinta iskaashiga dowladeed iyo kan bulshada, si loo yareeyo saameynta musiibooyinka dabiiciga ah. Wasiirku wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowladeedba in ay muujiyaan isku-tashi, qorshe midaysan iyo u diyaargarow hore si dalka uu u yeesho awood dhab ah oo uu ku wajahayo aafooyinka soo noq noqda.

   

Guddoomiyaha golaha shacabka oo shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Kulanka guddiga joogtadda ayaa looga dooday Ajendayaasha horutebinta u leh kulamada guud ee Golaha Shacabka, gaar ahaan Ajendeynta kulamada golaha todobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiga joogtada in guddi walba uu dedejiyo ka shaqeynta shuruucda hortaala islamarkaana uu u gudbiyo golaha si loo marsiiyo habraacyada u harsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa mar kale ku celiyey muhiimadda ay leedahay soo xaadiritaanka kulamada golaha iyo in la la ilaaliyo kooramka, maadaama golaha horyaalaan shuruuc muhiim ah oo u baahan in laga shaqeeyo, waxa uuna Xildhibaanadda sabab la’aanta uga maqan kulamada ugu baaqay in ay soo xaadiraan

Muqdisho oo tababbar loogu soo xiray xeer ilaaliyeyaal ka kala socday heer federaal iyo heer dowlad goboleed

Kusimaha Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka garyaqaan Cabdirisaaq Macalin Xuseen ayaa maanta Tababbar u soo xiray Xeer ilaaliyeyaal ka kala socday heer federal iyo heer dowlad goboleed

Tababbarka oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Tababbarka Garsoorka Soomaaliya ayaa lagu baranayaa ka hortagga lacag dhaqidda iyo ladagaallanka maalgelinta argagaxisada, Tabbbarka ayaa Ujeeddkiisu ahaa xoojinta aqoonta iyo fahamka xeer ilaalinta ee ku aaddan ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaallanka maalgelinta argagaxisada.

   

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS oo shir caalami ah kaga qayb galay Jarmalka

Berlin:- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee XFS, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka qaybgalay Shirka Cimilada iyo Amniga ee Berlin (Berlin Climate and Security Conference 2025), kaas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen wasiirro, madax ka socotay Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, iyo khubaro caalami ah, ayaa lagu falanqeeyay xiriirka u dhexeeya isbeddelka cimilada iyo amniga. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray habka dalalka dunidu u mideyn karaan dadaallada lagu xoojinayo xalalka nabadda ee adkaysiga u leh cimilada (climate-resilient peace solutions).

Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac, oo ka qeybgalay dood muhiim ah oo diiradda lagu saaray saameynta cimilada iyo amniga ee dalalka nugul, ayaa hoosta ka xarriiqay sida uu dalka Soomaaliya uga go’an yahay inuu door firfircoon ka qaato dadaallada caalamiga ah ee la xiriira amniga iyo isbeddelka cimilada. Wuxuu xusay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayaan dhisidda adkeysiga bulshada iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada ee dalka.

Sidoo kale, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Soomaaliya ay ku biirtay Kooxda Bahwadaagta Qaramada Midoobay ee Cimilada iyo Amniga (UN Group of Friends on Climate and Security), oo ka kooban 78 xubnood, kuwaas oo ay ku jiraan 77 dal iyo Wakiillada Midowga Yurub (EU Delegation).

  

Taliyaha ciidan dhulka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Rwanda

Kigali:-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Rwanda, Sareeye Gaas Vincent Nyakarundi, intii uu ku sugnaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Kulanka labada Taliye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada ciidan ee dhinacyada tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha dagaalka iyo maamulka howlgalada dhulka, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Rwanda taageerada joogtada ah ee tababarada iyo xiriirka dhow ee ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in iskaashigan uu door muuqda ka qaadan doono xoojinta nabadda iyo amniga gobolka.

   

Shirkii arrimaha Diinta ee u socday Soomaaliya iyo Jabuuti oo la soo gabagabeeyay

Jabuuti- Waxaa maanta oo Khamiis ah lasoo gaba gabeeyay ka shirkii Aqoon isweydaarsiga ahaa ee ay yeelanayeen Wasaaardda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS iyo Wasaaradda Diinta, Dhaqanka iyo Awaafta ee jamhuuriyadda Jabuuti.

Shirkan oo mudo 5 maalmood ah ka socday Jabuuti ayaa maanta Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Islaanka XFS Sh, Mukhtaar Roobow iyo Wefdigiisa oo hor kacayo dhigiisa wasiirka Wasaaradda Diinta ee dalka Jabuuti Muumin Xasan Bare waxay booqdeen goobo badan oo uu kamid yahay Machadka Al wasaatiya ee faafinta dhaqanka nabadda oo wax barasho xoog leh ay ka socotay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Ibraahim Aadan Ibraahim Nadaara ayaa dowladda Jabuuti kaga mahad celiayay soo dhoweyntii qiimaha badnayd ee loo sameeyay, wuxuuna sheegay in Machadka Al wasaatiya ee Jabuuti uu yahay maxad goboleed ka shaqeeya nabadda mandiqadda, kaas oo si gaar ah u quseeya dalka Soomaaliya oo ay ka jiraan afkaarta xagjirnimada ah.

Shirka ayay ujeeddadiisu ahayd xoojinta wada shaqeynta labada Wasaaradood iyo khibrad isweydaarsi ku aadan dhinacyada Awqaafta iyo Diiwanka Sakada.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay darajooyinka loo asteeyay Degmooyinka Gobolka Banaadir

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, warbixinno la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee la qorsheynayo in dalka laga qabto.

Guddiga ayaa Golaha la wadaaggay Xogta liiska ku-meer gaarka ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha Gobolka Banaadir, waxaanay sheegeen in 30-ka bisha Nofeembar laga qaban doono caasimadda Muqdisho doorashada Golayaasha deegaanka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee la xiriirta darajooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo la raacayo sharciga dooraashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Darajooyinka loo asteeyey degmooyinka ayaa kala ah, sagaal degmo oo darjada (A) ah iyo toddabo degmo oo darajada (B) ah.

Degmooyinka Darajada (A)
1. Hodan
2. Yaaqshiid
3. Deyniile
4. Kaaraan
5. Dharkeenley
6. Wadajir
7. Warta-Nabadda
8. Heliwaa
9. Howl-wadaag

Degmooyinka Darajada (B)
1. Waaberi
2. Shibis
3. Xamar-jajab
4. Boondheere
5. Xamar-weyne
6. Cabdicasiis
7. Shangaani

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansxiyay shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka, kuwaas oo kala ah;

𝟏. 𝐗𝐞𝐞𝐫-𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚.

𝟐. 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞-𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

𝟑. 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐥𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐝d𝐮𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐚𝐟𝐬𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐫𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡.

𝟒.𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.

Horjoogihii Khawaarijta ee aagga Ceelgaras iyo dhagarqabayaal kale oo lagu dilay howlgal ka dhacay Galmudug

Dhuusamareeb- Ciidanka Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan Ururka Galayr ayaa xalay deegaanada Ceel-lahelay iyo Dhaban-dhul kuhays ee gobolka Galgaduud ka fuliyay howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiisha hoggaamineysay Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in ay dileen ugu yaraan shan dhagarqabe, iyagoo howlgalkaas ku dhaawacay malleeshiyaad kale oo horjoogihii Khawaarijta ee aagga Ceelgaras uu ku jiro.

Howlgalka ayaa weli ka socda tuulooyin u dhow deegaanka Ceelgaras, waxayna dhagarqabayaashii Khawaarijta isaga carareen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka 2-aad ee Madasha Horumarinta Dekedaha Bariga dhexe iyo Afrika

Dubai-UAE- Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa ka qayb galay Shirkii 2-aad ee Madasha Horumarinta Dekedaha Bariga Dhexe iyo Afrika, oo lagu qabtay magaalada Dubai.

Shirkan waxaa isugu yimid madaxda Dekedaha, maal-gashadayaal iyo khubaro caalami ah oo ku takhasusay arrimaha badda.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho ayaa kulammo miro-dhal ah la yeeshay AD Ports Group, Tanger Med Engineering, iyo hay’ado kale oo goboleed, waxaana lagu falanqeeyay dardargelinta mashruuca dekedda cusub ee Muqdisho, horumarinta gaadiidka xeebaha, iyo kobcinta maalgashiga adeegyada logistics-ka.

Iskaashiyadan cusub ayaa muhiim u ah kor u qaadista ganacsiga iyo dhismaha Dakeda magaalada Muqdisho oo noqonaysa xarun istiraatiiji ah, iyadoo lagu bogaadiyay kaalinta dekedda Muqdisho ee qiimeynta CPPI ee Bangiga Adduunka, taas oo muujisay horumarka ay Dekeddu ku tallaabsatay.

Taliye Sahal oo Rwanda uga qaybgalay shirka Taliyaasha ciidamada dhulka ee dalalka Afrika

Kigali: Waxaa si rasmi ah u soo gabagaboobay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka ee Afrika oo ka dhacay magaalada Kigali ee dalka Rwanda, iyada oo Soomaaliya uu ku muetelayay wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar.

Ka qeybgalayaasha shirka ayaa isla gartay in la xoojiyo wada-shaqaynta tooska ah ee dalalka iyo xiriirka ciidamada, sidoo kalena la is-weydaarsado khibradaha ku saabsan ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in shirarka noocan oo kale ah la sii joogteeyo si loo xoojiyo iskaashiga dhanka ciidamada iyo amniga.