Wasiir Fiqi oo tababar la xiriira warbaahinta iyo xagjirka u furay Hawlwadeeno ka tirsan Dowladda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta furay tababar hal maalin ah oo loogu talagalay howlwadeenada waaxyaha warbaahinta ee hay’adaha Dowladda Federaalka, kaas oo diiradda lagu saarayo habraaca iyo isku-duwidda warbaahinta dowladda iyo xafiisyada xiriirka, xilliyada lagu jiro xasaradaha iyo xaaladaha deg-degga ah, si gaar ah falalka argagixisadu ku lug leeyihiin.

Aqoon-isweydaarsigan, oo ay soo qabanqaabisay Unugta Xiriirka Istaraatiijiga ah (SCEU) ee Madaxtooyada Qaranka waxaana bixinayay khubaro ka socda Dowladda Ingiriiska.

Wasiir Fiqi, ayaa sheegay in tababarkan uu qexyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo isku-duwidda farriimaha amniga iyo kuwa kale ee loo gudbinayo shacabka, isagoo xusay in dagaalka lagula jiro khawaarijta uu yahay mid milatari iyo mid warbaahineedba ah, loona baahan yahay in hay’adaha dowladda ay si wadajir ah u gudbiyaan farriima mideysan oo ka tarjumaya xaqiiqda.

Furitaanka tababarka waxaa sidoo kale goob joog ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, iyo Mr. Sam Thomas, Safiir Ku-xigeenka Dowladda Ingiriiska oo labaduba bogaadiyay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameyneyso dhisidda awoodaha warbaahineed ee dowladnimada iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Natiijada laga filayo Tababarkan ayaa ah inuu horseedu doono nidaam warbaahineed oo mideysan, hufan, isla markaana waafaqsan xeerarka amniga qaranka iyo xeerarka warbaahinta.

      

Soomaaliya iyo Jabuuti oo maalintii Afaraad ka shiraya arrimaha Awqaafta iyo Diiwaanka Sakada

Djibouti-(Wargeyska Dalka)-Waxaa maalintii 4aad Magaalada Jabuuti ka socda shir Aqoon isweydaarsi ah oo ay yeelanayeen Wasaaardda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka XFS iyo Wasaaradda Diinta, Dhaqanka iyo Awaafta ee jamhuuriyadda Jabuuti.

Kulankan labada Wasaaradood ayaa ku saleysan xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo khibrad isweydaarsi ku aaddan dhinacyada Awqaafta iyo Diiwanka Sakada, kaas oo qeyb ka ah qorshaha isbeddelka Qaran ee Soomaaliya ee la doonayo in Wasaaardda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ay hirgeliso.

Guddoomiyaha Hay’adda Daryeelka Bulshada oo Dubai kaga qeybgalaya shirka luuqadda carabiga

Dubai-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Daryeelka Bulshada Mareykanka ee Alfurqaan Ustaad, Maxamuud Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya shirka Caalamiga luuqadda Carabiga ee ka dhacaya Magaalada Dubai ee Dalka isku tagga imaaraadka Carabta

Shirka oo sanadle ah ayaa sanad waliba lagu qabtaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, taas oo soo jiidata cilmi-baarayaal, aqoonyahanno iyo khubaro ku takhasusay waxyaabo badan, kuwaas oo ka kala socda adduunka oo dhan, si ay uga hadlaan horumarradii ugu dambeeyay ee dhinaca luqadda Carabiga.

Shirweynihii 10-aad ee luqadda Carabiga ayaa la qabtay Oktoobar 2024, iyada oo uu garwadeen ka yahay Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Madaxweyne ku xigeenka iyo Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka iyo Xaakimka Dubai.

Guddoomiye Maxamuud Sheekh Aadan ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shirka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gaaray dalka Ciraaq

Baghdad-(Wargeyska Dalka)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo wafdi uu hogaamanayo oo safar shaqo ugu baxay Dalka Ciraaq ayaa waxaa soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Federaalka Dalka Ciraaq Sarreeye Guud Sacad Khalaf badr, Safiirka Dalka Ciraaq u fadhiya Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed , Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq Sarreeye Gaas Calaa Caashuur Mataani iyo masuuliyiin kale .

Safarka Taliyaha ayaa salka ku haya casumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalka Ciraaq, si kor loogu qaado xiriirka walaalnimo ee labada dal.

Madaxdan ayaa ka wada hadli doona sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada Amniga ,Tababarada Ciidamada, is-dhaafsiga Khibradaha iyo la dagaallanka Argagixisada.

Guddoomiyaha SODMA oo ka hadlay qorshaha yaraynta khataraha musiibooyinka iyo dhisidda bulsho leh adkaysi

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Cabdulle ayaa ka hadlay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la laba-jibbaaro dadaallada ku aaddan yaraynta khataraha musiibooyinka iyo dhisidda bulsho leh adkaysi, si ay u noqoto dhaqan qaran iyo mid bulsho, halkii ay ka ahaan lahayd fulin mashruuc cayiman.

Guddoomiyaha SODMA oo khudbad ka jeediyay daah-furka Shirweynaha 2-aad ee Cilmi-baarista khataraha Masiibooyinka Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay guulihii laga gaaray shirkii sanadkii hore ee Cilmi-baarista ee dhacay 6 ilaa 7 bishii Novemebr 2024, kaas oo gundhig u nqoday dhiiragalinta calmi baaris iyo dood cilmiyeed ku dhisan caddaymo lagu maareeyo khataraha masiibooyinka dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shirkani uu ina barayo sida awoodda qarankeennu aysan ugu koobnayn hay’adaha dowladda oo keliya, balse ay ku jirto bulshada noocyadeeda kala duwan, kuwaasoo markasta safka hore ugua jira u diyaar garawga, ka jawaab celinta khataraha musiibooyinka, ka soo kabashada iyo xaqiijinta bulsho leh adkaysi waara.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo labo cisho ah.

Sanadkan, shirweynuhu wuxuu diiradda saarayaa mowduuca: “Doorka Bulshada ee la Tacaalida Masiibooyinka iyo Isbeddelka Cimilada.” waxaa si wadajir ah u martigelinaya Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho, iyadoo taageero xooggan laga helayo Hay’adda Plan International.

Shirka waxaa ka qeyb galaya wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha SoDMA, hogaanka Jaamacadda Muqdisho iyo boqolaal marti sharaf ah.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada

Riyadh-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Riyaad Wasiirka Gaadiidka iyo Adeegga Saadka Guud ee Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Saleh bin Nasser Al-Jasser.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada, iyadoo labada wasiir ay si gaar ah uga wada hadleen furitaanka duulimaadyo toos ah oo joogto ah oo u kala goosha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid muhiim ah oo lagu dhisayo xiriir wada-shaqeyn ah oo faa’iido u leh labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Sacuudiga.

Wasiirrada ayaa isla gartay in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya fulinta heshiisyada iyo qorshayaasha lagu xoojinayo xiriirka dhinacyada duulista iyo gaadiidka guud.

Safarkan shaqo ee wasiirka iyo wafdigiisa ayaa qayb ka ah dadaallada ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku doonayso in ay ku xoojiso isku socodka, ganacsiga iyo is-dhaafsiga adeegyada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka saaxiibka ah ee gobolka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay shirweynaha Baarlamaanka Adduunka

Geneva-Switzerland-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow iyo wafdi Xildhibaanno labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ah ayaa magaaladda Geneva ee dalka Switzerland ugu qaybgalay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka.

Guddoomiye Abshirow oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay xaaladda guud ee waddanka, gaar ahaan howlaha uu qabtay Baarlamaanka Soomaaliya, sida meel marinta shuruucda la xiriira arrimaha bulshada, kuwa taageeraya arrimaha bani’aadannimada, barakacyaasha iyo qaxootiga, maadaama Soomaaliya qaabbishay islamarkaana ay ku noolyihiin qaxooti ka kala yimid waddamo ay ka mid yihiin Yemen iyo Suuriya oo dalalkooda qalalaaso ka jira awgeed uga soo cararay.

Sidoo kale, wafdiga Soomaaliya ku metelaya Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka oo uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa u codeeyay laba mooshin ama soo jeedin oo kala ah Sharciga Dambiyadda Abaabulan ee isaga Gudba Waddamadda iyo sidoo kale waddanka Madagascar oo keenay soo jeedin lagu taageerayo in xal waara loo helo dhibaatooyinka ka jira waddankaas.

Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Aduunka oo ay barbar socdaan shirar doceedyo ay yeelanayaan wafuudda kala duwan ee shirka ka qeyb galeysa ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah lasoo gaba gabeeyo, waxaana Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka inta uu halkaasi ku sugan yahay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda dhiggiisa ah ee shirka ka qeyb galeysa iyo hay’addo caalami ah oo ku sugan xarunta Baarlamaanka Adduunka ee Geneva.

Taliyaha ciidanka Dhulka oo shir caalami ah uga qaybgalay Rwanda

Kigali: Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), ayaa ka qeybgalay madasha caalamiga ah ee taliyeyaasha ciidamada dhulka – Land Forces Commanders Symposium 2025, oo lagu qabtay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Madashan oo ay kasoo qaybgaleen taliyeyaasha ciidamada dhulka ee dalal badan oo Afrika iyo caalamka ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa aragtiyada hoggaanka, loo xoojin lahaa iskaashiga amniga, iyo kor u qaadista nabadda waarta ee gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Jeneraal Khaalid oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa sheegay in amniga iyo nabaddu ay ku dhismaan hoggaan mideysan, istaraatiijiyado casri ah, iyo iskaashi milatari oo xooggan, isagoo xusay in ay ka go’an tahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay ka mid noqdaan kuwa hoggaaminaya jihadaas cusub.

   

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray qaar ka mid ah hay’adaha dowladda

R’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo ku guda jira kormeer lagu hubinayo shaqada xukuumadda, ayaa maanta kormeeray Wasaaradaha Shaqada, Xanaanada Xoolaha, Batroolka, iyo Gudiga Shaqaalaha Rayidka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa Wasiirada Wasaaradaha iyo Guddoomiyaha Gudigga Shaqaalaha Rayidka ka dhageystay habsami socodka shaqada, xaadirinta shaqaalaha, fursadaha, iyo caqabadaha jira.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in mar kasta loo baahan yahay in la kor joogteeyo shaqada dowladda. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa soo bandhigtay fursadaha shaqo-abuurka ee hadda socda, iyadoo xooga saaraya in dhalinyarada Soomaaliyeed helaan fursado wanaagsan.

Kormeerkaan ayaa ah mid lagu kor joogteynayo shaqada hey’adaha dowladda ee u hayaan shacabka Soomaaliyeed, si loo ilaaliyo isla xisaabtanka xukuumadda iyo adkeenta shaqada dowladda.