Taliyaha ciidanka Dhulka oo shir caalami ah uga qaybgalay Rwanda

Kigali: Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), ayaa ka qeybgalay madasha caalamiga ah ee taliyeyaasha ciidamada dhulka – Land Forces Commanders Symposium 2025, oo lagu qabtay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Madashan oo ay kasoo qaybgaleen taliyeyaasha ciidamada dhulka ee dalal badan oo Afrika iyo caalamka ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa aragtiyada hoggaanka, loo xoojin lahaa iskaashiga amniga, iyo kor u qaadista nabadda waarta ee gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Jeneraal Khaalid oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa sheegay in amniga iyo nabaddu ay ku dhismaan hoggaan mideysan, istaraatiijiyado casri ah, iyo iskaashi milatari oo xooggan, isagoo xusay in ay ka go’an tahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay ka mid noqdaan kuwa hoggaaminaya jihadaas cusub.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray qaar ka mid ah hay’adaha dowladda

R’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo ku guda jira kormeer lagu hubinayo shaqada xukuumadda, ayaa maanta kormeeray Wasaaradaha Shaqada, Xanaanada Xoolaha, Batroolka, iyo Gudiga Shaqaalaha Rayidka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa Wasiirada Wasaaradaha iyo Guddoomiyaha Gudigga Shaqaalaha Rayidka ka dhageystay habsami socodka shaqada, xaadirinta shaqaalaha, fursadaha, iyo caqabadaha jira.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in mar kasta loo baahan yahay in la kor joogteeyo shaqada dowladda. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa soo bandhigtay fursadaha shaqo-abuurka ee hadda socda, iyadoo xooga saaraya in dhalinyarada Soomaaliyeed helaan fursado wanaagsan.

Kormeerkaan ayaa ah mid lagu kor joogteynayo shaqada hey’adaha dowladda ee u hayaan shacabka Soomaaliyeed, si loo ilaaliyo isla xisaabtanka xukuumadda iyo adkeenta shaqada dowladda.

Tababar sare oo bahda Cadaaladda uga furmay Nairobi

Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo hoggaan wax-ku-ool ah oo horseeda dib-u-habeynta nidaamka cadaaladda dalka.

Tababarkan heerkiisu aad u sarreeyo ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Safiirka JFS ee Kenya, Wasiirrada Caddaaladda dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, Agaasimayaal Guud iyo saraakiil sare oo matalaya hay’adaha muhiimka ah ee cadaaladda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Tababarkan ayaa ah tallaabo istiraatiiji ah oo lagu dhisayo awood hoggaamineed oo mideysan, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga iyo hannaanka waxqabad ee bahda cadaaladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka koobaad oo kormeeray Xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Koowaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid Xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, isagoo si dhow u eegay hawlaha maalinlaha ah ee waaxyaha kala duwan ee Guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowlada Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa Ra’iisul Wasaaraha Kuxigeenka ku soo dhaweeyey Xarunta Guddiga. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka 1aad ayaa warbixin ka dhegaystay Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda iyo Xubnaha hoggaanka sare ee Guddiga, kuwaas oo uga warbixiyey hawlaha socda, qorshayaasha horumarineed, iyo dadaallada lagu tayeynayo maamulka shaqaalaha rayidka ee Dowladda Federaalka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda uu yahay laf-dhabarta nidaamka maamul ee dawladda, maadaama uu isku xiro hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu kaalin muuqata ka qaato kobcinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku ammaanay hoggaanka iyo shaqaalaha Guddiga dadaalka ay ku bixiyeen dib-u-habeynta maamulka iyo horumarinta nidaamka shaqaalaha rayidka, isagoo ku boorriyey inay sii xoojiyaan shaqadooda lagu tayeynayo adeegyada dadweynaha.

Ugu dambayn, ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballanqaaday in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, si loo xaqiijiyo adeeg dowladeed oo hufan, caddaalad ku dhisan, loona dhiso shaqaale rayid ah oo xirfad iyo karti leh.

Ciidanka NISA oo howlgal guuleystay ka fuliyay Hiiraan

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay NISA Howlgalka ayaa lagu beegsaday goobo ay gabbaad ka dhiganayeen malleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo lagu dilay toddobo dhagarqabe, waxaana lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo teendhooyin ay cadowgu ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan ayaa kan koowaad lagu beegsaday teendho ay malleeshiyaad ku jireen, taas oo sababtay dhimashada seddax xubnood oo Khawaarij ah, kan labaad oo daqiiqado ka dambeeyay ayaa lagu dilay afar dhagarqabe , halka beegsiga seddaxaad lagu gubay gaadiid dagaal oo ay Khawaarijtu halkaas ku diyaariyeen si ay ugu qaadaan Malleeshiyaadka ay abaabulayeen.

Ciidanka NISA ayaa qaaday hawlgalkan kadib markii la sugay xog sirdoon oo muujinaysa dhaqdhaqaaqyo ay Khawaarijtu ka sameynayeen deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas, xogta oo loo beddelay howlgal ayaa suurtagalisay in halkaas lagu soo afjaro Khawaarijtii abaabulka wadday.

Howlgalkan ayaa kusoo dhammaaday guul, waxaana Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka NISA ka go’an in meel kasta lagu beegsado cadowga Khawaarijta ah ee ku howlan dhagarta iyo dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Kinshasa Kongo DRC-(Wargeyska Dalka)-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka DRC Congo ka guddoomey Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas, Marwo Thérése Kayikwamba Wagner.

Danjire Ilyas iyo Wasiiradda ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada nabadda gobolka, fursadaha ganacsiga, fududeynta socdaalka iyo in xabsiyada dalkaas laga sii daayo muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran.

Ugu danbeyn, waxaa kulanka labada dhinac lagu dhiirigeliyay kor u qaadidda maalgashiga, dhinacyada kala duwan ee ganacsiga iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa howlaha fududeynta dal ku galka iyo sharciyada deganaanshaha ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed.

Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka

Faallo; Burburkii dawladdii dhexe ka dib, Soomaaliya waxay soo martay marxalado adag, laakiin waxaa jira guulo la taaban karo oo dhanka dawlad-dhiska ah oo la gaaray tan iyo billowgii qarniga 21-aad.

Guulahan ayaa ku yimid dadaal iskaashi oo ay sameeyeen shacabka Soomaaliyeed, dawladda federaalka iyo beesha caalamka.

Guulaha dawlad-dhiska

Dhismaha hay’adaha dawliga ah: Waxaa la aasaasay hay’ado dawladeed oo ay ka mid yihiin baarlamaan, xukuumad iyo hay’ado garsoor, kuwaas oo dhowaan la casriyeeyay, sida dhismaha nidaamka kiisaska elektarooniga ah ee garsoorka Soomaaliya.

Nidaamka federaalka: Tan iyo 2004-tii, waxaa la qaatay nidaamka federaalka, kaas oo si rasmi ah loo ansixiyay 2012-kii, waxaana la dhisay dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dawladda federaalka (FMS).

Doorashooyin isdaba-joog ah: In kasta oo ay wali yihiin kuwo dadban, haddana waxaa Soomaaliya ka dhacay dhowr doorasho oo madaxweynenimo iyo baarlamaan, taas oo u sahashay in awoodda si nabad ah loo kala wareego.

Maaliyadda dawladda: Waxaa la gaaray horumar la taaban karo oo ku aaddan hab-maamulka dhaqaalaha iyo hufnaanta maaliyadda. Bishii Maarso 2020-kii, Soomaaliya waxay gaartay go’aankii cafinta deynta (HIPC), taas oo u suurtagelisay helitaanka maalgelin joogto ah.

Dagaalka Al-Shabaab: Dawladda federaalka, iyada oo kaashanaysa AMISOM/ATMIS iyo maleeshiyooyin beeleed, waxay xoreeyeen magaalooyin muhiim ah oo ay Al-Shabaab horay u haysteen.

Xiriirka gobolka: Bishii Maarso 2024, Soomaaliya waxay xubin ka noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo fureysa fursado ganacsi oo gobolka ah.

Caqabadaha taagan

Amniga: In kasta oo horumar la gaaray, Al-Shabaab ayaa weli isku haysata khatar weyn, gaar ahaan weerarrada ka dhanka ah dawladda balse Dawlada ayaa uga hortagta halka ay joogaan taas keenatay guulo Amni

Furitaanka Dastuurka qabyada ah:

Waxaa jira dib u dhac ku yimid dhamaystirka dastuurka, oo ay Dawladani samaysay isku dayo lagu dhamaystirayo Dastuurka Dalka.

Maamulka daadajinta: Maamulka dawlad goboleedyada qaarkood, waxana Soo koradhay maamul Goboleedka Wuqooyi Bari Somaaliya kaas oo ay hirgalisau Xukuumadda hada talada haysa.

Xoojinta hay’adaha: Si loo sii wado horumarka, waxaa muhiim ah in la xoojiyo hay’adaha dawliga ah, si gaar ah kuwa garsoorka iyo amniga.

Waxaana guul kala ah in Xukuumadda hadda jirta inay qorshaynayso inay Doorasho toosa awoodana loo celimayo.Shacabka Somaliyeed.

La-dagaallanka Al-Shabaab: Dawladdu waxay sii waddaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo isku dayaysa in ay xakamayso meelaha ay ku xooggan yihiin lana saarao Xunaqabatayn dhaqaale.

Wada-shaqaynta gobolka: Xubinnimada EAC waxay bixisaa fursado cusub oo lagu hormariyo ganacsiga iyo iskaashiga gobolka.

In kasta oo ay jiraan caqabado, dadaalka lagu dhisayo dowladnimada Soomaaliya ayaa sii socda, waxaana la rajeynayaa in horumar badan la gaaro sanadaha soo socda.

Waxa qoray Mohamed abdi osman Faradheere

Soomaaliya iyo FAO oo ka wada hadlay sidii laysaga kaashan lahaa mashaariicda mustaqbalka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane, Maxamed Shire ayaa la kulmay Wakiilka FAO ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo sidii barnaamijyadda iyo mashaariicda mustaqbalka ee FAO loo waafajin lahaa Qorshaha Isbedelka Qaranka.

Sidoo kale, labada dhinac waxay si gaar ah uga wada hadleen Barnaamijka Adkaysiga Wadajirka (Joint Resilience Programme – JRP) iyo Qorshaha Soomaaliya ee u-Diyaargarowga Sugnaanta Cuntada (Somali Food Security Preparedness Plan – SFSPP), kuwaas oo xoogga saaraya adkaysiga bulshooyinka, amniga iyo sugnaanta cuntada.

Ugu dambayn, waxaa lagu heshiiyay in la sameeyo dib-u-eegis istiraatiijiyadeed oo joogto ah oo lagula soconayo horumarka.

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa bogaadiyay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).

Wasiirka oo ka hadlayay kulankii ay Golaha Shacabku ku ansixiyeen heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato iskaashiga dhaqaale ee waddamada Afrika.

Wasiir Maxamuud Abukaate ayaa sheegay in heshiiskan uu si weyn uga faa’iideyn doono ganacsatada Soomaaliyeed, korna u qaadi doono fursadaha shaqo, maalgashi iyo kobaca waxsoosaarka gudaha.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ay tahay fursad ay Soomaaliya ku xoojin karto xiriirka ay la leedahay suuqyada Afrika, taas oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ugu dambayn, Wasiir Abukaate wuxuu uga mahadceliyey dhammaan hay’adaha dowladda, gaar ahaan Golaha Shacabka sida ay uga go’an tahay hirgelinta siyaasadaha kor u qaadaya dhaqaalaha dalka iyo midnimada Qaaradda Afrika.