Wafdi ka socda Baarlamaanka dalka oo Geneva uga qaybagalaya Shirka Baarlamaanada Adduunka

Geneva: Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb galay furitaanka kalfadhiga 151-aad ee Shirweynaha Baarlamaanka Aduunka (IPU).

Shirka sanadkan waxa uu diiradda saaraya ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo taageeridda howlaha bani’aadantinimo xilliyada dhibaatooyinka ka jira caalamka. Inta uu shirka socdo, ka qeybgalayaasha ayaa ka doodi doona arrimahan, sidoo kalena is-weydaarsan doona aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sida wax looga qaban karo.

Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya, guulaha dowladda ay ka gaartay la dagaalanka argagixisada iyo amniga, iyo sidoo kale arrimaha ku saabsan halkudhigga shirka ee sanadkan.

    

Wasiir Fiqi oo soo xiray tababar ku saabsan diyaarinta Miisaaniyadda Wasaaradda Gaashaandhigga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta soo xiray tababar ku saabsanaa hannaanka Diyaarinta Miisaaniyadda, oo muddo laba maalmood ah ka socday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Tababarkan oo ay ka qayb galeen agaasimayaasha guud iyo howlwadeennada Wasaaradda, ayna bixinayeen khubaro ka socday mashruuca SJGAP ee uu taageero Midowga Yurub, ayaa lagu baranayay habraacyada la xiriira fulinta iyo warbixinta miisaaniyadda, xaddidaadda kharashaadka, isla-xisaabtanka, iyo qorshaynta ku saleysan waxqabadka, iyadoo la xoojinayay fahamka iyo adeegsiga nidaamyadaas.

Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo barnaamijyada tababarrada iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha, si loo hubiyo in qorshaynta iyo diyaarinta miisaaniyadda Wasaaradda ay si buuxda ula jaanqaado howlaha mudnaanta u leh qaranka iyo dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha difaaca dalka.

      

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray Wasaaradda Hawlaha Guud

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Saalax Jaamac waxaa halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Maxamed Xuseen Gaaraxo, Agaasimaha Guud mudane Faarax Cabdinuur Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hoggaanka waaxyaha iyo madaxda mashaariicda Wasaaradda.

Intii uu kormeerka socday, Mudane Saalax Jaamac ayaa si gaar ah u kuur galay mashaariicda horumarineed ee ay Wasaaraddu fulinayso, kuwaas oo ay ka mid yihiin Mashruuca Nagaad, oo diiradda saaraya dhismaha waddooyinka iyo biyo-xireennada dalka, kuwaas oo si hufan uga socda gobollada kala duwan ee Soomaaliya.

Intaa kadib, waxaa lagu soo bandhigay warbixinno iyo muuqaallo muujinaya waxqabadka wasaaradda ee qeybta ay kaga jirto Barnaamijka Dan-Qaran, kaas oo muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS kormeerkiisa, isagoo xusay in wasaaraddu ay ka go’an tahay hufnaan, daahfurnaan, iyo fulinta ballanqaadyada Xukuumadda Dan-Qaran, si loo sii xoojiyo dadaallada dib u dhiska iyo guriyeynta shacabka Soomaaliyeed.

    

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, ka dhageystay Guddoomiyaha, Isaga oo kula dardaarmay in Madaxda la doortay ee Maamulku ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho, xasilloonida iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka, waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha XFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

   

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray wasaaradda Warfaafinta

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, isagoo booqday qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa u kuurgalay shaqada maalinlaha ah ee ka socota waaxyaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Maamulka oo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala uu ku soo dhaweeyey.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeerka kadib sheegay in Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay tahay bu’da isku xirka howlaha dowladda iyo dadweynaha.

Ugu dambeyntii, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa madaxda wasaaradda iyo howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan la dagaallanka Khawaarijta iyo wacyigelinta dadweynaha.

          

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Muqdisho(Wargeyska Dalka);- Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa lixaad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 146 Xildhibaan waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Heshiiska Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo ay Golaha u soo gudbiyeen Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka.

Intaasi ka dib Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cod u qaaday heshiiskan ayaa waxaa ogolaatay 145 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.

Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag bixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Sharciga Ladagaalanka Burcadbadeedka iyo ka Hortaga Afduubka ee Sharci LR.36 ee soo baxay 30-kii Bishii April, sanadkii 1975-tii.

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Muqdisho(Wargeyska Dalka);- Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa lixaad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 146 Xildhibaan waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Heshiiska Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo ay Golaha u soo gudbiyeen Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka.

Intaasi ka dib Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cod u qaaday heshiiskan ayaa waxaa ogolaatay 145 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhawaaqay.

Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag bixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Sharciga Ladagaalanka Burcadbadeedka iyo ka Hortaga Afduubka ee Sharci LR.36 ee soo baxay 30-kii Bishii April, sanadkii 1975-tii.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Aswa(Wargeyska Dalka);-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Dr. Annette Weber, waxaana kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, taageerada amniga, iyo horumarka laga gaaray dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu kulanku socday waxa uu soo bandhigay guulaha ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran, muddadii saddexda sano ahayd ee la soo dhaafay, kuwaas oo ay kamid yihiin sugidda amniga caasimadda, la-dagaallanka Khawaarijta, dib-u-dhiska ciidanka Qaranka, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo tayeynta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay dadaallada Xukuumadda ee ku aaddan xilliga kala-guurka AUSSOM iyo taageerada caalamiga ah ee loo baahan yahay.

Dhankeeda, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Dr. Annette Weber, ayaa bogaadisay guulo wax ku-ool ah ee ay xaqiijisay xukuumaddu, muddadii la soo dhaafay, iyada oo xustay in Midowga Yurub uu sii xoojin doono taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda.

Waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda Muqdisho isku diiwaangalisay in ay codeeyaan inka badan 50 Sano ka dib. Waa natiijada dedaal dheer oo jid adag loosoo maray, kaas oo talada loogu celinayo gacmaha Dadwaynaha oo ay ugu danbaysay in ay Codkooda ku go’aamiyaan Madaxdooda 1969-kii.

In milyan Dagan Muqdisho isku diiwaangaliyaan in ay codkooda ku doortaan Madaxdooda kuma imaan si sahal ah, waxeey leedahay micno ka duwan waxkasta oo kale oo ka dhacay Dalka.

Inta aanan eegin farriimaha ay dirayso guushaani, waxaan tilmaan yar ka bixinayaa tusaalooyinka mudan wax ku miisaamista ee lasoo maray si loosoo gaaro natiijada lasoo bandhigay.

Shan talaabo oo ay qaadday Dawladdu si shaqadaani u qabsoonto aan tilmaamo.

1- heshiiska Siyaasadeed ee Doorasho toos ah.

Isaga oo xafiiska jooga wax ka yar Bil ayuu bilaabay Madaxwayne Dr Xasan Shiikh Maxamuud in uu Dawlad-goboleedyada kala heshiiyo nidaamka Doorasho ee uu farayo Dastuurku kuna caddaa balanqaadkiisii Siyaasadeed ee Doorashada si la mid ah Musharaxiintii kale ee 2022. Toban Shir oo uu u qabtay Golaha wadatashiga Qaran wuxuu wadada u xaaray in si siman ay is diiwaangalintu uga bilaabato inta badan Dalka, waa talaabada koowaad ee mudan in taariikhdu meel dhigto,

2- dhamaystirka Sharciyada ay u baahanayd Doorashada Toosan.

Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo hirgalinaysa Siyaasadda Madaxwaynaha, ayaa diyaarisay ka dibna marisay dhamaan jaranjarooyinka Sharci ee ay ku ansaxayaan Sharciyadu, dabcan iyada oo ka faaiidaysanaysa heshiiska Siyaasiga ah, taas ayaa sabab u noqotay in la galo Doorasho toosan oo leh sal Sharci oo dhamaystiran kuna qotonta Dastuurka,

3- dhismaha Hay’adaha fulinaya Doorashada.

Markii la xaqiijiyay labada qodob ee sare, markale waxaa loo guntaday sidii loo dhisilahaa Hay’adihii hirgalinlahaa Doorashada toosan ee Sharcigu jideeyay si waafaqsan Sharciga iyo Heshiisyada Siyaasadda, juhdi iyo dedaal adag ka dib markale xukuumaddu waxa ay salka u dhigtay Guddiyo haysta awood sharci oo dhamaystiran waana kuwa ugu danbayn galabta soo bandhigay natiijada diiwaangalintii ugu horaysay ee ay fuliyeen.

4- sugista Amniga.

Shaqooyinka aan sare ku xusay, waxaa dhinac socday Dagaal adag oo Dawladdu u gashay in la wiiqo awoodaha cargaladaynkara Amniga Doorashooyinka kuwaas oo ay ugu wayntahay Khawaarijta, ku xigo hubka Sharci darrada ah, lagu daray Tuugada iyo Dambiilyaasha abaabulan, juhdigaas ayaa keenay in Milyan Qof ay si nabadgalyo ah safaf ugu galaan dhamaan degmooyinka Caasimadda muddo ku dhaw Shan Bil oo Allaah fadligiisa aanu dhicin xitaa hal shil oo Amni darro ah.

5- Diyaarinta baahiyaha Agab ee Doorashada.

Si loo fuliyo shaqada Doorashada oo ay diiwaangalintu ugu horrayso, waxaa qasab ah in la helo lana daboolo dhamaan baahida Qalab, Xafiis, Shaqaale, Gaadiid iyo adeegyada kale ee la midka ah taas oo u baahnayd Dhaqaale aad u badan, nasiib wanaag, Dawladdu iyada oo isku tashanaysa waxa ay guddiga Doorashooyinka u fududaysay kana dabooshay dhamaan baahiyihii ay qabeen ee dhanka tasiilaadka taas oo keentay in ay si guul leh u gaaraan natiijada Galabta ay soo bandhigeen.

Isku gaynta hawlaha qabsoomay ee aan ku xusay Qormadaan, waxeey run u badaleen Riyo soo taagnayd tan iyo Dawladdii Carta lagusoo dhisay oo waajibka dhammaan Dawladihii kala danbeeyay ay ahayd in ay halkaan Dalka soo gaarsiiyaan balse nasiibka iyo dedaalku ku caawiyay Madaxda Qaranka ee Maanta in ay wadada ku ridaan xaajada.

Qiimaha ay tani ku fadhiso waa mid ka sal balaaran dan Qof iyo Koox, waa tallaabo inoo dhawaynaysa Dawlad sharciyad ka haysata Dadkeeda, waa xaalad ka jawaabaysa himilada Ubadkeenna, sidaas awgeed, waxaan soo jeedinayaa sadex fariin.

1- Masuuliyiinta diidan.

Tani hubaal haddii aanay Maanta idinka farxin barri ayay idinka farxindoontaa, waad ogtihiin in ay tahay jid lagu qasbanyahay, nin unbaana marinlahaa jidkaan adag, haddii Madaxda Maanta joogta ay hiigsigaas albaabkiisa riixeen, dhinacyada la qabta adinka oo filanaya in aad noqonkartaan kuwa miraha gurta.

2- SHacabka.

Muwaadin, tani waa xaqiiqo dhab ah oo dawaynaysa xanuunka Qaran-jabka ee dhammaanteen aan la taahaynay mudada dheer, adiga oo aan ku eegin, aragti Qof, Koox, Qabiil iyo deegaan gaar ah, u arag Mustaqbalkaaga iyo kan Ubadkaaga oo gacantaada soo galaya, sidaas awgeed wixii aad ku darto ha ahaadaan mid horay u wadaysa oo aan dib inoo celinaynin.

Gunaanad, shaki malaha in aynaan Maanta filanaynin wixii ugu wanaagsanaa, shaki malaha in cillado jirikaraan, shaki malaha in aanay naga wada farxindoonin, balse mid kale oo aan shaki lahayn ayaa ah in aanu jirin Khiyaar kale oo ka wanaagsan oo aan ku badalano, waxaan kale oo shaki lahayn in ay tani inoo jiidayso jihada guusha insha allaah.

W/Q: Wasiir kuxigeen Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala)

Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga XFS oo tababar Muhiim ah daah-furay

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Idiris Cusmaan Xaaji, ayaa maanta daahfuray tababar ku saabsan Hannaanka Diyaarinta Miisaaniyadda (Budget Formulation Process) oo loo qabtay howlwadeenada Wasaaradda Gaashaandhigga.

Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Shaqaalaha iyo Taakuleynta, Dr. Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Tababarkan ayaa diiradda saaraya xoojinta aqoonta iyo hufnaanta diyaarinta miisaaniyadda difaaca, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan, daahfurnaan iyo qorsheyn waafaqsan istiraatiijiyadda difaaca qaranka.

Wasiir-ku-xigeenka ayaa ku dhiirrigeliyay howlwadeenada ka qaybgalaya tababarka inay si buuxda uga faa’iidaystaan aqoonta iyo khibradda la gudbinayo, isagoo xusay in kor u qaadista xirfadda shaqaalaha ay tahay furaha tayeynta iyo casriyeynta hay’adaha difaaca dalka.