Muxuu ku saabsan yahay heshiiska Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS iyo EUCAP?

Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa goobjog ka noqday heshiis ay si rasmi ah u wada saxiixeen Agaasimaha guud ee Wasaarada Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee DFS Mudane Axmed Yuusuf Cabdulle iyo Madaxa EUCAP ee Soomaaliya.

Munaasabadaan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Maareeyaha Dekedda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nur (Ameriko) iyo Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya Mrs. Francesca Di Mauro.

Heshiiskan oo ah mid iskaashi ah oo la xariira sidii Midowga Yurub ay u taageeri lahaa qalabeynta xarunta Samatabixinta Dhibanaayasha Badda ee MRCC, kaas oo qeyb ka ah mashaariicda lagu xoojinayo horumarinta Dekedda magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in DFS ay ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa Tayada iyo Wax soo saarka Dekaddaha dalka.
    

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Golaha Shacabka oo la kulmay Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada XFS

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, waxaana kulanka shir Guddoominaysay Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo ay wehliyaan xoghayaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif iyo Xubnaha kale ee guddiga.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa la xisaabtan iyo kor joogteyn, waxaana wasiirka oo ay wehliyeen mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda iyo Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed uu xubnaha guddiga uga warbixiyey qorshe howleedka iyo qaab dhismeedka guud ee wasaaradda iyo waxyaabaha u qabsoomay

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa su’aalo ay ka mid yihiin qorshaha wasaaradda uga degsan horumarinta dhallinyarada iyo cayaaraha iyo tirada garoomada kubada ee gacanta wasaaradda ku jira weydiiyey wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay oo dhankooda uu ka jawaabayay su’alaha ay xubnaha guddiga weydiinayeen.

Guddoomiyaha Guddiga Horrumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo kulanka soo xirtay ayaa u mahadcelisay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha iyo sidoo kale mas’uuliyiintii kale ee la socotay, waxayna sheegtay in kulankan uu qeyb ka yahay kulamada la xisaabtanka ee hay’adaha iyo wasaaradaha uu guddiga kor joogteynta ku leeyahay, iyadoo sidoo kale sheegtay in wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ay kala shaqeyn doonaan shuruucda muhiimka u ah horumarrinta dhallinyaradda Soomaaliyeed.
           

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Horumarka Afrika

Muqdisho(Wargeyska Dalka)-:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka 5-aad ee Nabadda iyo Horumarka Afrika oo lagu qabtay magaalada Aswan ee dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kaas oo cinwaankiisu yahay “Awoodda Afrika ee Horumarka iyo Isbeddelka Adduunka Casriga ah” ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddada horumar waara, iyada oo ka gudubtay dhibaatooyinkii amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee dowladdu gaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Dib-u-dhiska dowladnimada iyo hay’adaha Qaranka,
Deyn cafinta, kor u qaadista xiriirka Soomaaliya la leedahay waddamada gobolka iyo caalamka,
Qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd dalka muddada dheer, iyo
Amni oo hormar ballaaran laga gaaray gaar ahaana dhankan la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale soo bandhigay Hannaanka Qaran ee Isbeddelka 2025–2030, oo ah qorshe diiradda saaraya lix tiir oo waaweyn:
Sida Dib-u-dhiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, Kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka,
Horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka Amniga cuntada iyo horumarinta beeraha,Ilaalinta deegaanka iyo horumarinta tamarta nadiifta ah,
Daahfurnaanta maamulka iyo hufnaan dowladeed oo dhab ah.

“Soomaaliya maanta waa dal kasoo baxay colaado iyo burbur, kuna socdo dhabbihii horumar iyo barwaaqo waarta, iyadoo aan cidna laga reebaynin dadaallada qaran ee lagu dhisayo mustaqbal mideysan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar doorkeeda joogtada ah ee ay ku taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dib-u-dhiska iyo iskaashiga, isagoo xusay in xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sii xoogeysanaya.

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hey’adaha Cadaaladda

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska Soomaaliya qeybta la shaqeysa Booliska Caalamiga ah ayaa dalka Rwanda kasoo qabtay eedeysane Jaamac Cabdi Maxamuud oo baxsad ka ahaa hey’adaha Cadaaladda, kaas oo ku eedeysan Kufsi, Duubis muuqaalo anshax xumo ah, iyo tacaddi loo geystay gabdho Soomaaliyeed

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho(wargeyska Dalka);-Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana shir guddoomiyey Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Taliyaha Booliska, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo saraakiisha kale ee labada hay’adood.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay istaraatiijiyadda isku-dhafan ee maareynta xuduudaha dalka, iyadoo diiradda la saarayo wadashaqaynta hay’adaha amniga ee xuduudaha, aragtida guud ee samaynta istaraatiijiyadda maareynta iyo kontoroolka xuduudaha ee isku-dhafan, doorka Ciidanka Booliska ee sugidda amniga xuduudaha, la-dagaallanka tahriibka iyo dambiyada abaabulan iyo diyaarinta qabyo-qoraalka siyaasadda qaran ee soo guryo-noqoshada.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu dhisay Guddi isku-dhafan oo diyaarinaya Istaraatiijiyadda Qaran ee sugidda amniga xuduudaha dalka iyo dib u eegista siyaasadaha qaran ee la xiriira ka hortagga tahriibka iyo dambiyada socdaalka, taas oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta iyo isku-xirka hay’adaha amniga ee heer qaran.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa gaaray Dalka Jabuuti, kadib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Diinta, Dhaqanka iyo Awqaafta ee dalka Jabuuti, Mudane Muumin Xasan Barre.

Safarka wafdiga Soomaaliya ayaa lagu xoojinayaa wada shaqeynta labada wasaaradood ee Awqaafta Soomaaliya iyo Jabuuti.

 

 

Taliska Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed, kaas oo lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey.

Eedeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo, sida uu sheegay Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaanshigga XFS oo tegay Awdheegle

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, si ay u qiimeeyaan xaaladda amni iyo tan bini’aadantinimo ee degmadaas oo dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiiru Dowlaha iyo Taliyaha ayaa kormeeray goobihii uu cadawga argagixisadu burburiyay, oo ay ka mid yihiin guryihii shacabka, xarumihii waxbarashada iyo caafimaadka, iyo qalabkii tamarta qoraxda ku shaqaynayey ee bulshada muhiimka u ahaa.

Wasiiru Dowlaha ayaa tilmaamay in shacabka degmada Awdheegle ay wajahayaan xaalad adag oo u baahan gargaar degdeg ah, isagoo xusay in booqashadan ay qayb ka tahay dadaallada dowladda ee lagu garab taagan yahay shacabka laga xoreeyay Khawaarijta.

Sidoo kale, Wasiiru Dowluhu wuxuu bogaadiyay geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah gaar ahaan ciidamada ka tirsan howlgalka AUSSOM, kuwaas oo door muuqda ku leh sugidda nabadda iyo xasilloonida dalka.

      

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo tababar Muhiim ah soo xiray

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta soo xiray tababar muhiim ahaa oo lagu xoojinayey xirfadda iyo mihnadda shaqaalaha Xafiiska Hantidhowrka Guud, kaas oo si gaar ah muddo saddex maalin ah oo xiriir ah loo siinayey ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsan Baarayaasha “Waaxda Baarista U Hoggaansanaanta Sharciga” ee Xafiiska.

Ujeeddada tababarkan ayaa ah horumarinta iyo casriyeynta fahamka iyo aqoonta hirgelinta habraacyada baarista iyo korjoogteynta hay’adaha dowladda, taas oo kor-u-qaadeysa hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, si loo horumariyo dowladnimada.

Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa u sheegay shaqaalaha tababarka qaatay in ay isu diyaariyaan in aqoonta iyo cilmiga ay heleen ay ugu adeegaan dhowrista hantida iyo khayraadka ummadda, iyaga oo ku ilaalinaya hay’adaha dowladda in ay u hoggaansamaan sharciga.

Intii lagu guda jiray tababarka, waxa ay micallimiintii bixineysay iyo latababarayaashabu isla falanqeeyeen qibradihii ay Baarayaasha U Hoggaansanaanta Sharcigu horay uga heleen baarisyadii ay sameeyeen, si xirfadda la siinayo ay ugu qalabeyso xeelado iyo farsamooyin ka caawiya baarisyada ay hadda u diyaargaroobayaan.

Xafiiska Hantidhiwrka Guud ee JFS waxaa uu had iyo jeer ku dedaalaa in uu shaqaalihiisa ku qalabeeyo dhammaan xirfadaha, aqoonta iyo fahamka la xiriira baarisyada maaliyadeed, u hogggaansanaanta sharciga iyo kuwa gaarka, fatashka ama teknoloojiyadda.
Ok

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Wasiirrada gargaarka ee Dowlad Gobaleedyada dalka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wasiirrada gargaarka Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo qaban lahaa Shirka Madasha Bini’aadannimada Soomaaliya, kulankaas oo saddexdii biloodba mar la qabto.

Shirka ayaa waxaa inta badan xoogga lagu saaraa arrimaha bini’aadannimo ee dalka, sida abaaraha, colaadaha, iyo isbeddelka cimillada.

Mas’uuliyiinta ayaa ku heshiiyay in shirka soo socda lagu qabto Magaalada Jowhar, caasimadda dowlad-gobaleedka Hirshabeelle, 10-ka Nofeembar 2025.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa tilmaamay in kulankan uu yahay mid muhiim u ah howlaha gargaarka iyo isku-dubbaridka arrimaha bini’aadannimo ee dalka, iyadoo laga shaqeynayo sidii wax looga qaban lahaa musiibooyinka iyo isbeddelka cimiladda.

Dhinacyadu waxay isku afgarteen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan arrimaha muhiimka u ah wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah si looga hortago dhibaatooyinka soo food saaray bulshada Soomaaliyeed.