Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo tababar Muhiim ah soo xiray

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta soo xiray tababar muhiim ahaa oo lagu xoojinayey xirfadda iyo mihnadda shaqaalaha Xafiiska Hantidhowrka Guud, kaas oo si gaar ah muddo saddex maalin ah oo xiriir ah loo siinayey ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsan Baarayaasha “Waaxda Baarista U Hoggaansanaanta Sharciga” ee Xafiiska.

Ujeeddada tababarkan ayaa ah horumarinta iyo casriyeynta fahamka iyo aqoonta hirgelinta habraacyada baarista iyo korjoogteynta hay’adaha dowladda, taas oo kor-u-qaadeysa hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, si loo horumariyo dowladnimada.

Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa u sheegay shaqaalaha tababarka qaatay in ay isu diyaariyaan in aqoonta iyo cilmiga ay heleen ay ugu adeegaan dhowrista hantida iyo khayraadka ummadda, iyaga oo ku ilaalinaya hay’adaha dowladda in ay u hoggaansamaan sharciga.

Intii lagu guda jiray tababarka, waxa ay micallimiintii bixineysay iyo latababarayaashabu isla falanqeeyeen qibradihii ay Baarayaasha U Hoggaansanaanta Sharcigu horay uga heleen baarisyadii ay sameeyeen, si xirfadda la siinayo ay ugu qalabeyso xeelado iyo farsamooyin ka caawiya baarisyada ay hadda u diyaargaroobayaan.

Xafiiska Hantidhiwrka Guud ee JFS waxaa uu had iyo jeer ku dedaalaa in uu shaqaalihiisa ku qalabeeyo dhammaan xirfadaha, aqoonta iyo fahamka la xiriira baarisyada maaliyadeed, u hogggaansanaanta sharciga iyo kuwa gaarka, fatashka ama teknoloojiyadda.
Ok

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Wasiirrada gargaarka ee Dowlad Gobaleedyada dalka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wasiirrada gargaarka Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo qaban lahaa Shirka Madasha Bini’aadannimada Soomaaliya, kulankaas oo saddexdii biloodba mar la qabto.

Shirka ayaa waxaa inta badan xoogga lagu saaraa arrimaha bini’aadannimo ee dalka, sida abaaraha, colaadaha, iyo isbeddelka cimillada.

Mas’uuliyiinta ayaa ku heshiiyay in shirka soo socda lagu qabto Magaalada Jowhar, caasimadda dowlad-gobaleedka Hirshabeelle, 10-ka Nofeembar 2025.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa tilmaamay in kulankan uu yahay mid muhiim u ah howlaha gargaarka iyo isku-dubbaridka arrimaha bini’aadannimo ee dalka, iyadoo laga shaqeynayo sidii wax looga qaban lahaa musiibooyinka iyo isbeddelka cimiladda.

Dhinacyadu waxay isku afgarteen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan arrimaha muhiimka u ah wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah si looga hortago dhibaatooyinka soo food saaray bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Timacadde oo qaabilay xildhibaanada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka (EAC)

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiye ku xigeenka labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta xarunta Aqalka Sare ku qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EALA), kuwaas oo ay Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad 15-kii bishaan doorteen.

Kulnka oo ku saabsanaa isbarasho, isxog-waraysi iyo dardaaran guud, ayaa, sidoo kale waxaa goobjoog ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Sanatar Saalax Axmed Jaamac iyo xubno ka tirsan Sanatarrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Timacadde oo ugu horrayn u hambalyeeyay xubnaha cusub ee Baarlamaanka Somaaliya u doorteen in ay Soomaaliya ku metelaan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ayaa dhinaca kale kula dardaarmay in ay si muuqata uga soo dhallaalaan gudashada waajibaadka culus ee ay u qaadeen shacabka Soomaaliyeed, ilaaliyaanna sharafta iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed ee ay ku metelayaan Baarlamaanka.

Ra’iisulwasaaraha XFS oo masuuliyiin cusub u magacaabay garoonka Muqdisho iyo xarunta qaran ee Tubsan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Muqdisho iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin masuuliyiintani shaqooyinka loo idmaday waxa uu u magacaabay:

• Mudane Cabdinaasir Maxamuud Gurey: Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga ee Garoonka Aadan Cadde.

• Mudane Cabdalla Xasan Cali: Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS.

Ra’iisulwasaaraha XFS oo masuuliyiin cusub u magacaabay garoonka Muqdisho iyo xarunta qaran ee Tubsan

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Muqdisho iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin masuuliyiintani shaqooyinka loo idmaday waxa uu u magacaabay:

• Mudane Cabdinaasir Maxamuud Gurey: Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga ee Garoonka Aadan Cadde.

• Mudane Cabdalla Xasan Cali: Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS.

Wasiirka ganacsiga XFS iyo wasiirka ganacsiga Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsi iyo suuq u helidda badeecadaha labada dal

Istanbul(SONNA):-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan iyo Wasiirka Ganacsiga ee Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsi iyo suuq u helidda badeecadaha labada dal.

Intii uu socday Shirweynaha Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Turkiga iyo Afrika ee lagu qabtay magaalada Istanbul, ayaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Turkiga, Prof. Ömer Bolat.

Kulanka laba geesoodka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii loo ballaarin lahaa fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee labada dal.

Labada Wasiir ayaa si gaar ah uga wada hadlay sida badeecadaha Soomaaliyeed gaar ahaan kalluunka, macdanta iyo wax-soosaarka dabiiciga ah suuqyo loogu heli karo gudaha Turkiga, taas oo gacan ka geysan doonta kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhiirrigelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga

Rome(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga, ayaa magaalada Rome kula kulmay dhiggiisa Talyaaniga, Mudane Guido Crosetto.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga badda, dhismaha iyo tayeynta CXD, maalgelinta howlgalka AUSSOM, iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo mashaariicda wadajirka ah ee qayb ka ah Qorshaha Mattei ee Talyaaniga.

Labada Wasiir ayaa hoosta ka xariiqay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Wasiir dowlaha wasaaradda beeraha XFS oo shir uga qayb galay Masar

Qaahira(Wargeyska Dalka):-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane: Asad Abdirasaq Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qayb galay shir caalami ah.

Shirkan oo lagu magacaabo shirkii 8-aad ee Toddobaadka Biyaha Qaahira,Waxaana diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta ay sababtay is bedelka cimiladu taas oo ay wajahayaan wadamada carabtu iyo sidii maalgalin loogu heli lahaa xal u helida arrinkaas.

Wasiiru Dowlaha oo shirka hadal ka jeediyey wuxuu ku nuux nuuxsaday fursadaha iyo caqabadaha la xiriira biyaha Soomaaliya sida burburka ku dhacay kaabayaashii waraabka iyo fursadaha maalgalineed ee ka jira dhinaca beeraha Soomaaliya, sidoo kale Wasiirka wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay inay wadamada carabta iska kaashadaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay biyo yaraantu ku hayaan beeraha.

Wasiirka ayaa khudbadiisa kusoo gabagabeeyay qorshayaasha uga degsan Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS kuwooda hortabinta u leh si loo helo sugnaan cunto oo ay Soomaaliya yeelato.

Wasiirka maaliyadda oo shirar muhiim ah uga qayb galay Washingtom DC

Washington(Wargeyska Dalka):-Iyada oo uu gabo-gabo ku dhaw yahay Shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu ka qeyb galay mid ka mid ah fadhiyada loo dhan yahay ee ay shir-guddoonka ka tahay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka Kristalina Georgieva isla markaana ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika.

Shirkan loo dhan yahay ayuu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ka jeediyay khudbad kooban oo uu diiradda ku saaray saameynta Isbaddalka Cimiladu ku yeeshay dhaqaalaha Qaaradda Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdigii la socday ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wafdigii ka socday Dowaldda UK ee shirka ka soo qayb galay, kulanka ayaa diiradda lagu saaray maalgashiga iyo saameynta isbaddalka cimilada iyo sidii looga soo kaban lahaa.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan doceed wax ku ool ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Lacagta Carabta (AMF) Mr. Fahad Al-Turki, kulanka ayaa looga wada hadlay hannaanka dib-u-habaynta dhaqaalaha, Maalgalinta iyo Qorshayaasha Horumarineed ee Dhaqaalaha.

Hay’adda AMF ayaa door muhiim ah ka soo qaadatay hannaanka dib-u-habaynta Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka shaqada XFS oo shir-doceed la yeeshay wasiirka Shaqada Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kulan doceed kula yeeshay Prof. Dr. Vedat Işikhan, Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay dhameystirka iyo fulinta heshiiskii horey ay u gaareen labada wasaaradood, kaas oo lagu ballamay in si rasmi ah saxiixisu dhawaan ka dhaco dalka Turkiga. Heshiiskaas, oo ay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ansixiyeen bishii July 2025, wuxuu diiradda saaraya shaqo-abuurka, shaqo-siinta, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha.

Sidoo kale, labada masuul ayaa isla garteen in tababaro aqoon-kororsi ah loo fidiyo shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, si ay uga faa’iideystaan aqoonta iyo khibradda Turkiga ee la xiriirta horumarinta awoodda shaqaalaha iyo maamulka shaqooyinka bulshada.

Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işikhan, soo dhoweynta diirran iyo sida uu mar walba uga go’an yahay xoojinta iskaashiga iyo walaaltinimada ka dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.