Wasiirka shaqada XFS oo shir-doceed la yeeshay wasiirka Shaqada Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kulan doceed kula yeeshay Prof. Dr. Vedat Işikhan, Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay dhameystirka iyo fulinta heshiiskii horey ay u gaareen labada wasaaradood, kaas oo lagu ballamay in si rasmi ah saxiixisu dhawaan ka dhaco dalka Turkiga. Heshiiskaas, oo ay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ansixiyeen bishii July 2025, wuxuu diiradda saaraya shaqo-abuurka, shaqo-siinta, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha.

Sidoo kale, labada masuul ayaa isla garteen in tababaro aqoon-kororsi ah loo fidiyo shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, si ay uga faa’iideystaan aqoonta iyo khibradda Turkiga ee la xiriirta horumarinta awoodda shaqaalaha iyo maamulka shaqooyinka bulshada.

Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işikhan, soo dhoweynta diirran iyo sida uu mar walba uga go’an yahay xoojinta iskaashiga iyo walaaltinimada ka dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo ku dhawaaqday bilaabashada howlaha Xajka

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda Qaran, kana duuleysa qorshe howleedka arrimaha

xajka ay u dejisey Dowladda Sacuudi Carabiya, waxay la socodsiinayaa dhammaan xujeyda Soomaaliyeed ee doonaysa inay soo gutaan rukniga xajka sanadka 1447H/2026 in la bilaabey
hirgelinta iyo fulinta jadwalka shaqo ee arrimaha xajka,

Jadwalkas oo ay ku cad yihiin dhammaan qorshe howleedka isku wada sidkan, sida waqtiyada uu furan yahay Masaarka ama mereegta danabeysan ee la geliyo macluulmaadka iyo adeegyada
xaajiga/xaajiyada Soomaaliyeed, wakhtiyada lacag bixinta ay ku eg tahay, wakhtiyada la diyaarinayo teendhooyinka Mina, iyo Carafa, iyo waqtiyada la kireynayo, lana bixinayo lacagahooda hoteeladii ay ka degi lahaayeen xujeyda Soomaaliyeed magaalooyinka barakeysan Madiiina Almunawara iyo Makka Almukarrama, inta lagu guda jiro mowsimka xajka.

   

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalay tacsida R/Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay tacsida Raiisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Kenya, Raila Amolo Odinga.

Madaxweynaha ayaa uga tacsiyadeeyay shacabka iyo dowladda Kenya geeridii ku timid Raila Odinga oo ahaa siyaasi door muuqda ku lahaa dowladnimada iyo siyaasadda dalka Kenya.

Raila Odinga oo da’diisu aheyd 80 sano jir ayaa 15-kii bishaan Oktoobar ku dhintay dalka Hindiya,gaar ahaan cisbitaalka Devamatha ee magaalada  Koothattukulam ee Gobolka Kerala, wuxuuna u geeriyooday xannuun xagga wadnaha ah.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir-guddoomiyay kulanka 26-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka 26-aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, xili Magaalada Washington DC uu ka soconayo shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Kulankani ayaa diiradda lagu saaray sidii dalalka geeska afrika ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta is-dhexgalka adeegyada muhiimka u ah bulshada deegaanka ku teedaan xuduuda iyo dhul-xeebeedyada dalalka geeska, iyada oo la xoojinayo mashaariicda maalgalineed ee mudnaanta gaarka ah leh.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaankii kulan ka jeediyay khudbad koobaan ayaa tilmaamay ahmiyadda ay lee dahay in ay si gaar ah isku kaashadaan dalalka geeska, iyada oo la tixgalinayo qorsheyaasha u baahan maalgalinta.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgaley munaasabad aas qaran loogu sameynayay Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Kenya, Raila Odinga oo dhowaan geeriyooday.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho gaaban ku tegay Addis Ababa, kulanna kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, iyagoo ka wada hadley iskaashiga labada dal.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan sanad-guuradda 71-aad ee Maalinta Calanka Sooomaaliya, isagoo shacabka ugu baaqey inay adkeeyaan midnimada dalka.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo si habsami leh u soo dhameystiray doorashada xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamanka Bariga Afika (EAC).

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan xuska Maalinta Calanka u diray dhammaan shacabka Soomaaliya.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyaga oo ka wadahadley xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimeyaal Guud cusub u magacaabey Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo tan Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda.

9- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ka qeyb-galay Shirka 72-aad ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee dalalka ku mideysan Gobolka Bariga Mediterranean,oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

10- Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxman Sheekh Faarax, ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Afrika oo looga hadlay dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee caalamka.

11- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya Adan Cabdullahi Aw Xasan, oo maalmahan booqasho ku jooga Muqdisho.

12- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Washington D.C. ee dalka Maraykanka kula kulmay madaxda IMF, Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta,iyadoo dhinacyada horumarinta dhaqaalaha soomaaliya iyo dib u habaynta maaliyeed soomaaliya diiradda lagu saaray.

13- Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Madaxa Sanduuqa Horumarinta Dowladda Qatar.

14- Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku doortay xubnaha Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) muddada 2022–2027.

15- Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

16- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ayaa magaalada Dooxa kula kulantey Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Qatar, Marwo Maryam bint Cabdulla Al-Attiyah.

17- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Maxamed Aadan Macalin ayaa qaabilay Agaasimaha Guud ee UNOPS-Somalia Ala’a Nemer.

18- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, iyo wafdi heer sare ah oo ka socday Sanduuqa Nabadda ee Midowga Yurub (EPF).

19- Wasiir Ku-Xigeenka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamed Aadan Maxamed ayaa qaabilay Madaxa Hay’adda Danish Refugee Council-Somalia Filip Lozinski.

20- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ayaa magaalada Dooxa kulan rasmi ah kula yeelatay Wasiirka Qoyska ee Dowladda Qatar, Buthaina Bint Ali Al Jabr Al Nuaimi.

21- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalim Maxamuud ayaa magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudiga kula kulmay Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Azarbajan.

22- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa shir-guddoomiyey kulan diiradda lagu saaray amniga guud ee maamulka oo ay ka qeybgaleen saraakiisha Ciidamada Booliiska, Xoogga Dalka iyo Nabadsugidda.

23- Howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure (Cali Qoyane), oo u qaabilsanaa sirdoonka magaalada Beledweyne.

24- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Francesca Di Mauro.

25- Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa furtay Watashi Qaran oo socday muddo laba maalmood ah looga hadlay Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025-2030).

26- Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay nidaamkeeda cusub ee Caddaaladda oo looga talagalay in lagu wanaajiyo hufnaanta, daah-furnaanta, iyo isla xisaabtanka guud ee laamaha cadaaladda.

27- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga uga jaray Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Waxaracadde, oo dib loo dhisay, kaddib. burburkii dalka.

28- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa kala saxiixday is-afgarad ku saabsan in baasaboorrada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudaha dal-ku-galka.

29- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeer ku tegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Khawaarijta.

===========DHAMMAAD==========

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay madaxa Golaha Wakiillada Dowlad gobolleedka Waqooyi bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Waqooyi bari Dr Aadan Cabdullaahi Aw Xasan.

Dhinacyadaasi ayaa ka wadahadlay xaaladda dalka,gaar ahaan sida uu maamulkaasi cusub uga qeybqaadan karo xasilinta dalka iyo sida gacan loo siin karo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee ay u baahan yihiin dadka Gobolka W/Bari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale kahadlay muhiimadda uu dhismaha maamulka Waqooyi bari u leeyahay Midnimada iyo wadajirka Ummadda, isagoo caddeeyay in Dowlad Goboleedkaasi uu yahay mid  ku yimid rabitaanka bulshada.

Wasiirka Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay xubno ka socday Midowga Yurub

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha XFS  & Gaadiidka Badda Mudane C/Qaadir Maxamed Nuur ayaa shegay in uu guddoomay deeq qalab ay bixiyeen Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub ee awood dhiska Soomaaliya ,kaas oo loogu talagalay Isku-xirka & Samatabbixinta Badaha,jaas oo ay bixiyeen.

“Soomaaliya iyo Midowga Yurub waxay wadaagaan iskaashi istaraatiijiyadeed oo xooggan ,isla markaana ku qotoma saaxiibtinimo iyo ixtiraam” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Dekedaha XFS,isagoo dhinaca kale deeqdaan ku tilmaamay  mid wax ka tareysa badbaadada badda Soomaaliya.

Wasiirka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya H.E. Francesca Di Mauro  iyo mas’uuliyiin kale waxa ay si qoto dheer uga wadahadleen taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ,gaar ahaan  dhinacyada dib u dhiska dalka,hagaajinta kaabayaasha,xagga  amniga iyo horumarinta adeegyada badaha .

Muqdisho oo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo lagu taageeraayo xildhibaanada cusub

Qaar kamid ah Wasiirada XFS iyo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanada Soomaaliya ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho sharaf ah oo loo sameeyay xildhibaanada cusub ee ku biiraya ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika.

Xafladdaan oo sidoo kale ay ka qeybgaleen maamulka Ururka Haweenka ee Gobolka Banaadir iyo marti shaeaf kale,waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar .

Kulankaasi casho sharafta ah oo ay sidoo kale ka hadleen xubno matalayeyey haweenka Soomaaliyeed,waxaa lagu taageeray xildhibanada cusub ee loo doortay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika.

Dhammaan xildhibaanada cusub ee loo sameeya casho sharaftaan waxaa gabagabadii lagula dardaarmay in ay kaalin waxqabad ku yeeshaan howsha loo idmaday,iyagoo sidoo kale la guddoonsiiyay haddiyado qaali ah oo muujinaaya wanaagga loo hayo xildhibanadaasi iyo in ay u qalmaan howsha wax ku oolka ah e loo idmaday.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo ku howlan dib u dhiska xeryaha iyo awoodsiinta ciidanka

Maamulka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo gacan ka helaya hey’adaha maalgalinta ee ururkaasi ayaa ku howlan dib u dhiska xeryaha ciidamada qaranka iyo awoodsiinta qeybaha ciidanka dalka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi iyo xubno ka socday Midowga Yurub ayaa ka qeyb galay xaflad loo sameeyay dhamaystirka dayactirka iyo dib u habeynta Xerada tababarka ee General Dhagabadan.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wakiillo ka socday UNOPS, iyo wafdi ka socda Midowga Yurub iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, waxaa sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga lagu wareejiyay gaadiid iyo agab ciidan, kuwaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo tababarrada Ciidanka Xoogga Dalka.

Mashruucyada la xiriira dib u dhiska xeryaha dowladda ayaa qayb ka ah dadaallo joogto ah oo la doonayo in lagu tayeeyo xirfadaha iyo awoodda ciidamada qaranka.

Barnaamijyadaan waxaa mudada ay socdaan maalgalinaya mashruuca taageerada SNA 3 ee Sanduuqa Nabadda ee Midowga Yurub (EPF).

Ra’iisul wasaaraha XFS oo qaabilay Xildhibaanada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka(EAC)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee shalay la doortay, ayaa ugu hambalyeeyay xilka culus ee ay u qaadeen shacabka Soomaaliyeed, si ay ugu matalaan danahooda ku aaddan wax-wada-qabsiga Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in doorashada Xildhibaannadani ay tahay guul muhiim u ah Soomaaliya, taas oo muujinaysa doorka uu dalkeennu ku leeyahay ururrada iyo siyaasadda gobolka Bariga Afrika.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhiirrigeliyay xildhibaannada cusub in ay si firfircoon uga shaqeeyaan difaaca danaha, iyo horumarinta codka Soomaaliya ee EAC, isla markaana ay ku dadaalaan xoojinta xiriirka, mideynta iyo horumarka gobolka.