Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Xildhibaanada Soomaaliya ku Meteli doona Baarlamaanka (EAC)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha cusub ee la doortay ee Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Xildhibaabada cusub ay dusha u riteen masuuliyad qaran oo culus oo lagu difaacayo danaha iyo aragtida Soomaaliya ee ku aaddan Iskaashiga dhaqaale iyo wax wadaqabsi ee dalalka Bariga Afrika.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Xildhibaanada in ay muujiyaan hoggaan, xirfad iyo wadaniyad sare, isla markaana ay si dhab ah ugu adeegaan danta guud ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo marwalba ka shaqeynaya in codka iyo mowqifka Soomaaliya si muuqda uga dhex muuqdo Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlay xaaladda caafimaad ee dalka

Qaahira- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahdo dhibaatooyin isbiirsaday sida colaado, abaaro, fatahaado iyo cudurro faafa oo culays weyn saaraya nidaamka caafimaadka.

Wasiirka oo ka qayb galaya Shirka 72-aad WHO ee Gobolka Bariga Mediterranean (RC72) ayaa ka hadlay xaaladaha degdegga ah ee caafimaad ee gobolka, isagoo soo jeediyay in wax laga qabto dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira Mandiqadda.

Wuxuu bogaadiyay adkeysiga shacabka iyo taageerada WHO iyo bahwadaagta, isagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga iyo maalgelinta waarta si loo dhiso nidaam caafimaad oo adkeysi leh xilliyada xaaladaha degdegga ah.

Booliska oo qabtay konteenar ay ku jiraan waxyaabaha maanka dooriya

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta qabtay koonteenar ay ku jiraan waxyaabaha maanka dooriya oo loosoo ekeysiiyay dawo.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdi Fitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlayay gudaha Dekedda Muqdisho ayaa sheegay in ay heleen sirdoon, taas oo u fududeysay in ay qabtaan maandooriyahan.

Mareeyaha Dakedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo) ayaa isna sheegay in ay gacanta ku hayaan ganacsatadii ka danbeysay in uu konteenarka maandooriyaha ah uu kasoo dego Dakedda Muqdisho.

Maareeyaha Dekedda iyo Afhayeenka Booliska ayaa si wada jir ah digniin ugu diray dadka ku howlan in dalka ay soo galiyaan daawooyin iyo raashin dhacay.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey Xukuumadda DanQaran guulaha ay xaqiijisay muddadii ay jirtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, ayaa ku ammaanay Xukuumadda DanQaran guulihii waaweynaa ee ay xaqiijisay muddadii ay jirtay, isaga oo ku boorriyey in ay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada muhiimka u ah dalka.

Kulanka, ayaa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga,dib-u-xoreynta, dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo kororka dhakhliga oo loogu maalgeliyo adeegyada bulshada, sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay golaha in ay xoogga saaraan xaqiijinta dimoqraadiyeynta dalka, si shacabka Soomaaliyeed talada loogu celiyo, una soo doortaan hoggaankooda, taas oo xoojinaysa muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee ku aaddan in afar diblumaasi loo dalacsiiyo darajada Safiir iyo qunsul.

Danjireyaasha la ansixiyey ayaa kala ah;
1. Mudane Axmed Cabdullaahi Axmed (Waxaa loo dalacsiiyey Safiir)
2. Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim (Waxaa loo dalacsiiyey Safiir)
3. Mudane Xasan Xuseen Xasan (Waxaa loo dalacsiiyey Safiir)
4. Mudane Guuleed Warsame Rooti (Waxaa loo dalacsiiyey Qunsul Guud.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, ayaa golaha u soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, iyada oo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay tiradii ugu badnayd ee Khawaarijta argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kuwaas oo ay shalay doorteen Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulanka furay ayaa ugu horeyn Xildhibaanadda ugu hambalyeeyay masโ€™uuliyadda cusub ee loo doortay, waxa uuna sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay ka sugeyso wax qabad muuqda iyo matalaad dhab ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Urur Gobaleedkae Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka dalka uga mahadceliyay sida kalsoonida leh ee ay ugu doorteen in ay Soomaaliya ku metelaan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda cusub ee Soomaaliya ku meteli doona Urur Gobaleedkae Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kula dardaarmay masโ€™uuliyadda ka saaran in ay si dhab ah qaranka Soomaaliyeed ugu matalaan Baarlamaanka.

๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฆ๐˜‚๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐˜…๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ๐—ฏ๐—นo๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—น๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น

โ€ŽKampala- Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo dhiggiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Suudaan, Mudane Xuseen Al-Amiin Al-Fadiil ayaa kulan ku yeeshay magaalada Kampala ee dalka Yugaandha.
โ€Ž
โ€ŽKulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka taariikhiga ah ee labada dal iyo shucuubtooda..
โ€Ž
โ€ŽMudane Xuseen Al-Amiin Al-Fadiil ayaa uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya garab istaagga iyo taageerada aan kala goโ€™a lahayn ee ay la garab taagan tahay walaalahood reer Suudaan, xilli dalkooda uu wajahayo xaalad adag.
โ€Ž
โ€ŽDhankiisa, Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa tilmaamay in Suudaan ay tahay dal walaal ah oo abaal weyn ku leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi qoto dheer.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay Wasiirrada in ay xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta howlaha dowladda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay guulo muhiim ah oo laga gaaray dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska, iyadoo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay tiradii ugu badnayd ee Khawaarijta argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka.

Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in miisaaniyadda sanadka 2026 ay kor u kici doonto, lana qorsheeyay in kororkaasi lagu maalgeliyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay Golaha Wasiirrada in ay si buuxda uga qeybqaataan dadaallada dimuqraadiyeynta dalka, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka loona adkeeyo muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Waa maxay doorka xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ?

Faallo: Markii Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC) dhammaadkii sanadkii 2023-kii, waxay heshay xuquuq ay kaga mid noqoto hayโ€™adaha kala duwan ee ururka, oo uu ka mid yahay Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA).

Tallaabooyinkii u dambeeyay ee doorashada xildhibaanada EALA ee Soomaaliya ee la doortay

Magacaabista Guddiga Soo Xulista: Bishan Oktoobar 2025, guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur โ€œMadoobeโ€ (Golaha Shacabka) iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi (Aqalka Sare), waxay magacaabeen guddi wada-jir ah oo shan xubnood ah oo loogu talagalay maamulista soo xulista xildhibaannada EALA.

Shaqada Guddiga: Guddiga ayaa loo xil saaray inuu soo xusho oo uu baaro shakhsiyaadka u qalma, ka dibna uu liiska kama dambaysta ah u gudbiyo Baarlamaanka Federaalka si loo ansixiyo.

Doorashada: Habka doorashada ayaa ka dhacday gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku yaalla magaalada Muqdisho, Xubnaha EALA waxaa si dadban u soo doorta Baarlamaannada waddamada xubnaha ka ah.

Shuruudaha xulista xildhibaanada EALA
Sida uu dhigayo heshiiska EAC (Qodobka 50), xubnaha EALA waa in ay:

U matalaan xisbiyada siyaasadeed, aragtiyaha, jinsiyada iyo kooxaha gaarka ah ee ka jira dalkooda.

Noqdaan muwaadiniin ka tirsan waddanka ay ka soo jeedaan, ayna buuxiyaan shuruudaha loo baahan yahay ee doorashada baarlamaanka dalkooda.

Aysan ahayn wasiirro ama saraakiil ka tirsan EAC.

Waa maxay doorka ay yeelan doonaan xildhibaanada Soomaaliya?

Wakiilka Soomaaliya: Waxay u matali doonaan danaha iyo mudnaanta Soomaaliya gudaha EAC, iyagoo hubinaya in codka iyo aragtiyaha Soomaaliya la tixgeliyo marka la dejinayo siyaasadaha iyo sharciyada gobolka.

Kor u qaadida isdhexgalka: Waxay ka shaqayn doonaan fududeynta ganacsiga, dhaqdhaqaaqa dadka iyo badeecadaha iyo xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka.

Hirgelinta heshiisyada: Waxay kormeeri doonaan hirgelinta heshiisyada iyo goโ€™aamada la xiriira EAC, iyagoo ilaalinaya in Soomaaliya ay si buuxda uga faaโ€™iidaysato xubinnimadeeda.

Iskaashi nabadeed: Waxay gacan ka geysan doonaan wada shaqeynta arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Matalaadda muwaaddiniinta: Waxay dhageysan doonaan oo u hadli doonaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed, iyagoo soo bandhigaya baahiyaha gaarka ah ee ka jira gudaha dalka, gaar ahaan kuwa la xiriira ganacsiga iyo horumarka.

Waxa Qoray Mohamed Abdi Osman Faradheere

Agasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya.

ย 

Wasaaradda Qorshaynta iyo WFP oo yeeshay kulan ku saabsan Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee Hayโ€™adda 2026โ€“2030

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa kulan ku aaddan wadatashiga Qorshaha Istiraatiijiyadda 5-sano ee soo socota la yeelatay Hayโ€™adda Cuntada Adduunka (WFP).

Kulanka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire iyo Wakiilka Hayโ€™adda WFP ee Soomaaliya, Mudane El-Khidir Daloum.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa soo jeediyay warbixin ku saabsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025โ€“2029) iyo Qorshaha Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay (2026โ€“2030) si loo hubiyo iswaafajinta yoolalka labada dhinac.

Madaxda Hayโ€™adda WFP ee Soomaaliya, ayaa waxay soo bandhigeen casharradii laga bartay Qorshaha 2022โ€“2025 iyo jihada cusub ee qorshaha 2026โ€“2030, waxayna dhinacyadu bogaadiyeen wada-shaqeynta iyo ka goโ€™naanta labada hayโ€™adood ee ku aaddan taabbagelinta ajandaha horumarineed ee Soomaaliya

Waxaa sidoo kale lagu muujiyay kulanka muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo lahaanshaha Qaranka, qorsheynta ku dhisan xogta iyo ka-qaybgalka bulshada si loo horumariyo nidaamyada cuntada iyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐a ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐–๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ฒ๐š๐๐š ๐…๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‘๐š๐ฌ๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

Djibouti-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa ka qeybgalay daahfurka Madasha Wargeysyada Faafinta Rasmiga ah ee Afrika (Forum of African Official Gazette) oo sanadkan lagu qabtay dalka Jabuuti.

Madashan ayaa isu keentay dowladaha Afrika si loo mideeyo dadaallada faafinta sharciyada, xeerarka iyo goโ€™aannada rasmiga ah.

Madashu waxay ka shaqeyn doontaa casriyeynta nidaamyada faafinta rasmiga ah, kor u qaadista daahfurnaanta sharciyeed iyo xoojinta iskaashiga horumarinta cadaaladda.

Sidoo kale, waxaa lagu dhiirrigelinayaa adeegsiga habab dijitaal ah si loo fududeeyo helitaanka macluumaadka dowladda.

Ka-qaybgalka Soomaaliya ayaa door muuqda ka qaadan doona faafinta xogta sharciyeed, hufnaanta dowladnimo, is-waafajinta sharciyada Afrika iyo kor u qaadista helitaanka macluumaadka rasmiga ah.