Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyey xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamanka EAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Soomaaliyeed ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya maanta u doorteen in ay Soomaaliya ku matalaan Baarlamaanka Bariga Afrika.

Madaxweynuhu ayaa sheegay in ka mid noqoshada Xildhibaannadan ee Golaha Baarlamanaka Bariga Afrika ay tahay guul Soomaaliyeed oo ka tarjumaysa dib u kabashada dalka iyo kobaca doorka bulsho ee Soomaaliya, waxa uuna ku booriyey xubnahan in ay si firfircoon uga shaqeeyaan danaha iyo codka Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaannadan laga sugayo in ay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaale iyo bulsho ee Bariga Afrika, isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Raila Odinga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyey Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Kenya geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Raila Odinga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii wanaagsanaa ee Raila uu ku lahaa dimuqraadiyadda, nabadda iyo xasilloonida gobolka, isaga oo xusay in uu khibrad weyn u lahaa xalinta khilaafyada iyo ilaalinta wadajirka iyo iskaashiga ummadaha.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qaybsanayaan walaalahooda Kenya murugada geerida ku timid Ra’iisul wasaare Raila Odinga oo ka mid ahaa Hoggaamiyeyaasha saameynta togan ku lahaa xoojinta xiriirka wadashaqeyneyd, daris wanaagga iyo taariikhda faca weyn ee ka dhaxaysa labada shacab.

Shir ku saabsan sare u qaadista tayada ciidanka xoogga oo Muqdisho ka furmay

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa furay kulanka Guddiga Hagidda (Steering Committee) ee mashruuca SNA 3 oo uu maalgeliyo Sanduuqa Nabadda ee Midowga Yurub (EPF) si loo xoojiyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda furitaanka waxaa goob-joog ka ahaa Lataliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys Haji, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Midowga Yurub.     

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis diblomaasiyadeed

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorrada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudaha dal-ku-galka, kadib heshiis is-afgarad ah oo ay ku kala saxiixdeen magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Heshiiskaan waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad) iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Azerbaijan, Mudane, Samir Sharifov, xilli ay ka qeybgalayeen shir caalami ah oo ka socday Kampala.

Munaasabadda saxiixa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare.

Labada Wasiir ayaa waxay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan iyo loo sii ballaarin lahaa xiriirka sii xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta soo celinta iyo xoojinta sumcadda caalamiga ah ee dalka.

Duqa Muqdisho oo maanta furay waddooyin xirnaa muddo dheer

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta furay waddooyinka laga galo Airport-ka Muqdisho, kuwaas oo muddo dheer u xirnaa sababo amni darteed.

Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo lagu guda jiro 30-kii maalmood ee loogu talagalay in dhagxaanta looga qaado 52 waddo oo muhiim u ah isu socodka Gaadiidka iyo dadweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Raila Odinga

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Omolo Odinga.

Madaxweynaha ayaa boggiisa X ku yiri “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo shacabka dalkaasi, kadib geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaasi Raila Odinga oo ahaa hoggaamiye sare oo ku sifeysnaa dimoqraaddiyad, cadaalad iyo adeeg bulsho.

Soomaaliya waxay garab taagan tahay shacabka Kenya.

Raila Omolo Odinga ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya kadib markii uu lasoo gudboonaaday xanuun xagga wadnaha ah.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝟕𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐖𝐇𝐎 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐞𝐝𝐢𝐭𝐞𝐫𝐫𝐚𝐧𝐞𝐚𝐧-𝐤𝐚

Qaahira–(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee dalalka ku mideysan Gobolka Bariga Mediterranean-ka, kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Shirkan sanadlaha ah ayaa ah madal muhiim ah oo ay isugu yimaadaan wasiirrada caafimaadka ee dalalka xubnaha ka ah WHO/Bariga Mediterranean-ka, si ay uga wada hadlaan caqabadaha iyo fursadaha horumarinta caafimaadka gobolka.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo halkaas khudbad ka jeediyay ayaa muujiyay culeyska uu gobolka wajahayo xilligan, gaar ahaan saameynta hoos u dhaca maalgelinta caafimaadka (fund cuts), isaga oo ku baaqay in la xoojiyo isku tashiga iyo iskaashiga dalalka gobolka, si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo waara.

Soomaaliya oo door muuqda ka ciyaarta iskaashiga gobolka, ayaa sii xoojinaysa dadaalka ay ugu jirto in la gaaro yoolalka caafimaad ee Qaran iyo kuwa Caalami ah, iyadoo la jaanqaadaysa isbeddellada caalamka.

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirka Wasiirrada Qorshaynta iyo Maaliyadda ee Afrika

Washington D.C.-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Afrika.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee caalamka, kaas oo la qabtay intii lagu guda jiray shirarka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ee ka socda magaalada Washington D.C.

Wasiirka ayaa ka sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda aragtida mideysan ee Afrika ee ku aaddan nidaam maaliyadeed oo caddaalad ah, loo siman yahay, kana jawaabaya baahiyaha dalalka danyarta iyo kuwa jilicsan.

Wuxuu xusay in Soomaaliya ay ka go’antahay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorsheynta horumarineed si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), kaas oo diiradda saaraya maalgelinta waarta, kobaca loo wada dhan yahay, iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo horumar waara iyo xasillooni dhaqaale.

Ka qeybgalka Soomaaliya wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay horumar waara oo loo wada dhan yahay, iyadoo Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo hiigsiga 2060 ay yihiin tiirarka hagaya himilada horumarineed ee dalka.

Duqa Muqdisho oo casha sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Waqooyi Bari

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Adan Cabdullahi Aw Xasan, oo maalmahan booqasho ku jooga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Munaasabadda oo ka dhacday hoyga Duqa Muqdisho ayaa lagu xusay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxaysa maamullada dalka, iyadoo lagu muujiyay muhiimadda wadahadalka, wadatashiga iyo isku xirnaanta hay’adaha dowlad goboleedyada iyo dowladda hoose.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud, Md. Cabdimajiid Daahir Aadan, Agaasimayaal, Siyaasiyiin, odayaal dhaqan iyo Marti-sharaf kale, kuwaas oo bogaadiyay dadaallada lagu dhisayo xiriir siyaasadeed iyo bulsho oo mideeya shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in Muqdisho ay mar walba u furan tahay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in kulammada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin dhismaha kalsoonida iyo xoojinta midnimada qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Adan Cabdullahi Aw Xasan, ayaa uga mahadceliyay Duqa Muqdisho martigelinta iyo soo dhoweynta diirran, isaga oo ku tilmaamay caasimadda meel u taagan Midnimada, Horumarka iyo Kobcinta Nabadda dalka.

Wasiirka Maaliyadda oo Washington kula kulmay madax ka tirsan Bangiga Adduunka iyo IMF

Washington: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington D.C., halkaas oo lagu qabanayo shirka sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.

Ka hor furitaanka kulamada guud, Wasiirka iyo wafdigiisu waxay kulamo gaar ah la yeesheen madaxda IMF, Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Ku-xigeenka Maamulaha Guud ee IMF mudane Nigel Clarke. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac ee ku dhisan horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda dalka. IMF ayaa door muhiim ah ka qaadatay taageerada dib-u-habaynta maaliyadeed ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koonfurta iyo Bariga Afrika, Mudane Ndiamé Diop, oo ay weheliyaan madaxa gobolka Geeska Afrika iyo Wakiilka Soomaaliya ee Bangiga. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay mashaariicda horumarineed ee uu Bangigu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa taageerada iyo mashaariicda mustaqbalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta, Mudane Fawzi Yousef Alhunaif, iyo madax kale oo ka tirsan hay’addaas. Kulanka waxaa lagu gorfeeyay qorsheyaasha dib-u-habaynta maaliyadda, fursadaha maalgelinta ee mustaqbalka dhow, iyo iskaashiga ku saabsan arrimaha deymaha.