Soomaaliya oo diyaarinaysa Xildhibaanadii ku matali lahaa Baarlamanka EAC

Guddiga wadajirka ah ee Xulista iyo Doorashada Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika oo uu hogaaminayo guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa maanta soo gaba gabeeyay diyaarinta musharixiinta ka qeyb galeysa doorashada xubnaha sagaalka ah ee Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bariga Afrika.

Guddiga ayaa maanta si rasmi ah usoo gaba gabeeyay diiwaangelinta iyo shahaado guddoonsiinta xubnaha musharrixiinta ah, iyadoo lagu wado in maalinta beri ah ay dhacdo doorashada xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Wasiir dowlaha Gaashaandhigga oo la kulmay danjiraha Midowga Yurub

Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa maanta la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, iyo wafdi heer sare ah oo ka socday Sanduuqa Nabadda ee Midowga Yurub (EPF).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Wasiiru Dowlaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada wax ku oolka ah ee ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo door muuqda ka qaadatay horumarka iyo tayeynta joogtada ah ee CXD.

  

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay Shabeellada hoose

Marka-(Wargeyska Dalka)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururrada 144-aad iyo 145-aad ee Guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan maanta ka fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada hoose oo ay gabbaad ka dhiganayeen Malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le dhexe, Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa xaqiijiyay in ay Geesiyaasha Qarankeenna si gaar ah u beegsadeen doomo ay Khawaarijta isaga kala gudbi jireen labada dhinac ee Wabiga, iyagoo sidoo kale burburiyay goobo ay baad uga qaadan jirtay Shacabka Beeraleyda ah.

Howlgalka ayay ciidanku si gaar ah uga fuliyeen Tuulooyinka kala ah Malable, Beeraha baay, Siigaale bari iyo Doonkaa-daafeedow, kuwaas oo dhamaantood hoos taga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada hoose.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay musiibadii 14-kii Oktoobar

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in ay xusuustooda ku weyn tahay weerarkii 14-ka Oktoobar ee 2017 ka dhacay Muqdisho.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa intaa ku daray in Muqdisho ay muujisay adkaysi iyo soo kabasho aan la qiyaasi karin.

“Maanta waxaan xusuusaneynaa dhibbanayaashii weerarkii argagixiso ee 14-ka Oktoobar 2017, Muqdisho waxay muujisay adkaysi iyo soo kabasho aan la qiyaasi karin”.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa sheegay in tani tusaale u tahay muhiimadda ay leedahay udiyaargarowga masiibooyinka, ka jawaabidda iyo dib u dhiska.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa yiri “Waxaan weligeen xasuusan doonnaa kuwii naftooda ku waayay, annagoo ka shaqeynayna nabad, badbaado iyo Soomaaliya adkaysi leh”.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada oo sheegay in da’yartu ay yihiin furaha mustaqbalka Soomaaliya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa sheegay in dhallinyaradu ay yihiin laf-dhabarka bulshada iyo furaha mustaqbalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in si gaar ah loo horumariyo barnaamijyada lagu wacyigelinayo iyo kuwa fursadaha shaqo abuurka u samaynaya si looga ilaaliyo in ay u nuglaadaan fikradaha xagjirka ah.

Wasiirka oo ka hadlayay shirka afar-biloodlaha ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradaha xagjirka ah, ayaa xusay dadaallada ay wasaaraddu ku bixisay la dagaallanka fikradaha xagjirka ah, wuxuuna tilmaamay in guulo la taaban karo laga gaaray dhanka wacyigelinta bulshada, tababarrada dhallinyarada , iskaashiga hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka ah.

Ugu dambeyntii, Wasiirku wuxuu baaq u diray deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo Hay’adaha wadashaqeynta la leh Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, isaga oo ka codsaday in ay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan barnaamijyada la xiriira dhalinyarada iyo nabadda.

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

14-ka Oktoobar, 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaareen dad ka badan kun-ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isgoyska Soobbe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

Falkaasi xasuuqa ah oo ay ka dambeeyeen kooxaha Khawaarijta,waa mid reebay xasuus lama ilaawaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto gaar ahaan reer Muqadisho, kuwaasi oo sanaddo badan la daalaa dhacaayey dagaallo sokeeye iyo mid siyaasadeed balse haatan u gudbay nidaam sal adag oo horseeday nabad iyo barwaaqo.

Tira-koob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux,isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 ruux,halka la waayey,dad gaaraya 54-qof oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Marka laga yimaado khasaaraha nafeed ee uu geystay qaraxaasi,waxaa ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada ganacsiga,gawaari iyo dhismayaal badan.

Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool guddaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe.

Waa dhab in ay jiraan dad daacad ah oo xilli kasta  u taagan badbaadinta bulshada iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka,taasina waa wax u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka.

Inkastoo dib u dhis wanaagsan uu ka muuqdo goobihii ganacsi ee agagaarka Soobbe,haddana falkaasi ay ka dambeeyeen kooxda khawaarijta waa xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku jiray raadinta nolol maalmeedkooda.

Isku day kasta oo ay ka dambeeyaan kooxaha khawaarijtu ma ahan kuwo wax u dhimaya horumarada socda,sidaa daraadeed waxaa habboon in si wadajir ah looga shaqeeyo soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka qof kasta oo loo arko in ay lid ku yihiin danta dalka iyo dadka.

Sida cad,wadajir ayaa lagu badbaadin karaa dal jira,sidaa daraadeed,waa muhiin in ciidan iyo shacaba ay ka shaqeeyaan danta umadda,gaar ahaan waxyaabaha u baahan in hoos loo eego sida ilaalinta xasiloonida dalka,daryeelka bulshada,ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed iyo dhismaha  dalka.

Sidoo kale,haddii lagu shaqeeyo caqli saliim ah,waxaa suurtagal ah in ay badbaadaan shacbiga,isla markaana la bartilmaameedsado cid kasta oo ku howlan sameynta dambiyo dagaal oo ka dhan ah aadanaha.

Dowlad iyo shacab,waa in xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga,Waxaanna aaminsannahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan la dagaalanka cid kasta oo wax u dhimaya amniga dalka.

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobbe waa in qof kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta oo si gaar ah u taabanaya dhaqdhaqaaqa bulshada.

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Kampala-(Wargeyska Dalka)-Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

‎Shirkan oo ah kii 19-aad ee Wasiirrada dalalka ku bahoobay Ururka Dhexdhexaadka Adduunka ayaa waxaa Soomaaliya ku matalaya Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, halka ay goobjoog ka tahay Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.

‎Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dalalka xubnaha ka ah ururkan ay u yeelan lahaayeen hal cod oo mideysan oo caalamka dhan laga maqlo ay yeeshaan iyo in la mideeyo mowqifyada siyaasadeed ee dalalka xubnaha ka ah.

‎Intii uu shirku socday, waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta ee lagu joojiyay duullaanka iyo tacaddiyada Israa’iil ay ku hayso dhulka Falastiin, iyadoo la isku raacay in qaddiyadda Falastiin ay tahay mid joogto ah oo aan isbeddelayn loogana soo horjeedo dulmiga lagu hayo shacabka reer Falastiin.

‎Intaas kadib shirka ayaa loo qaybiyay labo guddi oo kasoo katala bixinaya arrimaha siyaadadda iyo dhaqaalaha ee ururkan.

Wasiirka Isgaarsiinta oo kulan la qaatay wafdi ka socday Hay’adda QM ee Mashaariicda

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay ee Mashaariicda 𝗨𝗡𝗢𝗣𝗦 oo uu horkacayey Ala’a Nemer, oo ah Agaasimaha Guud UNOPS ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay horumarinta adeegyada dhijitaalka ah ee dowladda, xoojinta kaabayaasha isgaarsiinta, iyo kor u qaadista iskaaashiga wadajirka ah ee Wasaaradda iyo UNOPS.

Intii uu socday kulanka, waxaa laga wada hadlay barnaamijyada socda ee dhijitaalka iyo baahida loo qabo in la dardargeliyo hirgelinta adeegyada dowladda ee hal-meel looga heli karo (Digital Government Services), Waxaa sidoo kale lagu lafa-guray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinaca tiknoolajiyadda, gaar ahaan dhanka maareynta xogaha, isku xirka adeegyada dowladda, iyo kor u qaadista hufnaanta adeeg bixinta.

Wafdiga UNOPS ayaa soo bandhigay fursado lagu taageerayo mashaariicda Wasaaradda ee la xiriira dhisidda kaabayaasha isgaarsiinta, horumarinta nidaamyada dhijitaalka, iyo tababarrada kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha dowladda ee ku shaqeeya dhanka ICT-da.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa uga mahadceliyay UNOPS garab istaagga Wasaaradda, isaga oo xusay in Wasaaradda ay ka go’an tahay inay si buuxda u hirgeliso adeegyo dhijitaal ah oo mideysan, kuwaas oo fududeyn doona helitaanka adeegyada dowladda iyo isku xirka hay’adaha kala duwan.

Ugu dambeynt, Wasiirka ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo qorsheynta mashaariicda la xiriira teknolojiyadda, isgaarsiinta, iyo maamulka dhijitaalka, si Soomaaliya uga mid noqoto dalalka ka faa’iideeya tignoolajiyadda casriga ah ee kor u qaadda daahfurnaanta, hufnaanta iyo helitaanka adeegyada bulshada.

 

MUDANAYAASHA BJFS OO DOORTAY XUBIN KA TIRSAN GUDDIGA DIB U EEGISTA DASTUURKA

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa afaraad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ajendaha kulanka oo kooramkiisa ku furmay 156-Xildhibaan ayaa waxa uu ahaa doorashada xubin ka banaaneyd Guddiga Dib U Eegista iyo Lasocodka Hirgelinta Dastuurka oo ay ku tartamayeen Xildhibaan Cumar Cali Isaaq (Balash) Iyo Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar.

Tartanka oo u dhacay hab codeyn ah, islamarkaana sanduuq lagu codeynayay, waxaa ugu dambeyn ku guuleystay Xildhibaan Cumar Cali Isaaq (Balash) oo helay 92-cod, halka Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar oo heshay 68-cod, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.

Dowladda oo faah-faahin ka bixisay howlgal lagu dilay horjooge katirsan khawaarijta

Hiiraan(Wargeyska Dalka): Howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure (Cali Qoyane), kaas oo Argagixisada u qaabilsanaa sirdoonka magaalada Beledweyne.

Howlgalkaas, oo si guul ah ku dhammaaday, waxaa fuliyay geesiyayaasha difaaca dadka deegaanka ee macawiisleey oo taageero ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Horjoogaha la dilay ayaa si toos ah loo bartilmaameedsaday xilli uu fadhiyay maqaayad shaaha laga cabo oo ku taalla deegaanka Mabaax, waxaana laga soo furtay qori AK-47 ah iyo bistoolad uu watay.

Horjooge Cali Qoyane ayaa hore u maleegay qaraxyo iyo weeraro argagixiso oo lagu dilay masuuliyiin iyo dad rayid ah, wuxuuna dhowr jeer oo hore ka badbaaday howlgallo loo qorsheeyay in lagu dilo, balse xalay ayaa lagu guuleystay in la khaarajiyo.

Howlgalka xalay wuxuu muujinayaa geesinimada iyo dadaalka joogtada ah ee geesiyayaasha difaaca deegaanka ee macawiisleyda iyo taageerada dowladda, si loo xaqiijiyo amniga bulshada, loona hortago falalka argagixisada.