Xildhibaan Cumar Cali Isaaq oo loo doortay xubin ka tirsan Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xildhibaan Cumar Cali Cabdi u doortay xubin ka tirsan Guddiga Dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka, kadib codeyn ay sameeyeen xildhibaanada Golaha.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar iyo Xildhibaan Cumar Cali Isaaq, waxaana ku guuleystay Xildhibaan Cumar Cali Isaaq oo helay 92 cod, halka Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar ay heshay 68 cod, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Hayโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda Soomaaliya kadib laba toddobaad kulan ah oo ay wada yeeeshaan qaar kamid ah hayโ€™adaha Dowladda oo ay hoggaan u tahay Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo xubno sare oo ka socday IMF oo ay hoggaaminaysay Ran Bi oo ah wakiilka arrimaha Soomaaliya ee IMF.

Warbixintan ay soo saartay IMF ayaa timid kadib markii ay ansixiyeen guddiga sare ee Hayโ€™adda oo shir gaar ah ka yeeshay natiijadii ka soo baxday kulankii dhexmaray heyโ€™adaha Dowladda iyo IMF, sida ay ka hor sheegtay Guddiga Mrs. Ran Bi oo tilmaamtay in ay la kulantay natiijo la taaban karo kadib kulankii ay la yeelatay Wasiirka Maaliyadda iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo Nairobi kulamo ku yeeshay 16-kii September ilaa iyo 8-da bisha October 2025.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo isna ku hadlayay afka dhammaan heyโ€™adaha Dowladda ee sida gaarka ah ula shaqeeya IMF ayaa soo dhaweeyay Warbixintaan, kuna tilmaamay in ay ku timid dadaal xoogan oo ay galiyeen hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka. Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in ay Dowladdu sii laba laabayso dadaalka horumarineed ee dhaqaalaha Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta Degmada Shingaani

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta cusub ee Degmada Shingaani, taas oo ah markii ugu horreysay muddo 50 sano ah oo xarun rasmi ah loo dhiso degmadaas taariikhiga ah.

Guddoomiye Muungaabย ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu si buuxda uga shaqeyn doono dhismaha xarumo casri ah oo bixiya adeegyada bulshada, isaga oo ku baaqay in shacabka iyo qurba-joogta degmada ay ka qaybqaataan dib-u-dhiska iyo bilicda deegaanka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin, odayaal, haween iyo dhalinyaro deegaanka ah, kuwaas oo uga mahadceliyey Duqa Muqdisho dadaalladiisa ku aaddan horumarinta Shingaani.

Dhagax-dhiggan ayaa calaamad u ah bilowga qorshaha dib-u-soo-nooleynta taariikhda iyo hiddaha degmada Shingaani, qaybna ka ah dadaallada lagu hormarinayo degmooyinka Gobolka

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas, Mudane Muxsen Maxamed Al-Daacari

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iskaashiga labada Dal ee walaalaha ah, gaar ahaan arrimaha amniga, ilaalinta xuduudaha iyo horumarinta xiriirka labada Dowladood

Wasiirka Gaashaandhigga Wadanka Yeman Mudane Muxsen Maxamed Al-Daacari ayaa kulanka ka sheegay in labada Dowladood ay leeyihiin xiriir adag oo soo jireen ah, isagoo xusay in shacabka dalkiisa aysan marnaba ilaawi Karin taageerada joogtada ah iyo moqifka wanaagsan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u muujisay Dowladda yeman.

Safiirka Soomaaliya ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Yeman u gudbiyey salaan uu ka siday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Safiirka ayaa intaas kadib u sheegay Mr Muxsen in Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay xoojinta iskaashiga labada Dal iyo taageeridda dadaallada lagu gaarayo horumar iyo xasillooni.

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Danjire Marwo Khadija Maxamed Al-Makhzoumi oo casuumaad rasmi ah ka heshay dhigeeda wadanka aan walaalaha nahay ee dowladda Qatar ayaa maanta kulan rasmi ah la yeelatay Wasiiradda Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska dalkaasi H.E. Buthaina Bint Ali Al Jabr Al Nuaimi.

Kulanka waxaa looga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen sidii labada Wasaaradood ay isaga kaashan lahaayeen Arrimaha Qoyska, hormarinta Haweenka iyo daryeelka carruurta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo hormarintxa Xuquuqul Insaanka XFS ayaa la wadaagtay dhigeeda hormarka ay ku talaabsatay dowladeenna Soomaaliya gaar ahaan Wasaarradda ay hogaamiso, iyadoo la wadaagtay hormarro badan oo lagaga dayan karo Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiiradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee dalka Qatar ayaa la wadaagtay Wasiiradda iyo wafdigeeda qeybaha ay ka koobantahay Wasaaradeedu, hayโ€™adaha hoos yimaada iyo sida ay ugu adeegaan bulshadooda iyadoo soo bandhigtay hormarro badan oo looga dayan karo.

Labada Wasiir ayaa isla gartay in la abuuro iskaashi u dhaxeeya labada Wasaaraddood, taasoo la isku weeydaarsanayo arrimo badan oo ay kamid yihiin in la is weeydaarsado wixii khibrad iyo aqoon kororsi ah iyo sidoo kale in laga sii baaraan dago sidii loo sameyn lahaa heshiis isfagarad oo u dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska H.E. Khadija Al-makhzoumi ayaa uga mahad celisay soo dhaweynta diiran ee ay u sameeysay Wasiiraddu iyada iyo wafdigeeda, iyadoo sidoo Kalena bogaadisay in labada Wasaaradood ay yeeshaan iskaashi rasmi ah mustaqbalka dhaw, ka horna labada Wasaaradood ay kasii wada shaqeeyaan hawlaha mudnaanta gaarka ah leh oo ay wadaagaan.

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Danjire Marwo Khadija Maxamed Al-Makhzoumi oo casuumaad rasmi ah ka heshay dhigeeda wadanka aan walaalaha nahay ee dowladda Qatar ayaa maanta kulan rasmi ah la yeelatay Wasiiradda Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska dalkaasi H.E. Buthaina Bint Ali Al Jabr Al Nuaimi.

Kulanka waxaa looga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen sidii labada Wasaaradood ay isaga kaashan lahaayeen Arrimaha Qoyska, hormarinta Haweenka iyo daryeelka carruurta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo hormarintxa Xuquuqul Insaanka XFS ayaa la wadaagtay dhigeeda hormarka ay ku talaabsatay dowladeenna Soomaaliya gaar ahaan Wasaarradda ay hogaamiso, iyadoo la wadaagtay hormarro badan oo lagaga dayan karo Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiiradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee dalka Qatar ayaa la wadaagtay Wasiiradda iyo wafdigeeda qeybaha ay ka koobantahay Wasaaradeedu, hayโ€™adaha hoos yimaada iyo sida ay ugu adeegaan bulshadooda iyadoo soo bandhigtay hormarro badan oo looga dayan karo.

Labada Wasiir ayaa isla gartay in la abuuro iskaashi u dhaxeeya labada Wasaaraddood, taasoo la isku weeydaarsanayo arrimo badan oo ay kamid yihiin in la is weeydaarsado wixii khibrad iyo aqoon kororsi ah iyo sidoo kale in laga sii baaraan dago sidii loo sameyn lahaa heshiis isfagarad oo u dhaxeeya labada dhinac.

Duqa Muqdisho oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Francesca Di Mauro.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta barnaamijyada horumarineed ee Midowga Yurub ka wado Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa la xiriira dowlad-dhiska, xasilinta iyo adeegyada bulshada.

Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya, halka Danjiruhu ay ballanqaadday sii wadidda iskaashiga lagu taageerayo horumarka iyo dimuqraadiyaynta magaalada Muqdisho

Danjire Francesca Di Mauro ayaa dhinaceeda xustay sida Midowga Yurub ay uga goโ€™an tahay inay sii wadaan taageerada dhinacyada horumarinta, amniga, dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha dhabta ah ee shacabka reer Muqdisho.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan la qaatay Golaha Sare ee Midowga Culimada Soomaaliyeed oo booqasho ku yimid xarunta dhexe ee Guddiga.

Intii uu socday kulanka ayaa hoggaanka sare ee Culimada Soomaaliyeed, waxaa sharaxaad laga siiyey howlaha u qabsoomay muddadii gaabnayd ee uu jiray Guddiga iyo qorshaha guddiga mustaqbalka dhow.

Intaas kadib xubnaha Culimada ah ee ka socday Golaha sare ee Midowga Culimada Soomaaliyeed ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xurunta dhexe ee guddiga oo ay ka midyihiin Opration Room-ka, Call Center-ka, qeybta Data Center-ka iyo Qeybta Operation-ka ama Howlgalka oo ah halka laga haga arimaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa Culimada Soomaaliyeed ugu mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Xarunta dhexe ee guddiga asigoona ku amaanay kaalinta ay ka qaataan wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Dhankooda, hoggaanka sare ee Golaha Culimada Soomaaliyeed ayaa guddiga ku bogaadiyey howlaha baaxadda leh ee u qabsoomay,iyoona ammaanay tayada qalabka casriga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaash, iyaga oo sidoo kale u balanqaaday Guddiga in ay kala shaqeyn doonaan sidii sare loogu qaadi lahaa Wacyiga iyo Dareenka Bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan hirgelinta iyo xaqiijinta qabsoomidda Doorashooyinka Dalka heerarkooda kala duwan gaar ahaan Golaha Deegaanka ee Gobalka Banaadir.
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย 

DEG DEG: Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo goordhow la khaarijiyay

Howlgal qorsheeysan oo goordhow ka dhacay deegaanka Mubaax ee gobalka Hiiraan ayaa lagu dilay Horjooge Cali Axmed Guure oo loo yaqaanay (Cali Qoyane) kaas oo ahaa horjooge dhiigyo cab ah oo dhibaatooyin badan ka gaystay gobolka Hiiraan.

Warbaahinta Qaranka ayaa goordhow baahinta doonta faah-faahinta howlgalka iyo xogta horjoogaha Khawaarinta.

Guddi KMG ee soo xulista Baarlaanka Bariga Afrika oo shiray

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika oo maanta yeeshay kulankoodii koowaad, ayaa diyaariyay Jadwalka shaqo ee Guddiga iyo hannaanka habraaca doorashada xubnaha Soomaaliya ku mateli doona Golaha sharci dejinta ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa Xubnaha Guddiga waxa ay dood iyo falanqayn dheer kadib goโ€™aamiyeen jadwalka shaqo iyo shuruudaha laga rabo xubnaha tartamayaasha iyo waxyaabaha looga baahan yahay musharraxiinta u tartamaya xilka Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย