Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga

Jowhar:- Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulan diirada lagu saaray oo ay ka qeybgaleen saraakiisha ciidamada Booliiska, Xogga Dalka iyo Nabad-sugida.

Waxa kale oo goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo xubno ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.

Ugu horeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyey saraakiisha amniga sida ay isaga xilsaareen amniga caasimada intii lagu gudajiray munaasabada 9-aad ee aas-aaska Dowladda Hirshabeelle.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Hirshabeelle Sarreeye Guuto Xasan Dhicisoow Xasan ayaa Madaxweynaha kaga warbixiyey dhammaan shaqadda nabad-gelyada.

Sidoo kale Taliyaha Guutada 3-aad qeybta 12-ka April Sarreeye Guuto Saneey Cabdulle Nuur ayaa Madaxweynaha xog ka siiyey waxyaabaha ay kuu foogan yihiin ciidamada qalabka sida.

Taliyaha Nabad-sugida ee magaalada Jowhar Cali Dheere ayaa tilmaamay waqtiyadii dambe xog-sugan oo wadajir ah in lagu howlgalaayey.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa yiri: “Dhammaan ciidamada qalabka sida waan ku ammaanayaa kaalintooda iyo dadaalka naf-hurnimo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha ciidamada inay u turaan waqtiga shaqadda dadka nugul sida, waayeelka, haweenka iyo carruurta.

                 

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeya Munaasabadd Maalinta Calanka

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalinta 12 Oktoobar ay ahmiyad weyn u leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama ay ku beegan tahay markii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka turjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimadeenna.

“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 71 sanno ka hor halyey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.

Maareeyaha Dekadda oo ballan qaaday inuu shaqaaleysiin doono Afar kamid ah dadka Maqalka Naafada ka ah

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nur (Ameriko) ayaa balan qaaday inuu dhawaan shaqaaleysiin doono Afar kamid ah Dhallinyarada Maqalka Naafada ka ah.

Maareeyaha Dekadda Muqdisho ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ururka u dhaq-dhaqaaqa ilaalinta xaquuqda dadka Maqalka Naafada ka ah ee SONAD, kuwaas oo ka warbixiyay doorka ay bulshada Soomaaliyeed ku leeyihiin iyo duruufaha ay la tacaalayan.

Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nur (Ameriko) ayaa tilmaamay in had iyo jeer uu la dareenyahay dadka Baahiyaha gaarka qaba, islamarkaana uu marwalba dhiirigelin doono taallabo kasta oo lagu horumarinayo nolasha dadka Naafada ah.

 

 

 

 

 

 

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ku qabtay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo markii gacanta lagu dhigay sheegay in loo soo diray magaalada Muqdisho si ay u dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda.

Howlgalkan sida xeeladeysan Ciidanku u fuliyeen ee lagu qabtay dhagarqabayaasha ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee isku dayaya inay carqaladeeyaan amniga iyo xasilloonida Dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo dedaal ugu jira difaaca shacabka ayaa markale muujiyay feejignaan, karti iyo geesinimo ay kaga hortegayaan dhagar kasta oo cadowgu soo maleego, taas oo cadeyneysa sida Ciidanku ugu heellanyihiin sugidda amniga iyo badbaadada shacabkooda.

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Waxaracadde, oo dib loo dhisay kaddib burburkii dalka.

Dugsigan, oo markii hore la aas-aasay sannadkii 1984, ayaa dib u bilaabay bixinta adeeg waxbarasho oo lacag la’aan ah, taas oo qayb ka ah qorshaha Dowladda Hoose ee lagu horumarinayo waxbarashada bilaashka ah iyo dib-u-soo-nooleynta iskuulladii burburay muddadii dagaallada sokeeye.

Sheekh Mukhtaar Maxamuud, oo ahaa maamulihii ugu horreeyay ee dugsiga, ayaa dib loogu magacaabay xilkaas, halka Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir uu sheegay in qorshuhu yahay in xaafad kasta laga hirgeliyo iskuullo casri ah si loo ballaariyo helitaanka waxbarasho tayo leh.

Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, ayaa sheegay in maamulka gobolka uu diyaar u yahay daboolidda dhammaan baahiyaha dugsiga, isagoo carrabka ku adkeeyay in waxbarashadu tahay mudnaanta koowaad ee maamulka, lana dardar-gelin doono dayactirka iskuullada burburay si loo hubiyo mustaqbal ifaya oo carruurta Soomaaliyeed.

Munaasabadda xarig-ka-jarka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka gobolka, bahda waxbarashada iyo bulshada deegaanka.

 

     

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 71-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la isku raacay soo bandhigidda naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.  

Xuska maalintaan waa mid qaran oo ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed,isla markaana ka tarjumaya dadaalkii loo soo galay lahaanshaha calan Soomaaliyeed oo ku yimid rabitaanka dad in muddo ah ku hoos nolaa gumeysi shisheeye.

Soo Bandhigiddii Calanka.

Kadib muujinta hannaanka ee loo xardhay Calanka,xubnihii ururka SYL ee waqtigaa dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay muxaafid iyo mucaaradba in la qaato Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.

, Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yiri”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqnay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Laakiin, markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday ,iyagoo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” waxeyna marmarsiinto ka dhigteen in aan la ogolayn calan dal leeyahay.

Maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin,isku daygaasina uu yahay mid aan soo kordhineyn wax faa’iido ah.

Intaa kadib, Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib  maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgankii dheeraa, kadib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali  midaysan.

Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 71- sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo loolan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

12-ka Oktobar ee sanadkii1954kii waa maalin xasuus leh oo la soo bandhigay callanka buluugga ah ee xambaarsan sharafta umadda,waxaadna ka dhadhansan karnaa miraha can baxay ee ku jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo  Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:- “Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee  Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”.

Hadabba,26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, halka 1dii luulyo 1960kii gobolada koonfureed ay ,iyana  ka xoroobeen gumaysigii Talyaaniga,isla markaana lagu guuleystay israaca labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur,kuwaas oo horsed u ahaa  dhismaha Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka, in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta dugsiyada lagu dhigo lagu daro maaddo wadaniyadda ku saabsan.

Gabagabadii,waa muhiim in ardayda iyo jiilasha dambe la baro qiimaha dalka iyo halgankii loo soo maray xoriyadda,gaar ahaan xusudda halgamayaashii taariikhda galay , qiimaha calanka iyo astaanta dalku leeyahay.

W/D:- Gobdoon.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa hoygiisa ku martiqaaday madax iyo siyaasiin heer qaran ah, isagoo u sameeyay casho-sharaf iyo soo dhoweyn.

Kulanka ayaa lagu lafaguray arrimo la xiriira xasiloonida, wadajirka iyo horumarinta caasimadda, iyadoo lagu xoojinayay iskaashiga u dhexeeya Maamulka Gobolka iyo madaxda qaranka.

Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi Timacade, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Xoosh, Wasiirka Tamarta Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Janaraal Asad Cismaan Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyo Xildhibaan hore Maxamuud Xayir Ibraahim.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi is-faham iyo wadatashi sare leh, iyadoo lagu adkeeyay muhiimadda iskaashiga iyo wadajirka lagu horumarinayo nabadda iyo adeegyada magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo tegay Awdheegle oo laga xoreeyay Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer ku tegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, ka dib, markii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka khawaarijta ee muddo halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ciidamada geesiyaasha ah iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM ku ammaanay dadaalkooda iyo guulaha isdaba-joogga ah ee ay ka gaareen howlgalka “Duufaanta Aamusan” ee lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, Taliyaha iyo mas’uuliyiinta la socday ayaa kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka degmada Awdheegle, iyagoo ka wada hadlay qorshaha xasilinta degmada, dib u dejinta shacabka, soo celinta noloshii caadiga ahayd, iyo xaqiijinta amniga deegaanka.
        

Ra’iisul wasaaraha XFS oo magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimiyaasha Guud ee la magacaabay ayaa kala ah;
Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta.

Mudane Mahdi Sheekh Cabdullaahi Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda.