Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ay maanta horgeysay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda Federaalka Soomaaliga ayaa  Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS uga mahadcelisay sida aqlabiyadda leh ee ay maanta u ansixiyeen Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

” Ansixinta xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka waa guul weyn oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waana taariikh mug leh oo ay Soomaaliya qortay maanta” ayey tiri wasiirka qoyska.

Dhaarinta iyo ansxinta Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo guushii dhawaan ay Soomaaliya ka soo gaartay shirkii Xuquuqul Insaanka QM ee magaalada Geneva waxa ay qeyb ka yihiin guullaha isdaba joogga ah ee ay Xukuumadda DanQaran ka gaartay fagaarayaasha caalamka iyo dhismaha hay’adaha Dowliga ah.

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo ay ku falanqeynayaan hannaanka akhrinta iyo sixitaan lagu samaynayo Hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka Federaalka.

Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Sanatar Naciima Xasan Xaaji (Gadhweyne), ayaa dood, falanqayn iyo gorfayn ay qayb ka ahaayeen sharciyaqaannada Golaha waxaa lagu go’aamiyay in loo yeero Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS; si loola yeesho waydiin oraaheed iyo fasiraad dheeraad oo looga baahday hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka Federaalka.

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo ay ku falanqeynayaan hannaanka akhrinta iyo sixitaan lagu samaynayo Hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka Federaalka.

Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Sanatar Naciima Xasan Xaaji (Gadhweyne), ayaa dood, falanqayn iyo gorfayn ay qayb ka ahaayeen sharciyaqaannada Golaha waxaa lagu go’aamiyay in loo yeero Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS; si loola yeesho waydiin oraaheed iyo fasiraad dheeraad oo looga baahday hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka Federaalka.

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku caddeynayo digniin adag oo ku socota shaqsiyaadka ku hawlan isticmaalka calaamadaha iyo astaamaha gaarka u ah Ciidanka XDS, iyadoo lagu amray in si buuxda looga fogaado isticmaalka agabkaas aan sharciyeysneyn.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qof kasta oo lagu qabto isagoo si aan sharci ahayn u adeegsanaya agabka, astaamaha ama darajooyinka Ciidanka Xoogga Dalka, laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan xeerarka ciidamada.

Taliska ayaa si gaar ah uga digay in cid aan ciidanka ahayn ay isticmaasho:

Dareeska Ciidanka XDS

Darajooyinka Ciidanka XDS

Calaamadaha iyo astaamaha kale ee gaarka u ah Ciidanka XDS

Sidoo kale, digniin ayaa loo jeediyay ganacsatada leh garaashyada, iyadoo lagu amray inaysan:

Midab ama beddelin karin gaadiidka Ciidanka XDS

Dayactir u samayn karin ama cillad bixin karin gaadiidka Ciidanka XDS

Iibin karin qalab ama adeegyo la xiriira gaadiidka Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka XDS ayaa ku celiyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amarradan, iyadoo la wargeliyay in dhammaan ganacsatada iyo bulshada looga baahan yahay inay ka fogaadaan iibinta iyo isticmaalka astaamaha ciidanka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay baaq lagu amrayo in lala socdo sharciyada ciidamada, lana ixtiraamo sumcadda iyo astaanta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Maraykanka oo Soomaaliya ka taageeraya horumarinta hay’adaha garsoorka

Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay Nidaamkeeda cusub ee Caddaaladda “Integrated Electronic Case Management System” (IECMS). Nidaamkan oo hirgelintiisa ay iska kaashanayaan Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka ayaa loogu talagalay in lagu wanaajiyo hufnaanta, daah-furnaanta, iyo isla xisaabtanka guud.

Hanaankan cusub oo dhijitaalka ah ayaa si rasmi ah loogu soo bandhigay magaalada Muqdisho,iyadoo Munaasabadda ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin muhiim ah oo ka kala socday hay’adaha kala duwan ee garsoorka taas oo muujineysa sida ay dowladda uga go’an tahay hirgelinta mashruucan oo ah nidaam mideysan oo isku xiran kaas oo hagaajiya shaqada afar hay’adood oo muhiim ah: Waaxda Dembi Baarista (CID), Xafiiska Xeer Ilaalinta, Maxkamadaha, iyo Xabsiyada.

Taariikh ahaan, nidaamka cadaaladeed ee Soomaaliya waxa uu si weyn ugu tiirsanaa hab-raac buug-gacmeed, kaas oo inta badan ahaa mid gaabis ah, aan tayo lahayn, una nugul khaladaadka,dowladda ayaa hadda rabta in ay meesha ka saarto habkan duugoobay, oo ay ku beddesho habkan cusub ee elegtarooniga ah.

Ciidanka xoogga oo hawlgal ka dhan ah khawaarijta ka fuliyey Shabeellaha hoose

Shabeellaha hoose:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaannada Macalinka Kunteenarka iyo Balad Aamiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan oo si hufan loo qorsheeyay, ayaa lagu burburiyey baro ay maleeshiyaadka Khawaarijtu ku dhibaateynayeen shacabka deegaanka, iyadoo ciidanku ay muujiyeen geesinimo iyo feejignaan sare.

Taliyaha Ururka 252-aad, Laba Xidigle Dhala Dheere, ayaa sheegay in ujeeddadu ahayd in gebi ahaanba meesha laga saaro goobihii ay cadowgu gabaad ka dhiganayeen.

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay inay burburiyaan xarumo muhiim ah oo cadowgu ku dhuumaaleysanayay, taasoo qayb ka ah howlgalka ballaaran ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ka howlgalaysa gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay Eedaysaneyaal loo haysto dil ka dhacay qaayib

Ciidamada Ammaanka ee ka howlgala Galmudug ayaa soo qabtay laba ka mid ah saddex eedeysane oo dhawaan aagga deegaanka Qaayib dil ugu geystay haweeney iyo carruur ay dhashay, kadib howlgal qaatay ku dhawaad 24 saacadood.

Ciidamada ayaa weli ku raad-jooga eedeysane kale oo la aamisan yahay inuu ku lug lahaa dilka dadkaas, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga  ee Dalalka Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wejiga 1aad ee wadahadalladii ka socday  magaalada Kismaayo ee lala yeeshay maamulka Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyadoo lagu ballamey in wadatashiyada  ay sii socdaan.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Maraykanka,isagoo xusay in Soomaaliya ay mudnaanta siin doonto horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah, maalgelinta beeraha, kalluumaysiga iyo tamarta iyo abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada.

4-Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u  jeediyay shacabka Soomaaliyeed, kaddib, Salaaddii Jimcaha ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka, tanaasulka dowladda ee tabashooyinka mucaaradka, nidaaminta dhulka danta guud iyo dhacdooyinkii amni-darro ee caasimadda ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

5-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda u beenisay  warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Sweden.

6-Ra’iisul Wasaare  Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay  Maxamed Xasan Cabdulle in uu noqda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa  daah-furay qorshaha dib loogu furay waddooyinka xiran ee caasimadda, oo gaaraya 52 waddo, kuwaas oo 15-kii sano ee la soo dhaafay u xirnaa sababo amni.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in qorshaha furitaanka waddooyinka caasimadda uu ku yimid isbeddel iyo horumar muuqda oo laga sameeyey amniga caasimadda, taas oo keentay in laga maarmo xirnaanshaha waddooyinka.

9-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jamaac   ayaa uga warbixiyey culimada iyo ganacsatada ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka , xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarrada kala duwan ee ay xaqiijisay dowladda.

10-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad ee Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi  ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kuliyadda Tababbarka Ciidamada ee Turkiga (TurkSom).

11-  Golaha Wasiirrada ayaa  ansixiyay heshiisyo  ku saabsan  tacliinta sare, cilmi baarista iyo waxbarashada oo lala  galay dalalka Uganda, Qatar iyo Algeria.

12-  Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Boqortooyada Sweden Pål Jonson, oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka argagaxisada Al-Shabaab.

13-  Wasiirka Amniga Gudaha   Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa   magaalada Kampala kulan kula yeeshay Wasiirka Amniga ee Jamhuuriyadda Uganda, Hon Jim Katugugu Muhwezi,iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada  amniga, la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo isdhaafsiga macluumaadka sirdoonka.

14-  Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadaa Dr. Cali Xaaji Aadan  ayaa magaalada Amman kulan kula yeeshay Wasiirka Caafimaadka ee Jordan Dr. Ibraahim Mahfuz Al-Badour.

15-  Wasiirka Hawlaha Guud  Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay billaabayso mashaariic  horumarineed oo  dhismaha waddooyinka  iyo biya-mareenada caasimada Moqdisho wax looga qabanayo.

16-  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa magaalada Kigali kulan kula yeeshay Wasiirka Difaaca Dalka Rwanda  Juvenal Marizamunda, iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Rwanda, General MK Mubarakh.

17-  Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka marwo  Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ayaa magaalada Geneva kulamo gaar ah kula qaadatay qaar ka mid ah safiirrada dalalka caalamka u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva.

18-  Wasiirka Qorshaynta Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo George Conway oo ah Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u guddomiyey shirka Maamulka Sanduuqa Wadajirka Soomaaliya ee (SJF),oo looga hadlay  Barnaamijka Taageerada Dowlad-Dhiska iyo Dib-u-heshiisiinta (SPSP).

19-  Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya hor-geeyay hannaanka xisaab xirka Warbixin Maaliyadeedkii 2024.

20-  Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa horgeeyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hindise-Sharciyeedka Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

21-  Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa  kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Amb.Francesca Di Mauro,iyadoo kulanka diirada lagu saaray dhinacyada isgaarsiinta, casriyeynta taknoolijiyada iyo ka hortagga ammaanka internet-ka.

22-  Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali  ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay 148 muwaadiniin Soomaali ah, kuwaas oo ku dhibaateysnaa dalka Yeman oo ay dowladdu ku guuleysatay in ay dib ugu soo celiso dalkooda.

23-  Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta  Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.

24-  Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo khudbad  ka jeediyay munaasabadda furitaanka Shirka lagu aasaasay Shabakadda Soo Celinta Hantida La Lunsaday ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika (MENA-ARIN) kaas oo lagu qabtay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

25-  Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah oo Soomaaliya ay kula soo wareegeyso maareynta Madaxa Bannaan iyo waajibaadkeeda qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, kaasi oo Soomaaliya ka maqneyd tan 1993-dii.

26-  Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Al-Makhzoumi ayaa soo dhoweysay qaraarka Qaramada Midoobay ee ay Soomaaliya ku soo ceshatay kaalinteeda waajibaadka qaran ee xuquuqda aadanaha.

27-  Shirweynaha Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey ayaa diiradda lagu saaray kobcinta wax soo saarka wadamada gobolka oo socday laba maalmood.

28-  Wasiirka Gaashaandhigga Danjire Axmed Macallin Fiqi  ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso in agoonta shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo sameeyo hay’ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda.

29-  Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  Dr. Cali Xaaji Aadan, oo ka qayb galaya Shirka Wasiirrada Caafimaadka dalalka Islaamka ee ka socda magaalada Amman ee dalka Urdun, ayaa kulamo doceedyo muhiim ah la yeeshay wasiirrada caafimaadka dalalka Malaysia iyo Brunei Darussalam.

30-  La-Taliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys Xaaji Yuusuf ayaa magaalada Muqdisho kusoo xiray kulan labo maalmood u socday masuuliyiin ka kala socotay Xafiiska Amniga Qaranka iyo xafiisyada Amniga ee Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

31-  Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho  Danjire Maxamed Cali Nuur ayaa  dekadda ku soo dhaweeyay ganacsato Soomaaliyeed oo dhawaan Muqdisho uga qeyb galay Shirka Iskaashiga Ganacsiga, maalgashiga ee Soomaaliya iyo Maraykanka.

32-  Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda  Mustafe Dhuxulow ayaa  kulan mirro dhal ah la qaatay danjireyaasha dawladaha Qatar  iyo Talyaaniga ee Soomaaliya  u jooga ,isagoo kala hadlay horumarinta adeegyada socdaalka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi.

33-  Wasaarada Amniga oo war kasoo saartay weerarkii  Khawaarijta Al-Shabaab ku  qaaday Xarunta Baarista Jilacow ee NISA, iyadoo oo sheegtay in dhamaan la toogtay dhagar-qabayaashii weerarka fuliyay oo tiradoodu ahayd toddobo (7) xubnood.

34-  Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta  Sadaad Maxamed Nuur, ayaa ka qeyb galay Shirka 76-aad ee Guddiga Fulinta Hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR),oo ka qabsoomay   magaalada Geneva ee Dalka Switzerland.

35-  Safiirka Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya, Danjire Yusuf Axmed Xasan ayaa kulan la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska dalka  Aljeeriya, Mudane Cali Badaawi.

36-  Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa si rasmi ah u furay Maalinta Soomaaliya ee Bandhigga Caalamiga ah Expo 2025 ee ka qabsoomay  Osaka ee dalka  Japan.

37-  Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Faysal Aadan Xasan ayaa furay kulan dadweyne oo ku saabsan Kaalinta Bulshada ee ku aaddan Horrumarinta Cadaaladda.

38-  Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo xiray shirkii ugu horreeyay ee lagu dhisayo Madasha Isku-xirka Nidaamyada Digniinaha Hore ee Khatarta Badan ee Soomaaliya, kaas oo socday muddo Shan maalmood ah.

39-  Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda.

40-  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya howlgalka AUSSOM ayaa la wareegay degmada muhiimka ah ee Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

41-  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa  maleeshiyaadka Khawaarijta ka saaray deegaanno hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose oo muddooyinkii dambe ay argagaxisada ka dhigaanayeen gabbaad.

42-  Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga furtay hawlwadeenada xabsiyada dalka.

43-  Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Muqdisho ku qabatay shir looga hadlayo ka hortagga askareynta carruurta.

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ka qaateen dhismaha ciidanka dalka?

Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii illaa hadda sii wada Tababarada iyo dhoolatusyada ciidan   ee ay siinayaan ciidamada Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan amniga dalka iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Sida laga soo xigtay Anadolu Agency (AA), Turkiye waxay go’aansatay in la dhiso ciidan ka howlgala Somalia ,iyada oo la raacayo heshiiskii qaab-dhismeedka Ankara iyo Muqdisho ee 2010, Heshiiskii Iskaashiga Military ee 2012, kii 2014 ee Hab-maamuuska ciidamada howlgallada , Go’aankii Golaha Hawlgelinta Turkiga ee 20-aad iyo kii Golaha Wasiirada ee 2017.

Ciidamada Turkiga waxa ay gacan ka geysteen howlo ay ka mid yihiin abaabulka, waxbarashada, kaabayaasha militariga, hagaajinta nidaamka saadka , taageerada iyo sidoo kale caawinta hey’adaha dowladda.

Taliska Dugsiga Militariga, ee Turkisom waxa ay ardayda Soomaalida ay siiyaan tababaro wax ku ool ah iyo fursado shaqo barasho oo ay u sii dheer tahay tan militariga, tacliinta, aasaasiga ah iyo waxbarasho xagga jir dhiska ah.

Turkiga, oo xubin ka ah NATO, wuxuu xiriir dhow la leeyahay Soomaaliya, isagoo u adeegaya saaxiibka dhaqaalaha aasaasiga ah, gaar ahaan dhinacyada dhismaha, waxbarashada iyo caafimaadka iyo sidoo kale iskaashiga milatari.

Ciidanka Turkiga ayaa sidoo kale ka howlgala Saldhigga ugu weyn iyo xarunta tababarka ee ay ku leeyihiin Soomaaliya, waxaana la sheegay in lagu tababaray in ka badan 5,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya,halka la tilmaamay in ay jiraan askar Soomaali ah oo tababar ciidan ku qaatay Turkiga.

Iyadoo la taageerayo dhismaha iyo horumarinta ciidamada qaranka Soomaaliyeed TURKSOM waxa ay wadashaqeyn heer sare ah la lleeyihiin madaxtooyada, wasaaradda gaashaandhigga, taliyaha guud ee ciidanka iyo taliyeyaasha ciidamada maamul goboledyada.

Marka laga soo tago Turkiga, QM, Mareykanka, Imaaraadka, Taliska Afrika, U.K., Hawlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub (EUTM) iyo dhowr hay’adood oo aan dowli ahayn ayaa ka hawlgala Soomaaliya.

Sidoo kale,ciidamo ka kooban cutubyo militari oo ka kala socda Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa sii wada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo xilligaan gaaraya 11,467 askari.

Gabagabadii ciidanka TURKSOM waxa ay kaalin muhiim ah ka qaateen dhismaha ciidanka dalka iyo dib u dhiska dalka,gaar ahaan kor u qaadidda kaabayaasha lagama maarmaanka u ah hey’adaha dowladda.

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshaha wajiga koowaad ee xabad joojinta Gaza,kaas oo dhigaya in qeybo kamid ah gaza ay Israel ka baxdo,si la isu weydaarsado maxaabiis laba dhinac ah.

Dhinaca kale, Khalil al-Hayya, oo ah madaxa kooxda wada xaajoodka Xamaas ayaa sheegay in kooxdu ay dammaanad ka heshay Maraykanka iyo dhexdhexaadiyeyaasha kale ee ku jira arrimaha dagaalka Gaza,inkasta oo aysan weli caddeyn qorshe nabadeed oo ah mid waara.

Heshiiska ku saabsan xabad joojinta dagaalka gaza  ayaa waddada u xaaraya in dagaalka Qaza uu ku joogsado 24 saacadood ee soo socda, halka Xamaas la siiyay 72 saacadood, si ay u sii daayaan maxaabiista Israel.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 67,194 qof, waxana ku dhaawacmay 169,890, tan iyo Oktoobar 2023,halka kumanaan kale la rumaysan yahay in ay ku hoos aasan yihiin burburka dhismayaal badan oo burburay.