Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

Qaar kamid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya Cadaaladda dalka ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray soo bandhigga adeeg dhanka computerka ah oo loogu talagalay maareynta shaqooyinka khuseeya gal-dacwadeedyada.

Bandhigidda qalabkaan oo ku shaqeyn doona habka diijitaalka ah,waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka,Xoghayaha Wasaaradda Caddaaladda,Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska iyo Taliyaha Hoggaanka barista Dambiyada.

Kulankii bandhigga adeegaan waxaa ka hadlay Guddoomiyaha maxkamadda Sare Baashi Yuusuf iyo qaar kamid ah maamulada qeybaha caddaaladda,kuwaas oo ka warbixiyay ahmiyadda qalabkaan iyo sida uu uga qeybqaadan karo howlaha ku saabsan baarisyada iyo la socodka dambiyada.

Dhameystirka mashruucaan waxaa mudada uu socdo maalgalinaya Dowladda Mareykanka,iyadoo hannaankaan casriga ah uu yahay mid loo qorsheeyay in uu fududeeyo isku xirka shaqooyinka maalinlaha ah ee u dhaxeeya bahda caddaaladda .

Wasiirka ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka hoggaamiyeyaasha COMESA

Nairobi:- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa maanta si rasmi ah uga qeybgalay Shirka 24-aad ee Hoggaamiyeyaasha Dalalka Xubnaha COMESA, isaga oo halkaas ku matalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka, oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya,ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah COMESA, dardargelinta ganacsiga xorta ah, iyo hormarinta hal-abuurka dhijitaalka ah ee gobolka si loo gaaro koboc waara oo loo dhan yahay.

Ururka COMESA waa isku-tag ganacsi iyo dhaqaale oo ay ku mideysan yihiin 21 dal oo ka tirsan Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo Muqdisho ku qabatay shir looga hadlayo ka hortagga askareynta carruurta

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa maanta gudoomiyay shirka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradaha ee ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan.’

Shirka oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socday wasaaradaha dowladda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga iyo hirgelinta qorshayaasha lagu difaacayo badqabka carruurta Soomaaliyeed ee ay saameeyeen colaadaha.

Xoghayaha Joogtada ah ayaa sheegay in Wasaaraddu ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda carruurta, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo difaaca carruurta Soomaaliyeed.

  

Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay Madasha Isku-xirka Nidaamyada Digniinaha Khatarta Badan ee Soomaaliya

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirkii ugu horreeyay ee lagu dhisayo Madasha Isku-xirka Nidaamyada Digniinaha Hore ee Khatarta Badan ee Soomaaliya, kaas oo socday muddo Shan maalmood ah.

Shirkan muhiimka ah oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’adaha dowladda, ururrada caalamiga ah, iyo daneeyayaasha ka shaqeeya digniinta hore iyo maareynta musiibooyinka.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd in la mideeyo nidaamyada kala duwan ee bixiya digniinaha hore, si loo abuuro nidaam qaran oo isku dhafan oo awood u leh ogaanshaha, ka hortagga iyo jawaab degdeg ah oo lagu maareeyo khataraha iyo musiibooyinka soo food saara dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo xiray shirka, isagoo uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha dadaalkii ay muujiyeen iyo ansixinta nidaamka isku-xirka Nidaamyada Digniinaha Hore ee Khatarta Badan ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay shirkan tallaabo taariikhi ah oo dhabbaha u xaaraysa dhismaha nidaam casri ah oo qaran, kaas oo gacan ka geysan doona yareynta halista musiibooyinka, korna u qaadi doona awoodda dalka ee u diyaar garowga degdegga ah.

Guddoomiyaha SoDMA “Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhammaan hay’adaha dowladda, daneeyayaasha iyo bahda caalamiga ah ee gacan ka geystay hirgelinta iyo ansixinta nidaamka isku-xirka. Tani waa guul wadajir ah oo u horseedi doonta Soomaaliya mustaqbal adkeysi leh.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha ayaa ku boorriyay dhammaan daneeyayaasha inay sii xoojiyaan iskaashiga iyo wada-shaqeynta si loo hirgeliyo nidaamka cusub, loona hubiyo in fariimaha digniinta hore ay si hufan u gaaraan bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyay guushii ay dowladda Soomaaliya kasoo hoysay shirkii Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu ansixiyay qaraarka Soomaaliya ay kula soo wareegeyso arrimaha xuquuqul insaanka ee dalka.

Intaasi ka dib, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday xubnaha sagaalka ah ee guddiga madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo dhowaan kulanka guud ee Golaha la horgeyn doono.

Sidoo kale , kulanka Guddiga Joogtadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa waxaa Ajendeyn lagu sameeyay kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda.

Wasiirka Caafimaadka oo kulamo la yeeshay dhiggiisa dalalka Malaysia iyo Brunei

Ammaan- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo ka qayb galaya Shirka Wasiirrada Caafimaadka dalalka Islaamka ee ka socda magaalada Amman ee dalka Urdun, ayaa kulamo doceedyo muhiim ah la yeeshay wasiirrada caafimaadka dalalka Malaysia iyo Brunei Darussalam.

Wasiirka Caafimaadka Dr Ali haji ayaa kulamadan muhiimka ah ee uu la qaatey Wasiirka Caafimaadka Malaysia mudane Datuk Seri iyo Wasiirka Caafimaadka Brunei mudane Dato Dr. Isham Jaafar, kala hadlay sidii la isku dhaafsan lahaa aragtiyo iyo waayo-aragnimo ku saabsan xoojinta nidaamyada daryeelka caafimaadka, horumarinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah iyo tababarrada xirfadlayaasha caafimaadka.

Kulamadan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga laba geesoodka ah, is-dhaafsiga khibradaha iyo fursadaha waxbarasho iyo horumarinta awoodda shaqaalaha caafimaadka Soomaaliyeed, si kor loogu qaado tayada adeegyada caafimaadka dalka.

       

Wasiirka Caafimaadka XFS iyo Ururka Caalamiga ah ee EMHPNET oo heshiis kala saxiixday

Amman-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo safar shaqo ku jooga magaalada Amman ee dalka Urdun, ayaa heshiis is-afgarad ah la galay Ururka EMHPNET (Eastern Mediterranean Public Health Network) si loo xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqaynta dhanka horumarinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya.

EMPHNET waa hay’ad caalami ah oo ka shaqeysa kobcinta caafimaadka dadweynaha, gaar ahaan xoojinta awoodda shaqaalaha caafimaadka, la dagaalanka cudurrada faafa iyo horumarinta nidaamyada la socodka caafimaadka.

Hay’addan ayaa hore uga fulisay Soomaaliya mashaariic lagu taageerayo adeegyada caafimaadka, gaar ahaan qaybo kamid ah gobollada dalka.

Heshiiskan cusub ayaa dhidibada u taagaya iskaashi ballaaran oo u dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo EMPHNET, kaas oo gacan ka geysan doona tayaynta nidaamka caafimaadka iyo kor u qaadista adeegyada caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo ku saabsan waxbarashada iyo cilmi-baarista

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan dhinacyada waxbarashada iyo cilmi-baarista.

Hehsiisyada isfgarad ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada, soona gudbisay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa kala ah;

1. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda, kuna saabsan Waxbarashada.

2. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo ku saabsan Tacliinta Sare.

3. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya kuna saabsan Tacliinta Sare Cilmi Baarista.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa looga dhageystay wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo la-dagaallanka Khawaarijta.

     

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen dhammaan saraakiisha Booliska ee ka howl-gala Muqdisho, una hoggaansan Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo howlgaladii toddobaadkii tegay, iyadoo la falanqeeyay qorshayaal lagu xoojinayo amniga guud ee Caasimadda.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa saraakiisha ku ammaanay dadaalkooda, wuxuuna sidoo kale ku booriyay in ay ka hortagaan musuqmaasuqa, sare u qaadaan feejignaantooda, isla markaana la hagaajiyo bilicda saldhigyada si bulshada loogu adeego si hufan, sharaf leh oo lagu kalsoonaan karo.

Shirweynaha iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo xiray Shirweynaha Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EACCON 2025), kaas oo muddo laba maalmood ah ka socday caasimadda dalka, iyadoo ay kasoo qayb galeen madax sare oo heer gobol iyo heer qaran ah, khubaro, ganacsato, iyo wakiillo ka kala socday dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Intii uu shirka socday, waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo, dood-cilmiyeedyo iyo warbixinno xeel dheer oo lagu falanqeeyay xaaladda dhaqaalaha Bariga Afrika, caqabadaha iyo fursadaha jira, iyo sida Soomaaliya uga qayb qaadan karto koboca dhaqaale ee gobolka iyadoo la adeegsanayo khayraadkeeda dabiiciga ah iyo awoodda dhalinyarada.

Waxaa sidoo kale garab socday bandhig ganacsioo ay ku soo bandhigeen shirkadaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya, ganacsiga beeraha, kalluumeysiga, bangiyada, iyo isgaarsiinta, taas oo soo bandhigtay hal-abuur iyo fursado cusub oo ganacsi oo lagu kobcinayo dhaqaalaha gudaha.

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, Mudane Andrea Ariik Malueth, oo ka hadlay xafladda xiritaanka, ayaa bogaadiyay sida heerka sare ah ee ay Soomaaliya u martigelisay shirkan sanadkii labaad, isagoo sheegay in Muqdisho ay markale caddaysay in ay tahay xarun ku habboon shirarka caalamiga ah ee gobolka, ayna muujisay karti iyo isdiyaarin qaran oo lagu faano.

Dr. Cabdirakim Muxudiin Axmed, Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD oo ka mid ahaa qaban-qaabiyeyaasha shirkan, ayaa uga mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay qabsoomidda shirweynaha, isaga oo xusay in madashani ay kor u qaadayso cilmi-baarista iyo fahamka iskaashiga dhaqaale ee gobolka, ayna dhiirrigelinayso in jaamacadaha iyo hay’adaha tacliinta sare ay noqdaan hormuudka horumarinta aqoonta iyo hal-abuurka dhaqaale.

Wasiirka hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa soo xiray shirka isaga oo ku hadlayay magaca madaxda sare ee dalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in EACCON 2025 uu ahaa shir taariikhi ah oo taabanaya kobaca dhaqaale, isdhexgalka bulshada iyo iskaashiga gobolka Bariga Afrika, isla markaana uu muujiyay sida Soomaaliya ay si dhab ah ugu jirto dadaalka mideynta iyo kobcinta dhaqaalaha gobolka.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay wafdiyadii iyo madaxda ka socday dalalka xubnaha ka ah EAC iyo dhammaan qaban-qaabiyeyaasha Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in natiijooyinka shirkan ay horseedi doonaan qorshayaal istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale iyo fursadaha maalgashi ee Bariga Afrika.

Shirweynaha EACCON 2025 ee lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho ayaa noqday madal muhiim ah oo lagu xoojiyay xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo dalalka gobolka, iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo isku-xirka dhaqaalaha, wax-soo-saarka, iyo suuqyada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mdane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay shurkan furay ayaa ku tilmaamay EACCON 2025 fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale, ganacsi, iyo isdhexgalka bulshada dalalka gobolka Bariga Afrika, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay markii labaad martigelineyso shirkan tan iyo markii ay si rasmi ah u noqotay xubin buuxda ee EAC.

Soomaaliya ayaa markale muujisay kartideeda martigelinta shirar heer gobol ah iyo go’aankeeda ku aaddan in ay door muuqda ka ciyaarto isdhexgalka dhaqaale ee gobolka iyo horumarinta wadashaqeynta Bariga Afrika.