Lataliyaha amniga Qaranka oo soo xiray wadatashi ku aadan guddiyada Amniga Dowlad Goboleedyada

La taliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys Xaaji Yuusuf ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu magaalada Muqdisho kusoo xiray kulan labo maalmood u socday masuuliyiin ka kala socotay Xafiiska Amniga Qaranka iyo xafiisyada Amniga ee dowlad goboleedyada.

Ujeedka Shirkaan loo qabtay oo ahaa sii xoojinta Wadashaqaynta ee Amniga Qaranka ayaa Danjire Aweys Xaaji Yuusuf ku tilmaamay iney farxad galineyso inuu arko xafiisyo iyo teamka Amniga Qaranka labadooda heer oo sidaan isugu xiran una shaqaynaya si wadajir ah unagana wada hadla daadajinta hanaanka mamul ee Amniga Qaranka, wuxuuna carabka ku adkeeyay talooyinkii iyo doodii la galay sadaxda maalmood ay ku fariisan doonaan nidaamka Qaabdhismeedka Amniga Qaranka.

Kulanka waxaa sidoo kale xoogga lagu saaray diyaarinta hindise-sharciyeedka dhismaha Guddiyada Amniga Dowlad-Goboleedyada, si loo xoojiyo nidaamka maamul ee amniga dalka, waxaana si hufan looga wada dooday in la caddeeyo kaalinta Golaha Amniga Qaranka, Xafiiska Amniga Qaranka, iyo Xafiisyada Amniga Dowlad-goboleedyada ee ku jira Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee la cusboonaysiiyay March 2023.

Danjire Aweys Yuusuf wuxuu kasoo qayb galayaasha kulanka u cadeeyay in habeen iyo maalin u furan yahay xafiiskiisa, ayna muhiim tahay in si wadajir ah la isaga kaashado Amniga Qaranka,kaasoo taabanaya nolasha dhinac kasta.

Kasoo qayb galayaasha kulanka ayaa mudadii labada maalmood ahayd waxay isla meel dhigeen In la qeexo waajibaadka iyo hawlaha guddiyada amniga heer federaal iyo heer dowlad-goboleed si loo dheelitiro baahida amniga gudaha iyo ilaalinta madax-bannaanida. ⁠In la horumariyo habraacyo isku-xiran iyo in hababka go’aan qaadashada ay noqdaan mid la isla ogolyahay loona dhaqan galiyo sida ugu haboon kana turjumaysa ilaalinta amniga iyo bedqabka muwadiniinta Jamhuriyada Somaaliya.

    

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyey dib ula wareegidda maareynta arrimaha Xuquuqda Aadanaha dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey in Soomaaliya ay si buuxda dib ula soo wareegtay hannaanka madaxa-bannaan ee maareynta, kormeerla iyo ka-warbixinta arrimaha xuquuqul insaanka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in ay tahay waajibaad qaran oo in ka badan soddon sano laga maamulayay dibadda dalka.

“Maanta waa maalin taariikhi ah maadaama Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar la taaban karo oo dhinaca dowladnimada ah, isla markaana ay diyaar u tahay in ay si madaxbannaan u fuliso waajibaadkeeda qaran iyo midka caalamiga ah ee ku aaddan dhowrista iyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha,” ayuu tilaamay Madaxwaynuhu Jamhuuriyaddu.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii ambaqaaddo ilaalinta karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinteeda iyada oo la kaashaneysa qaybaha kala duwan ee daneeyayaasha heer gobol iyo caalami.

Wasiirka Cadaaladda oo shir caalami ah uga qaybgalaya Sucuudiga

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay Shirweynaha daahfurka urur goboleedka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee soo ceinta hantida Sida Sharci-Darrada ah loola baxsado oo ka qabsoomaya magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya inta u dhaxaysa 8–9 October 2025.

Urur Goboleedkan oo Soomaaliya ay ka mid noqotay dalalka aasaasay, ayaa kulmiya wadamada Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, iyadoo ujeeddadeedu tahay xoojinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan la dagaallanka tahriibinta hantida sharci darrada ah, iyo soo celinta hantida la luunsado.

Inta uu socdo kulanka, Wasiir Xasan Macallin ayaa lagu wadaa inuu ka jeediyo khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo doorka Ururka, iyo muhimadda ay u leedahay Soomaaliya iyo dalalka gobolka, gaar ahaan dhanka xoojjinta iskaashiga wax ku oolka ah ee lagu xakamaynayo tahriibinta hantida sharci darrada ah isla markaana si loo fududeeyo dabagalkeeda iyo soo celinteeda.

Sidoo kale, Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa inta uu socdo kulankan la yeelan doono kulan-doceedyo madaxda iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer caalami ee ka qeyb galaya shirka, si kor loogu qaado xiriirka iskaashi iyo midka wada-shaqeyn ee arrimaha cadaaladda iyo soo celinta hantida la luunsado kaas oo ay la yeelanayso Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dowladaha gobolka.

   

Wasiirka Caafimaadka oo Jordan uga qaybgalay shirka wasiirada Caafimaadka dalalka Islaamka

Cammaan (Wargeyska Dalka): Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 8-aad ee Wasiirrada Caafimaadka dalalka Islaamka (OIC) oo si rasmi ah uga furmay magaalada Cammaan ee dalka Jordan.

Khudbadda Wasiirka ayaa diiradda saartay dadaallada joogtada ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo horumarinta yoolalka caafimaadka qaranka, iyadoo si gaar ah loo xusay guulaha laga gaaray ballaarinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, xoojinta nidaamyada tallaalka, iyo dhisidda awoodda shaqaalaha caafimaadka. Wasiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay tallaabooyinka muhiimka ah ee la qaaday si loo hubiyo helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh oo loo siman yahay dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka nugul iyo kuwa ku nool meelaha fogfog.

Waxaa uu Wasiirku ku booriyay dalalka xubnaha ka ah OIC in ay xoojiyaan iskaashiga iyo khibrad-wadaagga dhinaca caafimaadka, si wadajir ahna looga hortago caqabadaha caafimaad ee sii kordhaya, islamarkaana la dhiso nidaamyo caafimaad oo adkaysi leh oo ka jawaabi kara baahiyaha mustaqbalka.

 

Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiisyo amniga iyo socdaalka ah

Kampala (Wargeyska Dalka): Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo safar shaqo ku jooga dalka Uganda ayaa la saxiixday Wasiirka Amniga Hon. Jim Katugugu Muhwezi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Uganda Jen. Kahinda Otafiire heshiis iskaashi oo ku saabsan amniga iyo arrimaha socdaalka.

Heshiiskan oo la xiriira xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo socdaalka, ayaa qayb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso in ay ku xoojiso iskaashiga amni ee gobolka.

Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Uganda iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo la filayo in iskaashigan cusub uu wax badan ka tari doono la-dagaallanka dambiyada abaabulan, argagixisada, iyo hagaajinta nidaamka socdaalka ee labada dal.

Wasaaradda Beeraha iyo SoDMA oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta yeeshay kulan lagu dardargelinayo Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar (Jowhar Offstream Storage Programme (JOSP).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii barnaamijka JOSP uu door muhiim ah uga qaadan lahaa xakamaynta fatahaadaha, horumarinta waraabka iyo kor u qaadidda wax-soo-saarka beeraha, si bulshada deegaanka ay uga faa’iidaystaan kheyraadkooda dabiiciga ah iyo fursadaha kobaca dhaqaale ee deegaanka.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay dhiirrigelinta iyo horumarinta beeraleyda Soomaaliyeed, iyagoo isla meel dhigay qorshayaal lagu taageerayo wax-soo-saarka gudaha, lana kobcinayo awoodda beeraleyda si ay u helaan qalab casri ah, tababarro iyo suuqyo waara oo ay u iibgeeyaan dalagyadooda.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xusay in iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dowladda uu yahay tiir muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha nolosha, gaar ahaan kuwa la xiriira waraabka iyo beeraha, si loo yareeyo saameynta abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda.

Ugu danbeyn, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa tilmaamay in barnaamijka JOSP uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xaqiijinayo madax-bannaanida cunnada iyo ilaalinta deegaanka, isagoo xusay in Wasaaraddu ay si buuxda uga go’an tahay fulinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu taageerayo beeraleyda Soomaaliyeed.

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka oo akhrinta koowaad marsiiyay warbixin maaliyadeedka 2024-kii

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa wadajirka ah ee labaad, Kulanka waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kooramka kulanka oo ku furmay 140-mudane oo Golaha Shacabka ah iyo 27-Xildhihaan oo Aqalka sare ah ayuu ajendihiisu ahaa akhrinta koowaad ee warbixin maaliyadeedka sanadkii 2024, waxaana warbixinta mudanayaasha labada Aqal la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS Mudane Biixi Iimaan Cige.

Xildhibaanadda labada aqal ayaa su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud ee warbixintan weydiiyay Wasiirka Maaliyadda oo kulanka joogay maadaama warbixinta maanta akhrinta koowaad la marsiinayay oo aysan ka furnayn wax dood ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Maaliyadda ee labada Aqal inuu soo diyaariyo warbixinta akhrinta labaad si uu Golaha uga doodo.

Soomaaliya oo la wareegtay maareynta Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Geneva-(Wargeyska Dalka)-Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah oo Soomaaliya ay kula soo wareegeyso maareynta Madaxa Bannaan iyo waajibaadkeeda Qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, kaasi oo Soomaaliya ka maqneyd tan 1993-dii.

Guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ka gaartay kulankii loogu codeeyey ee ka dhacay magaalada Geneva, Switzerland, ayaa meesha ka saareysa soo magacaabista qabiirka Xuquuqul Insaanka, oo dalkeenna loo soo magacaabi jiray labadii sano ee la soo dhaafay.

Guushaan ayaa qeyb ka ah guulaha isdaba-joogga ah ee Soomaaliya ka gaartay fagaareyaasha caalamka, iyadoo horey ay Soomaaliya ugu guuleysatay qaadista cunaqabateyntii hubka iyo deyn-cafinta.

Dowladda oo beenisay in ay heshiis qarsoodi ah la gashay Sweden

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in warbixintani ay tahay been abuur, marin habaabin ah, isla markaana aan sal iyo raad toona lahayn.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri ma jiro heshiis qarsoodi ah ama shuruudeysan oo ay Soomaaliya la gashay waddan kale oo ku saabsan soo celinta muwaadiniinteenna ama qaybinta gargaarka horumarineed.

Dowladda oo beenisay in ay heshiis qarsoodi ah la gashay Sweden

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in warbixintani ay tahay been abuur, marin habaabin ah, isla markaana aan sal iyo raad toona lahayn.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri ma jiro heshiis qarsoodi ah ama shuruudeysan oo ay Soomaaliya la gashay waddan kale oo ku saabsan soo celinta muwaadiniinteenna ama qaybinta gargaarka horumarineed.