Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya

Aljeris-(Wargeyska Dalka)-Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa u diyaar garoobaya inuu la ciyaaro xulka Qaranka Aljeeriya maalinta Khamiista oo ku beegan 9-ka Oktoobar 2025, iyagoo isku arki doona garoonka Miloud Hadefi ee magaalada Wahran, taas oo qayb ka ah wareegga hore ee isu imaadka Koobka Adduunka 2026 ee Qaaradda Afrika.

Ciyaartan ayaa imaneysa iyadoo xulka Aljeeriya uu hoggaaminayo Kooxda 9-aad, isagoo leh 19 dhibcood, waxaana ku xiga Ugaanda iyo Mozambique oo leh 15 dhibcood midkiiba.

Xulka Soomaaliya ayaa dhankiisa doonaya inuu soo bandhigo ciyaar heerkeedu sarreeyo oo muujinaysa horumarka ciyaaryahannada dalka, inkasta oo ay adag tahay kooxda ay la ciyaarayaan.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa booqasho saaxiibtinimo ugu tagay xulka Qaranka Soomaaliya, kaas oo haatan ku sugan Aljeeriya, isagoo u diyaar garoobaya kulankaas muhiimka ah.

Intii uu socday kulanka, Danjiruhu waxa uu la hadlay ciyaartoyda iyo maamulka xulka, isaga oo ku dhiirri geliyay in ay muujiyaan midnimo, wadaniyad iyo dadaal heer sare, si ay u gaaraan natiijo sharaf u ah shacabka Soomaaliyeed, una muujiyaan sawirka cusub ee Soomaaliya ee ciyaaraha caalamiga ah.

Wasaaradda Qorshaynta iyo FAO oo ka wada hadlay daah-furnaanta barnaamijyada horumarineed

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa kulan ku saabsan isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta barnaamijyada horumarineed la qaatay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista natiijooyinka barnaamijyada wadajirka ah ee sannadihii 2024–2025, iyo talooyinka lagu horumarinayo fulinta iyo hufnaanta barnaamijyada.

Kulanka waxaa shir-guddoomiyey Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta, Mudane Maxamuud Siciid Nuur, halka wafdiga ka socday FAO uu hogaaminayay Wakweya Tamiru, Madaxa Kormeerka iyo Qiimaynta.

Kulanku wuxuu qayb ka yahay dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu hubinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta barnaamijyada horumarineed, si ay ula jaan-qaadaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka.

Kulanka waxa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee qurbo-joogta Soomaaliyeed ku leeyihiin howlaha samatabixinta iyo taageerada dadka nugul, gaar ahaan xilliyada ay dalka ka jiraan xaaladaha bani’aadantinimo iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa amaan iyo mahadnaq u jeediyay qurbo-joogta Soomaaliyeed, isagoo xusay in taageeradooda joogtada ah ay door muuqda ka qaadato hawlaha SoDMA ee gurmadka iyo adeegga bulshada.

Labadda dhinac ayaa ku ballamay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya SoDMA iyo qurbo-joogta, si loo horumariyo qorshayaasha samatabixinta iyo ka jawaabidda musiibooyinka dalka.

Taliyaha Xoogga dalka oo safar shaqo ku jooga Rwanda

Kigali: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Xarunta Taliska Ciidanka Difaaca Dalka Rwanda (RDF) ee Kimihurura.

Socdaalka ayaa looga gol leeyahay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhanka difaaca ee u dhexeeya labada dal.

Intii lagu guda jiray booqashada, Taliyaha ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Dalka Rwanda, Mudane Juvenal Marizamunda, iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Rwanda, General MK Mubarakh, iyadoo laga wadahadlay arrimo la xiriira xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhanka difaaca ee u dhexeeya labada dal.

Wasiirka amniga oo Kampala kula kulmay dhigiisa Uganda

Kampala: Wasiirka amniga gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Kampala Wasiirka amniga ee Jamhuuriyadda Uganda, Hon Jim Katugugu Muhwezi.

Kulanka labada Wasiir ayaa xoogga lagu saaray iskaashiga dhinaca amniga ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha argagixisada, isdhaafsiga macluumaadka sirdoonka, iyo tababarrada ciidamada amniga ee labada dowladood.

Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyay Dowladda Uganda taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay ku leedahay hawlgalka nabad ilaalinta ee AUSSOM, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada wasaaradood.

Dhankiisa wasiirka amniga ee Uganda, Hon. Jim Muhwezi ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hormarineyso amniga gudaha iyo dib u dhiska hay’adaha amniga, isagoo ballan qaaday in Uganda ay sii wadi doonto taageerada iyo iskaashiga amni ee labada dal.

  

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la yeeshay dhiggiisa Jordan si loo xoojiyo iskaashiga caafimaadka

Amman: Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo safar shaqo ku jooga magaalada Amman ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Jordan Dr. Ibraahim Mahfuz Al-Badour.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee dhinaca caafimaadka, gaar ahaan kordhinta khibrad-wadaagga, abuurista fursado waxbarasho iyo tababaro caafimaad oo loogu talagalay dhaqaatiirta Soomaaliyeed, si loo horumariyo aqoontooda iyo xirfadahooda adeegyada caafimaadka.

Wasiir Dr Cali Xaaji Aadan ayaa uga mahadceliyay Dowladda Jordan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashigan cusub uu noqonayo mid wax ku ool ah oo gacan ka geysanaya tayeynta adeegyada caafimaadka ee dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare oo qaabilay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Woqooyi Bari

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan, iyo xubno kale oo la socday.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray warbixin guud oo ka timid Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari, kaas oo ka hadlay howlaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, xaaladda siyaasadeed iyo bulsho ee shacabka ku dhaqan deegannada dowlad goboleedka.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka shaqo ee u dhexeeya Aqalka Sare iyo Golaha Wakiillada Waqooyi Bari, iyo sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha muhiimka ah ee hortebinta leh ee ku aaddan waajibaadka golayaasha Baarlamaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

    

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha labaad ee iskaashiga ganacsiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2aad ay martigelinayso Caasimadda Muqdisho, kaas oo lagaga arrinaanayo isdhexgalka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee gobolka.

Madaxweynaha ayaa muujiyey qiimaha ay Soomaaliya ugu fadhiso martigelinta shirka, isagoo tilmaamay in ay astaan u tahay kalsoonida iyo doorka cusub ee Soomaaliya ku yeelatay ururka tan iyo markii ay si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika.

“Muqdisho waa magaalo leh taariikh ganacsi iyo isku-xirnaan soo jireen ah. Martigelinta shirkan waxay muujineysaa sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin muuqata ka qaadato isdhexgalka gobolka iyo horumarinta nabadda iyo ganacsiga Bariga Afrika”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay aqoonyahannada, ganacsatada iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda in ay door firfircoon ka qaataan xoojinta isdhexgalka, gaar ahaan soo gudbinta talooyin iyo daraasado ku dhisan caddayn cilmiyeed kuwaas oo xoojinaya kobaca dhaqaalaha, maalgashiga iyo iskaashiga siyaasadeed.

Shirkan waxaa ka qeybgalay hoggaamiyeyaasha ganacsiga, aqoonyahanno iyo khubaro heer gobol iyo kuwo heer caalami, kuwaas oo ka doodayay sidii loo dardargelin lahaa isdhexgalka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee gobolka, loona xoojin lahaa kaalinta EAC ee horumarka Qaaradda Afrika.

Horjoogayaal ka tirsanaa khawaarijta oo lagu laayay Shabeellada hoose

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Howlgalka ayaa lagu dilay Toddobo xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo malleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii si toos ah loo bartilmaameedsaday goobtii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka ayaa la qaaday markii la helay xog sirdoon oo xaqiijisay in Khawaarijtu ay qorsheynayeen falal amniga lagu carqaladeynayo oo ay ka sameenayaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad.

Malleeshiyaad gaaraya 40 xubnood ayaa lagu diyaarinayay goobta weerarka laga fuliyay, waxaana howlgalka lagu burburiyay teendhadii ay Khawaarijtu ku dhuumanayeen.

Howlgalkan ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, iyada oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ay si buuxda uga hortageen qorshihii Khawaarijtu ay ku doonayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso.

Inta uu howlgalka socday ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.

Wasiirka Howlaha Guud oo sheegay in Muqdisho laga hirgelin doono waddooyin tayo leh iyo biya mareenno waara

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay billaabayso mashaariic waaweyn oo horumarineed oo wax weyn ka tari doona dhismaha waddooyinka iyo xal u helidda biyo-mareenada Muqdisho, kuwaas oo xilli roobaad kasta caqabad ku ahaa isku socodka shacabka.

Wasiir Cilmi oo waraysi gaar ah siiyay Barnaamijka Raad Raac ee Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in mashruuca cusub ee lagu magacaabo “𝐍𝐀𝐆𝐀𝐀𝐃” hadda lagu tijaabiyay lix magaalo oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Garowe iyo Hargeysa, isla markaana uu horseeday isbeddel muuqda oo dhanka bilicda, dhismaha waddooyinka iyo furista biyo-mareenada magaalooyinka.

Wasiirka ayaa sheegay in mashaariicda hadda ka socota dalka ay si weyn u beddeleen qaab-dhismeedka magaalooyinka, isla markaana ay sare u qaadeen bilicda iyo la jaanqaadka magaalooyinka caalamka, isagoo xusay in billowga bisha November Muqdisho lagu qaban doono shirkii ugu horreeyay ee dhismaha dalka, kaas oo ay ka qeyb-geli doonaan daneeyayaasha caalamka.

Wajiga koowaad ee mashruuca ayuu sheegay in diiradda lagu saari doona qodista biyo-mareennada dhulka hoostiisa, iyadoo qorshuhu yahay in laga sameeyo laga billaabo isgoyska Number Afar ilaa xeebta Liido, mashruucan oo ku kacaya in ka badan $50 milyan.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in mashruucan si rasmi ah loo billaabi doono horraanta sanadka 2026, taas oo meesha ka saaraysa cimriga gaaban ee waddooyinka Muqdisho oo roobabku burburin jireen.

“Dowladdu waxay samaysay qorshe cad oo xalka waara ah, waxaana mashaariicda waddooyinka caasimadda keliya ku baxay ku dhowaad $1 bilyan, tani waa billow cusub oo rajada iyo riyooyinka shacabka Soomaaliyeed u beddelaya xaqiiqo la taaban karo,” ayuu yiri Wasiir Cilmi.