Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay dhiggiisa dalka Sweden

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Boqortooyada Sweden, Mudane Pål Jonson oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, iyo taageerada dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sweden dhinacyada kala duwan ee ay Soomaaliya ka caawiyaan, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu ku saleysan yahay iskaashi saaxiibtinimo iyo dan guud oo ku wajahan xasillinta gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixineyso sugidda nabadda iyo guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, isagoo ballan qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada iyo horumarinta xirfadda ciidamada Soomaaliyeed.

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Boqortooyada Sweden, Mudane Pål Jonson oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, iyo taageerada dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sweden dhinacyada kala duwan ee ay Soomaaliya ka caawiyaan, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu ku saleysan yahay iskaashi saaxiibtinimo iyo dan guud oo ku wajahan xasillinta gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixineyso sugidda nabadda iyo guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, isagoo ballan qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada iyo horumarinta xirfadda ciidamada Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka difaaca ee dalka Sweden

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport, Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden, Mudane Pål Jonson iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca iyo amniga.

Kulan looga hadlayay Isu-duwidda Maareynta Masiibooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SODMA iyo UN Women ayaa magaalada Muqdisho ka furay kulan looga hadlayay Isu-duwidda Maareynta Masiibooyinka iyo xoojinta doorka iyo ka-qaybgalka haweenka.

Kulankaan wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo in jawaabaha iyo qorshayaasha la xiriira musiibooyinka dalka ay noqdaan kuwo ay Haweenku si buuxda uga qayb qaataan, si loo hubiyo ka mid noqoshadooda go’aamada iyo howlaha la xiriira gurmadka iyo isu-duwidda xaaladaha degdegga ah.

Shirka waxaa furtay Agaasimaha Guud ee Hay’adda SODMA, Marwo Luul Axmed Galwo, iyadoo sheegtay in Haweenku ay door muhiim ah ku leeyihiin hawlaha gurmadka iyo ka hortagga musiibooyinka, iyadoo xustay in tababarradan iyo kulamadan ay muhiim u yihiin dhisidda awoodda haweenka ee hoggaanka iyo maamulka masiibooyinka dalka.

Ugu dambeyn, Xalima Yuusuf Xasan, Agaasimaha Waaxda Gender-ka ee SODMA, ayaa sheegtay in kulankan uu yahay mid lagu horumarinayo fahamka iyo dhaqangelinta siyaasad cad oo lagu xoojinayo doorka Haweenka, isla markaana kor loogu qaadayo awooddooda hoggaamineed ee goobaha shaqada iyo bulshada.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay Kalfadhiga 76-aad ee Guddiga Fulinta ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS, Mudane Sadad Alio, ayaa ka qeybgalay Kalfadhiga 76-aad ee Guddiga Fulinta ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) oo ka socda magaalada Geneva, Switzerland.

Shirkan oo soconaya 6–10 October 2025 ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda qaxootiga caalamka, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka martigeliya qaxootiga.

Wasiiru Dowlaha waxaa socdaalkan ku wehliya Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi

R/wasaaraha XFS oo xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nur (Americo).

Ra’isul wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Maamulka iyo Shaqaalaha Dekadda Muqdisho oo horumar balaaran ka Sameeyay howlaha kala duwan ee ka socda Dekadda, isaga oo si gaar ah ugu hambalyeeyay in ay kaalinta Kowaad ka galeen Dekadda ugu wanaagsan ee Bariga Africa, sidoo kale ay kaalinta 4-aad ka galeen Dekadda ugu horumarsan qaarada Africa.

Wajiga koowaad wadahadalladii ka socday kismaayo oo lasoo gaba-gabeyay

Kismaayo(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo maalnimadii shalay  gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa maanta waxa uu soo gaba-gaboobay wajigii koowaad ee wadahadalladii socday oo laga sameeyay horumar, iyadoo lagu ballamay in wadatashiyadu sii socdaan, dibna la isku soo noqdo si loo sii ambaqaado geeddi-socodka wadahadalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Maamulka iyo shacabka Jubaland soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, isaga oo ku bogaadiyey dareenkooda Soomaaliyeed ee ay u muujiyeen intii uu ku sugnaa magaalada Kismaayo.

Dowladda oo soo gaba-gabeysay wajigii koowaad ee wadahadalladii socday kismaayo

WAR-SAXAAFADEED

Kismaayo(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo maalnimadii shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa maanta waxa uu soo gaba-gaboobay wajigii koowaad ee wadahadalladii socday oo laga sameeyay horumar, iyadoo lagu ballamay in wadatashiyadu sii socdaan, dibna la isku soo noqdo si loo sii ambaqaado geeddi-socodka wadahadalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Maamulka iyo shacabka Jubbaland soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, isaga oo ku bogaadiyey dareenkooda Soomaaliyeed ee ay u muujiyeen intii uu ku sugnaa magaalada Kismaayo.

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ka saaray deegaanno hoostaga degmada Awdheegle

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Xoogga Dalka oo maleeshiyaadka Khawaarijta ka saaray deegaanno hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah nabadiidka, ayaa Khawaarijta ka saaray deegaanno horleh oo hoostaga degmada Awdheegle, kuwaas oo ay ka mid tahay Tuulada Tawakal, oo ay Khawaatijtu ku dhuumaaleysanayeen muddooyinkii dambe,Ciidanka ayaana ka saaray godadkii ay gabaadka ka dhiganayeen.

Howlgalka Wajiga sedaxaad ee Duufaanta Aamusan ayey Ciidanku ku bartilmaameedsanayaan goobaha ay Khawaarijtu isku aruursanayaan, si loosoo afjaro dhagartooda, islamarkaana loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida.

 

Cutubyo ka tirsan Kumaandooska oo loo xiray tababar aqoon-kororsi ah

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kormeeray bandhig ay sameeyeen cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee CXD oo soo gabagabeeyay tababar ay ku qaadanayeen Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiirku waxa uu ku bogaadiyay ciidamada gaarka ah dadaalkooda iyo u diyaargarowgooda difaaca dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macallin ( Soomaali), ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Amb.Francesca Di Mauro,

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada isgaarsiinta, horumarinta dijitaalka, iyo amniga internetka.

Wasiirka isgaarsiinta dalka mudame Maxamed Soomaali ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Wasaaradda, gaar ahaan mashruuca dhowaan la soo gabagabeeyay ee “Initiative for Digital Government and Cybersecurity (IDGC) for the Horn of Africa”, oo uu maalgeliyay Midowga Yurub, kaas oo diiradda saaray horumarinta dowladda iyo amniga dijitaalka ee dalalka gobolka.

Dhankeeda, Danjiraha cusub ee Midowga Yurub, Amb. Francesca Di Mauro, ayaa xaqiijisay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, iyadoo carabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay horumarinta dijitaalka, xirfadaha dhallinyarada, iyo mashaariicda lagu xoojinayo isku xirka gobolka iyo maalgashiga tiknoolojiyadda cagaaran.

Kulankan u dhexeeyey wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaali iyo safiirka Midowga Yurub ayaa muujinaya sida ay labada dhinac uga go’an tahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhinac ee horumarinta dijitaalka, amniga internetka, iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee dowladnimada.