Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macallin ( Soomaali), ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Amb.Francesca Di Mauro,

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada isgaarsiinta, horumarinta dijitaalka, iyo amniga internetka.

Wasiirka isgaarsiinta dalka mudame Maxamed Soomaali ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Wasaaradda, gaar ahaan mashruuca dhowaan la soo gabagabeeyay ee “Initiative for Digital Government and Cybersecurity (IDGC) for the Horn of Africa”, oo uu maalgeliyay Midowga Yurub, kaas oo diiradda saaray horumarinta dowladda iyo amniga dijitaalka ee dalalka gobolka.

Dhankeeda, Danjiraha cusub ee Midowga Yurub, Amb. Francesca Di Mauro, ayaa xaqiijisay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, iyadoo carabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay horumarinta dijitaalka, xirfadaha dhallinyarada, iyo mashaariicda lagu xoojinayo isku xirka gobolka iyo maalgashiga tiknoolojiyadda cagaaran.

Kulankan u dhexeeyey wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaali iyo safiirka Midowga Yurub ayaa muujinaya sida ay labada dhinac uga go’an tahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhinac ee horumarinta dijitaalka, amniga internetka, iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee dowladnimada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota

Minnesota-(Wargeyska Dalka)-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa la kulmay culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, isaga oo uga warbixiyay horumarka ballaaran ee dalka ka socda iyo qorshaha dowladda ee xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta doorashooyinka tooska ah.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyay culimada iyo ganacsatada kaalinta ay ka qaadanayaan horumarka dalka, abuurista fursado shaqo, iyo taageerada barnaamijyada horumarineed ee dowladda.

R.wasaare xigeenka ayaa xusay in doorka qurbajoogta Soomaaliyeed uu yahay mid lama huraan ah, maadaama ay door weyn ka ciyaaraan kobaca dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka. Sidoo kale wuxuu ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee gobolka ku boorriyey in ay sii xoojiyaan isku-duubnida, wadashaqeynta, iyo kalsoonida lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya.

Safiirka JFS ee Aljeeriya oo kulan la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska dalkaas

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska Qaranka Aljeeriya, Mudane Cali Badaawi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca ammaanka, gaar ahaan horumarinta awoodda booliska Soomaaliyeed. Labada dhinac ayaa ka wadahadlay kor u qaadidda tababarrada gaarka ah, dhismaha hay’adaha booliska, iyo horumarinta hababka casriga ah ee baarista dembiyada, sida baarista faraha, DNA-da iyo goobaha dembiyada.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Sarkaalkii ugu horeeyay oo 40-sanno ka dib ka qalinjabiyay Akaadeemiyada Ciidamada UK

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu maamuusayay Dhamme Maxamed Muuse Maxamed, oo noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee 40 sano ka dib ka qalinjabiyay Akaadeemiyada Ciidammada Boqortooyada Ingiriiska ee Sandhurst (Royal Military Academy Sandhurst).

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King, U-qeybsanaha Ciidanka ee Safaaradda UK, Captain James Edwards, Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS, S/Guuto Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), iyo saraakiil ka socday CXD, Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo Safaaradda Ingiriiska.

Wasiir Fiqi ayaa u hambalyeeyay Dhamme Maxamed Muuse, isagoo ku bogaadiyay dadaalkiisa iyo sida ay uga go’an tahay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska iyo taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada, iyo xoojinta hay’adaha difaaca.

     

Ciidanka NISA oo cashar u dhigay Khawaarijtii weerartay Godka Jilacow

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Hay’adda NISA ee Gaashaan ayaa xalay door lama ilaabaan ah ka qaatay howlgalkii lagu soo afjarayay koox ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ee weerar fulaynimo ah ku qaaday xarunta iyo xabsiga Godka jilacow oo ay leedahay Hay’adda NISA, iyaga oo aan kala reebeyn shacab, maxaabiis iyo ciidankii ammaanka ee goobta ku sugnaa.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa weerarka u adeegsaday gaari walxaha qarxo laga soo buuxiyay, kadibna waxa ay bilaabeen in ay si aan kala sooc laheyn oo axmaqnimo ah ay uridaan rasaas iyaga oo aan wax dan ah ka laheyn shacabka soomaaliyeed ee deggan hareeraha Xabsiga iyo kuwii Wadada marayay toona.

Geesiyada Gaashaan oo si degdeg ah uga jawaabtay weerarkaas ayaa daqiiqado kooban kusoo afjartay argagixisadii nafla caariga aheyd ee ku dhuumaaleysanaayay goobo ka baxsan aaggaga muhiimka ah ee xarunta Godka Jilicow,miyaa oo toogtay shaman 7-dii Dhagarqabe ee weerarka argagixisonimo soo qaaday.

Ciidamada Gaashaan, ayaa sidoo kale waxa ay badbaadiyeen Maxaabiis gaareysay ilaa 85 xubnood, iyo sidoo dad shacab ah oo goobta la weeraray ku go’doonsanaa.

Howlgalkii xalay ee sifeynta argagixisada Khawaarijta ayaa kusoo dhamaaday guul iyada oo ciidankii geesiyada ahaa ee Gaashaana uusan wax qasaaro ah kasoo gaarin.

Ciidanka Gaashaan ee Hay’adda NISA oo ah ciidan ku caan ah soo afjaridda weerarada argagixiso ee noocaan ah ayaa waxa ay mar kale muujiiyeen geesinimo iyo karti dagaal oo dhif iyo naadir ah iyaga oo ka dhabeynaya magacooda iyo dhaartii ay ku mareen in ay gaashaan uga noqdaan shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya halista aan loo Aabe-yeelin ee argagixisada.

Wasiir Soomaali oo la kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxames Aadan Macallin ( Soomaali), ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Amb.Francesca Di Mauro,

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada isgaarsiinta, horumarinta dijitaalka, iyo amniga internetka.

Wasiirka isgaarsiinta dalka mudame Maxames Soomaali ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Wasaaradda, gaar ahaan mashruuca dhowaan la soo gabagabeeyay ee “Initiative for Digital Government and Cybersecurity (IDGC) for the Horn of Africa”, oo uu maalgeliyay Midowga Yurub, kaas oo diiradda saaray horumarinta e-dowladda iyo amniga dijitaalka ee dalalka gobolka.

Dhankeeda, Danjiraha cusub ee Midowga Yurub, Amb. Francesca Di Mauro, ayaa xaqiijisay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, iyadoo carabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay horumarinta dijitaalka, xirfadaha dhallinyarada, iyo mashaariicda lagu xoojinayo isku xirka gobolka iyo maalgashiga tiknoolojiyadda cagaaran.

Kulankan udhexeeyey wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaali iyo safiirkaMidowga Yurub ayaa muujinaya sida ay labada dhinac uga go’an tahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhinac, si loo horumarinta dijitaalka, amniga internetka, iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee dowladnimada.

    

Cutubyo ka tirsan Kumaandooska CXD oo tababar la soo gabagabeeyay

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kormeeray bandhig ay sameeyeen cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee CXD oo soo gabagabeeyay tababar ay ku qaadanayeen Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiirku waxa uu ku bogaadiyay ciidamada gaarka ah dadaalkooda iyo u diyaargarowgooda difaaca dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

          

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda

Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nur (Americo).

Ra’isul wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Maamulka iyo Shaqaalaha Dekadda Muqdisho oo horumar balaaran ka Sameeyay howlaha kala duwan ee ka socda Dekadda, isaga oo si gaar ah ugu hambalyeeyay in ay kaalinta Kowaad ka galeen Dekadda ugu wanaagsan ee Bariga Africa, sidoo kale ay kaalinta 4-aad ka galeen Dekadda ugu horumarsan qaarada Africa.
  

Madaxweynaha JFS oo maanta gaaray magaalada Kismaayo

Kismaayo(Wargeyska Dalka);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubaland.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo, Madaxweynaha wuxuu sii wadi doonaa wadatashiyada ku aadan geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

Safarka Madaxweynaha wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jiraan adkeynta midnimada dalka, kor u qaadidda isfahamka iyo mideynta aragtiyada ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo miino baaris ah ka wada degmada Awdheegle

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada AUSSOM ayaa maanta hawlgallo miino baaris ah ka wada magaalada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii Kooxdii Khawaarijta ay miinooyin ku aaseen Waddooyinka, hareeraha magaalada iyo guryaha shacabka.

Hawlgalka ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa in la baabi’iyo dhammaan waxyaabaha qarxa ee khatarta ku ah nolosha shacabka iyo Ciidamada, si bulshada deegaanka ay ugu laabtaan guryahooda si nabad ah.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo AUSSOM ayaa sidoo kale sameynaya baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo in magaalada laga sifeeyo haraadiga Khawaarijta ah, taas oo qeyb ka ah howlgal ballaaran oo lagu sugayo amniga degmada Awdheegle iyo deegaannada hoos yimaada.