Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo si rasmi ah u furay Maalinta Soomaaliya ee Bandhigga Adduunka Expo 2025 oo lagu qabtay Osaka

Osaka, (Wargeyska Dalka) – Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa si rasmi ah u furay Maalinta Soomaaliya ee Bandhigga Caalamiga ah Expo 2025 ee ka socda Osaka, Japan.

Munaasabadda oo lagu soo bandhigay dhaqanka, hiddaha iyo suugaanta Soomaaliyeed ayaa soo jiidatay marti badan oo caalami ah, iyadoo muujisay muuqaalka cusub ee Soomaaliya ee fagaaraha dunida. Wasiir Isaaq Mursal ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay in dhaqanka iyo gobannimada ay yihiin astaanta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu dalku ku tallaabsaday horumar iyo isbeddel ku dhisan Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Aragtida 2060.

Danjire Yasushi Misawa, ku-xigeenka guddoomiyaha Expo 2025, ayaa amaanay ka qeybgalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay tahay dal leh fursado badan iyo dhaqan soo jiidasho leh.

Wasiir Fiqi: “Wasaaradda Difaaca waxaa u qorsheysan in agoonta shuhadadii CXD Loo sameeyo hay’ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda”

Muqdisho, (Wargeyska Dalka– Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Wasaaradda Difaacu ay qorsheyneyso in agoonta shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo sameeyo hay’ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda.

“Wasaaradda Difaaca waxaa u qorsheysan in agoonta shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo sameeyo hay’ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda, mar dhow ayaana Golaha Wasiirrada horgeyn doonaa sharciga hay’addaas,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xirayay saraakiil iyo saraakiil xigeen ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xusay in sharcigaas dhowaan la horgeyn doono Golaha Wasiirrada, isagoo carrabka ku adkeeyay in aysan dayaci doonin carruurta shuhadada geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tilmaamay sida ay Xukuumaddu uga go’an tahay tayeynta, qalabaynta iyo joogteynta tababarada Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan awood u leh ciribtirka kooxaha argagixisada iyo difaaca madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow

Muqdishho(Wargeyska Dalka):- kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa weerar fulaynimo ah ku soo qaaday Xarunta Baarista Jilacow oo ah goob lagu baaro eedeysanayaasha ka tirsan kooxaha argagixisada.

Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in muddo kooban gudaheed ay ku soo afjaraan weerarkii argagixisadu qaaday, ayna toogtaan dhammaan dhagarqabayaashii weerarka fuliyay, kuwaas oo tiradoodu ahayd toddobo (7) xubnood.

Waxaa xusid mudan in argagixisadu adeegsadeen gaari nooca Cabdi-Bilaha ah oo ay ku buufiyeen midabka iyo astaanta ciidamada amniga, islamarkaana ay xirnaayeen darees u eg direyska ciidamada. Tani waxay u suurto galisay inay si sahlan uga gudbaan baraha koontarool ee laga ilaaliyo amniga caasimadda, maaddaama aan baaritaan rasmi ah lagu sameyn gaadiidka ciidamada qalabka sida.
Arrintan ayaa muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo hubinta iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyey midabka ciidamada ee gudaha caasimadda. Waxaa lama huraan ah in si buuxda loo dhaqan geliyo xeerarka, habraacyada iyo go’aannada maamulka ee khuseeya amniga caasimadda iyo xakameynta hubka.

Weerarka argagixiso ee galabta dhacay wuxuu ka tarjumayaa rafashada cadawga argagixisada ah ee shalay, 03-da Oktoobar 2025, jab xooggan loogu geystay gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo laga xoreeyay deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.
Sidoo kale, 24-kii saac ee la soo dhaafay, duqeymo culus oo ka dhacay deegaannada Jilib, Mubaarak, Ugunji iyo Kuunya-Barrow ayaa lagu dilay horjoogayaal waaweyn oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, oo uu ka mid yahay ku-xigeenkii madaxa guud ee Amniyaadka kooxda Al-Shabaab, ahaana madaxa adeegga iyo soo iibinta walxaha qarxa, dhagarqabe Maxamed Cusmaan Maxamed (Tuutax).

Ugu dambeyn, waxaa la farayaa hay’adaha amniga in ay si buuxda u dhaqan geliyaan:
• Xeerka Amniga Xarumaha Dowladda (X.Lr. 134)
• Xeerka Amniga Xarumaha Gaarka ah (X.Lr. 135)
• Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda (X.Lr. 123)

Waxaa si gaar ah loo farayaa hay’adaha amniga in ay si adag u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda.

Waxaan tacsi u direynaa ehellada iyo ciidamada amniga ee ay ka shahiideen geesiyaashii ka hortagay weerarkii argagixisada, halka inta dhaawaca ah aan u rajeyneyno caafimaad degdeg ah.

 

Ciidanka ammaanka oo howlgal sifayn ah ka wada xarunta Godka Jilicow

Maanta abaaro 4:40 galabnimo, maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa weerar naf-halignimo ah ku qaaday xarunta Godka Jilicow, oo ka mid ah xarumaha hay’adda NISA. Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa isticmaalay gaari ay u ekaysiiyeen gaadiidka ciidamada hay’adda.

Qaar ka mid ah maleeshiyaadka cadowga ayaa la toogtay, waxaana haatan socda howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxdan weerarka soo qaaday.

Wixii warar ah ee ku soo kordha howlgalka, dib ayaan ka soo gudbin doonaa.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo daahfuray qorshaha dib u furista waddooyinka Caasimadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay qorshaha dib loogu furayo waddooyinka xiran ee caasimadda, oo gaaraya 52 waddo, kuwaas oo 15-kii sano ee la soo dhaafay u xirnaa sababo amni.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay qorshaha furitaanka waddooyinka caasimadda in uu ku yimid isbeddel iyo horumar muuqda oo laga sameeyey amniga caasimadda, taas oo keentay in laga maarmo xirnaanshaha waddooyinka.

“Duruuf adag ayaa keentay 15kii sano ee la soo dhaafay in la xiro waddooyinka caasimadda, mushkiladda dhabta ah laguma xallin karo jid la xiro ee waa in lala dagaallamo argagixisada oo la iska dhiciyo, maadaama aysan ahayn bahallo jid gooyo ku istaagaya”.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal badan galisay sidii loo xaqiijin lahaa amniga caasimadda, iyada oo la sameeyey shuruucdii ilaalinaysay, kana hortagaysay wax walba oo khatar ku ah, sida hubka waaweyn iyo wax walba oo horseedaya amni darro.

Ra’iisul Wasaaraha, oo u mahadceliyey guud ahaan hey’adaha amniga, maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho, ayaa xusay in amnigu uu yahay mas’uuliyad wadareed ay tahay in cid walba ay doorkeeda ka qaadato sidii loo xaqiijin lahaa.

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XFS oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota

Minnesota(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa socdaalka Ra’iisul Wasaare ku xigeenku uu ku joogo dalka Maraykanka, waxaana uu bulshada uga warbixiyay horumarka ay samaysay dowladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, isagoo xusay dadaallada Xukuumadda DanQaran ee dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Mudane Saalax, ayaa ku ammaanay doorka qurbajoogta Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka socda iyo sida ay u taageeraan bulshadooda waqtiyada adag, isaga oo ku dhiirrigeliyay in ay dalkooda maalgashadaan.

Muqdisho oo maanta dib loo furayo 50 wado oo u xirnaa sababo Amni

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka dib u furaysa qaar ka mid ah waddooyinka magaaladda Muqdisho oo sanadihii u dambeeyey u xirnaa sababo amni,furista waddooyinka ayaa timid ka dib markii dowladda ku guulaysatay sugidda amniga Caasimadda.

Ra’iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo madax kala duwan ayaa goordhow furi doona 50 wado oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan caasimadda.

Shacabka caasimadda ayaa si weyn u soo dhoweeyey furista waddooyinka iyo sida balaaran ee dowladda ugu guulaysatay sugidda amniga caasimadda.

In waddooyinka xirnaa la furo ayaa ka dhigan guul weyn oo ay gaareen haya’addaha u xilsaaran sugidda amniga caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhow furaya Shirka staraatijiyadda iskaashiga ganacsiga Soomaaliya iyo Maraykanka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow Muqdisho ka furi doona shirka Qorshaha iskaashiga ganacsiga ee Maraykanka iyo Soomaaliya.

Shirkan ayaa looga hadlayaa iskaashiga ganacsiga ee dalalka Maraykanka iyo Soomaaliya iyadoo shirka uu socon doono mudo laba maalmood ah.

Shirkan ayaa waxa ka soo qayb gelaya madaxda kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya,masuuliyiin ka socota Dowladda Maraykanka,ganacsato iyo qaybaa kala duwan ee bulshadda.

Maraykanka iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir qotodheer oo ku dhisan dhinacyada iskaashiga ganacsiga,amniga iyo Siyaasadda ah.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la wareegay Degmada Awdheegle

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya howlgalka AUSSOM si gaar ah qeybta Ciidamada Uganda ayaa goordhaw la wareegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose sida lagu xaqiijiyey bayaan ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay Shalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Kooxda Khawaarijta ka xoreeyeen tuulooyin kala ah Shaamgare iyo Raqayle oo ka tirsan Degmadda Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxda khawaarijta ayaa inta badan laga saaray godadkii ay kaga dhuumanayeen gobolka shabeellaha Hoose.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Amniga Muqdisho in uu hagaago iskama imaan ee dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dhigooda u huray

Madaxweymaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, kaddib Salaaddii Jumcaha ee maanta ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka, tanaasulka dowladda ee tabashooyinka mucaaradka, nidaaminta dhulka danta guud iyo dhacdooyinkii amni-darro ee Caasimadda ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa ka hadlay Amniga caasimadda oo dowladda si weyn u sugtay “Amniga Muqdisho in uu hagaago iskama imaan ee dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dhigooda u huray, waxaana codsanayaa in aan noola celin meeshii laga yimid.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan isagoo shacabka kula dardaarmay in ay ilaashadaan Amniga iyo horumarka caasimadda.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday saldhiga degmada Warta-nabada, isagoo sheegay in maxkamad sugayaal yihiin shaqsiyaad ku xadgudbay muwaadiniinta Soomaliyeed,madaxweynaha ayaa xusay in hubka waaweyn cidna laga ogolayn in ay magaalada la dhex marto “Aniga oo ah Madaxweynihii JFS ayaa iska reebay gaadiidka hubka culus saaran yihiin, waana mamnuuc in Muqdisho hub culus lagu dhexmaro iyadoo lagu xaragoonayo.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.