Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XFS oo si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Maraykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka halkaas oo uu kula kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaas.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa inta uu joogo Minnesota waqti la qaadan doona bulshada Soomaaliyeed ee gobolkaas ku dhaqan, isaga oo warbixin ka siin doona xaaladda guud ee dalka, horumarka laga gaaray dhinacyada kala duwan, sida amniga, dhaqaalaha, la dagaallanka Khawaarijta iyo dadaallada dowladda ee dib u dhiska, nabadeynta, iyo horumarinta adeegyada bulshada.

   

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa hawlgalka AUSSOM ayaa Khawaarijta ka xoreeyey deegaano hoos yimaada Awdheegle

Shabeellaha hoose:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya Ciidamada AUSSOM, gaar ahaan qeybta Uganda ayaa maanta Kooxda Khawaarijta ka xoreeyey tuulooyin ka tirsan degmada Awdheegle kuwaas oo kala ah Shaamgare iyo Raqayle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal kooban oo ka dhacay tuuloyinkaan ayaa lagu jabiyay Khawaarijta, waxana howlgalkaan uu soo bilowday saakay aroor hore, iyadoo Ciidanka Qaranka iyo kuwa AUSSOM si xirfad leh u wajaheen goobihii ay Khawaarijtu isku dayeen inay ku dhuuntaan.

Intii uu hawlgalka socday, maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa laga saaray godadkii ay ku dhuumanayeen, iyadoona qasaare culus lagu gaarsiiyay halka qaar kalena ay baxsadeen, waxana howlgalkaan uu qeyb ka yahay Duufaanta Aamusan wejigiisa saddexaad.

   

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo ka hadley guulaha laga gaaray sugidda amniga, dib u xoreynta dalka, kobcinta dhaqaalaha, xasilloonida siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo xiriirka caalamiga ah.

2- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu martigaliyay Madaxwaynaha Maraykanka, Donald Trump taasi oo lagu maamuusay madaxdii ka qaybgashay Meertada 80-aad ee Fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Washington, isagoo warbixin ku saabsan adeegyada loo qabto muwaadiniinta Soomaaliyeed ka dhageystay mas’uuliyiinta safaaradda.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Golaha Qaramada Midoobey ee magaalada New York kulan doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Maalgelinta Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ka dhacay magaalada New York, loogana arrinsaday garab istaagga amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer ku tagey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo qeyb ka ah amarkii uu dhowaan bixiyay ee tayaynte adeegyada garoonka.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray mashruuca koronto-gelinta 150 xarumo caafimaadka dadweynaha oo lacag la’aan ah, lagana hirgaliyey gobollada dalka, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed baahi weyn u qabeen adeeg koronto oo tayo leh.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgalay Munaasabadda Daahfurka Adeegga Xajka sannadka 1447/ 2026 iyo Xeritaanka xajkii sannadkii hore ee 1446, ayaa sheegay in Xukuumadda ay hormar ballaaran ka sameysay hufnaanta adeegga xajka, laguna gaarey aqoonsi heer calami ah.

9- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Mudane Cabdulqaadir Abuukar Maxamed u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

10- Golaha Wasiirrada Soomaaliya, ayaa ansixiyey magacaabista Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle oo noqonaya Xisaabiyaha Guud ee cusub ee dowladda.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Safiirka Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth, oo ay ka wada hadleen xoojinta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda uu Afka Carabigu u leeyahay bulshada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo dalka u yimid hirgalinta mashruuc weyn oo lagu taageerayo Manhajka waxbarashada dalka iyo horumarinta Afka Carabiga.

14- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo xusay in isku imaatinka bulshada ee heerkan ah uu ka tarjumayo nabadda iyo horumarka ka jira caasimadda, isla markaana uu dhallinyarada u jiheynayo dhanka nabadda.

15- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

16- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Britain ee Soomaaliya, Mudane Charles King, iyagoo ka wadahadley xoojinta iyo dardar-gelinta xiriirka labada dal.

17- Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta (African Charter on the Rights and Welfare of the Child).

18- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ka qeyb galay Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

19- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Bandhiga Dalxiiska Soomaaliya ee 2025-ka ka sheegay in dalxiiska Soomaaliya uu door weyn ka qaadanayo kobaca dhaqaalaha dalka iyo shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

20- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in qiimo-dhimis lagu sameeyay lacagaha Xajka ee sannadkan, lagana dhigay $4,543 .

21- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qaabilay wafdi ka socday urrurka Jaamacadda Carabta, oo uu hoggaaminayay Zayd Al-Sabban, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga labada dhinac ee horumarinta warbaahinta iyo arrimaha dhaqanka, gaar ahaan barnaamijka lagu xoojinayo luuqadda Carabiga.

22- Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa ku dhawaaqday in dekedaha Muqdisho iyo Berbera loo aqoonsaday kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika sanadkii 2024, sida lagu sheegay warbixinta Container Port Performance Index (CPPI).

23- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Riyadh kula kulmay Madaxa Maamulka Sanduuqa Horumarinta ee Sacuudiga, Sultan Bin Cabdulraxman Al-Marshad.

24- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda IOM, waxaana kulankaasi lagu soo bandhigay naqshadaha guryo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah.

25- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Masar, S/Gaas Cabdulmajiid Saqar, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinaca milateriga ee labada dal iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

26- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige iyo Maareeyaha Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), ayaa Dekadda Magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya Mrs. Francesca Di Mauro.

27- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.
28- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane Maxamed Aadam Macalim ayaa dalka Sacuudiga uga qaybgalay shir ku saabsan ammaanka Internet-ka.

29- Wasiir Ku-Xigeenka Gaashaandhigga Idiris Cusmaan Xaaji ayaa shir-guddoomiyey kulan wadatashi ah oo ku saabsana isku-duwidda mashaariicda Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka argagixisada (IMCTC).

30- Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada, Liibaan Aadan Obsiye ayaa magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia uga qaybgalay Shirweynaha Maalgelinta Cimilada Afrika

31- Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan ayaa ku guuleystay in xorriyadooda ay dib u helaan in ka badan 50 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed, oo ku xirnaa dalka Congo.
32- Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la yeeshay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka dalka Botswana, Lawrence Ookeditse, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca caafimaadka ee labada dal.

33- Wasiirka ku-Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Aamina Xuseen Cali ayaa daah-furtay nidaamka casriga ah ee isku-xirka loo-shaqeeyaha iyo shaqo-doonka.

34- Hay’adda SoDMA ayaa dib u dhis iyo dayactir ku samaynaysa Xarunta Kaydka Cuntada Muqdisho oo ay taageerayso dowladda China.

===========DHAMMAAD==========

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo bilowday bixinta baasaboorka dalka

Maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Yemen ayaa maanta dib u bilowday bixinta baasaboorka Soomaaliga oo lagama maaramaan u ah howlaha dhinaca socdaalka iyo aqoonsiga jinsiyadda dadka Soomaalida ah.

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Yemen  C/Xakiim Maxamed Axmed oo ka hadlay kulankii bixinta adeegaan ayaa sheegay in la bilaabay wajigii koowaad ee muwaadiniinta Soomaalida lagu siinayo baasaboorka dalka,kadib markii muddo sided sano ah ay sugaayeen in ay helaan adeegaan.

Safiirka ayaa xusay in muwaadiniin gaaraya 71 ruuux ay qaateen baasaboorka Soomaaliga ah,isla markaana ay jiraan tiro badan oo weli ku sugan Dalka Yemen oo sugaaya  adeegaan,kadib markii uu Danjire C/Xakiim Maxamed uu tilmaamay in la sameeyay baaritaanno lgu xaqiijinaayo a in ay yihiin dad Soomaali ah.

Bixinta adeegga baasaboorka Soomaaliga ah ayaa la filayaa in muwaadiniinta uu u fududeeyo sidii ay dalka Yemen uga soo bixi lahaayeen,isla markaana ay dib ugu soo noqon lahaayeem gudaha dalka.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciiidamo ku sugan Mahadaay

Afhayeenka Ciidanka ee Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar Macalin ayaa Kulan baraarujin ah oo la xiriiray habsami u gudashada waaibaadka qaran la qaatay ciidamada xoogga ee ku sugan degmada Mahadaay oo ka tirsan Gobolka Sg/Dhexe.

Afhayeenka ayaa ku ammaanay ciidanka sida ay diyaarka ugu yihiin adkeynta iyo ilaalinta amniga shacabka ku sugan degmadaasi , isagoo ku booriyay in ay halkaasi ka sii wadaan dadaalada ku aadan la dagaalanka kooxaha khawaarujta ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada Sh/Dhexe.

Afhayeenka Ciidanka ee Wasaaradda Gaashaandhigga waxa uu ka dalbaday dadka deegaanka mahadaay iyo guud ahaan kuwa Sh/Dhexe in ay ciidanka gacan ku siiyaan howlgalada looga horjedo khawaarijta iyo sidii gabi ahaan looga sifeyn lahaa gobolkaasi.

Wafdi uu hoggaaminayo R/Wasaare kuxigeenka XFS oo lagu soo dhoweeyay Minnesota

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota  ee dalka Mareykanka .

Wafdigaan oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in maanta ay la kulmaan jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaaladaasi,iyagoo ka warbixin doona xaaladda dalka iyo horumarada kala duwan ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya.

wafdi uu hoggaaminayo R/Wasaare kuxigeenka XFS waxaa mudada sadexda cisho ah ee ay joogaan Mareykanka ay sidoo kale ka hadli doonaan qorshaha isbadalka qaran ee ay waddo xukuumadda dan qaran iyo muhiimadda ay leedahay xoojinta dowladnimada iyo nidaamka federaaliska.

C/Laahi Xayir” Dalxiiska haddii uu kordho waxaa kordhaya fursadaha shaqo ee ay heli karaan bulshada”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay qodobbo muhiim ah oo la xiriiriay fursadaha dalxiiska ee ka jira dalka iyo kaalinta ay ka ciyaari karaan horumarka dalka .

Agaasimaha Guud ayaa xusay in ay dhowaan soo bandhigeen fursado ku aadan dalxiiska dalka iyo sida looga qeybqaadan karo taabagalinta mashruucyo kuwa dalxiiska ah oo laga hirgaliyo degmooyinka dalka iyo caasimadda Soomaaliya.

Agaasimaha guud ayaa yiri” Dalkeenna waxa uu leeyahay goobo caan ah oo ku wanaagsan dalxiiska,sidaa daraadeed haddii aan kordhinno dalxiiska waxaa kordhaya dhaqaalaha dalka iyo fursadaha shaqo ee ay heli karaan umadda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale waxa uu gabagabadii qiray in  dalxiisku uu yahay furaha ana albaabka maalgashiga,sidaa aawadeedna waxa uu ku taliyay in la sameeyo gobo dalxiis oo ay ku jiraan dhismooyin waaweyn oo hoteello ah,beero kuwa xayawaanaadka ah iyo xaafado ilqabad leh oo ku tetsan xeebaha badda.

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay madax ka socotay Bangiga Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya, Mr. Hideki Matsunaga.

Dhinacyadaasi waxaa mudadi uu socday kulankooda ay kaga wadahadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Bankiga Adduunka.

Kullankaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarka laga sameeyey Mashruuca Badmaal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha kalluumeysiga, dib-u-habaynta shuruucda la xiriirta kalluumeysiga, iyo awood-siinta dhalinyarada iyo haweenka ku hawlan kalluumaysiga dalka.

Wasiirka iyo Madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya waxa ay wadahadal kadib isku raaceen in la sii wado wadashaqaynta wanaagsan ee u dhexeeysa labada dhinac.

Muddo sanad ah waxaa dalka ka socda mashruuc xagga kalluumeysiga ah oo ay taageerayaan Bangigga Adduunka,kaas oo ay si weyn uga faa’iideysteen bulshada kalluumeysatada ee Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Booliiska oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya Francesca Di Mauro.

Kulanka ayaa looga hadlay dhismaha xoojinta iyo wada shaqeynta Hay’adaha Amniga oo Boliisku qeyb ka yahay ,derdergelinta dedaalada dib loogu habaynayo Ciidanka Daraawiishta oo loo diyaariyey in loo diro deegaanada laga xoreeyey Khawaariijta si howlaha Nabad ilaalinta deegaanadaa qeybtooda uga qaataan.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo qaabilay guddoonka golaha wakiilada dowlad goboleedka Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari Amran Axmed Xasan iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay qaabilaadiisa ayaa uga warbixiyay doorashadii ka dhacday maamulkaasi, xaaladda deegaanadda maamulka Waqooyi-Bari, taageeradda ay u baahanyihiin Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari ee isugu jirta tababarada iyo aqoon kororsiga Xildhibaanadda iyo sidoo kale howlwadeenadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn bogaadiyay dadaaladii laga soo maray dhisida maamulka Waqooyi-Bari ayaa sheegay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu soo dhoweynayo sidoo kalena uu dhiiragelinayo Guddoonka Iyo Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari, sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay sidii loo taageeri lahaa golaha wakiilada ee maamulkaasi si ay u gutaan howlaha horyaala.