wasiirka qoyska oo kaashanaysa Safaaradda Soomaaliya ee Geneva ayaa kulan ku qabatay xarunta QM

Geneva:- Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS, iyadoo kaashaneysa Safaarada Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Magaaladda Geneva ee Dalka Switzerland ayaa waxay kulan doceed gaar ah ku qabatay Xarunta Qaramada Midoobeey ee magaalada Geneva, kaasoo diiradda lagu saaray hormarka Soomaaliya ay ka sameeysay arrimaha Xuquuqul Insaanka.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay wasiirka qoyska ayaa waxa ka soo qeyb galay dowladdo kala duwan, waxaana si wada jir ah u shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Marwo Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo Safiirka Dowlada Ingiirska ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, Danjire Eleanvor Sanders, waxaana kulanka kasoo qeyb galay wadamo badan oo kamid ah xubnaha Golaha Xuuuqul Insaanka QM (UN Human Right Council Members).

Kulankaan waxaa masuuliyiinta ka hadlay ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fadhisa dalka Switzerland, isla markaana ah Ergeyga joogtada ee Soomaaliya u qaabilsan hay’adaha QM ee fadhigooda yahay magaalada Geneva Danjire Qadra Ducaale, Safiirka UK ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, waxaana shirka inta uu socday la qabtay doodo ku aaddan waxa u qabsoomay Soomaaliya iyo caqabadaha ka hortaagan taasoo ay kaqeyb galeen Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo matalayay bulshada rayidka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska Maxamed Bashiir Cumar iyo Xoghaya koobaad ee Dowlada Ingiriiska Charles Kent.

Guud ahaan kasoo qeyb galayaasha kulanka ayaa soo jeedimo isugu jiray bogaadin iyo weydiimaba la wadaagay ka qeyb galayaasha dooda, waxaana si diiran loo soo dhaweeyay horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatay.

Xafiiska Hantidhowrka qaranka: isku xirka heshiishyada adeegga dowladda iyo Aqoonsiga Qaranka

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, isaga oo dhaqangelinaya ujeeddooyinka Sharci Lr. 9 ee 2023, Sharciga Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha, iyo Xeer Ra’iisul Wasaare Lr. 415, 2025 ee Taaba-gelinta Isku-xirka Adeegyada iyo Nidaamka Hubinta Aqoonsiga Qaranka, waxa uu la socodsiinayaa dhammaan hay’adaha dowladda in laga bilaabo 05 October, 2025.

Guud ahaan Heshiisyada Shaqada iyo Qandaraasyada laga diiwaangeliyo Hantidhowrka ay tahay in lagu lifaaqo Aqoonsiga Qaranka (National ID) ee dhammaan dadka saxiixyada ku leh heshiisyada shaqada iyo kuwa adeegyadaba.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada u faahfaahiyay qorshaha doorashada xubnaha sagaalka ah ee Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Intaasi kadib xubnaha guddiga ayaa ka dooday qaabka ay u dhaceyso doorashada xubnaha sagaalka xubnood ah ee Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika xiliga ay dhaceyso.

Dhinaca kale, kulanka Guddiga Joogtada ayaa looga hadlay ajendeynta kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda iyo sida ay horutebinta u kala leeyihiin, waxaana guddoomiyaasha guddiyada Golaha kulanka la wadaageen warbixinta shuruucda ay hayaan iyo habraacyada u dhiman.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Guddiga Joogtada kula dardaarmay dardareglinta shaqqda guddiga iyo in ay muhiimadda siiyaan shuruucda horutebinta u leh dowladnimadda.

Gaadiid cusub oo lagu soo kordhiyay Dekedda Muqdisho

Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), ayaa maanta soo bandhigay gaadiid cusub oo noociisu yahay Foor-liif16, kuwaas oo loogu talagalay in lagu fududeeyo howlaha kala duwan ee ka socda Dekadda weyn ee Caasimadda JFS.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dedaalada lagu xoojinayo horumarinta Dekadda Muqdisho, kadib qiimeyn heer caalami ah oo dhawaan lasoo bandhigay laguna sheegay in Marsada Muqdisho ay tahay tan Koowaad ee ugu wanaagsan Bariga Afrika.

Dekedda Muqdisho ayaa sidoo kale kaalinta Afaraad ka gashay Dekadaha ugu horumarsan ee Qaarada Afrika.

Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa warbaahinta u sheegay in maamulkiisa uu dhiig cusub ku shubi doono qorshaha horumarinta iyo tayenta Dekadda.

   

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ku aaddan in Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle uu noqdo Xisaabiyaha Guud ee dowladda , kaas oo leh khibrad la xiriirta Maamulka Maaliyadda iyo hannaanka xisaabaadka guud.

Kulanka golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Istiraatiijiyadda Qaran ee kahortagga qaraxyada macmalka ah iyo heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan wada-tashiyo siyaasadeed oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Tajikistaan.

Golaha Wasiirrada, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan diiwaangelinta dadweynaha ee Aqoonsiga Qaranka iyo latashiyada dhamaystirka dastuurka ee qeybaha bulshada.

Soomaaliya iyo Baxrayn oo ka wada hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna

Jiddah- Qunsulka Guud ee JFS u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya, Cabdiwali Xersi Cabdulle ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Baxrayn, Musa Abdullah Al-Nuaimi.

Kulanka oo ay labada mas’uul ku yeesheen Qunsuliyadda dalka Baxrayn ee magaalada Jiddah ayaa waxay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo iskaashi dhinacya badan leh.

Mas’uuliinta ayaa si gaar ah diiradda u saaray horumarinta ganacsiga iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyagoo isla soo qaaday ka faa’iideysiga dhoofinta Xoolaha, kalluunka, qudaarta, miraha beeraha iyo macdanta qaybaheeda kala duwan.

Wasiir ku xigeenka Qorshaynta oo faray Hay’adaha dalka ka shaqeeya in ay muujiyaan waxqabadkooda

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS Mudane Maxamed Aadan Maxamed, ayaa faray hay’adaha dalka ka shaqeeya in ay si cad u muujiyaan waxqabadkooda, lana jaanqaadaan qorshayaasha dowladda.

Wasiir ku xigeenka oo shir guddoominayay kulan ay ka qayb galeen Dalladda Hay’adaha aan dowliga ahayn iyo waaxda kormeerka iyo qiimaynta (MED) Wasaaradda ayaa intaa ku daray in isla-xisaabtanka iyo daahfurnaantu ay yihiin tiirarka kalsoonida shacabka iyo dowladda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista iyo isla-xisaabtanka Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya, iyadoo lagu soo bandhigay natiijooyinka wajiyadii hore ee qiimaynta laguna dhawaaqay bilowga wajiga afaraad ee xog uruuinta.

Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay kulanka diyaarinta shirweynaha labaad ee kormeerka iyo daraasaynta, dhismaha ururka qiimaynta Soomaaliya (Somalia Evaluation Society) iyo dejinta qorshaha shaqo ee 2026 si loo xoojiyo wada shaqayn hufan iyo isla-xisaabtan.

Ugu dambeyn waxaa la isla gartay in la dardargeliyo kulamada saddex biloodlaha ah ee isku-duwidda, si loo horumariyo iskaashi wax ku ool ah iyo horumar waara, wuxuuna wasiir kuxigeenku caddeeyay go’aanka Wasaaradda ee ah xoojinta isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo hirgelinta horumar waara.

Wasiirka Isgaarsiinta oo Sucuudiga uga qaybgalay shir ku saabsan ammaanka Internet-ka

Riyaad: Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa ka qeybgalay shirka 2-aad ee golaha wasiirrada Ammaanka Internet ka ee dalalka Carabta oo ka dhacay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga. Shirkan ayaa waxaa isugu yimid wasiirrada iyo madaxda sare ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Carabta ee dhinaca amniga dijitaalka.

Intii uu shirka socday, Wasiir Maxamed Soomaali ayaa jeediyay khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayey baahida loo qabo mideynta dadaallada Carabta si wax looga qabto khataraha sii kordhaya ee cyberka. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay:

In mudnaan gaar ah la siiyo dhisidda awoodda bini’aadanka iyo xirfadaha farsamo ee casriga ah, Xoojinta kaabayaasha dijitaalka ee muhiimka u ah horumarka dalalka Carabta, Horumarinta cilmi-baarista iyo hal-abuurka, gaar ahaan garaadka macmalka ah (AI) iyo ammaanka Cyber-ka, Iyo walbiba mideynta mowqifka Carabta iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhanka amniga dijitaalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya dhawaan meel marisay in khataraha amniga qaranka lagu daro amniga Internet ka, taas oo caddeyn u ah sida dowladda uga go’an tahay dhisidda hannaan adag oo lagu difaaco amniga cyberka.

Ugu dambayn Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta & Teknolojiyadda XFS xildhibaan Maxamed Aadan Macalin ayaa xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta go’aannada Golaha, si loo dhiso mustaqbal dijitaal oo ku dhisan kaabayaal adkeysi leh iyo hal-abuurnimo iyo iskaashi horumarineed oo mideeya dalalka gobolka.

  

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Ethiopia uga qaybgalay shirweynaha maalgelinta cimilada Afrika

Addis Ababa:  Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo gabagabeeyay shirweynaha heer gobol ee maalgelinta cimilada, kaas oo ay ka qeybgaleen madax ka socotay Sanduuqa Cagaaran ee Maaliyadda Adduunka (GCF), hay’ado caalami ah, wasiirro maaliyadeed oo dalal Afrikaan ah iyo hey’ado dowladeed oo kala duwan.

Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada Soomaaliya (NCF), Mudane Liban Aadan Obsiye, oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in kaliya isku-duwid, hoggaan iyo lahaansho qaran ay xaqiijin karaan guusha maalgelinta cimilada, isaga oo hadalkaan ka jeediyay kulan gaar ah oo ku saabsanaa madasha Cimilada Cagaaran (GCF Platforms).

Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Liban Obsiye ayaa sharaxay nidaamka cusub ee Maalgelinta Cimilada Soomaaliya oo lagu aasaasay Wareegto Madaxweyne sanadkii hore, islamarkaana uu hoggaamiyo Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada (NCF) oo hoos taga Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso helitaanka hay’ad qaran oo la aqoonsan yahay si loo isticmaalo nidaamyada qaranka, loo xoojiyo hay’adaha iyo in lagu yareeyo kharashaadka hirgelinta. Waxa kale oo uu xusay muhiimadda dhismaha iyo xoojinta awoodda hay’adaha qaranka iyadoo si istiraatiiji ah loo adeegsanayo maalgelinta Cimilada Maaliyadda.

“xaaladdaheena nugul, doollar kasta oo maalgelin ah waa in uu ka dhasho saameyn wax ku ool ah oo dhisa adkaysiga dadka ugu nugul. Lahaanshaha, hoggaanka iyo isku-duwidda qaranku waa lama huraan si taas loo gaaro,” ayuu yiri Agaasimaha Sanduuqa Cimilada, Mr. Obsiye.

Wuxuu intaas ku daray in helitaanka maalgelinta cimilada weli caqabad ku tahay dalal badan oo Afrikaan ah, inkasta oo qaaradda ay tahay tan ugu badan ee maalgelinta cimilada aysan ka jirjn. Sidaas darteed, ayuu sheegay, in qorsheynta miisaaniyadda, kordhinta dakhliga gudaha iyo waxtarka kharashaadka dowladda ay yihiin kuwo asaasi ah si wax looga beddelo farqiga weyn ee maalgelinta cimilada. Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in dowladuhu khasab tahay in maalgelinta cimilada lagu daro istiraatiijiyadaha dhaqaalaha guud ee qaranka iyo qaab-dhismeedka maaliyadeed, maadaama ay saamayn weyn ku leedahay kharashaadka dadweynaha ee Afrika.

Intii uu shirku socday Agaasimaha Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada, ayaa shirar muhiim ah la qaatay madax ka tirsan Sanduuqa Cagaaran ee Maaliyadda Cimillada Adduunka iyo Hey’addo kale oo Maaliyadeed oo ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda Cimilada.

Soomaaliya dhawaan ayay aasaastay Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada si wax looga qabto saamaynta isbeddelka cimilada iyo in lagu taageero wax ka qabashada arrimaha khatarta leh sida abaaraha iyo roob la’aanta soo noqnoqday ee si weyn u saameeyay bulshada reer guuraaga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed uga faa’iideyn lahayd maalgelinta cimilada ee caalamiga ah.

Wafdi ka socda Midowga Yurub oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka wasaaradda maliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo maareeyaha Dekadda Muqdisho mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa Dekadda magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wafdi balaaran oo ay hogaaminayeen Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya Mrs. Francesca Di Mauro iyo Mr. Sander Van Kooten oo ah Sarkaal sare oo ka socda Banggiga maalgashiga Yurub u qaabilsan dhinaca deymaha ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Ugu horeyn wafdiga sare ee ka socda Midowga Yurub ayaa DFS, ugu hambalyeeyay in Dekadda Muqdisho ay kaalinta Koowaad ka gashay Dekadda ugu wanaagsan Bariga Afrika, Sidoo kale ay kaalinta Afaraad ka gashay Dekadda ugu horumaraan qaarada Africa.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), iyo Maareeye ku-xigeenada ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Dekadda, iyaga oo uga warbixiyay wafdiga Midowga Yurub howlaha baaxada leh ee sida maalin laha ah uga socda Dekadda.